hogaansad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansad
-ka: (magac, lab, keli) soo foorarsasho ama qooraansi. Dh: hoogaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, meel u kaxaysad. Dh: kaxaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoogaansad
m.l la-mid: hoogaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogaansad
-ka: (magac, lab, keli) qooraansi; soo foorarsi.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hogaansan
to be in lead
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaansan
hoggaansan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax arrin, xeer iyo wixi lamida oggol noqosho (qof).
hoggaansan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax xeer, arrin iyo wixi lamida oggol ahaansho (qof). 2. Wax hoggaan lagu wado ahaansho (awr).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoggaansan
hoggaansan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax arrin, xeer iyo wixi lamida oggol noqosho (qof). m.f.dh, hoggaansamid.
hoggaansan²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax xeer, arrin iyo wixi lamida oggol ahaansho (qof). 2. Wax hoggaan lagu wado ahaansho (awr). m.f.dh, hoggaansanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoggaansan
v. allow oneself to be guided (camel); be subdued, submissive; submit, obey, follow the guide ~ direction
hoggaansan [derived] [adjective] letting oneself be guided (camel); submissive, obedient
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoggaansan
-aa: (adj) 1. obedient (ob bii diyent); compliant (kom palaayent); docile (dhoosel), submissive (sabmissiv) ~ addeecid, okoban. 2. leashed or restrained with a leash or rope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansan
(fal) mid hoggaankii qaayibay, noqo.
hoggaansan: (tilmaame) mid hoggaankii qaayibay, hoggaan lagu wado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hoogaansad. hogaanso: (fal) wax kuu gaara hoggaanka qabo oo hor kac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaysad
-ka: (magac, lab, keli) hilib ama cunto kale, hog ku bislaysasho; hog ku dubasho. Dh: hogaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holansad
m.l la-mid: holmisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
go'aansad
m.l la-mid: go'aansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
go'aansad
-ka: (magac, lab, keli) go'aan qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hamaansad
(Hamaansad-ka)
Hamaansasho; hamaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaansad
m.l la-mid: Hamaansasho; hamaa-nid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaansad
-ka: (magac, lab, keli) afka kala waaxis iska timaadda oo neef badan afka laga keeno, kolka la iska dareemo daal ama hurdo ama wax la mid ah. Dh: hamaansi, hamaansasho, hamaahsad, hamaahsi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hamaansad
تُؤَبَاء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaansamid
m.f.dh eeg hoggaansan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoggaansan noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansanaw
(fal) in lagu hoggaamiyo ogolow, maamulkaaga adeec. Li: amardiid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoggaan ku wadasho. Dh: hogaansad, hogaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansani
-da: (magac, dhedig, keli) hoggaan qaayibidda lafteeda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansad
-ka: (magac, lab, keli) is sheegasho guud oo aan waxba la isku qaban; dad aanay qaraabo idinka dhaxayn ama kaa fog, tiigsasho. Hadii laba lugood oo hanti ah hibo laguu siiyey, middii kaa hadhaba tii kalaa ku hangaleysaaye, hiiraansi mooye tolnimo haatan la illowye. Dh: habsi, tiigsi, higsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoggaanshe
m.l la-mid: hoggaamiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaanshe
-ha: (magac, lab, keli) qofka hoggaanka wax u haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qooraansad
(Qooraansad-ka)
Qooraansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooraansad
m.l la-mid: qooraansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qooraansad
-ka: (magac, lab, keli) eeg qooraansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shukaansad
(Shukaansad-ka)
Shukaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukaansad
m.l la-mid: shukaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shukaansad
-ka: (magac, lab, keli) qof dumar ah, hadalo xodxodasho ah, kula hadlid. Dh: koodiin, xodxodasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodaansad
-ka: (magac, lab, keli) xoodaan la dhicid oo macaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hansad
m.dh (-do, m.dh) Dhul gariir iyo dabayl xooggan oo ka dhasha meel qarax weyn iyo wixi lamida ku dhacay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansad
-ka: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan. Saddex lagama kaco, hansad gabadheed habaar waalid iyo hadimo xoolaad. Dh: hasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baansad
m.l la-mid: baansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baansad
-ka: (magac, lab, keli) qof buka, dhakhtar, wadaad ama cid kale oo wax dawaysa u geysasho. Dh: baanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaabsad
(Gaabsad-ka)
Gaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaabsad
m.l la-mid: gaabsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaabsad
vl. n. act of shortening; lowering one's voice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gaabsad
-ka: (n) 1. the act of having love affair or adultery. 2. the act of making something short
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabsad
-ka: (magac, lab, keli) dherer gaaban u yeelad. Dh: gaabsi, gaabsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaabsad
a: gaabsasho (/da) [vn6-f]
de: act of shortening; lowering one's voice
lx: gaabsad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gaabsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsad
m.l la-mid: gaaxsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadsad
-ka: (magac, lab, keli) qaab dumarku isku diriraan oo loo yaqaan boodis. Dh: haadsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaasay
(fal) ka dhig ugaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansad
(Dhaansad-ka)
Dhaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaansad
m.l la-mid: dhaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaansad
vl. n. fetching of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaansad
-ka: (magac, lab, keli) buuxsad oo daf ka siisasho. Dh: dhaansi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaansad
a: dhaansasho (/da) [vn6-f], dhaansi (ga) [vn2-m]
de: fetching of water
lx: dhaansad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dhaansad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaasid
(Hagaasid-da)
Yaraantii, korriimo wanaagsan waayid: hagaas noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaasid
m.f.dh eeg hagaas². la-mid: hagaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaasid
-da: (magac, dhedig, keli) hagaas noqosho; korriimo wanaagsan waayid. Dh: hagaasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsad
m.l la-mid: hagabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsad
-ka: (magac, lab, keli) socosho, iyadoon si wanaagsan wax loo arkayn. Dh: hagabsasho, handallafsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanad
-da: (magac, dhedig, keli) dirir afka ah oo canaan iyo guulguulid ah. Dh: dirir, hanjabaad, guhaad, cagajuglayn.
hayaanad -da: (magac, dhedig, keli) cid kuu baahatay, si xun ula dhaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagad
m.l la-mid: higaagasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodaarad
-da: (magac, dhedig, keli) jabbaarad, haybad iyo cabqariyad uu qof dad ku hoggaamiyo. Nin hodaarad leh ayaa dad hoggaamin kara. Dh: hodaadhad, karti, haybad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeysad
(Hogeysad-ka)
Hogeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogeysad
m.l la-mid: hogeysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogeysad
-ka: (magac, lab, keli) cugashada weelka caanaha. Hogeysadka gorofka god ayaa loo qodaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holansan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax holan lagu dubay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansad
-ka: (magac, lab, keli) cid wax weydiisasho. Magansad baan kuugu imide ha i hongoobin. Dh: tuugid, baryootan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ogaansho
(Ogaansha-ha)
Ka war qabid; ogaal; garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ogaansho
m.l/dh eeg ogow. la-mid: ogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ogaansho
vl. n., [abstract] knowledge, awareness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ogaansho
-ogaanshaha: (n) awareness (aweernes); understanding (andharstaandhing); knowing (noo'wing); comprehension (kom pra hen shin) ~ ogaal-ka, ogaan-ta, garasho, fahan
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ogaansho
Coscienziosamente
Conscientiously
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ogaansho
-ha: (magac, lab, keli) kawarqabid, xog'ogaal ahaan. Arrinkani ogaansho dheeraad ah ayuu u baahan yahay. Dh: garasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ogaansho
a: ogaan
de: knowledge, awareness
lx: ogaansho
pd: (/ha)
ps: vn-m-abs
key: ogaansho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ogaansho
مَعْرِفَة، إِنْتِباه
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsad
m.l la-mid: ugaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsad
-ka: (magac, lab, keli) dabashada ugaadha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaansad
m.l la-mid: cawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaansad
-ka: (magac, lab, keli) kaalmo iyo taageero ka doonid; xoog iyo ciidan bidid. Dh: cawaansasho, cawaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaansad
m.l la-mid: dawaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fogaansho
(Fogaansha-ha)
Fog ahaansho; durugsanaansho; dhowaan la'aansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fogaansho
m.l/dh eeg fogow. la-mid: Fogaan; fogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fogaansho
vl. n., stative v. state of being far, distance, remoteness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fogaansho
-ha: (magac, lab, keli) meel durugsan oo aan dhoweyn ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fogaansho
de: state of being far, distance, remoteness
lx: fogaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: fogaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goggonsad
m.l la-mid: goggonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaagsan
Sidii la rabey ah ama noqday; toosan; qumman; wanaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax wanaagsan ama toosan ahaansho. 2. Ku h.: Wax, wax ku habboon ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagaagsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax wanaagsan ama toosan ahaansho. 2. Ku h.: wax, wax ku habboon ahaansho. m.f.dh, hagaagsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagaagsan
der. [adjective] right; straight, in order
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hagaagsan
droit.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagaagsan
(adv) 1. in a good or proper manner: well (weel). 2. (adj) neat (niit) ~ nidaamsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaagsan
(tilmaame) wax sidii la rabey ah ama noqday. Dh: wanaagsan, qumman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagaagsan
de: right; straight, in order
lx: hagaagsan
pd: (hagaagsanaa)
ps: adj-der
key: hagaagsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hakaabsad
m.l la-mid: hakaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaarsad
-ka: (magac, lab, keli) barraaqsadka iyo fadhi aan habaysnayn oo kala baahsan fadhiisi; hawaarsi u fadhiisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaansan
(tilmaame) cid kaynaansan ama hayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogatusid
m.f.dh eeg hogatus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaansi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hoggaansad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoggaanso
(fal) cid kale, hoggaan ku xidho oo kaxayso. Dh: kaxayso, wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoogaansi
(Hoogaansi-ga)
Soo foorarsi; qooraansi.