hiyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyi
(Hiyi-ga)
Kasha dadka oo wax waliba ku soo dhacaan; kal; laab; qalbi, cindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyi
m.l Laab; kal; qalbi; niyad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiyi
m.l Laab; kal; qalbi; niyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiyi
m. n., [abstract] sense, heart, center of emotion
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiyi
-ga: (n) feeling (fal ling); emotion (imowshen); sense (sen-si)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiyi
-ga: (magac, lab, keli) maanka ama maskaxda uu dareenku ku dhaco. Dh: maan, maskax, kash, niyad, kal, laab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiyi
de: sense, heart, center of emotion
lx: hiyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-abs
key: hiyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyil
m.l (-llo, m.dh) Duud dhagax ah, is haysta oo ku dhereran xeebaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaawi
(Hawaawi-ga)
Alalad; dhadhab; riyo; hiyiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiddiwaale
(Hiddiwaala-ha)
Hiyiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyikac
(Hiyikac-a)
Kasha oo kicitin galo; tegid ama socod oo laabta ku soo dhaca; kalkaggeeddi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyikicid
(Hiyikicid-da)
Hiyiga ka kicid; kalkaggeeddi gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiyiwaale
(Hiyiwaala-ha)
Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya; hiddiwaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kal
1. (Kal-ka) a) Waa'; goor; sano; shin, b) Miile; moog; jil. c) Lafaha dhudhummada middood.
2. (Ka-sha) a) Hiyi; laab; qalbi. b) Tibta mooyaha wehelisa oo badarka lagu tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawakac
hawakac¹: m.l la-mid: hiyikac¹.
hawakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) la-mid: hiyikac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawakicid
m.dh la-mid: hiyikicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirimmaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc ciyaarta sayliciga ka mid ah, laga ciyaaro aroosyada lagana dheelo xeebaha badda cas. la-mid: hiddiwaale, hiyiwaale (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyikac
hiyikac¹: m.l Welwel iyo degganaan la'aan ku dhasha qof niyadda laga rabo awgeed. la-mid: hawakac¹, niyadkac¹, niyakac¹.
hiyikac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) Welwel iyo degganaan la'aan dareemid, wax niyadda laga rabo awgeed. la-mid: hawakac², niyadkac², niyakac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyikicid
m.f.dh eeg hiyikac². la-mid: hawakicid, niyadkicid, niyakicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiyiwaale
m.l 1. Kasha waxyaalo saldhig iyo xasilloonaan u diida, ku soo rida; hiyiga waala oo kiciya. 2. la-mid: hirimmaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. la-mid: kacaamid.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kal
kal¹: m.l (-lal, m.l) 1. Wąa; goor; sano. 2. Miile.
kal²: m.dh (-lo, m.l) 1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.
kal³: m.dh (jooloji) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalkaggeeddi
m.l.kh K. ah: qof socdaal raba hiyikaca ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyadkac
niyadkac¹: m.l la-mid: hiyikac¹.
niyadkac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) la-mid: hiyikac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyadkicid
m.dh la-mid: hiyikicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakac
niyakac¹: m.l la-mid: hiyikac¹.
niyakac²: f.mg1 (-cay, -cday; -kici) la-mid: hiyikac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niyakicid
m.dh la-mid: hiyikicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarkadhaban
m.l (-nno, m.dh) 1. Welwel iyo hiyikac ku dhaca qof, arrin la soo deristay awgeed. 2. Dhibcaha biyaha roobka. 3. Roob tabaryar oo aan dhulka si fiican u qoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hii
(ereydhawaaq) kexee oo aguuji. Xoolaha hii dheh waan aroorinaynaaye. Dh: aguuju.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyi
(Ciyi-ga)
1. Gargaar; xoolaggooyo.
2. Hilib, qoladii wax qalataa deriska u qaybiso.
3. Xarad rarada ama weelka la tolayo lagu dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyi
m.l 1. Waqti jiilaal ah, reero shiraystay, hilibka ay siiyaan cid aan wax qalin. 2. Xarar lagu dhigo rarada ama weel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyi
m. n. sharing, distribution of goods; help, assistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyi
-ga: (magac, lab, keli) xaradh lagu sameeyo harrarada ama weelka la tolayo oo farta lagu hayo.
ciyi -ga: (magac, lab, keli) gargaar iyo taakulo; xoologooyo.
ciyi -ga: (magac, lab, keli) dheef, soor ama hilbo ay labada reer ee deriska ahi isa siiyaan. Waxa caado ah in reerka neef qashaa, si degdeg ah, deriskiisa u gaadhsiiyo. Ciyigii waa ka beryey, ninkii cunay baa ka liita.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyi
cf: gargaar; xoolaggooyo
de: sharing, distribution of goods; help, assistance
lx: ciyi
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: ciyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giyi
(Giyi-ga)
Geyi; gayi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giyi
m.l la-mid: geyi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giyi
m. n., [collective] land, country; domain; world, universe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
giyi
-ga: (n) world (wooldh)-, earth (eerath) ~ geyi, gayi. Ex: giyiga aan ku noolnahay..; the earth we inhabit.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giyi
-ga: (magac, lab, keli) eeg geyi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giyi
de: land, country; domain; world, universe
lx: giyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
see: geyi
key: giyi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidi
(fal) niyad sami wax u bixi; daacadnimo wax ugu deeq. Dh: hannee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiti
f.mg2 (-iyay, -isay) Dhuti. la-mid: heeti (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiti
v. limp; wobble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiti
(fal) si dhuti iyo tukube ah u soco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiti
a: heeti
de: limp; wobble
lx: hiti
pd: (hitiyey)
ps: v2a=intr
key: hiti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoyi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: hoo³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoyi
v. bring ~ take someone home; accommodate for the night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoyi
(fal) meel uu ku hoydo sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoyi
a: hooyi
de: bring ~ take s.o. home; accommodate for the night
lx: hoyi
pd: (hoyiyey)
ps: v2a=
key: hoyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miyi
(Miyi-ga)
Dhul aan la degganayn oo magaalooyinka ka fog; baaddiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miyi
m.l Dhul magaalooyinka ka fog oo xoolo dhaqatadu ku noolyihiin; baadiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miyi
m.l Dhul magaalooyinka ka fog oo xoolo dhaqatadu ku noolyihiin; baadiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyi
m. n., loc. countryside, the interior; rural area; savanna, grassland
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Miyi
rural.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyi
-ga: -ha: (n) countryside (kaan 'tirisaaydh); country (kaan-tiri); boondocks (buundhakis); rural area; an area outside of cities and towns ~ baaddiye, baadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miyi
-ga: (magac, lab, keli) meelaha aan magaalooyinka ahayn ee adeegga magaalana ka magan yahay. Miyi ayaan ka imid oo magaalaan ku socdaa Dh: baadiye. Li: balad, magaalo, bandar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyi
de: countryside, the interior; rural area; savanna, grassland
lx: miyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-loc
key: miyi
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Chili
Jill
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
chili
/jili/ (n) 1. bas-baas 2. maraq hilib, bas-baas iyo waxyaaba kale ku jiraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ciyid
(Ciyid-da)
Cida xoolaha oo kale samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciyid
m.f.dh eeg ci'².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciyid
vl. n. crying (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciyid
-da: (n) the act of making a wail or cry, especially by animals; growl (growl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyid
-da: (magac, dhedig, keli) ci'da riyaha samayn; codka xayawaanka oo kale samayn; ciyis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciyid
de: crying (of animals)
lx: ciyid
pd: (-da)
ps: vn1-f, vn2a-m
key: ciyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ciyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibi
(Dhibi-da)
Kaadida awrta qooqani isku sayriso oo habeedda madow ku noqota (ama dhebi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibi
m.dh Madowga maraqsaarka awrta qooqan ka muuqda kana samaysma kaadi uu isku sayray. la-mid: dhebi².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibi
f. n., (mass n.): urine of male camel in rut which soils its backside
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibi
-da: (magac, dhedig, keli) awrka qooqan kaadida uu isku seydho ee habeedda ku noqota. Dhibida awrka iska eeg yey ku marine. Dh: dhebi.
dhibi-da: (magac, dhedig, keli) madaw geela kaga dhasha margaagga oo uu dhidid keeno. dhibib -ka: (magac, lab, keli) sida uu noqdo qofka uu oogadiisa dhiig badani ka baxo. Dh: dhibiibi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibi
cf: dhibidhiso
de: urine of male camel in rut which soils its backside
lx: dhibi
pd: (-da)
ps: n2a-f-mass
key: dhibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhici
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhici
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax la dhacay badbaadin. 2. (f.g) Ilmo dhicis ah dhalid. 3. (f.mg) Ka dh.: cid wax ka daaficid. m.f.dh, dhicin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhici
v. make something happen ~ occur; cause to fall ~ befall
dhici: v. miscarry, give birth prematurely, abort; stop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhici
-say: (v) 1. miscarry (mis-kaari); have a miscarriage; spontaneous abort (a-boort). 2. -iska dhici -yey / say: (v) defend yourself.tEx: tuuga iska dhici! defend yourselffrom the thief!
soo dhici -yey / say: (v) retrieve (ri-tiriiv); recapture; get back, recover, regain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhici
(fal) ilmo dhicis ah dhal.
dhici: (fal) wax la qaatay soo rid; wax la dhacay badbaadi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhici
خِدَاجٍ إِجْهاض، إِلْقَاءُ الْأُمِّ لَوَلَدِهَا قَبْلَ الْاكْتِمَالِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: danaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiti
dhiti¹: m.l Geedka xaskusha.
dhiti²: f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: dhuti.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiti
(fal) laangadhee oo lug ka heeti. Dh: hitiqlee, heeti, dhuti.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHIYE
(Die) N Gloriosa aurea Chiov. Liliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybi
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Baadi cid weyddiin. 2. Wax cid weyddiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haybi
f.lg2 (-iyay, -isay) 1. Baadi cid weyddiin. 2. Wax cid weyddiin. m.f.dh, haybin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haybi
ditransitive v. inquire about one's origins; enquire ~ ask something of someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haybi
-yey / say: (v) make an inquiry by asking a question; inquire (inkuwaayr) ~ wayddii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haybi
(fal) wax maqan raadi oo dadka weydii. Dh: baafi, doonddon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haybi
cf: tooyo, warayso
de: inquire about one's origins; enquire ~ ask s.t. of s.o.
lx: haybi
pd: (haybiyey)
ps: v2a=ditr
key: haybi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayin
(Hayin-ka)
Rati la rarto oo aan layli ahayn; biyammaddaadshe; xaaswalwaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayin
m.l (-nno/-immo, m.dh) 1. Rati la rarto oo aan buubaal ahayn. 2. H. ah: hayiminta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayin
m.l (-nno/-immo, m.dh) 1. Rati la rarto oo aan buubaal ahayn. 2. H. ah: hayiminta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayin
m. n. (adj.): tame ~ trained pack camel; docile; simple, uncomplicated
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hayin
nickname; name-m docile; simple, uncomplicated; tamed ~ trained pack camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hayin
-ah: (adj) tame (teeym); domesticated; especially a tamed camel used to carry loads ~ hebad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayin
-ka: (magac, lab, keli) awr weyn oo caanamadaadshe ah oo aad loo carbiyay oo wax lagu rato; rati aan layli ahayn. Hayin iyo markaad subag hesheen hawd ku soo mariyay... Dh: xaaswalwaal, biyamadaadshe. Li: layli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayin
cf: awr, rati
de: tame ~ trained pack camel; [atr.] docile; [ext.] simple, uncomplicated
lx: hayin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hayin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haysi
m.l la-mid: haysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg haysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidif
-ka: (magac, lab, keli) timaha carruurta ce wejiga soo gala oo xaadda ah. Dh: idif.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidin
(Hidin-ta)
Bixin ama deeq karti u lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidin
m.dh Kartida loo yeesho wax bixinta.