ereyga

holac-kiishyaro

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

holac-kiishyaro

DHAN

m.l (-cyo ..., m.dh) (daawo) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

holackiishyaro

DHAFAN

m.l (-cyo ..., m.dh) (daaw.) Halaamacoodka kiish yar oo ka sameysma hunguriga iyo xiidmaha. Marka ay xiidmaha ka sameysmanto waxay keentaa; xanuun uurkujirtada hoose, shuban ama calool joogsi.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

holac-kaadihays

DHAFANDHAAF

m.l (-cyo .., m.dh) (daawo) Halaamacoodka kaadihaysta, inta badan waxa keena baktiiriyada “escherichia coli”. Astaamo: kaadirabid badan, kaadi gubid iyo wixi lamida.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

holac-kaadimareen

DHAFANDHAAF

m.l (-cyo .., m.dh) (daawo) Halaamacoodka kaadi mareenka cadkiisa hore, waxaana sida badan keena jabti (specific urethritis), ama infekshin ka yimaada cudurrada galmada (nonspecific urethritis).

waa la naqliyay ✓