ho!
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ho!
hoa! int., war hoy! naa hoy!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aano
(Aana-da)
Xumaan hore oo lays gaarsiiyey oo in laga aarguto uurka lagu hayo; godob; utun; asaaye; aarsi; dakano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarid
(Aarid-da)
Qof hor loo diley darti, qof u dilid; aargudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayad
(Aayad-da)
1. Suurad quraan, tixaha ay ka kooban tahay, middiiba.
2. Wax aan hor loo arki jirin oo yaab leh.
3. Mucjiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayo
1. (Aaya-da) (waa shedan tahay) Carruurta hooyadood maahee, oorida kale, oo aabbahood qabo.
2. (Aaya-ha) Waxtar waa danbe wax laga dheefo; ciribdanbeed; aayatiin; meecaad; liil danbe; (ama aaye).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ab
(Ab-ka)
Awooweyaashii hore oo laga soo jeedey; isir; wasiir; walcan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abab
(Abab-ka)
1. Daaqbarad (xoolo).
2. Dhallaanka yaryar waxbarashadooda hore sida cunno cunidda; sansaanka, habka, ku-dayashada, (ama abaab).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ababid
(Ababid-da)
Yaraanta iyo korriimada hore, wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaydin
(Abaydin-ta)
1. Carruur, caanaha ay hooyada ka nuugaan, ka gooyn.
2. Caano aan kuwa hooyo ahayn (oo xoolaad) carruur siin oo ku korin.
3. Carruurta lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abooto
(Aboota-da)
1. Hooyada hooyadeed ama aabbaha hooyadii; Mocooyo; Ayeeyo.
2. Fil weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abti
(Abti-ga)
Hooyada walaalkeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abtiris
(Abtiris-ka)
Aqoonta ku saabsan awooweyaashii hore magacyadooda iyo siday isugu xigeen; abtirsiino; abtirsiinyo; abnaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuur
1. (Abuur-ka) a) Wax aan hor u jirin uumis; alkun. b) Geed ubxa haya, docda uu lafta ama iniinta ku lee yahay, oo kolkii la beero korta oo geed hor leh oo cusub noqota; laf ama iniin ama cad kasta oo geed hor leh noqon karta; firi. c) Hawsha la qabto kolka beerta abuurka lagu rida hayo.
2. (Abuur-ta) Sida loo uumay (farsamo, hab, qaab); baxaalli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addeecid
(Addeecid-da)
Wax la is faray yeelid, u hoggaansamid, okobbanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afbilaw
(Afbilaw-ga)
Cunnada hore oo maalinta bilawgeeda la cuno; quraac; hamuuntir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afeef
(Afeef-ta)
Hadal, kolka la dooda hayo la hormarsado, oo waxyaalo la oran doono marmarsiinyo looga dhigo, ama waxyaalo laga baqa hayo sooqaadkood lagu gudbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afgenbi
(Afgenbi-ga)
Taliskii hore oo xoog lagu rido oo mid kale oo cusub la curiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afyaal
(Afyaal-ka)
1. Madax; horfiiq.
2. Qofka dadka soo dhoweyntiisa u qaybsan.
3. Oodafo; dhacan.
4. Horgalka tusbaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aglool
(Aglool-ka, Agloo-sha)
1. Hab weelka la xoolayna hayo, gocoyonnimada looga ba'sho: asal, dufan, laysku karshey baa lagu rogrogaa.
2. Wax la dhisa hayo ama la samayna hayo, qaabintiisa iyo jaangooyadiisa hore; bilaw; unug. 3.* Aqal, la dhisi doono, astaanti iyo muuqaalki warqad, ku muujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hod
hod¹: m.dh Meel taag hoostiis ah, godan oo biyo fariisin leh.
hod²: f.g1 (-bay, -btay) Qof dagid; khatalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hod
f.g1 (-bay, -btay) Qof dagid; khatalid. m.f.dh, hodid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hod
v. deceive, cheat; betray
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hod
-ay / day: (v) mislead (mis-leedh); betray (bitareey); double-cross ~ khayaan, khatal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hod
de: deceive, cheat; betray
lx: hod
pd: (hoday)
ps: v1=
syn: dag, khatal
key: hod
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hoe
/how/ (n) yaanbo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hoe
n., (an instrument) magarafad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hog
(Hog-ta)
1. Meel hoosaysa; god; booraan; hataq.
2. Dhis ama god si gaar ah loo sameeyey oo inta dab lagu shido, hilibka iyo cunnada jaadadkeed lagu bisleeyo; furun; tinaar; muufo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hog
m.l/dh (-gag/-go, m.l) 1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hog
m.l/dh (-gag/-go, m.l) 1. Meel hoos u qodan; god. 2. God deb lagu shido oo hilib lagu dubo. 3. God daawo ku jirto oo ariga ama lo'da lagu dhayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hog
m. n. cave, hole in the ground; earth-oven
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hog
/hoog/ (n) 1. doofaar, siiba khaansiir, shilis ah. (infl) (v) 2. wada-qaadasho, sida cunto iwm oo qof wada cuno.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hog
-ga: (n) hole (hool); cavity (kaavati); cave (keeyv); burrow (baroow) ~ god
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hog
-ga: (magac, lab, keli) maansada qaybeheeda mid ka mid ah oo dhismo ahaan iyo luuq ahaanba isu raacda.
hog-ga: (magac, lab, keli) meel hoos u qodan. Dh: booraan, hataq, god. Wa: hogag, show.
hog-ga: (magac, lab, keli) dalool buur, gidaar iyo wixii la mid ah lagu sameeyay. Dh: god.
hog-ga: (magac, lab, keli) dhis ama god si gaar ah loo sameeyey oo inta dab lagu shido, hilibka iyo wixii la mid ah. Dh: foorno, tinaar, muufo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hog
cf: bohol, haadaan, hataq
de: cave, hole in the ground; earth-oven
lx: hog
pd: (-ka ~ -ta Pl: hogag (ka))
ps: n4-m, n1-f
key: hog
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hog
n., doofaar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoh
Hoh!
Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; Hohey! Caku! Hah!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoh
e.d Erey yaabka iyo baqdinta iyo xanuunku ay dadka ka soo saaraan; hoyey!, caku!, hah!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoh
inter. ouch!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoh
(interjection) ah (aa); used to express various emotions, such as dislike or pain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoh
(ereydhawaaq) tilmaama oo lagu cabbiro yaabka, gocashada, baqdinta iyo xanuunkaba. Dh: hoheey!, caku!, haku! hah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoh
de: ouch! Exclamation of pain or distress
lx: hoh
ps: intj
key: hoh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hol
f.g1 (-olay, -oshay) Wax isku dayid; tijaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hol
v. try, attempt, test (out)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hol
(fal) diirka ka qaad. Dh: diir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hol
de: try, attempt, test (out)
lx: hol
pd: (holay / hoshay)
ps: v1=
key: hol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoo
Hoo!
1. Qabol; Qaado.
2. (Hoo-da) Waxsiin; deeq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoo
hoo¹: m.dh Siinta cid wax la siiyo.
hoo²: f.g1 (-ooyay, -oyday; -ooyi) 1. Cid wax loo soo taagay ama la siiyey qaadasho. 2. H.!: qabo!, qaado!
hoo³: f.g2 (-ooyay, -oysay) 1. Xoolo, dad iyo wixi lamida habeen meel bariisiin. 2. Xoolo, dad iyo wixi lamida hoy gelin. 3. Hanti aan deyn ahayn oo cid u baahan siin. la-mid: hoy², hoyi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoo
m.dh Siinta cid wax la siiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoo
inter. Here, take (it)!
hoo v. take, accept
hoo [feminine] n., [collective] offering, gift, present; something given out of obligation
hoo v. have someone ~ something stay overnight; put up for the night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hoo
(interjection) used to attract attention while handing something to someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoo
(fal) cid kale wax ka qaado. Hoo qalinka iyo buugga. Dh: qaado. Li: keen, dhiib.
hoo -da: (magac, dhedig, keli) cid kale wax siin; deeq, cid kale u gudbin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hop
/hap/ (v) 1. dhakawlayn, hal-lug ku boodid .(v) 2. boodid, ku-boodid. e.g. He hopped on his bicycle.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hop
v.i., (jump) bood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoq
(fal) meel xoq ama xaquuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hor
(Hor-ta)
1. Had la soo dhaafay; hore ah.
2. Docda loo jeedo; hagaag; fool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hor
hor¹: m.dh 1. Had la soo dhaafay; hore ah. 2. Dhanka loo jeedo. 3. (fk) horta: marka hore, calaakullixaal.
hor²: f.g1 (-ray, -rtay) la-mid: horee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hor
m.dh 1. Had la soo dhaafay; hore ah. 2. Dhanka loo jeedo. 3. (fk) horta: marka hore, calaakullixaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hor
f. n., loc. (adj.): front (part); in front of, before
hor [feminine] n. (adj.): time before; ago; first, previous
hor v. organize animals in groups for watering
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hor
-ta: (n) 1. forward part; front (faroont) ~ horay. Ex: horta iyo dhexda; front and centre. 2. (adv) before (bifoor). Ex: intaadan imaan ka hor, isoo wac; call me before you come, —ka hor: (preposition) prior to (paraayer tu), before; preceding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hor
(fal) xoolo la waraabinayo kolba qayb wada cabbi karta sii daa; xoolaha kolba xayn ceelka u sii daa. Horweynta soo hor aaranku ha dambeeyee.
hor-ta: (magac, dhedig, keli) jiho qof ama shay foolkiisa ku aaddan; docda loo jeedo. Dh: horay, fool. Li: gadaal, dib.
hor-ta: (magac, dhedig, keli) xilliga la joogo wixii ka horreeya.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hor
وَاجِهَةَ مُقَدَّمُ الشَّيْء
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hot
/hat/ (adj) kulul. e.g. a hot fire.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hot
a., kulul, kulayl, huur weyn; cause to be hot, huuri; feeling hot, huursan; hot sand, raran, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
how
/haw/ (adv) 1. sidee. e.g. How do you read this word? (adv) 2. heerkee. e.g. How do you like it? (infl) 3. how come (sidee ku dhacday, waayo) e.g. How come I didn't get any money?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoy
hoy¹: m.l (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri.
hoy²: f.g2 (-yay, -ysay) la-mid: hoo³.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hoy
m.l (hooyo m.l) Meel la deggan yahay oo dad ku noolyahay; guri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoy
m. n. home, dwelling, shelter; faculty, college staff
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoy
(fal) meel uu u hoydo sii.
hoy: hoy! eeg hooy!
hoy-ga: (magac, lab, keli) meesha la galo ee la seexdo. Hoygaaga ayaa hurdo lagu gam'aa. Dh: aqal, min, guri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoy
de: home, dwelling, shelter; [ext.] faculty, college staff
lx: hoy
pd: (-ga)
ps: n1-m
see: hooy
key: hoy
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hoy
(see bugalow).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
lo!
int., eeg! eega!
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tò!
inter. - hoo!