hogad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogad
(Hogad-ka)
Hogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogad
m.l la-mid: hogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, muddo dheer meel tubnaan. Dh: hogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogbad
m.l la-mid: hogbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hongad
-ka: (magac, lab, keli) qubashada dhiigga oo iska socda ama aan joogsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogad
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) hawl laguu xilsaaray, si wanaagsan u qabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogay
(fal) hilib ama cunto kale, hog ku bislee ama ku dub.
hogay: (fal) weel caano lagu liso, cul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyad
(Hoyad-ka)
Meel habeen ku bari; cid habeen marti u noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyad
m.l la-mid: hoyasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyad
m. n. place to spend the night
hoyad: v. stay the night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyad
-ka: (magac, lab, keli) dhimashada iyo xijaabadka qof. Dh: geeriyood, hoyasho.
hoyad -ka: (magac, lab, keli) meel habeen ku baryid: cid habeen marti u`noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogad
(Rogad-ka)
Rogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogad
m.l la-mid: rogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogad
vl. n. turning someone ~ something around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogad
-ka: (magac, lab, keli) wax barbarka kale u dhigasho. Dh: geddisasho, rogmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogad
a: rogasho (/da) [vn-f]
de: turning s.o. ~ s.t. around
lx: rogad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: rogad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogasho
m.f.dh eeg hogo². la-mid: hogad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hogad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogasho
a: hogad (ka) [vn2-m]
de: act of halting, standing still
lx: hogasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hogasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoogad
-ka: (magac, lab, keli) qof ama meel, rasaas iyo wax la mid ah, ku toogasho. dhoogasho -da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel, rasaas iyo wax la mid ah, ku toogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogaad
m.l U bogid; qiimayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogaad
f. n./m, [abstract] appreciation, admiration, enjoyment, pleasure
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bogaad
name-f appreciation, admiration, enjoyment, pleasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogaad
magac loo baxsho gabadh dhalashadeeda loo riyaaqay ama lagu farxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogaad
de: appreciation, admiration, enjoyment, pleasure
lx: bogaad
pd: (-da ~ -ka)
ps: n0-f/m-abs
key: bogaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogcad
m.dh.u (-dyo, m.dh) 1. Dhasha fardaha iyo idaha inta aanay weli ababin. 2. Dhul yar oo bannaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogcad
f. n., [collective] antelope species, with a white belly
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bogcad
-da: (n) antelope (an te loop) deero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogcad
-da: (magac, dhedig, keli) jago, dhul banaan oo la dhisto. Saddex bogcadood ayuu leeyahay.
bogcad -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ay wada ciyaaraan wiilal iyo hablo.
bogcad -ka: (magac, lab, keli) dhanka cad ee ay inta bog ku socotaaye dhulka saarto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogcad
de: antelope sp., with a white belly
lx: bogcad
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: bogcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsad
m.l la-mid: bogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsad
-ka: (magac, lab, keli) xanuun ku haya ka ladnaansho. Bogsad berriba maaha. Dh: ladnaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boogad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, booqasho ugu tegid. Booqad badan iyo baahi badan la isku пасаа.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigad
(Dhigad-ka)
Dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigad
m.l la-mid: dhigasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigad
vl. n. act of studying; placing ~ putting aside for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigad
-ka: (magac, lab, keli) wax barasho; qoraal barasho. Dh: dhigasho.
dhigad -ka: (magac, lab, keli) wax meel dhigasho oo ku kaydsasho. Dh: dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigad
de: act of studying; placing ~ putting aside for oneself
lx: dhigad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhigad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhugad
(Dhugad-ka)
Dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhugad
m.l la-mid: dhugasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhugad
-ka: (magac, lab, keli) fiirin oo si ka bogasho ah wax u eegid. Dh: fiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doogad
(Doogad-ka)
Doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doogad
m.l la-mid: doogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doogad
-ka: (magac, lab, keli) dhul, naq helid oo doog yeelasho. Dh: doogasho.
doogad -ka: (magac, lab, keli) nabar hore, soo kacdoomid oo dib u bukood. Dh: doogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fogaad
m.l la-mid: fogaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogaad
-ka: (magac, lab, keli) aad u dheeraasho. Dh: durugsanaan. Li: dhawaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goglad
(Goglad-ka)
Goglasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goglad
m.l la-mid: goglasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goglad
vl. n. carpeting, matting, floor covering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goglad
-ka: (magac, lab, keli) wax, gogol ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goglad
a: goglasho (/da) [vn6-f]
de: carpeting, matting, floor covering
lx: goglad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goglad
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hagard
hagard, adj. - aan niddam sanayn,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagbad
-da: (magac, dhedig, keli) lacag ay tiro dad ahi isku darsadaan oo si wareegta ah kolba qof loo siiyo. Dh: shaloongo, hafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagrad
(Hagrad-ka)
Hagrasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagrad
m.l la-mid: hagrasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagrad
-ka: (magac, lab, keli) wax samayntiisa la karayo laakiin canaagnimo loo samayn waayo. Dh: canaag, hagrasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higsad
-ka: (magac, lab, keli) wax in mar uun la gaadho ama la taabo la rajaynayo, tiigsigiisa iyo dabajooggiisa. Sida loo kala higsad dheer yahy ayaa loo kala hammad weyn yahay. Dh: taamid, rajayn, himilo, higsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunno ama hilib hog dab leh ku ridid si loogu bisleeyo. Dh: karin, moofayn, dubid.
hogayn -ta: (magac, dhedig, keli) gorof god qiiq lagu shiday ku gembiyid, si loo carfiyo wixii ilimaqabatay ah na looga dilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogays
-ka: (magac, lab, keli) hilibka ama cunnada kale ee hogga lagu dubo. Dh: duban.
hogays -ka: (magac, lab, keli) gorof iyo wixii la mid ah, culid.
hogays -ka: (magac, lab, keli) urta udgoon ee gorfaha la hogeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin oo yab-qamid. Dh: buugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogodh
-ka: (magac, lab, keli) weelka guriga intiisa la tolo. Dh: hogor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holgan
Aan qaybtii uu lahaa la wada siin ee wax lagala haray; dulman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holgan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof dulman ahaansho. 2. Qof diifi ka muuqato ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holgan
der. [adjective] passed over, left out; treated poorly ~ unfairly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holgan
(tilmaame) qof aan qaybtii uu lahaa la wada siine wax lagala hadhay. Dh: dulman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holgan
de: passed over, left out; treated poorly ~ unfairly
lx: holgan
pd: (holganaa)
ps: adj-der
key: holgan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hollad
(Hollad-ka)
Hollasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollad
m.l la-mid: hollasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollad
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) hadal ama socod u hingasho, isku dayid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
homard
homard, n.m. - iskaanbe (xayawaan badda ku nool)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongid
m.f.dh eeg honog². la-mid: hungid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongod
m.dh Garbaha oo hore yara u soo gota. la-mid: hungod.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hongod
m.dh Garbaha oo hore yara u soo gota. la-mid: hungod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hongod
f. n. hunchback, person with curvature of the spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hongod
-da: (magac, dhedig, keli) qof qaarka sare u soo yara godan. Dh: golxo. Li: tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hongod
de: hunchback, person with curvature of the spine
lx: hongod
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hongod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobad
(Hoobad-ka)
Meel laga degto oo dululub ah; hoos u degad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobad
m.l (-dyo, m.dh) 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. la-mid: hoobasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoobad
m.l (-dyo, m.dh) 1. (-dyo, m.dh) Meel degaandeg ah. 2. la-mid: hoobasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoobad
vl. n. sliding, going down ~ descending; act of dying, death
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoobad
-ka: (n) an inclined surface: slope (isloop); slant (islaant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobad
-ka: (magac, keli) meel sare ka soo dhicid. Dh: hoobasho.
hoobad -ka: (magac, lab, keli) meel dhaadhac ah, hoos uga daadegid. Dh: hoobasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoobad
a: hoobasho (/da) [vn-f]
de: sliding, going down ~ descending; [fig.] act of dying, death
lx: hoobad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: hoobad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogay
hoogay!: (ereydhawaaq) lagu dhawaaqo kolka uu qofku dareemo hungoobid iyo dhiillo. Dh: ba'ay! jabay! tolla'ay!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoogid
(Hoogid-da)
Hoog ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogid
m.f.dh eeg hoog².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato la kulmid, ba' iyo ba'yaale ku dhicid. Dh: ba'id, ba'ayaalid. Li: badhaadhid.
hoogid -da: (magac, dhedig, keli) hoog ku dhicid; dhibaato la kulmid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hoosad
Officina
Workshop
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooyad
vl. n. homecoming, going home
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooyad
a: hooyasho (/da) [vn6-f]
de: homecoming, going home
lx: hooyad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hooyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horaad
(Horaad-ka)
1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xuddunta xiga midkood (kuwa danbe midkiiba waa danbeed).
2. Tiro badan ugu horreeya ama u hor dhacay; kowaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horaad
horaad¹: m.l (-ddo, m.dh) 1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka.
horaad²: m.l (xisaab) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
horaad³: m.dh (-yo, m.l) Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. la-mid: kalsaar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horaad
horaad¹: m.l (-ddo, m.dh) 1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka.
horaad²: m.l (xisaab) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Horaad
Domain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horaad
numeral: first
horaad m. n. front teats of a milk-animal
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Horaad
name-f first born daughter; clever, articulate, bright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horaad
(fal) ka maal; ka lis. Horaadoo nirigteennii, haaneedoo ha guhaadin.
horaad -ka: (magac, lab, keli) naasaha xoolaha labada hore ee xiga dhanka xundhurta midkood. Li: dambeed, Wa: horaaddo.
horaad -ka: (magac, lab, keli) xisaabta marka loo qoro (x,y) tirada raacda doorsamaha (x) ayaa horaad ah. Hel horaadka isle'egta hoos ku qoran. Li: dambeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horgal
m.l (-llo, m.dh) Meher-kaweyne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horgal
m.l (-llo, m.dh) Meher-kaweyne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horgal
(fal) qorrax meel hoos ah ka gal.