hodmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof hodon ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodmi
v. make someone rich ~ wealthy, enrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmi
(fal) xoolo badan u yeel; taajir ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodmi
de: make s.o. rich ~ wealthy, enrich
lx: hodmi
pd: (hodmiyey)
ps: v2a=tr
key: hodmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodmid
(Hodmid-da)
1. Xoolo badan yeelasho; hodan noqosho; tanaadid; taajirid.
2. Ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmid
m.f.dh eeg hodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku dagmid ama ku khatalmid. Dh: dagmid, khatalmid.
hodmid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho, qani noqosho. Dh: tanaadid, taajirid. Li: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmin
m.f.dh eeg hodmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho; tanaadid; taajirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhi
(fal) ciyaar, oo sacabka aad ha u garaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax holan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajirid
(Taajirid-da)
Taajir noqosho; hodmid; tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadid
(Tanaadid-da)
Tanaad noqosho; hodmid; taajirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tanaadin
(Tanaadin-ta)
Tanaad ka dhigid; hodmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabac
gabac¹: m.l Hodmid meel ama wax hodmo.
gabac²: f.g1 (-cay, -cday) Hawl, arrin iyo wixi lamida hodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hodan
hodan¹: m.l.kh (-nno, m.dh) H. ah: qof hanti badan leh. la-mid: hodon.
hodan²: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) 1. Qof hanti badan leh noqosho. 2. Wax la dagay noqosho. m.f.dh, hodmid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
enrich
/inrij/ (v) ka-hodmin, tanaadin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
arricchire
v.tr. - hodmin, tanaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hanti badan yeeshay, taajir noqod. Dh: hodmid, tanaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) tanaad ka dhigid, hodmin. Tanaadinta adeerkay ayaa u sabab ah. Dh: tanaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaasid
-da: (magac dhedig, keli) dad iyo duunyoba barakoobid; tarmid dhaqaale yeelasho. Yabaalbax ha waayin oo yaasid ku waar. Dh: tannaadid, liibaanid, tarmid, hodmid. Li: hoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la ciyaarayo oo haddana aan sanqarta sacabka xoog loo tumayn, ku ciyaarid. Dh: hodhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hodhin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hodman
name-f wealthy, rich; get wealthy, become rich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogmid
-da: (magac, dhedig, keli) qaylin oo yab-qamid. Dh: buugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmin
m.f.dh eeg holmi. la-mid: holmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmis
m.l la-mid: holmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooddi
(Hooddi-da)
Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri, kd., cid kale leedahay; ulajeeddadiisu waa: ma soo geli karaa? (ama hoodi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooddi
e.d Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii “ma soo geli karaa!”. la-mid: hoodi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hooddi
e.d Erey la yiraahdo kolka la doonayo in la galo guri cid kale leedahay, yacnii 'Ma soo geli karaa?' la-mid: hoodi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooddi
inter. Hello?; Can I come in?; Is anyone home?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hooddi
(interjection) used to ask permission to come inside; may I came inside? is somebody at home?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooddi
(ereydhawaaq) salaan ah oo aqallada la garaacayo lagu yidhaa; ma soo galaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooddi
a: hoodi
de: Hello?; Can I come in?; Is anyone home? Word used before entering a house
lx: hooddi
ps: intj
key: hooddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ohoomi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax wadid ama hoggaamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ohoomi
v. lead ahead, guide (e.g. camel, while shouting commands)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ohoomi
(fal) hoggaami oo jidka tus. Ohoomi ansaleellaha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ohoomi
de: lead ahead, guide (e.g. camel, while shouting commands)
lx: ohoomi
pd: (ohoomiyey)
ps: v2a=tr
key: ohoomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oodmid
m.f.dh eeg oodan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac kasta ka soo xidhmid. Ma gar oodmid goloskii ku dhalay geed intuu tegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qodmid
(Qodmid-da)
Wax qodma ama qodmi kara noqosho; iska faagmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qodmid
m.f.dh eeg qodan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodmid
-da: (magac, dhedig, keli) jilayc darteed wax la qodi karo ahaan. Dh: qodmis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hod
hod¹: m.dh Meel taag hoostiis ah, godan oo biyo fariisin leh.
hod²: f.g1 (-bay, -btay) Qof dagid; khatalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hod
f.g1 (-bay, -btay) Qof dagid; khatalid. m.f.dh, hodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hod
v. deceive, cheat; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hod
-ay / day: (v) mislead (mis-leedh); betray (bitareey); double-cross ~ khayaan, khatal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hod
de: deceive, cheat; betray
lx: hod
pd: (hoday)
ps: v1=
syn: dag, khatal
key: hod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadi
(Hadi-ga)
Geed-quwaaxa geed kamid ah, oo xabag wanaagsan oo udgoon oo la ganacsado dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadi
m.l Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadi
m.l Geed quwaax xabag udgoon oo laga ganacsado leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadi
m. n., [collective] incense-bearing tree species; balsam
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HADI
(Hithi) May, Og Commiphora erlangeriana Engl. Burseraceae.
S Commiphora subsessiliflora Vollesen. Burseraceae.
S Commiphora erythraea (Ehrenb) Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hadi
name-m insence-bearing tree sp., balsam
name-m leader, guide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadi
-ga: (n) resin (rezen); balsam (bal sam)-, used principally in inks, adhesives or pharmaceuticals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hadi
magac loo baxsho wiil loogu magacdaray bukhuur ama geed udgoon badan leh sida cuudka, miskiti iyo fooxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadi
-ga: (magac, lab, keli) geed quwaaxa mid ka mid ah oo ka baxaa dhulka Soomaalida oo xabag udgoon laga gurto lagana ganacsado. Caanahaagiyo, ciidan gabadh wayn, waa caleen hadi, waa caleen hadi...
hadi-ga: (magac, lab, keli) hadh wanaagsan oo lagu nasto. Dh: hadhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadi
de: incense-bearing tree sp.; balsam
lx: hadi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: hadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidi
(fal) niyad sami wax u bixi; daacadnimo wax ugu deeq. Dh: hannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoji
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax socda joojin. 2. (f.mg) U h.: cid wax u jeedsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoji
v. halt; bring to a halt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoji
(fal) hawl, xoolo iyo wixii la mid ah, haki oo inyar jooji. Dh: haki, yarjooji. Li: holli, dedeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoji
de: halt; bring to a halt
lx: hoji
nt: hojis (ka) [vn2a-m]
pd: (hojiyey)
ps: v2a=
key: hoji
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
home
/howm/ (n) 1. guri, hooy. (adj) 2. gudaha waddanka.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
home
n., aqalka, guri, -gi; go home, aqalka qabo, hooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: hoo³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyi
v. bring ~ take someone home; accommodate for the night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyi
(fal) meel uu ku hoydo sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyi
a: hooyi
de: bring ~ take s.o. home; accommodate for the night
lx: hoyi
pd: (hoyiyey)
ps: v2a=
key: hoyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
oomi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Nafley biyo u diidid. 2. Cid hadal badan ku daalin. m.f.dh, oomin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oomi
v. make thirsty; leave thirsty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
oomi
-yey I say: (v) cause to be thirst; make feel thirst
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oomi
(fal) biyo u diid. Oomi inanta la jeexay nabarku ha bogsadee. Dh: harraadi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oomi
de: make thirsty; leave thirsty
lx: oomi
pd: (oomiyey)
ps: v2a=tr
key: oomi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadmi
m.l la-mid: aadami.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aadmi
m.l la-mid: aadami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadmi
-ga: (magac, lab, keli) abuuraha Bebbe kuwa ku abtirsada Nebi Aadan. Dh: aadame, bani'aadam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codsi
m.l Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto. la-mid: codsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
codsi
m.l Si xushmad iyo qaddarin leh oo cid wax loo weyddiisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
codsi
vl. n. appeal, request
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
codsi
-ga: (n) request (rikwest); appeal (a-pill)-, the act of asking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
codsi
-ga: (magac, lab, keli) weydiin qoraal ama odhaah lagu gudbiyo. Haddaad fasax doonayso codsi soo qoro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
codsi
de: appeal, request
lx: codsi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: codsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmi
f.g2 (-iyay, -isay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida cid ka khaldid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gedmi
f.g2 (-iyay, -isay) Tiro, xisaab iyo wixi lamida cid ka khaldid. m.f.dh, gedmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gedmi
v. make someone make a mistake in estimating ~ calculating
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gedmi
de: make s.o. make a mistake in estimating ~ calculating
lx: gedmi
pd: (gedmiyey)
ps: v2a=tr
key: gedmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
godli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: godol².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
godli
v. move an animal to be milked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
godli
-yey / say: (v) excite an animal to be milked —godol -ka: (n)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godli
(fal) godol kaga keen; caanaha naasaha kaydka ku ah ka soo daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
godli
de: move an animal to be milked rw: godol
lx: godli
pd: (godliyey)
ps: v2a=
key: godli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
godni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg godnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haami
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aad ah loo jecelyahay qalbi ku hayn. m.f.dh, haamin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haami
v. desire with all one's heart; make a plan ~ decision; draw up a project; invent, cause, initiate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haami
(fal) kalka iyo laabta ku hay oo ka feker. Haami in aad mustaqbalka dhakhtar noqoto. Dh: hammi, maami, taawi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haami
cf: hindis
de: desire with all one's heart; make a plan ~ decision; draw up a project; invent, cause, initiate
lx: haami
pd: (haamiyey)
ps: v2a=tr
key: haami