hog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hog
(Hog-ta)
1. Meel hoosaysa; god; booraan; hataq.
2. Dhis ama god si gaar ah loo sameeyey oo inta dab lagu shido, hilibka iyo cunnada jaadadkeed lagu bisleeyo; furun; tinaar; muufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hog
m.l/dh (-gag/-go, m.l) 1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hog
m. n. cave, hole in the ground; earth-oven
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hog
/hoog/ (n) 1. doofaar, siiba khaansiir, shilis ah. (infl) (v) 2. wada-qaadasho, sida cunto iwm oo qof wada cuno.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hog
-ga: (n) hole (hool); cavity (kaavati); cave (keeyv); burrow (baroow) ~ god
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hog
-ga: (magac, lab, keli) maansada qaybeheeda mid ka mid ah oo dhismo ahaan iyo luuq ahaanba isu raacda.
hog-ga: (magac, lab, keli) meel hoos u qodan. Dh: booraan, hataq, god. Wa: hogag, show.
hog-ga: (magac, lab, keli) dalool buur, gidaar iyo wixii la mid ah lagu sameeyay. Dh: god.
hog-ga: (magac, lab, keli) dhis ama god si gaar ah loo sameeyey oo inta dab lagu shido, hilibka iyo wixii la mid ah. Dh: foorno, tinaar, muufo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hog
cf: bohol, haadaan, hataq
de: cave, hole in the ground; earth-oven
lx: hog
pd: (-ka ~ -ta Pl: hogag (ka))
ps: n4-m, n1-f
key: hog
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hog
n., doofaar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addeecid
(Addeecid-da)
Wax la is faray yeelid, u hoggaansamid, okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boholaddumin
(Boholaddumin-ta)
(qof) meel walba cabsi ka tusid si uu wixii uu samayn lahaa uga baqo oo isaga daayo; boholatusid; hogatusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bushintuur
(Bushintuur-ka)
Geela la hoggaaminayo oo bushintana laga xiro si uu u dheereeyo (sida sandulleynta dibida); faruurxir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacay
1. (Dacay-da) (xoolo) bushinta hoose; faruurta hoose.
2. (Dacay-ga) Xarig hoggaanka ka yar oo xoolaha, inta afka qalkiisa hoose lagaga xiro, lagu wado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheryadhulayn
(Dheryadhulayn-ta)
Si gaar ah oo hilibka loo hogeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Furun
(Furun-ka)
Weel ama meel dhisan oo inta gudaha laga kululeeyo, cunnada lagu dubo ama lagu hogeeyo ama wax kale lagu engejiyo; hog; muufo; (ama furin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
God
(God-ka)
1. Meel godan ama la godey.
2. Dalool dhulka ama meel kale laga sameeyey, ama ku yaal, siiba kan dadka iyo nafleyda kale qaarkeed qodaan ama qotaan; ~ hog; booraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godadow
(Godadow-ga)
Cayaar hogo iyo quruurux lagu cayaaro; leylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hataq
(Hataq-a)
Bohol yar; waraar; hog: haadaan; jar; booraan; gebi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogad
(Hogad-ka)
Hogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogasho
(Hogasha-da)
(xoolo, kd.) meel in door ah istubid, istaagid; taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeyn
(Hogeyn-ta)
Hilib ama cunno kale, hog ku dubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeys
(Hogeys-ka)
Hilibka iyo cunnada kale oo hogta lagu dubey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeysad
(Hogeysad-ka)
Hogeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeysasho
(Hogeysasha-da)
Hilib ama cunno kale, hog ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogeysi
(Hogeysi-ga)
Hogeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogfo
(Hogfa-ha)
(magac kooxeed; keli: hogof) iin cagaha gasha; labadooda madax baa toostoosnaanta iyo sinsinnaantu ka ba'daa oo inta mid waliba xagga gudaha u soo qalloocato, isku soo jeesta; qallaafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoggaamin
(Hoggaamin-ta)
Hoggaan ku qabasho, ku wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogo
(Hoga-da)
Xilli kulul; kaliil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogo
hogo¹: m.dh (-ooyin, m.l) Roobka ugu horreeya ee xilliga guga ama dayrta kulaylka ka dhasha.
hogo²: f.g3 (-gtay, -gatay) Nafley meel is tubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogo
v. halt, stand still
hogo [feminine] n. hot season
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogo
(fal) xoolo iyo wixii la mid ah, muddo door ah, meel istub ama taagnaw.
hogo-da: (magac, dhedig, keli) xilli kulul oo kaliil ah. waxa lagu jiraa hogo kaliileed. Dh: kaliil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoog
(Hoog-ga)
Ba'; baas; belo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoog
hoog¹: m.l Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
hoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoog
hoog¹: m.l Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
hoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid. m.f.dh, hoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoog
m. n. misfortune, disaster
hoog v. suffer misfortune ~ disaster
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoog
-ga: (n) woe (wow); misfortune (mis foor jin); calamity (kalaamiti) ~ balo, balaayo, —hoogay; woe betide (wow bitaaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoog
(fal) ba' oo dhibaatoo; jab oo hoog.
hoog-ga: (magac, lab, keli) dhibaato iyo mashaakil badan. Dh: ba', baas, ba'yaale, jab. Li: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hoog
ويلة، مُصيبة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Og
Ka war haya; ka war qaba; yaqaan; ogsoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
og
f.g4 (-gaa, -gayd) Dhacdo, arrin iyo wixi lamida ka warhayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
og
f.g4 (-gaa, -gayd) Dhacdo, arrin iyo wixi lamida ka warhayn. m.f.dh, ogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
og
[adjective] aware, knowing, informed, in the know, having knowledge of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
og
-aa: (adj.) knowing (noo'wing); conscious (koon'shas); aware (a weer); deliberate (dilibereeyt). Ex: aniga oo og baan sameeyey; I did it by knownig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
og
(tilmaame) ka war qaba, ka war haya. Waxa soo socda eebbaa og, Ilaah naga warroon, weydiinna adaa ligu noqon. Dh: yaqaan, ogsoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
og
de: aware, knowing, informed, in the know, having knowledge of
lx: og
pd: (ogaa / ogayd)
ps: adj
xe: Nobody knows.' Opp: moog
xv: Lama oga.
key: og
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bog
(Bog-ga)
1. Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka oogada nafleyda.
2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bog
: m.l (-gag, m.l) 1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.
bog²: m.l (cilmiga naflayda) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada.
bog³: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bog
bog¹: m.l (-gag, m.l) 1. Caloosha meesheeda sare. 2. Baalka xaashida labadeeda dhinac midkood.
bog²: m.l (cilmiga naflayda) Muruq ballaaran oo xalleef ah oo kala xira uurka iyo saabka nafleyda. Wuxuu kaalin weyn ka qaataa neefsashada: qaadashada tuurista hawada..
bog³: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1.(f.g) Wax qabya ahaa dhammaysitirid. 2. (f.g) Hawl billaabid oo dhammaystirid. 3.(f.mg) U b.: wax jeclaan: hadalkiisaan u boggay. m.f.dh, bogid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bog
Page
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bog
v. finish; be satisfied with
bog m. n. side; page
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bog
/boog/ (n) ciid ama dhul goyan oo jilicsan (badanaa wax lugu beerto); dhiiga leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bog
-ga: (n) [Pl. bogog-ga] page (peeyj); side (saaydh) baalka buugga iwm
u bog -gaytay: (v) find pleasant or attractive; like (laayk)
ka bogo -bogtay / bogatay: (v) take one's time; give oneself time
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bog
Pagina
Page
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bog
/bog/ (n) 1. dhul eed fashag ing eh. (v) 2. dhiighothow, dhiighy galow, ky hirimow. The car bogged down in the snow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bog
(fal) «u ~» jeclayso wax sida uu u socdo, ku farax, ku rayray. Baxsaneey Badri wuu u bogay habkaad u tunteen dhaantada.
bog: (fal) wax qabya ahaa dhammaystir. Hararkii waa la bogay. Dh: ebi.
bog-ga: (magac, lab, keli) muruq ballaadhan oo kala xidha uurka iyo saableyda noolayda lafdhabarta leh. Badhtamaha habeenkii, saw ma soo baraarugo, oo boggaygu kuma tabo.
bog-ga: (magac, lab, keli) baalka xaashida ama warqad labadeeda dhinac midkood, waraaqadaha buugga ee tirooyinka leh. Buuga cusub laba bog baan ka akhriyey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bog
de: side; page
lx: bog
pd: (-ga Pl: bogag (ga))
ps: n4-m
key: bog
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bog
صَفْحَة
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bog
n., doxbo, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cog
/kog/ (n) ilkaha shaag, ama bir leedahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dog
/dhog/ (n) 1. ey (v) 2. daba-galid, sida eyga u daba-kicid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dog
n., ey, -gi; hyæna, yey, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fog
Aan dhoweyn; dheer; durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fog
f.mg4 (-gaa, -gayd) 1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fog
f.mg4 (-gaa, -gayd) 1. Wax durugsan ahaansho. 2. Ka f.: wax, wax kale ka durugsan ahaansho. m.f.dh, fogaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fog
Dhedo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fog
Dhado
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fog
adj., loc. far, distant, remote, afar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fog
/fog/ (n) ciiryaamo, ceefyaamo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fog
-aa / ayd: (adj) remote (rimowt); distant (dis tant), faraway, far ~ dheer, durugsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fog
(tilmaame) meel ama milay durugsan; aad u dheer oo aan dhawayn. Li: dhaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fog
de: far, distant, remote, afar Opp: dhow
lx: fog
pd: (fogaa)
ps: adj-loc
xe: She came from a far away place.
xv: Meel fog bey ka timid.
key: fog
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
fog
بعيد
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fog
n., ciiro, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gog
(Gog-ga)
Saanta dhinaca geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gog
gog¹: m.l (-gag, m.l) Dheegga geela saantiisa.
gog²: f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. Wax is haysta, wax ka jarid. 2. Ka g.: Qaan horay loo qabay xoog cid uga godid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gog
m. n. camel's hide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gog
-ga: (magac, lab, keli) saanta labada dheeg ee geela laga bixiyo oo dabadeed qunbaha subagga lagu shubo laga dhigo. Goggii subagga laga dhoobi jirey, haatan gorofaadye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gog
de: camel's hide
lx: gog
pd: (-ga Pl: gogag (ga))
ps: n4-m
key: gog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hag
e.d Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąg
f.g1 (-gay, -gtay) Qof indho la' hoggaamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hag
hąg: f.g1 (-gay, -gtay) Qof indho la' hoggaamin. m.f.dh, hagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hag
v. guide a blind person, lead the blind
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hag
/haag/ (n) naag qumanyo ah.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hag
-ay / tay: (v) show the way by leading, directing, or advising; guide (gaaydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hag
(ereydhawaaq) lagu joojiyo dameeraha soconaya. Li: kir.
hag: (fal) qof indhala' usha u qabo oo horkac. Dh: hoggaami.
hag: (fal) cid meel aanay garanayn horsoco oo tus. Dadka dalxiiska ah hag. Dh: horsoco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hag
de: guide a blind person, lead the blind
lx: hag
pd: (hagay)
ps: v1=
key: hag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hig
m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo buuxidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hig
hig!: (ereycodeed) lagu tilmaansado wax meel ku dhacay ama meel dhuun ah isku taagay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ho!
hoa! int., war hoy! naa hoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hod
hod¹: m.dh Meel taag hoostiis ah, godan oo biyo fariisin leh.
hod²: f.g1 (-bay, -btay) Qof dagid; khatalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hod
f.g1 (-bay, -btay) Qof dagid; khatalid. m.f.dh, hodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hod
v. deceive, cheat; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hod
-ay / day: (v) mislead (mis-leedh); betray (bitareey); double-cross ~ khayaan, khatal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hod
de: deceive, cheat; betray
lx: hod
pd: (hoday)
ps: v1=
syn: dag, khatal
key: hod
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hoe
/how/ (n) yaanbo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hoe
n., (an instrument) magarafad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoh
Hoh!
Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; Hohey! Caku! Hah!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoh
e.d Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; hoyey!, caku!, hah!