hinjis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjis
(Hinjis-ka)
Wax culus kor u qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjis
m.l la-mid: hinjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinjis
vl. n. act of lifting something heavy, jerking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinjis
-ka: (n) the effort of heaving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjis
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah waaweyn oo dadka badaha ku qaraqma badbaadiya una socda kooxkoox. Hinjis waa dadka saaxiibkood oo lama dilo.
hinjis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hinjin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinjis
de: act of lifting s.t. heavy, jerking
lx: hinjis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hinjis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjiso
f.g3 (-stay, -satay) Wax culus qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinji
f.g2 (-iyay, -isay) 1 . Wax culus in yar kor u qaadid. 2. Culays weyn qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax culus in yar kor u qaadid. 2. Culays weyn qaadid. m.f.dh, hinjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinji
v. lift something heavy; jerk (in weightlifting)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinji
-yey / say: (v) heft something, especially with great effort or force; heave (hiiv); take up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinji
(fal) wax culus, kor u qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinji
de: lift s.t. heavy; jerk (in weightlifting)
lx: hinji
pd: (hinjiyey)
ps: v2a=
key: hinji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindis
f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindis
f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid. m.f.dh, hindisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindis
v. plan, invent, design
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindis
-ay / tay: (v) create (kiriyeeyt); discover (dis kaver); compose (kempows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindis
(fal) wax aan hore u jirin, curi ama soo saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindis
cf: haami
de: plan, invent, design
lx: hindis
pd: (hindisay)
ps: v1=
key: hindis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingis
-ka: (magac, lab, keli) sidayaasha isku haya albaabka iyo gidaarka. Dh: rasad, faseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjin
(Hinjin-ta)
Wax culus kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjin
m.f.dh eeg hinji. la-mid: hinjis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus kor u dhufasho; kor u qaadid. Hinjinta xoogga ah ee waxa culus dhabarkaa dadka ku xanuuna. Dh: hinjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjisasho
m.f.dh eeg hinjiso.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Lever bar
Hinjisyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhikintaar
(fal) qof intaad hinjisid meel sare gaarsii oo taageero u fidi. Dh: badhitaar, badhitaal, badhikintaal.
badhikintaar -ka: (magac, lab, keli) qofka oo intaad hinjisid meel sare gaarsiisid. Dh: badhikintaal, badhitaar, badhitaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaado
(fal) wax dhulka yaal kor u hinjiso. Maradi halkaa taallay, Caashaa qaadatay: Li: dhig.
qaado: (fal) xil iska aqbal oo masuul nogo, xil dusha u rido. Xilka laguu doortay qaado waa sharafe.
qaado: (fal) deeq ama hadiyad lagu siiyay la teg. Tukaanka joonyad bariis ah ka qaado.
qaado: (fal) gabadh la teg oo guur u kaxayso Gabadha qaado oo meel wanaagsan deji. Dh: kaxayso.
qaado: (fal) hadal waano ah yeel: oggoloow oo maqal wax lagu leeyaha. Waanada waalidkaaga qaado. Dh: yeel. Li: diid.
qaado: (fal) u dulyeelo oo samir. Gardarrada walaalkaa qaado. Dh: xammil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjibis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hayaamiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiijis
m.l la-mid: dhiijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiijis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhiijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunjis
m.l la-mid: dhunjin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhunjis
-ka: (magac, lab, keli) eeg dhunjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn. m.f.dh, hindhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindhis
v. sneeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindhis
-ay / tay: (v) sneeze (isniiz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhis
(fal) neef, si degdeg ah sanka uga soo bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindhis
de: sneeze
lx: hindhis
pd: (hindhisay)
ps: v1=
key: hindhis
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hindisa
name-f invention, plan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hindisa
magac loo baxsho gabadh la filayo inay wax wanaagsan oo maqan keento ama ka fekerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindise
m.l (-ayaal, ml./m.dh) 1. Wax cusub. 2. Himilo. la-mid: hindiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindise
m.l (-ayaal, ml./m.dh) 1. Wax cusub. 2. Himilo. la-mid: hindiso.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hindise
Inventore
Inventor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindise
(magac, lab, keli) curinta wax aan hore u jirin. Dh: curin, waxsoosaarid
hindise -ha: (magac, lab, keli) fikrad wax abuur. Dh: curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindiso
(Hindisa-da)
1. Wax hor leh oo aan jiri jirin ahaysiintood oo madaxa ku soo dhaca.
2. Wax suuraggelintoodu adag tahay ama ayan dhici karinba, iskula hadalkood; dhadhab; riyo.
3. Talo; Arrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindiso
m.dh la-mid: hindise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindiso
f. n./m: plan, project, idea; dream; invention, creation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindiso
-hindisaha: (n) discovery (diskaveri); invention (invenshin); creation (kiriyeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindiso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hindhiso.
hindiso -da: (magac, dhedig, keli) wax suurtagelintoodu adag tahay ama aanay dhici karin, ka fekerkooga.
hindiso-ha: (magac, lab, keli) eeg hindise.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindiso
de: plan, project, idea; dream; invention, creation
lx: hindiso
pd: (/da ~ /ha)
ps: n6-f/m
key: hindiso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjifo
-da: (magac, dhedig, keli) hagardaamo iyo luggooyo cid loo geysto.
hinjifo -da: (magac, dhedig, keli) sarriigidda ciddiyaha meel lagu sarriigo. Hinjifo ayaa wajiga kaga taala. Dh: xagasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inji
m. n. inch; inches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inji
-ga: (n) inch (inji); a unit of length in the U.S. Customary and British Imperial systems, equal to 1/12 of a foot (2.54 centimeters) ~ iinji-ga. [halbeeg lugu cabbiro dhererka, oo le'eg 2.54 sentimitir]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inji
de: inch; inches {Eng}
lx: inji
pd: (-ga)
ps: n1-m, n2-m
key: inji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
binis
-ka: (magac, lab, keli) siligyada mareegta marka uu dahaadhku ka dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinji
m.dh la-mid: ciddi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cinji
f. n. fingernail, toenail; claw
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cinji
a: ciddi, ciji
de: fingernail, toenail; claw
lx: cinji
pd: (-da)
ps: n1-f
key: cinji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hidin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hindi
m. n. Indian, person from India
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hindi
hindi, adj. - afka Hindidu ku hadasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hindi
de: Indian, person from India
lx: Hindi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: Hindi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinif
(tilmaame) wax dhammayn ama weel faaruqin. Halaqyaa na qaniinayoo, waabay baan hinif siinnayoo... Dh: fuuqsi. Li: hanbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinni
(Hinni-ga)
Dhir shareeran; jiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinni
m.l (-iyo, m.l/dh) Meel dhirtu ku badantahay; jiq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinni
m. n. forest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinni
-ga: (magac, lab, keli) dhir aad isku haysata oo shareeran. Hinni ha ina dhex marine banaanka inoo saar. Dh: kayn, jiq, hirig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinni
de: forest
lx: hinni
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: hinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax taageero yar oo kicin kara, ama dhaqaajin kara siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinqi
v. lift (up), raise something up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinqi
de: lift (up), raise s.t. up
lx: hinqi
pd: (hinqiyey)
ps: v2a=tr
key: hinqi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinti
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama weedh ka soo baxda qof garabdaar leh oo inta badan. waxa uu sheego ama wax u dhow la arko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojis
(Hojis-ka)
Hojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojis
m.l la-mid: hojin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hojin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iinji
-ga: (n) inch (inji); a unit of length in the U.S. Customary and British Imperial systems, equal to 1/12 of a foot [2.54 centimeters] ~ inji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Injir
(Injir-ta)
Bahalhoosaad yaryar oo aan baalal lahayn oo dadka aan aad u hufnayn timaha iyo dharka ka gala oo dhiigga dadka ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
injir
m.dh Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
injir
m.dh Cayayaan yaryar oo aan baala lahayn oo dhiig ku nool ah oo timaha iyo dharka ka gasha dadka aan nadiifta ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
injir
f. n., [collective] lice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
injir
-ta: (n) louse (laws) ~ qandhicil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
injir
-ta: (magac, dhedig, keli) bahal yar oo ku dulnool noole kale oo dhiigga ka jaqda oo badanaa ku dhalata timaha ama dhogorta iyo dharka wasakhda ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
injir
de: lice
lx: injir
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: injir
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
injir
قمْلة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinji
rinji¹: m.l (-iyo, m.dh) Midab; liin; asal; dheeh. la-mid: ranji¹.
rinji²: f.g1 (-iyay, -iday, -iyi) Dhoob hal midab ama ka badan ka kooban oo qalabka la adeegsado dusha laga mariyo si loogu qurxiyo ama mirirka looga ilaaliyo. la-mid: ranji², ranjiyee, rinjiyee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rinji
rinji¹: m.l (-iyo, m.dh) Midab; liin; asal; dheeh.
rinji²: f.g1 (-iyay, -iday, -iyi) Dhoob hal midab ama ka badan ka kooban oo qalabka la adeegsado dusha laga mariyo si loogu qurxiyo ama mirirka looga ilaaliyo. m.f.dh, rinjiyid. la-mid: ranji, ranjiyee, rinjiyee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rinji
m. n. paint, color, tint
rinji: v. paint, tint, color
rinji: m. n., (mass n.): tea (leaf, bag ~ without milk)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rinji
-ga: (n) paint (peeynt) ~ ranji, renji
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rinji
Vernice
Paint
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinji
-ga: (magac, lab, keli) qoosh noocyo badan leh oo ku yimaad caddaan oo midabyo kala jaadjaada laga dhigo oo gidaarrada iyo meelaha la qurxinayo la mariyo; dareere jaamud ah oo bilic u yeela wixii la mariyo oo midabbo badan leh Dh: dheeh, renji.
rinji -ga: (magac, lab, keli) caleenta shaaha inta aan la karin. Shaah rinjigu ku yaryahay iga iibi Dh: renji.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
rinji
دهان
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sijis
m.l la-mid: sijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sinji
(Sinji-ga)
Asalkii hore oo laga soo jeedey; wasiir; isir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sinji
m.l 1. Aslalkii hore ee laga soo jeeday. 2. Dabci awooweyaasha laga dhaxlo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sinji
m.l 1. Aslalkii hore ee laga soo jeeday. 2. Dabci awooweyaasha laga dhaxlo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinji
m. n. origin, descent; race
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sinji
name-m origin, descent; race
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinji
-ga: (n) ancestry (ansi-sari)-, lineage (lii-neeyj); origin (ori-jin); ancestral descent ~ fir