hiraabood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabood
m.l Habeenka qaybtiisa dambe intaysan qorraxdu soo bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

hiraabo
f.mg3 (-btay, -batay) Suxuur cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraabo
f.mg3 (-btay, -batay) Suxuur cunid. m.f.dh, hiraabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraabo
v. eat the night meal (during the Ramadan fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabo
(fal) bisha soonqaad, hiraab cun. Dh: suxuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraabo
de: eat the night meal (during the Ramadan fast)
lx: hiraabo
nt: hiraabad (ka) [vn-m], hiraabasho (/da) [vn-f]
pd: (hiraabtay)
ps: v3b=
key: hiraabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraabad
(Hiraabad-ka)
Hiraabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabad
m.l la-mid: hiraabasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabad
-ka: (magac, lab, keli) cunidda hiraabta bisha soonka. Dh: hiraabasho, suxuurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatood
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato dareemid oo kadeed iyo rafaad la kulmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diraacgood
(Diraacgood-ka)
Bisha toddobaad oo sanada qorraxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diraacgood
m.l Bisha toddobaad ee sannad qorraxeedka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diraacgood
m.l Bisha toddobaad ee sannad qorraxeedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Diraacgood
m. n. seventh month of the Somali year
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diraacgood
-da: (magac, dhedig, keli) bisha toddobaad ee sannadka qorraxda. Weyrax diraacgooddii kal hore ayuu dhashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Diraacgood
de: seventh month of the Somali year
lx: Diraacgood
pd: (-ka)
ps: n2a-m-time
key: Diraacgood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryood
m.f.l eeg haraaryoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraaryood
-ka: (magac, lab, keli) kulaylka aawadii iyo harraadka la ruxmid oo hadhgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqood
-ka: (magac, lab, keli) dhibbamid iyo kadeedmid. Dh: hantaaqmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraabmid
-da: (magac, dhedig, keli) hal iyo wixii la mid ah caanaheedu inta ay le'egyihiin eegid oo gooni u lisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraab
(Hiraab-ta)
1. Habeenka gelinkiisa danbe, intaan waagu beryin.
2. Cunnada kolkaas la cuno oo bisha soonqaad; suxuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraab
m.dh (-bo, m.l) 1. Saacadaha dambe ee habeenka inta aan waagu beryin. 2. Cuntada soonka ee la cuno habeenka saacadihiisa dambe inta aan waagu beryin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraab
m.dh (-bo, m.l) 1. Saacadaha dambe ee habeenka inta aan waagu beryin. 2. Cuntada soonka ee la cuno habeenka saacadihiisa dambe inta aan waagu beryin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraab
f. n. second half of the night, from midnight until dawn
hiraab [feminine] n. meal eaten at midnight during Ramadan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiraab
name-m second half of the night, from midnight until dawn. Lit: born during the second half of the night. Syn: Hiraabe, Hiraabey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiraab
ama Hiraabe, magac loo baxsho wiil dhashay habeenkii gellinka danbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraab
-ta: (magac, dhedig, keli) cuntada la cuno waadhawaadka, gaar ahaan bisha ramadaan. Dh: suxuur.
hiraab -ta: (magac, dhedig, keli) xilliga daakiraadda ka yar horraysa; habeennimada gelinkeeda danbe, inta aan waagu soo beryin. Dh: suxuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabood
m.l eeg raboo. la-mid: rabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabood
m.l eeg raboo. la-mid: rabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciraabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ciraab.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiraabe
name-m second half of the night, from midnight till dawn. Lit: born during the second half of the night. Syn: Hiraab, Hiraabey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiraabe
magac loo baxsho wiil, eeg Hiraabe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabi
(fal) hiraab sii; suxuur sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraab_1
de: second half of the night, from midnight until dawn
hm: 1
lx: hiraab
pd: (-ta)
ps: n1-f-time
key: hiraab_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraab_2
de: meal eaten at midnight during Ramadan
hm: 2
lx: hiraab
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: hiraab_2
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiraabey
name-m second half of the night, from midnight till dawn. Lit: born during the second half of the night. Syn: Hiraab, Hiraabe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiraabey
magac loo baxsho gabadh dhalatay xilliga hiraabta ee habeenkii gellinkiisa danbe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabin
-ta: (magac, dhedig, keli) hiraab siin; suxuur siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiraabid
(Tiraabid-da)
Tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiraabid
m.f.dh eeg tiraab³. la-mid: tiraab¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiraabid
-da: (magac, dhedig, keli) tiraab afka ka soo saarid; hadal yar ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaaqood
(Halaaqood-ka)
Hamaansiga hurdadu keento.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaaqood
m.f.l eeg halaaqoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaaqood
v.pat: yawn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
halaaqood
-ay I tay: (v) yawn (yoon)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaaqood
-ka: (magac, lab, keli) hurdo, caajis iyo wixii la mid ah, darteed af kala qaadid. Dh: hahamaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halaaqood
a: halaaqow
de: yawn
lx: halaaqood
nt: halaaqood (ka) [vn2a-m]
pd: (halaaqooday)
ps: v1=pat
key: halaaqood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hansabood
-ka: (magac, lab, keli) badhaadhe iyo barwaaqo. Hantidii la ragaayiyo, hansaboodkii ma waayay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hataaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hataaqood
-ka: (magac, lab, keli) turaanturrood; hanboorriyood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarkabood
(tilmaame) qof yaqaan khiyaamada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
likaacood
m.f.l eeg liikaacoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraaqood
m.f.l eeg muraaqoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nitaaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nitaaqood
-ka: (magac, lab, keli) hantaaqo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiblabood
m.l Qarnugeyl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xikaayood
(Xikaayood-ka)
Xikaayo ku hadlid, sheegid; xikaayayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayood
m.f.l eeg xikaayoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayood
-ka: (magac, lab, keli) dad xikaayad u sheekayn; u qisoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiraakoobid
m.f.dh eeg shiraakow. la-mid: shuraakoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiraakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) urur noqosho oo wax wada qabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firaaqoobid
m.f.dh eeg firaaqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firaaqoobid
-da: (magac, dhedig, keli) fasax iyo furso helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiraanyood
m.f.l eeg tiiraanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiiraanyood
m.f.l eeg tiiraanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiiraanyood
vl. n. grief, act of remorse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tiiraanyood
-ay / tiiraanyootay: (v) grieve (giriiv); mourn (moon); sorrow (soo-roow); feel sorrow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiraanyood
-ka: (magac, lab, keli) tiiraanyo dareemid; caloolxumood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiiraanyood
de: grief, act of remorse
initial: t
lx: tiiraanyood
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: tiiraanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waraaboobid
m.f.dh eeg waraabow³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wardadabood
-ka: (magac, lab, keli) warsheekood: arrin dad koobani isku ogaayeen oo midkood cid kale u warramo. Wardadaboodka iska daa oo wixii laguu sheego sidooda u ahay. Dh: warsheekood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birlaboobe
-ha: (magacwadareed) qurubyada yaryar ee birlabtu soo jiidato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyayarood
(Biyayarood-ka)
Biyuhu ku yar yihiin; aan biyo badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyayarood
m.l la-mid: biyayaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyayarood
m. n., [compound] scarcity of water
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyayarood
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo yar oo aan biyo badnayn, dhadhiin ah. Biyayarood buu noqday ceelkii cusbaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyayarood
de: scarcity of water
lx: biyayarood
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: biyayarood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buracanood
f. n. benign ~ harmless tumor
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buracanood
de: benign ~ harmless tumor
lx: buracanood
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: buracanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halamacood
m.l Holac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halcaamood
m.l (-dyo, m.dh) Nooc masaska dheereeya ka mid ah oo aan wax yeello lahayn. la-mid: mascaanood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halcaanood
(Halcaanood-ka)
Halaq weyn oo dheereeya oo dusha dhibco cadcad iyo caarcaar ku leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halcaanood
m. n. large snake species, with a white belly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halcaanood
-ka: (magac, lab, keli) mas weyn oo dheereeya oo dusha caarcaar ku leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halcaanood
de: large snake sp., with a white belly
lx: halcaanood
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: halcaanood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood, nitaaqood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hantaaqood
m.f.dh eeg hantaaqoo. la-mid: hataaqood, hitaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantaaqood
-ka: (magac, lab, keli) turunturrood; hanboorrood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqaboobe
m.l (-bayaal, m.l/dh) Galab ama subax marka qorraxdu gaabantahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
harqaboobe
m. n., loc. shady and cool fresh place
harqaboobe m. n. late afternoon; early morning (cool period of the day)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansad
-ka: (magac, lab, keli) is sheegasho guud oo aan waxba la isku qaban; dad aanay qaraabo idinka dhaxayn ama kaa fog, tiigsasho. Hadii laba lugood oo hanti ah hibo laguu siiyey, middii kaa hadhaba tii kalaa ku hangaleysaaye, hiiraansi mooye tolnimo haatan la illowye. Dh: habsi, tiigsi, higsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraabasho
(Hiraabasha-da)
Cunnada hiraabta oo bisha soonqaad cunid; suxuurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabasho
m.f.dh eeg hiraabo. la-mid: hiraabad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hiraabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraahirid
(Hiraahirid-da)
Haraaryood; neeftuurid (ama hiraanhirid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraahirid
m.f.dh eeg hiraahir². la-mid: haraahirid, haraanhirid, hiraanhirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraahirid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhhadhyood iyo neeftuurid. Dh: hiraanhirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidcaanood
m.l 1. Diillincaanood; waq-habaar. 2. Wadiiqo isku xirta xerada geela iyo guriga.