hogoggolin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogoggolin
(Hogoggolin-ta)
Qaabkii danbe oo la rabey xaggiisa u soo dhoweyn, u soo qalloocin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogoggolin
m.f.dh eeg hogoggoli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogoggoli
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax isku laabid. 2. Arrin go'aan ka gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogoggoli
v. bend (around)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogoggoli
(fal) qaabkii la rabay u soo dhowee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogoggoli
de: bend (around)
lx: hogoggoli
pd: (hogoggoliyey)
ps: v2a=
key: hogoggoli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogoggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax horay u qalloocday dib u toosin. Dh: hogaggelin, toosin, gaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nogoggolis
-ka: (magac, lab,keli) meel halis ah oo haddii ay wax gaadhaan degdeg loo dhiman karo. Dh: halbawle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggomin
m.f.dh eeg goggomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogagelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo la hayay, daal kasta ha lala soo maree, halkii lala rabay gaadhsiin.
hogagelin -ta: (magac, dhedig, keli) waanin oo dhinacyo badan wax ka tusid. Dh: waxsheegid, waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgelin
m.f.dh eeg hoosgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xogogaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) si wax lo ogaado wax u baadhid oo maclumaad heliddood u socosocsho. Xogogaalin ayuu wefdigu u yimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggomi
f.g2 (-iyay, -isay) Hoore yar weel ka shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goggomi
v. pour out (the remaining liquid from a container)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goggomi
(fal) hoore yar weel ka shub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goggomi
de: pour out (the remaining liquid from a container)
lx: goggomi
pd: (goggomiyey)
ps: v2a=tr
key: goggomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boqoolin
m.dh la-mid: baqoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boqoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaxayn oo hayaamin. Dh: boqoolis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gongomin
m.f.dh eeg gongomi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgoyn
m.f.dh eeg googgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorgorin
(Gorgorin-ta)
Wax iib u yaal, qiimahooda cid weyddiin; baayicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gorgorin
m.f.dh eeg gorgori. la-mid: gorgoris, gorgoro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gorgorin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la iibinaayo qimohooda cid ka baayacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoojin
m.f.dh eeg hagooji. la-mid: hagoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogagoyn
m.f.dh eeg hogagoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgeli
f.g2 (-iyay, -isay) Neef riyo ah oo la lisayo madaxiisa bowdyaha dhexdooda gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magoolin
m.dh la-mid: magoolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magoolin
-ta: (magac, dhedig, keli) fiilin oo baar cusub ka soo bixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soogelin
vl. n., [compound] importing, bringing in
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soogelin
cf: maalsoodejin
de: importing, bringing in
initial: s
lx: soogelin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: soogelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boongelin
m.f.dh eeg boongeli. la-mid: boongelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
googgo'an
f.mg4 (-'naa, -'nayd) Wax cad cad u kala qeybsamay ahaansho. m.f.dh, googgo'naan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
googgo'an
(tilmaame) wax la jarjaray oo la yaryareeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Googgo'id
(Googgo'id-da)
1. Wax is haystey oo cadad badan u kala harharay; jeexjeexmid; dildillaacid.
2. Diindiimid; madmadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
googgo'id
m.f.dh eeg googgo'².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoggaamin
(Hoggaamin-ta)
Hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaamin
m.f.dh eeg hoggaami. la-mid: hoggaamis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaamin
vl. n. leading, guiding; leadership
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaamin
-ta: (n) the act of leading, guiding, or conducting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaanka qabasho oo horkicid; hogaanka u qabad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoggaamin
de: leading, guiding; leadership
lx: hoggaamin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hoggaamin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hololobin
-ta: (magac, dhedig, keli) hollin oo degdeg hawl u qabasho. Dh: dadjin. Li: daahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaamin
m.f.dh eeg hoogaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosgelid
m.f.dh eeg hoosgal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhogorgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) doogashada ay xooluhu wacdiga ka soo doogtaan ee ay dhogorta beddelayaan. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Golongolid
(Golongolid-da)
Dhib iyo hawl badan oo la galay, la qooxmid, la godasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolid
m.f.dh eeg golongol². la-mid: golongol¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golongolid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u gaajood oo la dhuubasho; dhib iyo hawl la dhuubasho. Golongolidda waxaa iigu wacan gaadhka aan ahay e. Dh: sarseermid, saranseermid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hemoglobin
Hiimoglobiin
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hemoglobin
(n) a protein found in red blood cells that carries oxygen.
barootiin dhiigga unugyada cas cas laga helo qaatana oksajiinta
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hemoglobin
/himaglowbin/ (n) unugyada cas ee dhiigga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaggelin
(Xagaggelin-ta)
Labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaggelin
m.f.dh eeg xagaggeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) legden uu qof qudhihi laba nin uu la wada qabto oo ay midba dhinac ka galaan. Dh: xagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golongolsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax golongol hayo ahaansho (nafley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiggelin
m.dh Maalggelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantiggelin
m.dh Maalggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiggelin
vl. n. investment (financial)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiggelin
de: investment (financial)
lx: hantiggelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
syn: maalgelin
key: hantiggelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan ama wax kale diyaari.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hémoglobine
hémoglobine, n.f. - hemogloobin; dhibco yaryar oo dhiiga ku jira oo ukala qaada unugyada oksijiinka iyo neefta karboonka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tooggoqumin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» u toogga'qumis, u muraad qumin. Dh: tooggaqumis.