hogaysasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) gorof hogayn oo dab ku gembiyid.
hogaysasho -da: (magac, dhedig, keli) hilib ama cunno kale hog ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeysasho
(Hogeysasha-da)
Hilib ama cunno kale, hog ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeysasho
m.f.dh eeg hogeyso. la-mid: hogey-sad, hogeysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugaysasho
m.f.dh eeg dhugayso. la-mid: dhugaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax jira aqoon ka biirsasho oo xoghoosaad ka raadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoggaan ku wadasho. Dh: hogaansad, hogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
toogaysasho
m.f.dh eeg toogayso. la-mid: toogaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho; itaal yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haysasho
(Haysasha-da)
Wax lihi ah ama aan ahayn, qof u joogid, gacan ugu jirid; lahaansho; qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysasho
m.f.dh eeg hayso. la-mid: haysad, haysi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haysasho
-haysashada: (n) possession (pozashen). Ex: waxaa lagu xiray haysasho hanti la soo xaday; he was arrested for possession of stolen property
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hanti iyo wixii la mid ah, gacanta ku jirid, lahaansho. Dh: qabid, mulkiyid, haysad, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsasho
m.f.dh eeg hagabso. la-mid: hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) arag la'aan socosho. Dh: handalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holansasho
m.dh la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolaysasho
m.f.dh eeg qolayso. la-mid: qolaysad, qolaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaysasho
m.f.dh eeg rigayso. la-mid: rigaysad, rigaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigaysasho
m.f.dh eeg tigayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysasho
(Xagaysasha-da)
(xoolo irmaan) xag ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysasho
m.f.dh eeg xagayso. la-mid: xagaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhan keliya ka maalid. Hasha xagaysashada ka daa oo dhan walba ka lis. Dh: xaglisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysad
-ka: (magac, lab, keli) hilib ama cunto kale, hog ku bislaysasho; hog ku dubasho. Dh: hogaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoggaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansasho
m.f.dh eeg hoogaanso. la-mid: , hoogaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Booraysasho
(Booraysasha-da)
Ciid boor leh ku weesaysasho, biyo la'aan ama sabab kale darteed; goggobeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booraysasho
m.f.dh eeg boorayso. la-mid: booraysad, booraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) siigo ku tayamumid. Haddii biyo la waayo booraysashadu way bannaan tahay. Dh: boodhaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaysasho
(Dhaqaysasha-da)
Nishaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaysasho
m.f.dh eeg dhaqayso. la-mid: dhaqaysad, dhaqaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaysasho
vl. n. target practice; act of aiming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) toog la liishaamayo. Dh: dhaqaysad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaysasho
a: dhaqaysad (ka) [vn2-m]
de: target practice; act of aiming
lx: dhaqaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhaqaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhegeysasho
(Dhegeysasha-da)
1. Dheg u dhigid; maqlid.
2. Qof hadla haya oo la maqla hayo, haddana layska dhegatira hayo oo aan loo jawaaba hayn; dhegeysi; dhegeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhegeysasho
m.f.dh eeg dhegeyso. la-mid: dhegeysad, dhegeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhegeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhegta raaricin oo sidii jabaq loo maqli lahaa u dheganuglaansho. Dh: dhegeysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhogofsasho
m.f.dh eeg dhogofso. la-mid: dhogofsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoweysasho
m.f.dh eeg dhoweyso. la-mid: dhaweysad, dhaweysasho, dhaweysi, dhoweysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoweysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhoweysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ehelaysasho
-da: (magac, lab, keli) cid kale, ehel iyo qaraabo ka yeelasho. Dh: ehelaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagsasho
m.f.dh eeg hagaagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, waalid oo duufsasho.
hallaysasho -da: (magac, dhedig, keli) wax kharriban ama cilladaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysasho
m.dh la-mid: haybadeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) aroorta hore meel u kicid. Dh: hiiraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hilbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hormarsasho
m.f.dh eeg hormarso. la-mid: hormarsad, hormarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
moolaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xiirasho oo timaha oo dhan xiirid. Dh: dhukurasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooraysasho
m.f.dh eeg moorayso. la-mid: mooraysad, mooraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naagaysasho
(Naagaysasha-da)
Naag ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naagaysasho
m.f.dh eeg naagayso. la-mid: naagaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) naag la gogol galid. Dadabgal naagaysasho kama horrayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qolfaysasho
m.f.dh eeg qolfayso. la-mid: qolfaysasho, qolfaysad, qolfaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysasho
-da: (magac, dhedig. keli) eeg qoodaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shan ka dhigad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqaysasho
(Shaqaysasha-da)
Shaqo qabsasho; xoogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqaysasho
m.f.dh eeg shaqayso. la-mid: shaqaysad, shaqaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsasho; hedlasho; shaqaysi; shaqo aad leedahay qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sharaysasho
(Sharaysasha-da)
Shar ka dhigasho; baasaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharaysasho
m.f.dh eeg sharayso. la-mid: sharay-sad, sharaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shifaysasho
(Shifaysasha-da)
Shifo wax ku cunid, ku cabbid; calafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shifaysasho
m.f.dh eeg shifayso. la-mid: shifaysad, shifaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shifaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shifo ku cunid, ku cabbid; calafsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiraysasho
(Shiraysasha-da)
Neef shiro u qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraysasho
m.f.dh eeg shirayso. la-mid: shiraysad, shiraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) shidhaysad; shiraysi, neef shidho ah qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaysasho
(Shukaysasha-da)
Shuko qaadasho; shaadir huwasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaysasho
m.f.dh eeg shukayso. la-mid: shukaysad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigaysasho
vl. n. masturbation, act of masturbating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigaysasho
de: masturbation, act of masturbating
initial: s
lx: siigaysasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: siigaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofaysasho
m.f.dh eeg soofayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xadxadid, fara dheeri aad ku qaado waxaanad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoogeysasho
m.f.dh eeg xoogeyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoogeysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog yeelasho. Dh: quwaysasho, xoogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xoolaysasho
(Xoolaysasha-da)
1. Xoolo yeelasho.
2. Weel gocoy ah, ku xoolaysan ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xoolaysasho
m.f.dh eeg xoolayso. la-mid: xoolaysad, xoolaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo yeelasho. Xoolaysashada maanta ayaa noogu horraysa. Dh: taajirid, lacagaysasho, taraqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogasho
(Hogasha-da)
(xoolo, kd.) meel in door ah istubid, istaagid; taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogasho
m.f.dh eeg hogo². la-mid: hogad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogasho
vl. n. act of halting, standing still
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hogad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogasho
a: hogad (ka) [vn2-m]
de: act of halting, standing still
lx: hogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hogasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogayso
(fal) hilib ama cunto kale, hog ku bislayso.
hogayso: (fal) gorof aad leedahay qiiqa ku gembiso oo cul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyasho
(Hoyasha-da)
Meel habeen ku baryid; cid habeen marti u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyasho
m.f.dh eeg hoyo. la-mid: hoyaatimid, hoyaatin¹ (3), hoyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyasho
vl. n. act of spending the night, staying overnight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyasho
de: act of spending the night, staying overnight
lx: hoyasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hoyasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogsasho
(Bogsasha-da)
Caafimaad helid; xanuun ka bi'id; doorsasho; raysasho; ladnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsasho
m.f.dh eeg bogso. la-mid: bogsad, bogsi, bogsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsasho
vl. n. healing, getting well, recovery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogsasho
-bogsashada: (n) recovery (riko vari); the act of recovering, convalescence or healing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caafimaad iyo roonaansho helis. Bogsasho waxba ugama hadhin. Dh: ladnaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsasho
de: healing, getting well, recovery
lx: bogsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: bogsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gansasho
m.f.dh la-mid: gensasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garsasho
m.f.dh eeg garso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayrasho
-da: (magac, dhedig, keli) si aad ah u gadoodid ama u diririd. Dh: gaydhasho, dhirfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geysasho
m.f.dh eeg geyso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habsasho
(Habsasha-da)
Si culus meel ugu dhicid, tabarxumo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsasho
m.f.dh eeg habso². la-mid: habsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsasho
vl. n. act of collapsing ~ falling to pieces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tabarxumo darteed, si xun oo culus meel ugu dhicid ama ka kici waa.
habsasho -da: (magac, dhedig, keli) wax culus oo wax kale dusha kaga soo dhaca oo ku bahardaadsada ama wada qariya.