holmiso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmiso
f.g3 (-istay, -isatay) Wax holan ku dubasho. la-mid: holanso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmis
m.l la-mid: holmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmisad
m.l la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holis
(Holis-ta)
Holid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holis
m.l la-mid: holid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holis
vl. n. act of trying (something out)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holis
de: act of trying (s.t. out)
lx: holis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: holis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax holan gelin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hollis
-ka: (n) the act of testing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmin
m.f.dh eeg holmi. la-mid: holmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holanso
f.g3 (-saday, -satay) la-mid: holmiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmisasho
m.f.dh eeg holmiso. la-mid: holansad, holansasho, holmisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayoomiso
m.dh la-mid: hayaamiso (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilliso
f.g3 (-stay, -satay) Mindi, masaar, toorray iyo wixi lamida daab ka baxsasho. la-mid: dhiliqso, dhilqiso, dhilqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqiso
dhilqiso¹: m.dh la-mid: dhillis.
dhilqiso²: f.g3 (-saday, -satay) la-mid: dhilliso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcasho
-da: (magac, dhedig, keli) holac yeelasho; ololid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hollasho
(Hollasha-da)
Wax la damcay in la waxeeyo oo haddana durba laga joogsadey ama dib looga noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollasho
m.f.dh eeg hollo. la-mid: hollad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kedis ah wax iskugu dayid oo haddana ka maagid; wax la damcay in la waxeeyo oo haddana laga joogsado ama dib looga noqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollista
(magic, dhedig, keli) eeg hollin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax hore u qadimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormarso
f.g3 (-saday, -satay) Wax hore u qadimasho. m.f.dh, hormarsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormarso
v. take in advance ~ early something to which one is entitled (e.g. money)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hormarso
-hormarsaday / hormarsatay: (v) get or take something in advance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormarso
(fal) horay u dhigo; horay u marso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormarso
de: take in advance ~ early s.t. to which one is entitled (e.g. money)
lx: hormarso
pd: (hormarsaday)
ps: v3a=tr
key: hormarso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Mindi iyo wixi lamida lisin ku afayn. 2. Xoolo maalid. m.f.dh, lisasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liso
v. milk for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liso
(fal) xoolo caano ka maal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liso
de: milk for oneself
lx: liso
pd: (listay)
ps: v3b=
key: liso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
òlio
s.m. - saliid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
colis
colis, n.m. - Alaab la isku xirxiray ama la isku cabbeeyey; Baqshad alaab ah.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cólmo
agg. - buuxa, sarreeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halis
(Halis-ta)
1. Si kolkaas la yahay ama sah kolkaas la joogo, oo keenaya wax laga cabsado; khatar; cabsi.
2. Meel si fudud wax u gaari karaan ama wax loo yeeli karo.
3. Goldaloolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halis
m.dh 1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halis
m.dh 1. Xaalad waxyeello weyn keenta. 2. H. ah: khatar ah (meel).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halis
f. n. danger, extreme danger, high risk; vulnerability
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halis
-ta: (n) 1. danger (dheenjar); risk (risk)-, hazard (haazardh); peril (peer el) ~ khatar. 2. (adj) unsafe (anseeyf); risky (riski); hazardous /hazardhas); perilous (peeralas) ~ khatar ah
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Halis
Pericolo; rischio
Danger; risk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo nolosha dhibaato iyo haluko gelin kara; wixii khatar ah oo dhan. Dh: khatar, qatar.
halis -ta: (magac, dhedig, keli) meel si fudud ay wax u gaadhi karaan ama wax loo yeeli karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halis
de: danger, extreme danger, high risk; vulnerability
lx: halis
pd: (-ta)
ps: n1-f, n2a-f
key: halis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamso
m.dh la-mid: hamsa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamsa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la waayey ama hore u lumay la kulmid, arkid, keenid; helis; helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof hodon ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodmi
v. make someone rich ~ wealthy, enrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmi
(fal) xoolo badan u yeel; taajir ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodmi
de: make s.o. rich ~ wealthy, enrich
lx: hodmi
pd: (hodmiyey)
ps: v2a=tr
key: hodmi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hoist
/hooyst/ (v) 1. dallicid, kor u-qaadid. (n) 2. dallace (wiish).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hoist
v.tr., (raise up on high) dhoofi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojis
(Hojis-ka)
Hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojis
m.l la-mid: hojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab holac ka keenid. 2. Wax gubid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holci
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dab holac ka keenid. 2. Wax gubid. m.f.dh, holcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holci
v. set on fire, ignite; scorch, singe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
holci
-yey / say: (v) burn with a bright flame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holci
(fal) wax ololi; shid; belbeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holci
de: set on fire, ignite; scorch, singe
lx: holci
pd: (holciyey)
ps: v2a=tr
key: holci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holid
(Holid-da)
Isku deyid; tijaabin; sharribid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holid
m.f.dh eeg hol. la-mid: holis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holid
-da: (magac, dhedig, keli) isku deyid; tijaabin; sharribid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tijaabin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
holli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax tijaabin. m.f.dh, hollin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holli
v. try, attempt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
holli
-yey / say: (v)) 1. test in order to determine strength or the effect. 2. try to challenge ~tijaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holli
(fal) isku day oo tijaabi, dhoox
holli: (fal) xoolo, aguuji oo bulli; xoolo, si duuban u kaxee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holli
de: try, attempt
lx: holli
pd: (holliyey)
ps: v2a=tr
key: holli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollo
f.mg3 (-laday, -latay) U h.: wax samayntooda damcid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hollo
v. intend ~ try to do something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollo
(fal) (u ~) u foorarso wax ku hoos yaalla qaadistiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hollo
de: intend ~ try to do s.t.
lx: hollo
nt: hollad (ka) [vn-m], hollasho (/da) [vn-f]
pd: (holladay)
ps: v3a=
key: hollo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoomo
(Hooma-da)
Haadun; haawey; maato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoomo
m.dh.u 1. Xoolo intooda tabarta daran ee aan sabadka dhaafin. 2. Dad cayr ah oo aan tabar lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoomo
f. n., [collective] dependents (e.g., poor people; children)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoomo
-da: (magacwadareed) dad maati ah oon waxba qabsan karayn. Dh: makas, haawey, maato.
hoomo -ha: (magac, lab, keli) xoolaha inta itaalka daran een jilaalka guuri karin. Dh: ruqe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoomo
cf: haawey, maato, marras
de: dependents (e.g., poor people; children)
lx: hoomo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: hoomo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooso
(Hoosa-da)
1. Dhis yar oo la harsado ama hawlo kale lagu qabsado.
2. (*) Dhis hawlo waaweyn oo tolka iyo qaranka waxtar u leh lagu qabto dad badanina ka xoojiyo (bir tumid, baabuurro soo saarid, ...); masnac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooso
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Dhis yar oo la harsado. 2. Meel dhisan oo hawl lagu qabto; garaash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooso
f. n. workshop; factory
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooso
-hoosada: (n) workshop (weerkshoop); garage (garaash) ~ masnac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooso
-da: (magac, dhedig, keli) dhis hawlo waaweyn oo farsamo oo bulshada waxtar u leh lagu qabto, sida: birotumidda iyo samaynta baabuurta. Dh: balbalo, hadhgalo, masnac.
hooso -da: (magac, dhedig, keli) dhis yar oo la hadhsado ama hawlo kale lagu qabsado. hoostegid -da: (magac, dhedig, keli) wax meel saarnaa oo inta ay kor kasoo dhacaan hoosta taga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooso
de: workshop; factory
lx: hooso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hooso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horis
(Horis-ta)
Horid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horis
m.dh la-mid: horayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horis
vl. n. act of organizing animals in groups for watering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo loo shubaayey hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horis
de: act of organizing animals in groups for watering
lx: horis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hormo
(Horma-da)
Xayn; koox; jab: qaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormo
m.dh 1. la-mid: Horin; ormo. 2. la-mid: horayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hormo
m.dh 1. Horin; ormo. 2. horayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hormo
heat
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hormo
f. n. select group; section; faction; subset {mathematics}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hormo
-hormada: (n) group (guruiip); squad (iskwaadh) ~ koox, horin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hormo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, qayb mar gudha darka biyaha loo sii daayo. Dh: koox, qayb, xayn, horin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hormo
a: horin
de: select group; section; faction; subset {mathematics} Orig: first group of camels extracted from the herd to be watered
lx: hormo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: koox, xayn; qaar
key: hormo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulis
-ta: (magac, dhedig, keli) god qodis oo dheerayn. Dh: hulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kolmo
m.l (naxwe) Astaan qoraal (“ “) oo sida badan loo adeegsado iyadoo labo labo ah oo hor iyo gadaal laga mariyo hadal, weer, erey, si loo muujiyo hadalka tooska ah, yacni sida qof afkiisa uga soo baxay (Tusaale: Cali wuxuu yiri, “Berri baan imanayaa.”)