hirgashan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hirgashan
der. [adjective] applied
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hirgashan
de: applied
lx: hirgashan
pd: (hirgashanaa)
ps: adj-der
key: hirgashan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firaashan
La firaashay; la gogley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la firaashay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
firaashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax la firaashay ahaansho. m.f.dh, firaashnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaashan
der. [adjective] carpeted, covered with mats; furnished
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
firaashan
-aa: (n) fixed (fiksidh); prepared (pri-peeridh). Ex: qol firaashan; fixed room
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashan
(tilmaame) meel la gogley.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firaashan
de: carpeted, covered with mats; furnished
lx: firaashan
pd: (firaashnaa)
ps: adj-der
key: firaashan
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hir gaaban
Short Wave
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax shay la fasilay ama la tolay xiran ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gashan
f.g4 (-naa, -nayd) Wax shay la fasilay ama la tolay xiran ahaansho. m.f.dh, gashanaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gashan
-aa: (adj) wearing (weeringf dressing in (dhareesing in) ~ labisan. Ex: gabar surweel gashan; a girl wearing pants [trousers]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashan
(tilmaame) wax xidhan oo ku labbisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirasho
m.f.dh eeg hiro. la-mid: hirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiigsasho meel wehel ama waxtar kale laga dayayo. Dh: iilasho, hirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirgasho
(Dirgasha-da)
Dhaqdhaqaaq yar; nuuxnuuxsi; fergasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirgasho
m.f.dh eeg dirgo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirgasho
vl. n. small movement, shift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirgasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu u dhaqaaqi karo siduu doono.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirgasho
de: small movement, shift
lx: dirgasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dirgasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgasho
m.dh la-mid: fargasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagan
higaagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax fuursan ama dibbirsan noqosho.
higaagan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax higaag ku xiran ahaansho. 2. Wax fuursan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
higaagan
der. [adjective] fastened with a security strap; swollen, inflated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higaagan
(tilmaame) wax dibbirsan oo fuursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
higaagan
de: fastened with a security strap; [ext.] swollen, inflated
lx: higaagan
pd: (higaagnaa)
ps: adj-der
key: higaagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higgasho
m.dh la-mid: hingood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigasho
m.f.dh eeg hiigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasan
(tilmaame) qof hinaase hayo ah. Dh: masayrsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingasho
m.dh la-mid: hingood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingasho
-da: (magac, dhedig, keli) hingo ka imaansho.
hingasho -da: (magac, dhedig, keli) hingo iska dareemid.
hingasho-da: (magac, dhedig, keli) filasho la waayey, rajo weyn oo la qabay oo lagu hongoobay. Ninkii aan lahaa wax weyn baad ka heli hingasho ayaan kala soo noqday. Dh: luggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirqasho
(Hirqasha-da)
Weel ama meel godan biyo aad uga buuxid; ceegaagid; buuxdhaafid; ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqasho
m.f.dh la-mid: harqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, caano iyo wixii la mid ah, ka dhergid. Dh: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgacan
sirgacan¹: f.mg1 (-cmay, -cantay; -cmi) la-mid: sirgaxan¹.
sirgacan²: f.mg4 (-cnaa, -cnayd) la-mid: sir-gaxan².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sirgacan
Anamolous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgacan
(tilmaame) maroora ama aan toosnayn. Walle waa talo sirgacan. Dh: qalloocan, gurracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sirgaxan
Qalloocan; duwan; gurracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgaxan
sirgaxan¹: f.mg1 (-xmay, -xntay; -xmi) Wax qalloocmay noqosho. la-mid: sirgacan¹.
sirgaxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax qalloocan ahaansho. la-mid: sirgacan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sirgaxan
sirgaxan¹: f.mg1 (-xmay, -xntay; -xmi) Wax qalloocmay noqosho. m.f.dh, sirgaxmid. la-mid: sirgacan.
sirgaxan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax qalloocan ahaansho. m.f.dh, sirgaxnaan. la-mid: sirgacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sirgaxan
der. [adjective] crooked; distorted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sirgaxan
-sirgaxnaa / sirgaxnayd: (adj) awkward (ook-woodh); clumsy (kalam-zi); difficult to handle, understand, or manage
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sirgaxan
Scorretto
Incorrect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgaxan
(tilmaame) sidii loogu talogalay ama loo bartay ka duwan; aan caadi ahayn. Dh: sillan, silloon, qalloocan, gurracan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sirgaxan
de: crooked; distorted
initial: s
lx: sirgaxan
pd: (sirgaxnaa)
ps: adj-der
key: sirgaxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraashan
La buraashay; buraash la marshey; tirtiran; nadiifsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buraashan
f.mg4 (-shnaa, -shnayd) Wax buraash lagu nadiifiyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buraashan
der. [adjective] brushed, wiped with a brush, clean
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraashan
(tilmaame) ah wax la buraashay ama burush la marshey. Kaba buraashan xidho. Dh: masaxan, baalashaysan, nadiifsan, tirtiran.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buraashan
de: brushed, wiped with a brush, clean
lx: buraashan
pd: (buraashnaa)
ps: adj-der
key: buraashan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargabsan
Hargab hayo; dureysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hargab hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hargabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hargab hayo ahaansho. m.f.dh, hargabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hargabsan
der. [adjective] having a cold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hargabsan
-aa: (adj) having caught a head cold; catching cold ~ dureysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargabsan
(tilmaame) hargab qaba; duri leh. Anoo hargabsan bay xumadi iigu biirtay. Dh: duraysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hargabsan
de: having a cold
lx: hargabsan
pd: (hargabsanaa)
ps: adj-der
key: hargabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqanaan
m.f.dh eeg hirqan. la-mid: hirqanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaashnaan
m.f.dh eeg firaashan. la-mid: firaashnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaashnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) goglanaan iyo kala baxsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhalaashan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhalaalshay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhalaashan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la dhalaalshay ahaansho. m.f.dh, dhalaashanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalaashan
der. [adjective] melted, liquified; bright, shiny
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhalaashan
(tilmaame) eeg dhalaalsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhalaashan
de: melted, liquified; bright, shiny
lx: dhalaashan
pd: (dhalaashanaa)
ps: adj-der
key: dhalaashan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dherganaan
m.f.dh eeg dhergan. la-mid: dherganaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiryaqaan
-ka: (magac, lab, keli) qof dhirta aad u kala yagaan oo magacdeeda iyo manfacaddeedaba kala yaqaan. Dh: geedayaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si cadaawad iyo nac ah cid wax u yeelid. Dh: dibindaabyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibid iyo jirrabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirsanaan
m.f.dh eeg shirsan. la-mid: shirsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dad shirsan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgacnaan
m.dh la-mid: sirgaxnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgacnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sirgaxan ahaan; qalloocsanaan; gurracnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgaxnaan
m.f.dh eeg sirgaxan². la-mid: sirgacnaan, sirgacnaansho, sirgaxnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgaxnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sirgaxan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargabsanaan
m.f.dh eeg hargabsan. hargabsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraanhirsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: hiraahirsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birsan
(Birsan-ta)
Birlab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birsan
m.dh Nooc birta ka mid ah oo aad u adag birlab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
birsan
m.dh Nooc birta ka mid ah oo aad u adag birlab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birsan
f. n. steel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birsan
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg birlab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birsan
de: steel
lx: birsan
pd: (-ta)
ps: n -f
syn: birlab
key: birsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bishan
n. phr., time: this month
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bishan
de: this month = bil + tan
lx: bishan
ps: np-time
key: bishan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gashad
(Gashad-ka)
Lebbis qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashad
m.f.dh eeg gasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashad
vl. n. dressing oneself, donning clothing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashad
a: gashasho (/da) [vn-f]
de: dressing oneself, donning clothing
lx: gashad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: gashad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gashin
m.l la-mid: geshin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gashin
m. n., [collective] nutrition
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gashin
-ka: (magac, lab, keli) ladnaan iyo qurux cunnada iyo daaqa uraadda iyo waxtarka lihi ay keento. Dh: geshin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gashin
a: geshin
de: nutrition
lx: gashin
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: gashin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giraan
m.dh (-nno, m.l) la-mid: garangar¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Giraan
Ring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giraan
-ka: (magac, lab, keli) cidhifyada waxa wareegsan sida masafta. Geyigaannu lahaynba giraankiisii dhammaynaye... Dh: geftin, wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraan
(Haraan-ka)
Dhar la tolay ama la iibshey cad ka soo haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraan
m. n. leftover piece of cloth, remnant