hinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinni
(Hinni-ga)
Dhir shareeran; jiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinni
m. n. forest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinni
-ga: (magac, lab, keli) dhir aad isku haysata oo shareeran. Hinni ha ina dhex marine banaanka inoo saar. Dh: kayn, jiq, hirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinni
de: forest
lx: hinni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinnig
m.l.kh H. ah: qof gaaban, caato ah oo tabardaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinni
(Shinni-da)
1. Xasharaad afar baal oo khafiif ah iyo oogo xaadi ku rogan tahay leh; waxay cuntaa oo malab ka samaysaa dhiinka macaan oo ubaxa qaarki lee yahay.
2. Abuur; Firi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinni
m.dh.u 1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shinni
m.dh.u 1. Xasharaad afar baal iyo oogo xaadi ku taagtaagantahay leh oo malabka samaysa. 2. Abuur; firi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinni
f. n., [collective] bees
shinni [feminine] n., [collective] seeds, pips
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shinni
-da: (n) bee (bii); honeybee (hani-bii)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinni
-da: (magac, dhedig, keli) xasharaad afar baal oo khafiif ah iyo oogo xaadi ku rogan tahay leh; waxay cuntaa oo malab ka samaysaa dhiinka macaan ee uu ubaxa qaarkiis leeyahay. Waa boqortooyo aad u habaysan oo boqoradi 'shuun' wada dhasho oo mid waliba shaqo gaar ah leeyahay. Waxay u kala baxaan: boqorad, lab, shaqaale, haamo, waardiye, farsamayaqaanno iyo wixii la mid ah.
shinni -da: (magac, dhedig, keli) abuur, firi.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shinni
نحلة
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hindi
m. n. Indian, person from India
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hindi
hindi, adj. - afka Hindidu ku hadasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hindi
de: Indian, person from India
lx: Hindi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: Hindi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinji
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax culus in yar kor u qaadid. 2. Culays weyn qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax culus in yar kor u qaadid. 2. Culays weyn qaadid. m.f.dh, hinjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinji
v. lift something heavy; jerk (in weightlifting)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinji
-yey / say: (v) heft something, especially with great effort or force; heave (hiiv); take up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinji
(fal) wax culus, kor u qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinji
de: lift s.t. heavy; jerk (in weightlifting)
lx: hinji
pd: (hinjiyey)
ps: v2a=
key: hinji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinqi
v. lift (up), raise something up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinqi
de: lift (up), raise s.t. up
lx: hinqi
pd: (hinqiyey)
ps: v2a=tr
key: hinqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinti
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama weedh ka soo baxda qof garabdaar leh oo inta badan. waxa uu sheego ama wax u dhow la arko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinni
(Jinni-ga)
Jin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinni
m.l 1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) la-mid: jin 1 (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jinni
m.l 1. Ilwaad; bilic. 2. (-iyo, m.dh) la-mid: jin¹: (1). jinnoole m.l (-layaal, m.l/dh) Qof waalan ama caro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinni
m. n. jinni ~ jinnee; ghost; spirit
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JINNI
(Ginni) S Crotalaria pycnostachya Benth. Papilionaceae.
N,C Indigofera articulata Gouan. Papilionaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jinni
-ga: (n) 1. genie, jinni, jinnee also djinni or djinny jin-ka. 2. ghost (gowst), elf (elaf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinni
-ga: (magacwadareed) uun kale oo inagula uuman dunida lana arki karin isaguse ku arka. Jinni ninkii keenaa bixiya. Dh: shaydaan.
jinni -ga: (magac, lab, keli) ilwaad, bilic iyo qurux soo jiidasho leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinni
bw: Arabic
de: jinni ~ jinnee; ghost; spirit Contrast: insi
lx: jinni
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: jinni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
minni
-da: (magac, dhedig, keli) cawrada dhedigga inta kolka la banneeyo la arki karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinni
(Sinni-ga)
Sicir; qiime; sinaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinni
m.l Sicir; qiime.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinni
m. n. price, cost
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sinni
-ga: (magac, lab, keli) sicir, qiime; sinaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinni
de: price, cost
initial: s
lx: sinni
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: qiime, sicir, sinaad
key: sinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xinni
(Xinni-ga)
Cillaan (ama xinne).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xinni
m.l Cillaan. la-mid: xinne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xinni
m.l Cillaan. la-mid: xinne.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xinni
m. n. henna
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XINNI
(Hinni) May, N Lawsonia inermis L. Lytheraceae.
N Acacia somalensis Vatke. Mimosaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xinni
-ga: (n) henna (hi-na) ~ cillaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinni
(fal) xin iyo xaasidnimo kula kac. Dh: ximi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xinni
a: xinne
de: henna
initial: x
lx: xinni
pd: (-ga)
ps: n0-m
key: xinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinnigsan
f.mg1 (-naa, -nayd) Qof hinnig ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinnigsanaan
m.f.dh eeg hinnigsan. la-mid: hinnigsaanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinnigsanaansho
m.l/dh la-mid: hinnigsanaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CADAAD-XINNI
(Adad-hinni) N, C Acacia somalensis Vatke. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiqtooloho
-da: (magac, dhedig, keli) hawd aad u dhir badan oo aan qooro banbannaan yeelan: kayn, duud iyo durrimo awdan. Dh: hinni, durrin, duud, ay, hawd, jiq, kayn, cuun, toondheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinnix
m.l la-mid: dhannax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hennir
hennir, v. - danan; dananka faraska
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiinsi
(Hiinsi-ga)
Hiinsasho; hiinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiinsi
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiinsi
-ga: (magac, lab, keli) hiinsasho; hiinsad; fuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindis
f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindis
f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid. m.f.dh, hindisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindis
v. plan, invent, design
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindis
-ay / tay: (v) create (kiriyeeyt); discover (dis kaver); compose (kempows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindis
(fal) wax aan hore u jirin, curi ama soo saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindis
cf: haami
de: plan, invent, design
lx: hindis
pd: (hindisay)
ps: v1=
key: hindis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingil
(Hingil-ka)
Dibbiro; buurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingil
hingil¹: m.l la-mid: hengel¹.
hingil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Dibbirid; is'afuufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingil
m. n. bloated ~ distended stomach
hingil v. become distended, be blown up, get swollen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingil
-sha: (magac, dhedig, keli) maryo fool xunxun oo muujinaya geeri dhacday. Dh: agal, hangal, asay.
hingil: (fal) dibbir oo is afuuf.
hingil -ka: (magac, lab, keli) dibbiro iyo afuufnaan. Dh: buurnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingis
-ka: (magac, lab, keli) sidayaasha isku haya albaabka iyo gidaarka. Dh: rasad, faseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjin
(Hinjin-ta)
Wax culus kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjin
m.f.dh eeg hinji. la-mid: hinjis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus kor u dhufasho; kor u qaadid. Hinjinta xoogga ah ee waxa culus dhabarkaa dadka ku xanuuna. Dh: hinjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjis
(Hinjis-ka)
Wax culus kor u qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjis
m.l la-mid: hinjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinjis
vl. n. act of lifting something heavy, jerking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinjis
-ka: (n) the effort of heaving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjis
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah waaweyn oo dadka badaha ku qaraqma badbaadiya una socda kooxkoox. Hinjis waa dadka saaxiibkood oo lama dilo.
hinjis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hinjin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinjis
de: act of lifting s.t. heavy, jerking
lx: hinjis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hinjis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqin
m.f.dh eeg hinqi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
honnir
honnir, v. - dadka hortiisa lagu ceebeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khanni
(Khanni-ga)
1. (markab, doonni...) qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khanni
m.l (-iyo, m.dh) Qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro (markab, dooni iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khanni
m. n. hold of a ship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khanni
-ga: (magac, lab, keli) qolalka iyo hulalka alaabada lagu guro ee maraakiibta iyo doonyahu leeyihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khanni
de: hold of a ship
lx: khanni
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: khanni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shidni
(Shidni-ga)
(cunno) dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan badanaana kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo; waxaa laga sameeyaa miraha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh (ama shadni).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shidni
m.l Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh. la-mid: shadni.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shidni
m.l Dhir udgoon iyo basbaas la isku shiiday, oo dhadhan wanaagsan oo cuntada lagu cuno leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shidni
m. n., (mass n.): hot spice mixture
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shidni
-ga: (n) chutney (jat-ni); hot spicy sauce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidni
-ga: (magac, lab, keli) 'cunto' dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan, badanaa na kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo. Waxa laga sameeyaa midhaha iyo dhir kale oo badan oo wax kulul iyo wax udgoonba leh oo laysku dardaray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shidni
a: shadni
de: hot spice mixture
initial: s
lx: shidni
pd: (-ga)
ps: n2a-m-mass
key: shidni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shigni
-ga: (magac, lab, keli) 'cunto' dhir udgoon oo dhadhan wanaagsan oo badanaa kulul oo cunnada lagu sanuunadeeyo; waxaa sameeyaa midhaha iyo dhir kale oo badan oo wax laga kulul iyo wax udgoonba leh oo laysku dardaray. Dh: shidni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinsi
m.l la-mid: shinsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinsi
-ga: (magac, lab, keli) shinsasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
whinny
/wini/ (v) dananid (sida fardaha u ciyid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xinnin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid xin iyo xaasidnimo ku samayn. Dh: xaasidid, xinnis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinniin
m.l la-mid: dhimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinniin
-ka: (magac, lab, keli) wax dhiman oon buuxin ahaan. Dh: dhinnaan.