hobnob
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hobnob
/habnab/ (v) la-saaxiibid, siiba qof darajo sare leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hobo
/howbow/ (infl)(n) dowdar (qof aan hoy iyo camal toona lahayn oo iska wareega).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hobol
m.l (-llo, m.dh) la-mid: hoobal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hobol
-hobasha: (n) actress (aak teris) ~ fannaanad
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hobyo
pr. n., loc. Obbia, Obiya [coastal town in central Somalia.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hobyo
de: Obbia, Obiya [coastal town in central Somalia]
lx: Hobyo
ps: n0-loc
key: Hobyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hogob
(Hogob-ka)
Dhul hooseeya; dooxo yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hogob
m.l/dh (-byo, m.dh) Dhul hooseeya oo dhir badan leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hogob
m. n. valley; river-bed; any natural depression
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogob
-ka: (magac, lab, keli) dhul hooseed dhir badan leh. Dh: dooxo.
hogob -ka: (magac, lab, keli) god qodan oo hoos u dheer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hogob
de: valley; river-bed; any natural depression
lx: hogob
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: hogob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hohob
1. (Hohob-ka) Kebed qurux badan.
2. (Hohob-ta) Geed bixiya miro la cuno oo aad u wanaagsan oo kuwa gomoshaaga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hohob
hohob¹: m.l Kabdaha nooc ka mid ah.
hohob²: m.dh 1. Geed aan qodax lahayn oo miro la cuno oo macaan bixiya una eg gomoshaaga. 2. (w) Miraha geedkaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hohob
m. n. decorative camel cloth ~ mat
hohob [feminine] n., [collective] plant species, with edible fruit (berries)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HOHOB
[OHOB] Grewia penicillata 03, G. villosa 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HOHOB
(Hohob) C, S, May Grewia penicillata Chiov. Tiliaceae.
C Grewia villosa Willd. Tiliaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hohob
-ta: (n) a wild plant with edible fruit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hohob
-ka: (magac, lab, keli) kebed qurux badan.
hohob-ta: (magac, dhedig, keli) geed bixiya midho la cuno oo geedqadhaabka ka mid ah. Hohobtoo bislaatiyo, hoobaan la moodyeey...
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Honog
(Honog-ga, Honog-ta)
1. Dhiig joogsan waaya; dhiigbax.
2. Goror badan.
3. Madowga dibiga ama nafleyda kale qaarkeed, qaarka hore ku yeeshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
honog
honog¹: m.l Sangoror.
honog²: f.mg1 (-ngay, -nogtay; -ngi) Sanka dhiig ka sii deyn. la-mid: hunug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
honog
honog¹: m.l eeg honog²; sangoror.
honog²: f.mg1 (-ngay, -nogtay; -ngi) Sanka dhiig ka sii deyn. m.f.dh, hongid. la-mid: hunug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
honog
m. n. nose bleed, bloody nose; heavy bleeding, hemorrhage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
honog
(fal) sanka dhiig ha kaa soo yaaco. Dh: goror.
honog -ga: (magac, lab, keli) dhiigga sanka ka yimaad. Dh: goror.
honog-ga: (magac, lab, keli) dhiig joogsan waaya. Dh: dhiigbax.
honog-ga: (magac, lab, keli) madowga dibiga ama nafleyda kale qaarkeed, ay qaarka kore ku yeeshaan. Dh: bey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
honog
de: nose bleed, bloody nose; heavy bleeding, hemorrhage
lx: honog
nt: honog (hongay) [v1=intr]
pd: (-ga ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: honog
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
honor
/onar/ (ame) honour (bre) (n) 1. sharaf. (v) 2. maamuusid, xurmayn, sharfid. (v) 3. ballan-fulin, sida lacag qof ballan qaaday oo uu bixiyo. e.g. She honored her debts before she left.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Haboob
Ufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobbo'
hobbo'! (ereydhawaaq) kolka ay carruurtu kufaan lagu calool'adkaysiiyo oo lagu sasabo. Gabadhu way kuftaye hobbo' dheh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hollob
(Hollob-ta)
Galka haragga kore ka kaca ama ka dhaca; toxob; agool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hollob
m.dh (-bo, m.l) Xuub yar, khafiif ah oo ka kaca jirka dadka markuu basaaso ama uu la kulmo cimilo uusan u baran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hollob
f. n. scurf; scaly skin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hollob
-ta: (n) a scaly scurf formed on or shed from the skin: scurf (iskeerf) ~ toxob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hollob
-ta: (magac, dhedig, keli) galka dubka sare ka kaca ama ka dhaca. Dh: agool, toxob.
hollob -ta: (magac, dhedig, keli) halab iyo timo badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hollob
de: scurf; scaly skin
lx: hollob
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: hollob
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hornog
-ga: (magac, lab, keli) beerta in qindi qodi karo maalin. Hornoggii saddexaad baa manta la qodayaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaboob
inch. v. become real, true
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaboob
-ay / dhabowday: (v) became true; has became true ~ rumow. Ex: sheekadii way dhabowday; the story has became true
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaboob
de: become real, true
lx: dhaboob
pd: (dhaboobay)
ps: v1=inch
key: dhaboob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hodanow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Qof hanti leh noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hodanow
inch. v. become rich, be ~ get wealthy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hodanow
de: become rich, be ~ get wealthy
lx: hodanow
pd: (hodanoobay)
ps: v1=inch
key: hodanow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodonow
(fal) hodon noqo; tanaad oo taajir noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
honono'
honono'¹: m.l Ka soo hormaridda neef ooman ama dhalay uu ka soo hormaro xooluhuu la socday.
honono'²: m.dh Marka geelu xilligii uu dhali lahaa muddo yar ka hor dhalo; horaadis.
honono'³: f.mg3 (-o'ay, -o'day) Neef dhalay ama ooman xooluhuu la socday ka soo hormarid.