hodmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmin
m.f.dh eeg hodmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho; tanaadid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof hodon ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodmi
v. make someone rich ~ wealthy, enrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmi
(fal) xoolo badan u yeel; taajir ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodmi
de: make s.o. rich ~ wealthy, enrich
lx: hodmi
pd: (hodmiyey)
ps: v2a=tr
key: hodmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la ciyaarayo oo haddana aan sanqarta sacabka xoog loo tumayn, ku ciyaarid. Dh: hodhis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hodman
name-f wealthy, rich; get wealthy, become rich
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodmid
(Hodmid-da)
1. Xoolo badan yeelasho; hodan noqosho; tanaadid; taajirid.
2. Ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmid
m.f.dh eeg hodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku dagmid ama ku khatalmid. Dh: dagmid, khatalmid.
hodmid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho, qani noqosho. Dh: tanaadid, taajirid. Li: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmin
m.f.dh eeg holmi. la-mid: holmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadin
(Tanaadin-ta)
Tanaad ka dhigid; hodmin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enrich
/inrij/ (v) ka-hodmin, tanaadin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arricchire
v.tr. - hodmin, tanaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) tanaad ka dhigid, hodmin. Tanaadinta adeerkay ayaa u sabab ah. Dh: tanaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ohoomin
m.f.dh eeg ohoomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ohoomin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoggaamin ama hagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godin
(Godin-ta)
1. Qalab geedaha lagu jaro ama lagu qoro: waxay leedahay daab la qabto oo dheer iyo gar bir af leh ku dhex jira; godimmo.
2. (xiddigo) xiddigaha raqaha tan ugu horraysa; waxay ka kooban tahay saddex xiddigood (faraaci, foocaar iyo fiidarro); (ama gudin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
godin
m.dh (-dmo, ml.) 1. la-mid: godimmo, gudimmo, gudin. Qalab bir ah oo faaska ka yar oo leh daab gaaban oo qori ah oo geedaha lagu jaro. 2. Xiddigaha raqaha loo yaqaan kuwa ugu horreeya. 3. la-mid: godan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godin
f. n. axe, adze, implement for cutting ~ trimming wood
godin [feminine] n., loc. name of a star
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godin
-ta: (n) an axlike tool for cutting trees: adz or adze ~ faas, gudin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo xiddig oo midda yari godantahay; waa xiddiga labaad ee Miicaadda. Habeenkay bishu kaw tahay ee uu dayuxu la soo baxo, qofka dhasha waxa lagu yaqaan inuu noqdo qof weyd ah oo godan. Miicaada koobaad waa habeenka gugu kawsado. Dh: miicaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidin
(Hidin-ta)
Bixin ama deeq karti u lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidin
m.dh Kartida loo yeesho wax bixinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidin
f. n. giving, ability to give, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bixinta ama deeq karti u lahaansho. Dh: hidis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidin
de: giving, ability to give, charity
lx: hidin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodan
(Hodan-ka)
Qof xoolo badan leh; maalqabeen; tanaad; taajir; (ama hodon).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodan
hodan¹: m.l.kh (-nno, m.dh) H. ah: qof hanti badan leh. la-mid: hodon.
hodan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) 1. Qof hanti badan leh noqosho. 2. Wax la dagay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hodan
hodan¹: m.l.kh (-nno, m.dh) H. ah: qof hanti badan leh. la-mid: hodon.
hodan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) 1. Qof hanti badan leh noqosho. 2. Wax la dagay noqosho. m.f.dh, hodmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hodan
pr. n., [feminine] Hodan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodan
m. n. wealthy person, rich man
hodan [inchoative] v. be ~ become rich, get wealthy
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hodan
riche.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hodan
name-f wealthy, rich; get wealthy, become rich
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hodan
-ah: (adj) wealthy (weelthi); rich (riij) ~ qani, hodon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hodan
Benestante
Rich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hodan
magac loo baxsho gabadh reerkoodu hanti iyo xoolo leeyahay ama ayadaba laga filayo inay ahaato gabadh dhalashadeedu reerka u horseeddo ladnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodan
(tilmaame) hanti badan leh oo qani ah. Dh: qani. Li: caydh.
hodan: (tilmame) barwaaqo dhinac walba ah.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hodan
عَنِيٍّ، تَرِيٍّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoden
(Hoden-ka)
Hodan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhi
(fal) ciyaar, oo sacabka aad ha u garaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodid
(Hodid-da)
Dagid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodid
m.f.dh eeg hod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodid
-da: (magac, dhedig, keli) dagid ama khatalid. Hodidda ragga iska jir. Dh: hodis, khatalid, dagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodon
m.l la-mid: hodan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodon
m. n. rich man, wealthy person
hodon [inchoative] v. become rich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodon
(tilmaame) qof xoolo badan leh. Dh: taajir, maalqabeen, hodan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojin
(Hojin-ta)
(nafley, kd.) meel tubid, joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojin
m.f.dh eeg hoji. la-mid: hojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojin
-ta: (magac, dhedig, keli) joojin oo dhaqaad u diidid. Dh: hakin, tubid, hojis, dabbaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax holan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horin
(Horin-ta)
Koox; xayn; hormo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah. la-mid: hormo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horin
m.dh (-immo, m.dh) 1. In xoolo ah oo mar biyo loo sii daayo. 2. Koox dad ah; hormo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horin
f. n. group; platoon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horin
-ta: (n) group (guruup)', squad (iskwaadh) ~ koox. hormo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horin
-ta: (magac, dhedig, keli) koox geel ah oo isla socota ama wada daaqaysa.
horin-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan, qaabdhismeed ciidan oo ka kooban saddex unug. Dh: hurin.
horin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, koox ama xayn; hormo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horin
bw: hormo
de: group; platoon
lx: horin
pd: (-ta)
ps: n2c-f
syn: koox
key: horin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyin
(Hoyin-ta)
Meel lagu hoydo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyin
m.f.dh la-mid: hoyn.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HOYIN
Albizia obbiadensis 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyin
-ka: (magac, lab, keli) meel lagu hoydo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Oomin
(Oomin-ta)
Biyo lagu harraadbeelo siin la'aan; harraad ku jirrabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomin
m.f.dh eeg oomi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale biyo u diidid. Dh: harraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodin
-ka: (magac, lab, keli) qori gaaban oo dhulka lagu qotomiyo oo xoolaha lagu xidho. Dh: dhakaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmin
m.f.dh eeg gedmi. la-mid: gedmis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof waxa uu tirinaayey ka qaldid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godlin
(Godlin-ta)
Godlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godlin
m.dh la-mid: godlid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godlin
-ta: (magac, dhedig, keli) naasaha irmaanka oo qof ama ilmo uu taataabto si uu u godlado. Hasha haddaanad lisayn ha godlinin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haamin
(Haamin-ta)
Kasha iyo laabta arrin ku hayn, ka dhisid, ka maamulid; hindisid; taawin; saababayn; maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haamin
m.f.dh eeg haami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin kashka iyo laabta ku hayn; maanka ka maamulid oo ka dhisid. Dh: hammiyid, maamin, taawin, sababayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos ah; hadh hoos fadhiyid. Odayadii weli hadhin bay ku jiraan oo waa kuwaa hadhka jiifa. Dh: harin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadlin
(Hadlin-ta)
(ka hadlin) hadalka ku jira ka soo saarid; hadal ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadlin
m.f.dh eeg hadli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale hadal ka keenis. Ninkaa aamusan waa laga hadlin kari waayay. Dh: hadlis. Li: aamusiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammin
m.dh la-mid: hammiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hammin
vl. n. worrying, anxiety; confusion (caused by thinking too much)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammin
-ta: (magac, dhedig, keli) walbahaarid; welwelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hammin
de: worrying, anxiety; confusion (caused by thinking too much)
lx: hammin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hammin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harmin
m.f.dh eeg harmi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harmin
vl. n. contamination
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
harmin
de: contamination
lx: harmin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: harmin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemin
m.f.dh eeg heemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hodhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin oo yab-qamid. Dh: buugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holcin
m.f.dh eeg holci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
holcin
-ta: (magac, dhedig, keli) ololin oo shidid; belbelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hollin
(Hollin-ta)
Isku deyid; holid; sharribid; tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollin
m.f.dh eeg holli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollin
-ta: (magac, dhedig, keli) isku dayid wax laysku dayo. Holli socodka, hollid, shirabid, tijaabin.
hollin -ta: (magac, dhedig, keli) xoolo la wado, aguujin oo bullin. Lo'du way cokan tahaye hollinta ka yaree. Dh: aguujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmis
m.l la-mid: holmin.