hirqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirqasho
(Hirqasha-da)
Weel ama meel godan biyo aad uga buuxid; ceegaagid; buuxdhaafid; ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqasho
m.f.dh la-mid: harqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, caano iyo wixii la mid ah, ka dhergid. Dh: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirasho
m.f.dh eeg hiro. la-mid: hirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiigsasho meel wehel ama waxtar kale laga dayayo. Dh: iilasho, hirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqasho
m.f.dh eeg harqo. la-mid: harqad (3), hirqad, hirqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinqasho
(Hinqasha-da)
Kicid u hollasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqasho
m.f.dh eeg hinqo. la-mid: hinqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinqasho
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaan isku diyaarin; kicid u hollasho. Dh: ruqaansasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirqad
(Hirqad-ka)
Hirqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqad
m.l la-mid: hirqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hirqo
f.mg3 (-qaday, -qatay) 1. Biyo weel ka buuxsasho. 2. Cunto ama biyo si aad ah uga dhergid. m.f.dh, hirqasho. la-mid: harqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog wax u kabbasho; cantuugo aad ah afka ka buuxi. Maggaabista ha ku saxan. Dh: cantuugo, kabbasho. Li: qudhqudho, hirqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirqad
a: hirqasho (/da) [vn-f-st]
de: overflowing, brimming over, state of fullness
lx: hirqad
pd: (-ka)
ps: vn-m-st
key: hirqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharqasho
m.f.dh eeg dharqo. la-mid: dharqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharqasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka meel dul marmarin oo wax ku naban kaga goosasho ama dub ku xoodaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiiqasho
m.f.dh eeg dhiiqo². la-mid: dhiiqad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiiqasho
-da: (magac, dhedig, kelo) dhiiqo dhoobo ah ama dhiriq ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilqasho
m.dh la-mid: dhillisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firasho
(Firasha-da)
Timaha saqaf ku hagaajin; shanlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firasho
m.f.dh eeg firo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firasho
vl. n. act of combing the hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firasho
-da: (magac, dhediq, keli) eeg fidhasho.
firasho-da: (magac, dhedig, keli) weecasho oo meel ka leexasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firasho
a: feerasho
de: act of combing the hair rw: firo
lx: firasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: firasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqasho
m.f.dh eeg haqo. la-mid: haqad (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhulka ku daadsanaa, ururso adiga oo adeegsanaya salabe iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibasho
(Hibasha-da)
Wax hor u dhacay oo laga samri waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibasho
m.f.dh eeg hibo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hibasho
f. n. unforgettable event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hibasho
-hibashada: (n) memorable experience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibasho
-da: (magac, dhedig, keli) xasuus dhib horay loo soo maray; wax horay u dhacay oo laga samriwaayo. Dh: gocasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hibasho
de: unforgettable event
lx: hibasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hibasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hifasho
(Hifasha-da)
Wax hor u dhacay oo sidii la doona hayey aan laga yeelin, isku canaanasho; isciilkaanbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hifasho
m.f.dh eeg hifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hifasho
vl. n. regret, blaming oneself, repentance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hifasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u dhacay oo sidii la doonayey u qabsoomi waayey isku canaanasho. Dh: karhid,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hifasho
de: regret, blaming oneself, repentance
lx: hifasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hifasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horasho
m.f.dh eeg horo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horasho
-da: (magac, dhedig, keli) isku cararka neefka irmaan iyo ilmihiisa. Horashada ayaa lagu kartaa labada is dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqasho
(Iiqasha-da)
Ciriiri gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Irkasho
(Irkasha-da)
Kol danbe wax ka dheefid ama u aayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irkasho
m.f.dh eeg irko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irkasho
-da: (magac, dhedig, keli) cuskashada wax kale oo ku taageera. Dh: cuskasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirasho
(Mirasha-da)
Mirta dhexdeeda daaq doonasho, wax cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirasho
m.f.dh eeg miro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirasho
-da: (magac, dhedig, keli) habeen daaqid. Kolkay soo fulaan xooluhu mirashada saq dhexe ayay ku gaadhaan. Dh: mirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qirasho
(Qirasha-da)
Wax qof falay oo aan laga asaraartamine 'falay' la yiraahdo; inkirid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirasho
m.f.dh eeg qiro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qirasho
vl. n. acknowledging, confessing, admitting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qirasho
-qirashada: (n) confession (kon-feshen); admission (aadh-mishin) ~ qiraal, qirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fal dhacay masuuliyaddiisa si cad u oggolaansho. Ninkii ninka dilay qirasho wuu diiddan yahay. Dh: oggolaansho. Li: dafirid, diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qirasho
de: acknowledging, confessing, admitting
lx: qirasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qirasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qirasho
اعْتِرَاف، إِقْرارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siqasho
m.f.dh eeg siqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siqasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoo aad fadhido badhida ku soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirasho
m.f.dh eeg tiro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku sugan ama ku ba'ay ka baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirasho
m.f.dh eeg xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirasho
vl. n. wearing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirasho
-xirashada: (n) the act of wearing or clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar qaadasho oo lebisasho. Dh: xidhasho.
xirasho-da: (magac, dhedig, keli) cibaado niyadda gelin oo guda galid. Dh: xidhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirasho
cf: xiro
de: wearing
initial: x
lx: xirasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birmasho
(Birmasha-da)
Meel wax ka dhaceen degdeg ciidan ugu dirid; gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmasho
m.f.dh eeg birmo. la-mid: birmad (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmasho
vl. n. rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmasho
-da: (magac, dhedig, keli) goob dhibaato ka dhacday ama cid xumi haysato u ciidamid. Birmasho la gaadha reerka col baa galaye. Dh: gurmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmasho
de: rescue
lx: birmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: birmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burqasho
(Burqasha-da)
Biyo ama wax la mid ah oo meeshay ku jireen inta ka bata, xoog ku soo baxa; butaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burqasho
m.f.dh eeg burqo. la-mid: burqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
burqasho
vl. n. act of gushing out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
burqasho
-burqashada: (n) a sudden outflow; gush (gaash); spout (ispaawt) -butaaco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burqasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg burqad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
burqasho
de: act of gushing out
lx: burqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: burqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqasho
m.f.dh eeg ciiqo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirgasho
(Dirgasha-da)
Dhaqdhaqaaq yar; nuuxnuuxsi; fergasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirgasho
m.f.dh eeg dirgo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirgasho
vl. n. small movement, shift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirgasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu u dhaqaaqi karo siduu doono.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirgasho
de: small movement, shift
lx: dirgasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dirgasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirsasho
m.f.dh eeg dirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u dirid. Qofka yar ayaa dirashada ku fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqasho
m.f.dh eeg fiiqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) indho araggoog naaqusmay, daaweysasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo war la mid ah, caaradiisa yuubasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) meel, qushaashka ka xaaqasho.
fiiqasho -da: (magac, dhedig, keli) aale iyo war mid ah, diirka ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filqasho
(Filqasha-da)
Fikasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filqasho
m.f.dh eeg filqo. la-mid: filqad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filqasho
vl. n. act of slipping out ~ escaping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filqasho
-da: (magac, dhedig, keli) kala qubash kala daadasho; kala finiinid; kala fakasho. filqi: (fal) kala saarsaar; feedh; feer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filqasho
a: filqad
de: act of slipping out ~ escaping
lx: filqasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
syn: fikasho
key: filqasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgasho
m.dh la-mid: fargasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxasho
(Firxasha-da)
Wax badan oo orda haya oo haddana kala firirsan; kala yaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxasho
m.f.dh eeg firxo. la-mid: firxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxasho
-da: (magac, lab, keli) eeg firxad.