hobsayd
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
hobsayd
off-side

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho iyo tamashlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hobay
(Hobay-ga)
Meel dhirteedu sarmaan iyo qansax u badan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hobay
m.l 1. Dhul boor ah oo ay ku badantahay sarmaanta iyo qansaxa. 2. H. ah: meel cidla ciirsila' ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hobay
m. n., loc. area full of acacia trees
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobay
-ga: (magac, lab, keli) meel dhirteedu sarmaan iyo qansax u badan tahay oo bannaan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hobay
cf: qansax, sarmaan
de: area full of acacia trees
lx: hobay
pd: (-ga)
ps: n-m-loc
key: hobay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habsad
(Habsad-ka)
Habsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsad
m.l la-mid: habsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsad
vl. n. clumsy ~ awkward way of sitting on the ground
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsad
-ka: (magac, lab, keli) tabarxumo darteed, si xun oo culus meel ugu dhicid ama ka kici waa.
habsad -ka: (magac, lab, keli) wax culus oo wax kale dusha kaga soo dhaca oo ku bahardaadsada ama wada qariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsad
de: clumsy ~ awkward way of sitting on the ground See also: habsasho
lx: habsad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: habsad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hoosad
Officina
Workshop
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosay
(fal) docda hoose xig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsad
(Hubsad-ka)
Hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsad
m.l la-mid: hubsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsad
-ka: (magac, lab, keli) arrin, runteeda ka sal gaadhid; ka niib keenid; ka salgaadhid. Dh: hubsi, hubsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoobsad
(Hoobsad-ka)
Hoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoobsad
m.l la-mid: hoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoobsad
-ka: (magac, lab, keli) heemaarsiga wax la cabbayo ama la dhamayo; hab caanaha la lisayo loo dhamo oo kolkii weelku buuxsamo ba la qurquriyo oo la dhimo, si haddana loogu sii liso. Dh: hoobsi, hoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosaad
-ka: (magac, lab, keli) xagga hoose xigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoosayn
(Hoosayn-ta)
Docda hoose xigid, jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosayn
m.f.dh eeg hoosee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaga hoose xigid; wax laga gacan sarreeyo noqosho. Ninna hoosaynta ma jecla. Li: saran, korrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hoosayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ururin; caano xoolo badan laga soo lisay oo meel la isugu keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hobsheyn
m.f.dh eeg hobshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoomayid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hoomaayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shooxayd
(Shooxayd-ka)
Jaadadka neberiga mid ka mid ah; (ama shooxaad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shooxayd
-ka: (magac, lab, keli) jaadadka nebiriga mid ka mid ah; shooxaad.
shooxayd -ka: (magac, lab, keli) kalluunnada waaweyn midkood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
thousand
/thawsandh/ (n) kun (1000).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
thousand
num., kun, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayd
m.dh (-do, m.l) 1. Xarig ama suun xoolaha la rarayo ama heensaynayo gardaadka looga xiro si uu rarka ama koorahu gadaal ugu dhicin. 2. Gardaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayd
-ka: (n) 1. verse (veers) ~ beyd. Ex: gabay shan bayd ah; a five-verse poem. 2. house (haaws) ~ guri, aqal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayd
-da: (magac, dhedig, keli) gaaddada ama shafka; xagaloda ama xabadka.
bayd -da: (magac, dhedig, keli) xadhig heeryada awrka lagu xidho oo mara shafka awrka.
bayd -ka: (magac, lab, keli) tuduc maanso ah. Inan yar oo raamaloo, reerkan lagu sheegay. Dh: tuduc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobay
-ga: (magac, lab, keli) ninka qaansada iyo fallaadha si fiican ugu dagaallama ama ugu ugaadhsada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habay
(Habay-ga)
Weel cusub oo la tolay (gocoy), kolka biyo ama wax kale oo la mid ah lagu shubo, sii deynta uu sii daayo, oo dhibcuhu aayar aayar, daldaloollada tolmada uga soo baxbaxaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habay
habay¹: m.l 1. H. ah: weel cusub oo la tolay, markaa la agloolay oo hoorihii lagu shubo sii daaya. 2. la-mid: habyid. la-mid: habayo.
habay²: f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habay
f.mg1 (-byay, -bayday; -byi) Weel dareere lagu shubay sii dayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habay
m. n. leak; condition of new woven vessel that leaks slightly; special utensil for feeding a baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habay
(fal) hannaani oo qurxi; nidaami oo hagaaji.
habay-ga: (magac, lab, keli) weel dhawaan la tolay oo cusayb ahaan wixii lagu shubo u sii daaya ama ay uga tiftifqaan. Habaygii biyaha qubay, miyuu dhibic hanbeeyaa. Dh: gocay, habayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habay
de: leak; condition of new woven vessel that leaks slightly; special utensil for feeding a baby
lx: habay
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: habay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hasad
(Hasad-da)
Dabayl duuban oo xoog leh oo ka samaysanta wax qarxaday ama xoog ku orda haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hasad
m.dh la-mid: hansad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hasad
f. n. whirlwind; force of the wind, shock wave; envious person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hasad
-ka: (magac, lab, keli) magaca jaad dabaysha ka mid ah oo ismaroojiya; dabayl duuban oo ka samaysanta wax qarxay ama xoog ku ordaya, sida tan ka samaysanta qarxidda hubka niyukelerka.
hasad -ka: (magac, lab, keli) sugashada ay kalsoonida iyo rajuhu ku jiraan. Dh: hansad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hasad
de: whirlwind; force of the wind, shock wave; [fig.] envious person
lx: hasad
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: hasad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hebad
-ka: (magac, lab, keli) neef ilmihii soo gaadhaaba nuugo, cid waliba na listo. Haleeloy hebedka geel, hashaan maqasha iska celin, jiilaalkii bay hadhaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hoard
/hoordh/ (n) 1. dhito (dhigaal, kayd). (v) 2. dhitayn, kaydin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hobal
-ka: (n) actor (aak-ter); a theatrical performer ~ fannaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hobby
/hobi/ (n) hiwaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hobyo
pr. n., loc. Obbia, Obiya [coastal town in central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hobyo
de: Obbia, Obiya [coastal town in central Somalia]
lx: Hobyo
ps: n0-loc
key: Hobyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogad
(Hogad-ka)
Hogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogad
m.l la-mid: hogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo, muddo dheer meel tubnaan. Dh: hogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogay
(fal) hilib ama cunto kale, hog ku bislee ama ku dub.
hogay: (fal) weel caano lagu liso, cul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Horay
(Horay-da)
Docda loo jeedo; hagaag; hor; fool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horay
horay¹: m.dh Dhanka loo jeedo; hagaag; fool. la-mid: hore.
horay²: fk. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horay
fk. 1. Hor. 2. Waqtigii hore.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horay
f. n., loc. front, forth, forward direction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
horay
-da: (n) 1. front (faroont). 2. (adv) before (bifoor). Ex: horay baan u ogaa; I knew it before
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horay
(fal) wax yaacaya, ka hormar oo dhinacyada ka gal oo soo dabbaal, soo xeree. Li: hareeray.
horay-da: (magac, dhedig, keli) xagga hore; docda loo jeedo. Horay u soco waad arki masaajidka e. Dh: hore, hagaag, hor, fool.
horay-da: (magac, dhedig, keli) xilli aad u horreeya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
horay
de: front, forth, forward direction
lx: horay
pd: (-da)
ps: n0-f-loc
key: horay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoyad
(Hoyad-ka)
Meel habeen ku bari; cid habeen marti u noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyad
m.l la-mid: hoyasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyad
m. n. place to spend the night
hoyad: v. stay the night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyad
-ka: (magac, lab, keli) dhimashada iyo xijaabadka qof. Dh: geeriyood, hoyasho.
hoyad -ka: (magac, lab, keli) meel habeen ku baryid: cid habeen marti u`noqod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubay
(fal) dhar la qaato sii; marashiyey ama arratir.
hubay: (fal) qalabka lagu dagaallamo sii, u yeel oo qalabay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsad
m.l la-mid: bogsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsad
-ka: (magac, lab, keli) xanuun ku haya ka ladnaansho. Bogsad berriba maaha. Dh: ladnaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Boosay
(Boosay-ga)
Faras boos ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boosay
m.l la-mid: boos¹ (5).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boosay
m. n., [abstract] tan, off-white, beige color (of a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boosay
(tilmaame) midabyada faraska mid ka mid ah. Faras boosay ah ayaa nagu soo baxay. Dh: hoos, boosey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boosay
bw: boos
cf: bood
de: tan, off-white, beige color (of a horse)
lx: boosay
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: boosay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bowsad
m.l la-mid: bowsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bowsad
-ka: (magac, lab, keli) looxjiidad iyo sheed wax ka barasho. Bowsadka iska daa oo dugsi gal. bowsasho -da: (magac, dhedig, keli) dhegeysi iyo sheed wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsad
m.l la-mid: cabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsad
-ka: (magac, lab, keli) baqasho; cabsi qabid; cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
codsad
m.l la-mid: codsasho.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cubayd
name-m young worshipper, servant of God
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gobaad
name-f noble, aristocracy, high caste, free-born. Syn: Absame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gobaad
ama Gobey, magac loo baxsho gabadh qurux iyo qaayo badan oo gob ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobaad
(tilmaame) gob ahaansho; aad u wanaagsanaasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobays
-ka: (magac, lab, keli) geed hadhuudhka u eg oo xubno iyo caleemo dhaadheer leh waxna lagu dhisto foodhintana laga goosto. Dh: gobeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goosad
(Goosad-ka)
Goosasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goosad
m.l 1. Koox ari ah oo lumay. 2. la-mid: goosasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
goosad
vl. n. cutting for oneself; secession
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goosad
-ka: (magac, lab, keli) wax meel ku dhegsan, ka soo rujisad.
goosad -ka: (magac, lab, keli) jarasho wax mar hore lagugu dhuftay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
goosad
de: cutting for oneself; secession
lx: goosad
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: goosad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayn
(Habayn-ta)
Hannaan wanaagsan u yeelid; qaab iyo hab qurux badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habayn
m.f.dh eeg habee. la-mid: habays.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habayn
Regulation
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
habayn
to organize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habayn
-ta: (n) organizing, ordering or arranging ~ isku-duwid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Habayn
Impostazione
Setting up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab ama hab quruxsan oo loo bogo u yeelid. Hawsha fulinteeda, habayn baa ka horraysa. Dh: qaabayn, habays, nidaamin, qurxin, hannaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayo
(Habaya-da)
Weel habya.