hitiqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiqin
m.f.dh eeg hitiqi. la-mid: hitiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitiqin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod gaabin ah oo dhuti ku jiro; si cagculays ah u socosho.
hitiqin -ta: (magac, dhedig, keli) wax dhibi gaadhay ama dhaawacan horay u tukubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiqi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley hitiq u socodsiin; luudin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hitiqi
v. make someone walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitiqi
(fal) aayar u soco oo dhuti; socod tukube ah, soco. Dh: dhuti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hitiqi
de: make s.o. walk slowly
lx: hitiqi
pd: (hitiqiyey)
ps: v2a=tr
key: hitiqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiqid
m.f.dh eeg hitiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiqis
m.l la-mid: hitiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitiqis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hitiqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurrin
-ta: (magac, dhedig, keli) aayar u dhutiyid. Muurrintu waa dhuti fudud. Dh: hitiqin, heetin. muursasho -da: (magac, dhedig, keli) muur ka dhigasho. Ninka an awr hayin ah lahayn muursashada dameer Allaa baday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitin
m.dh eeg hiti. la-mid: heetin, heetis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitin
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhuti iyo tukube ah u socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitiq
f.mg1 (-qay, -qday) Qof si tabar yari ku jirto u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hitiq
v. walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitiq
-da: (magac, dhedig, keli) socodka tukubaha ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hitiq
de: walk slowly
lx: hitiq
pd: (hitiqay)
ps: v1=intr
key: hitiq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ITIIN
(Itin) N Commiphora boiviniana Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilin
(Hiilin-ta)
Dad dagaallama haya, mid, af ama addin ka taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilin
m.f.dh eeg hiili. la-mid: hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiilin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» dad is haya midkood af ama addin ku taageerid. Dh: taageerid, garabsiin.
hiilin-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» dad is haya, dhinac ka eexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqin
m.f.dh eeg hinqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqin
m.f.dh la-mid: harqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqin
-ka: (magac, lab, keli) weel aad u buuxin; buuxdhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiiqin
m.dh la-mid: qaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mitirin
m.f.dh eeg mitiri. la-mid: mitiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mitirin
-ta: (magac, dhedig, keli) mitir ku dhererin; masaafadiisa cabbirid; inta dhererka ama ballacu yahay eegid. Dh: mitiris.
mitirin -ta: (magac, dhedig, keli) walacsi. Wax i sii ama mitirinta iga daa. Dh: walacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiiqsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibitiqid
(Hibitiqid-da)
Biyo ama wax kale oo shubma oo dhibic dhibic u soo baxa, soo deyn; darrorid yar; habyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibitiqid
m.f.dh eeg hibitiq². la-mid: hibitiq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibitiqid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ama dareere kale kolba in yar dhibicdhibic u tiixtiixid. Dh: dhibiclayn, habyid, darroorid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shintirin
(Shintirin-ta)
(wax u) maalmo ama bilo ama guyaal tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shintirin
m.f.dh eeg shintiri. la-mid: shintiris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shintirin
-ta: (magac, dhedig, keli) u-wax maalmo ama bilo ama guyaal u tirin, shintiris. U shintirin uma baahna geelu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhididin
m.f.dh eeg dhididi. la-mid: dhididsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhifitin
vl. n. act of snatching, jerking away
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhifitin
a: dhiftin
de: act of snatching, jerking away
lx: dhifitin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhifitin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiiqsin
(Dhiiqsin-ta)
In la dhiijiyo; wax yar oo la liso; caano yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqsin
m.dh In yar oo caano ah oo hal mar naas laga dhiijiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiiqsin
vl. n. short milking, small amount of milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqsin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku jira naas ka dhiijisasho. Saca dhiiqsin waa hore ayaa ugu dambaysay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiiqsin
de: short milking, small amount of milk
lx: dhiiqsin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: dhiiqsin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ititibin
m.f.dh eeg ititibi. la-mid: ititibis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ititibin
-ta: (magac, dhedig, keli) hanti lagu dhaqay si tartiib iyo maamulwanaag leh. Ititibinta xoolaha dadow, ma i tibaaxdaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiti
f.mg2 (-iyay, -isay) Dhuti. la-mid: heeti (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiti
v. limp; wobble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiti
(fal) si dhuti iyo tukube ah u soco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiti
a: heeti
de: limp; wobble
lx: hiti
pd: (hitiyey)
ps: v2a=intr
key: hiti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiin
(Tiin-ka)
1. Miro yaryar oo macaan badan oo gudaha ku leh gan ubax ah; waxay lee yihiin dalool yar oo uurka iyo afka isu haya; wax ka bisayldhaafi og, oo sidaas daraaddeed, waa la engejiyaa.
2. Geedka mirahaasi ka baxaan.
3. Geed dhulka kulul iyo lamaddegaannada ka baxa oo aan caleemo lahayn oo laamihiisu ka samaysan yihiin xubno bagbagafsan oo wada buruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin; wuxuu dhalaa miro qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana qodxo ku rogan yihiin; qurcis; tiin-hindi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiin
tiin¹: m.l 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
tiin²: (-tiin) dk.lh.dh la-mid: tiinna².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiin
m.l 1. Geed aan caleemo lahayn oo korkiisa qodxo ku wada rogon; miraha geedkaas. 2. Macdan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tiin
Cactus
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiin
m. n. cactus plant; succulent used as a hedge
tiin m. n. fig tree; fig ~ figs (fruit)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TIIN
(Tin) S, C, N, May. NFD Opuntia ficus indica L. Cactaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiin
-ka: (magac, lab, keli) geed lamaddegaannada iyo dhulka kulul ka baxa oo aan laamihiisu caleemo lahayn ayse ka kooban yihiin xubno bagbagafsan oo wada baruq ah oo korka iska saarsaaran oo qodxo ku wada rogan yihiin, wuxuu dhalaa midho qaabka ugaxda leh oo kolkay bislaadaan aad u guduudan oo iyagana ay qodoxi ku rogan tahay. Dh: qurcis, tiinhindi.
tiin -ka: (magac, lab, keli) midhaha geedka tiinka ka baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bitin
(Bitin-ta)
Bito kicin; duulin; buubin; haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bitin
m.f.dh eeg biti².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitin
-ta: (magac, dhedig, keli) boodh ama budo kicin. Bitinta iyo finiinka naga daaya. Dh: duulin, bidin, haadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
citin
m.dh Hambo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
citin
m.dh Hambo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
citin
-ta: (magac, dhedig, keli) inta ugu yar ee ay fari qabato. Cumar hilibkii citin ma reebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiqin
(Fiqin-ta)
Faq ugu yeerid; hoos ula hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiqin
m.f.dh eeg fiqi². la-mid: faqin, faqis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiqin
f. n. whisper, confidential talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiqin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hoos ula hadlid oo faq wax ugu sheegid. Dh: faqidtaan, figis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiqin
de: whisper, confidential talk
lx: fiqin
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: fiqin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqin
m.f.dh eeg haqi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidin
(Hidin-ta)
Bixin ama deeq karti u lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidin
m.dh Kartida loo yeesho wax bixinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidin
f. n. giving, ability to give, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bixinta ama deeq karti u lahaansho. Dh: hidis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidin
de: giving, ability to give, charity
lx: hidin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiili
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof, qof kale uga danaanin. la-mid: hiil², hiilli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiili
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof, qof kale uga danaanin. m.f.dh, hiilin. la-mid: hiil, hiilli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiili
(fal) «u» labo is haya, midkood taageer. Weligaa u hiili halka xaqqu yaal. Dh: garabjoogso, taageer.
hiili: (fal) «kalabo is haya, midkood ka eexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilin
(Hilin-ka)
Waddo weyn oo haloosi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilin
m.l (-immo/-nno, m.dh) Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilin
m.l (-immo/-nno, m.dh) Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilin
m. n. road, street, avenue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilin
-ka: (n) path (paath); route (ruut). Ex: hilinka toosan; the right path
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hilin
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reerku uu geeddi ahaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil toosan sida hilinka ama caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilin
-ka: (magac, lab, keli) dariiq ama waddo la maro. Dh: dariiq, waddo, jid, marrin, daw.
hilin-ka: (magac, lab, keli) jidka lagu gaadho summadaha iyo jaantusyada gaar ahaaneed ee xogta sayniska iyo xisaabta. Dh: jid, tub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilin
cf: haloosi, waddo
de: road, street, avenue
lx: hilin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hilin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinqi
v. lift (up), raise something up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinqi
de: lift (up), raise s.t. up
lx: hinqi
pd: (hinqiyey)
ps: v2a=tr
key: hinqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiriq
m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo hirqashada. Tusaale: “H. ka dheh”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof wax ka dhergin. la-mid: harqi (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirqi
v. make someone full, have someone be satisfied
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirqi
de: make s.o. full, have s.o. be satisfied See also: harqi
lx: hirqi
pd: (hirqiyey)
ps: v2a=tr
key: hirqi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idiin
1. Uyaalka qofka lala hadla hayo oo koox ah; dartiin; daraaddiin.
2. (Idiin-ta) Haragga megedda laga dhigo oo aad loo jilciyo; maas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idiin
m.dh Harag jilicsan oo si fiican loo megdiyay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idiin
pron. and preposition: to you all, for you, on your behalf
idiin: [feminine] n. leather (dyed and prepared)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Idiin
pour vous (pluriel).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
idiin
(pronoun) you (plural). Ex: waxaan idiin sheegayaa; I want to tell you [all]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
idiin
(magac'uyaal) qofka labaad ee lalahadlaha ah oo wadar ah. Waxaan idiin sheegayaa in maanta la guurayo. Dh: idinka.
idiin-ta: (magac, dhedig, keli) harig la jilciyay ama la deebiyay oo dhogortii laga muldhiyey. Idiinta masalle ayaa laga samaysan jirey, masaftana waa lagu gaaran jirey, qardhaastana waa lagu jaxaasan jirey.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Idiin
Saan magdaysan ee jilicsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iibin
(Iibin-ta)
Alaabta, kd., la ganacsado rogrogiddeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibin
m.f.dh eeg iibi. la-mid: iibis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibin
vl. n. sale, selling, marketing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibin
-ta: (n) selling (seeling)', sale (seeyl) ~ gadida, iibis-ka, —soo iibinta: (n) the act of purchasing (peerjaaysing)