hodhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hodhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhi
(fal) ciyaar, oo sacabka aad ha u garaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hadhin.
hadhis-ta: (magac, dhegig, keli) eeg hadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) iyada oo la ciyaarayo oo haddana aan sanqarta sacabka xoog loo tumayn, ku ciyaarid. Dh: hodhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ah ilkaha ku goosasho. Dh: hudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habdhis
m.l (-syo, m.dh) Xubno isku shaqo ah oo jirka nafleyda ka mid ah sida kuwa dheefshiidka, wareegga dhiigga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habdhis
System
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habdhis
m. n., [compound] system, array, display, method, procedure
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habdhis
-ka: (n) makeup or make up; structure (istarak jar)-, method (methadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhis
-ka: (magac, lab, keli) qaabka guud ee samayska. Samaale waa dhakhtar ku takhasusay xanuunnada ku dhaca habdhiska kaadimareenka. Dh: qaabdhiska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habdhis
de: system, array, display, method, procedure
lx: habdhis
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: habdhis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn. m.f.dh, hindhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindhis
v. sneeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindhis
-ay / tay: (v) sneeze (isniiz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhis
(fal) neef, si degdeg ah sanka uga soo bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindhis
de: sneeze
lx: hindhis
pd: (hindhisay)
ps: v1=
key: hindhis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooshis
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale boobid. Dh: hooshid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hordhig
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iyo wixi lamida cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iyo wixi lamida cid u gayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hordhig
v., [compound] present, submit, put forward
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hordhig
-ay / tay: (v) [with preposition soo] put forward for consideration, discussion, or adoption; bring before; present (parazent) ~ soo hordhig, horkeen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hordhig
-ga: (magac, lab, keli) wax soconaayey oo wax lagu gooyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hordhig
de: present, submit, put forward
lx: hordhig
pd: (hordhigay)
ps: v1=cmp
key: hordhig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kordhis
kordhis¹: m.l la-mid: kordhin.
kordhis²: m.l Khudaar la cuno oo ka baxda dhul-beereedka, meelaha carro-madowga ah, waqtiga roobka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kordhis
m.l Khudaar la cuno oo ka baxda dhul-beereedka, meelaha carro-madowga ah, waqtiga roobka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kordhis
-ka: (magac, lab, keli) badin oo wax ku siyaadin. Dh: badis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhis
(Dhis-ka)
1. Wax inta laysu geeyo oo la isku kabkabo, qaab gaar ah loo yeelo ama si gaar ah loo hadoodilo (aqal, xero, kd.).
2. (harag, kd.) la kala baxsho oo la togo.
3. Waxa wax lagu dhisa hayo laftooda, sida qoryaha aqalka lagu dhisa hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhis
dhis¹: m.l 1. Dh. ah: harag iyo wixi lamida la togay. 2. la-mid: dhigid.
dhis²: m.l/dh Qoryaha, sarabka iyo wixi lamida ee guryaha qaarkood lagu dhiso.
dhis³: f.g1 (-say, -stay) 1. Aqal, dugsi, iyo wixi lamida samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhis
dhis¹: m.l/dh Qoryaha, sarabka iyo wixi lamida ee guryaha qaarkood lagu dhiso.
dhis²: f.g1 (-say, -stay) 1. Aqal, dugsi, iyo wixi lamida samayn. 2. Xubno dowlad cusub magcaabid. 3. Qoys cusub asaasid. 4. Harag qoyan ama wax la mid ah inta la kala bixiyo engejin. 5. Qof qurxin. m.f.dh, dhisid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhis
Construct
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhis
v. build, set up, construct; institute, establish
dhis m. n., [collective] structure, building
dhis [feminine] n. frame, structure for huts; drying frame for hides
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhis
-ay / tay: (v) 1. build (bildhy, construct (konis-tarakf) ~ rakibid. 2. establish (istaa-biliishy set up; found. —dhisan: (adj) 1. built (bilty, constructed (konis-taraktidhy, 2. elegant (e-ligent); having a graceful style
dhis -ta: (n) building material used for hut building
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhis
(fal) aqal, deyr ama wax kale, taag oo waxa uu ka kooban yahay isku geegee oo isa saar adoo isku tubbaridaya. Aqal noo dhis.
dhis-ka: (magac, lab, keli) meel wax laga taagay oo wixii dhisme u baahnaa oo dhani ka socdo.
dhis -ka: (magac, lab, keli) aqal ama dhisme kale oo meel ka taagan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhi
(fal) meel hadhgal oo caddeedda ka gabbo. Dh: hadhgal, hari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodid
(Hodid-da)
Dagid; khatalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodid
m.f.dh eeg hod².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodid
-da: (magac, dhedig, keli) dagid ama khatalid. Hodidda ragga iska jir. Dh: hodis, khatalid, dagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof hodon ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodmi
v. make someone rich ~ wealthy, enrich
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmi
(fal) xoolo badan u yeel; taajir ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodmi
de: make s.o. rich ~ wealthy, enrich
lx: hodmi
pd: (hodmiyey)
ps: v2a=tr
key: hodmi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojis
(Hojis-ka)
Hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojis
m.l la-mid: hojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Holis
(Holis-ta)
Holid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holis
m.l la-mid: holid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
holis
vl. n. act of trying (something out)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
holis
de: act of trying (s.t. out)
lx: holis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: holis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoohi
-ga: (magac, lab, keli) hadh aad u qabow. Naacaw hoohigu hanfay jeer dhaw kuu noqone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horis
(Horis-ta)
Horid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horis
m.dh la-mid: horayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horis
vl. n. act of organizing animals in groups for watering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo loo shubaayey hadba hormo ama xayn ceelka u soo deyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horis
de: act of organizing animals in groups for watering
lx: horis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: horis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mohis
m.l la-mid: mihin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oohis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg oohin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qodid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidhis
-ka: (magac, lab, keli) bidhidda dabka iyo wixii la mid ah.
bidhis-ta: (magac, dhedig, keli) bidhid wax u qaad; si fudud wax u dallacis. Haantan bidhisteedu midhidh iguma qaadan jirin markaa ninka ahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eydhis
m.l (daawo)(AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada “linfosaytis” la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
eydhis
m.l (daaw. AIDS) Cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fiiruska oo baabi'ya qaybhoosaad ka mid ah unugyada 'linfosaytis' la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicid difaaca jirka. E.ku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada galmada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eydhis
-ka: (magac, lab, keli) 'AIDS' cudur uu keeno fiirus wuxuuna ku yimaadaa fayrus baabi'ya qayb-hoosaad ka mid ah unugyada 'linfosaytis' la yiraahdo taaso keenta hoos u dhicidda difaaca jidhka. Aydhisku, sida badan, wuxu ka mid yahay cudurrada ka dhasha galmada iyo dhiigga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg fadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fidhis
-ta: (magac, dhedig, keli) feedhidda timo la dhex marmariyo fidhin ama shanlo si loo quriye. Dh: fidhid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hachis
hachis, n.m. - shiidis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhid
-da: (magac, dhedig, keli) baaqi ahaan; wax dhammaanaya adigu baaqsanaansho. Dh: hadhis, haris.
hadhid -da: (magac, dhedig, keli) wixii lala socday ee laga mid ahaa dib uga go'id; socod intii kali u baxday ka baaqasho. Dh: harid. Li: raacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel hoos ah; hadh hoos fadhiyid. Odayadii weli hadhin bay ku jiraan oo waa kuwaa hadhka jiifa. Dh: harin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hodmid
(Hodmid-da)
1. Xoolo badan yeelasho; hodan noqosho; tanaadid; taajirid.
2. Ku dagmid; ku khatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmid
m.f.dh eeg hodan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ku dagmid ama ku khatalmid. Dh: dagmid, khatalmid.
hodmid-da: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho, qani noqosho. Dh: tanaadid, taajirid. Li: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodmin
m.f.dh eeg hodmi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodmin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo badan yeelasho; tanaadid; taajirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hollis
-ka: (n) the act of testing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
holmis
m.l la-mid: holmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobis
m.l la-mid: hoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoobin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoogis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo hoog la kulmid. Dh: hoogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoolis
(Hoolis-ta)
Hoolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoolis
m.dh la-mid: hoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoolis
vl. n. clumsy shearing; bad shave ~ haircut
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoolis
-ta: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadis; diir ka hoolis. Dh: hoolid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoolis
de: clumsy shearing; bad shave ~ haircut
lx: hoolis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: hoolis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooris
(Hooris-ta)
Hoorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hooris
m.l la-mid: hoorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hooris
vl. n. rush of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooris
-ka: (magac, lab, keli) hab Quraanka loo derso oo si koox ama keli ah loo aqriyo. Marka koox ahaan loo wada aqrinayo, aayadaha dhammaadkooga ayaa la isla jiibiyaa. Dh: subcis, hoorin.
hooris-ta: (magac, dhedig, keli) hoorid; di'is; tiixis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hooris
de: rush of water
lx: hooris
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hooris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudhid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib iyo wixii la mid ah, hal mar ilkaha ku goosad. Dh: cantuugid, hurid, hudhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ladhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan u soocid; kala saarid oo inba dhan u saarid. Adhi jirtaa kala madhista adhigeeda taqaan.
madhis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg madhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg mudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qodhin
-ta: (magac, dhedig, keli) cadho iyo dagaaldoonid.
qodhin -ta: (magac, dhedig, keli) himilada kacsiga labka; buuryataagig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudhis
m.dh la-mid: rudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudhis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rudhid.