hirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirasho
(Hirasha-da)
Wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabadgalo, ama dan kale loo lee yahay, gaariddeed ku dadaalid, u socosho; tammadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirasho
m.f.dh eeg hiro. la-mid: hirad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiigsasho meel wehel ama waxtar kale laga dayayo. Dh: iilasho, hirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirqasho
(Hirqasha-da)
Weel ama meel godan biyo aad uga buuxid; ceegaagid; buuxdhaafid; ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqasho
m.f.dh la-mid: harqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyo, caano iyo wixii la mid ah, ka dhergid. Dh: dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firasho
(Firasha-da)
Timaha saqaf ku hagaajin; shanlaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firasho
m.f.dh eeg firo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firasho
vl. n. act of combing the hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firasho
-da: (magac, dhediq, keli) eeg fidhasho.
firasho-da: (magac, dhedig, keli) weecasho oo meel ka leexasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
firasho
a: feerasho
de: act of combing the hair rw: firo
lx: firasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: firasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhulka ku daadsanaa, ururso adiga oo adeegsanaya salabe iyo wax la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibasho
(Hibasha-da)
Wax hor u dhacay oo laga samri waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibasho
m.f.dh eeg hibo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hibasho
f. n. unforgettable event
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hibasho
-hibashada: (n) memorable experience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibasho
-da: (magac, dhedig, keli) xasuus dhib horay loo soo maray; wax horay u dhacay oo laga samriwaayo. Dh: gocasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hibasho
de: unforgettable event
lx: hibasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hibasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hifasho
(Hifasha-da)
Wax hor u dhacay oo sidii la doona hayey aan laga yeelin, isku canaanasho; isciilkaanbiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hifasho
m.f.dh eeg hifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hifasho
vl. n. regret, blaming oneself, repentance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hifasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore u dhacay oo sidii la doonayey u qabsoomi waayey isku canaanasho. Dh: karhid,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hifasho
de: regret, blaming oneself, repentance
lx: hifasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hifasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilasho
(Hilasha-da)
Alaabo, kd., meel taallaysasho; tuunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilasho
m.f.dh eeg hilo².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilasho
vl. n. accumulation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo iyo wixii la mid ah, meel ku tuulid. Dh: taallaysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilasho
de: accumulation
lx: hilasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horasho
m.f.dh eeg horo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horasho
-da: (magac, dhedig, keli) isku cararka neefka irmaan iyo ilmihiisa. Horashada ayaa lagu kartaa labada is dhashay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirasho
(Mirasha-da)
Mirta dhexdeeda daaq doonasho, wax cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirasho
m.f.dh eeg miro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirasho
-da: (magac, dhedig, keli) habeen daaqid. Kolkay soo fulaan xooluhu mirashada saq dhexe ayay ku gaadhaan. Dh: mirad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qirasho
(Qirasha-da)
Wax qof falay oo aan laga asaraartamine 'falay' la yiraahdo; inkirid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qirasho
m.f.dh eeg qiro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qirasho
vl. n. acknowledging, confessing, admitting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qirasho
-qirashada: (n) confession (kon-feshen); admission (aadh-mishin) ~ qiraal, qirid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qirasho
-da: (magac, dhedig, keli) fal dhacay masuuliyaddiisa si cad u oggolaansho. Ninkii ninka dilay qirasho wuu diiddan yahay. Dh: oggolaansho. Li: dafirid, diidid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qirasho
de: acknowledging, confessing, admitting
lx: qirasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: qirasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qirasho
اعْتِرَاف، إِقْرارِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirasho
m.f.dh eeg siro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirasho
m.f.dh eeg tiro².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ku sugan ama ku ba'ay ka baabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xirasho
m.f.dh eeg xiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xirasho
vl. n. wearing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xirasho
-xirashada: (n) the act of wearing or clothing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xirasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar qaadasho oo lebisasho. Dh: xidhasho.
xirasho-da: (magac, dhedig, keli) cibaado niyadda gelin oo guda galid. Dh: xidhasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xirasho
cf: xiro
de: wearing
initial: x
lx: xirasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xirasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tammadin
(Tammadin-ta)
Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirad
m.l la-mid: hirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tammadi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof ama wax kale oo astaamo ama tilmaamo gaar ah leh, calaamaysasho, soo aadid, ku soo aroorid, u qasdid; ku hirasho; abbaarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ku h./u h.: cabsi, baahi iyo wixi lamida cid ula tegid si kaalmo looga helo. m.f.dh, hirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirad
-ka: (magac, lab, keli) wax ama meel la gabbaadsado ama wax lagaga nabad galo, gaadhiddeeda ku dedaalid. Dh: hirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tammadin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale oo astaamo gaar ah leh ku hirasho ama abbaarid, u tagid ado dan kale, ama raacaya fikirkiisa. Dh: hirasho, abbaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiro
de: reach for, make recourse to; attain
lx: hiro
nt: hirasho (/da) [vn6-f]
pd: (hirtay)
ps: v3b=
key: hiro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Birmasho
(Birmasha-da)
Meel wax ka dhaceen degdeg ciidan ugu dirid; gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birmasho
m.f.dh eeg birmo. la-mid: birmad (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birmasho
vl. n. rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birmasho
-da: (magac, dhedig, keli) goob dhibaato ka dhacday ama cid xumi haysato u ciidamid. Birmasho la gaadha reerka col baa galaye. Dh: gurmasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
birmasho
de: rescue
lx: birmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: birmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhifasho
(Dhifasha-da)
Jiidid xoog iyo dhaqso isku darsatay, jiidid; la boodid; (ama dhufasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhifasho
m.f.dh eeg dhifo. la-mid: dhifad, dhufad, dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhigasho
(Dhigasha-da)
1. Cashar qaadasho; wax barasho; qorasho.
2. Wax meelaysasho; kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhigasho
m.f.dh eeg dhigo. la-mid: dhigad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhigasho
vl. n. writing, learning; act of setting aside
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhigasho
-dhigashada: (n) learnig (leerning); attending at a teaching institution ~ wax barasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaydsasho ama wax taransi. Wax dhigasho iyo dhaqasho ayaa laysku dhaafay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhigasho
de: writing, learning; act of setting aside
lx: dhigasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhigasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhilasho
m.f.dh eeg dhilo. la-mid: dhilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimasho
(Dhimasha-da)
Naf bixid; go'id; geeryoomid; bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimasho
m.f.dh eeg dhimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimasho
vl. n. death, dying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhimasho
-dhimashada: (n) death (dheeth); mortality (moor-taalati) dying (dhaay-ing) ~ geeri, wed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka adduunyada laga tago ee uu qofku ka faarugo ifka. Dh: geeri. Li: nolol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhimasho
de: death, dying
lx: dhimasho
pd: (/da)
ps: vn0-f
syn: geeri, hadimo, wed
key: dhimasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhisasho
(Dhisasha-da)
Iskaa wax u dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisasho
m.f.dh eeg dhiso. la-mid: dhisad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhisasho
vl. n. act of building for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dhisad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhisasho
a: dhisad
de: act of building for oneself
lx: dhisasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dhisasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhurasho
m.f.dh eeg dhuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhurasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere meel ku jira, weel kale kolba in kaga qaad. Foostadii biyaha ahayd dhurasho ayaa lagu idleeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirgasho
(Dirgasha-da)
Dhaqdhaqaaq yar; nuuxnuuxsi; fergasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirgasho
m.f.dh eeg dirgo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirgasho
vl. n. small movement, shift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirgasho
-da: (magac, dhedig, keli) marka qofku uu u dhaqaaqi karo siduu doono.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirgasho
de: small movement, shift
lx: dirgasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dirgasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirsasho
m.f.dh eeg dirso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u dirid. Qofka yar ayaa dirashada ku fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firgasho
m.dh la-mid: fargasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firgasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg firgad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxasho
(Firxasha-da)
Wax badan oo orda haya oo haddana kala firirsan; kala yaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxasho
m.f.dh eeg firxo. la-mid: firxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxasho
-da: (magac, lab, keli) eeg firxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habrasho
(Habrasha-da)
1. Meel ka dilan oo wax ka baqa haya; alaalabbiqid.
2. (is-habrasho) iskufillaan; is qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habrasho
m.f.dh eeg habro.