hingood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingood
m.f.l eeg hingoo. la-mid: higgasho, higgood, hingasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hingood
m.f.l eeg hingoo. la-mid: higgood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingood
v.pat: hiccough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hingood
-ay / hingootay: (v) make a hiccup
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingood
-ka: (magac, lab, keli) eeg higgood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hingood
a: higgood ~ hingow
de: hiccough
lx: hingood
pd: (hingooday)
ps: v1=pat
key: hingood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Higgo sii deyn. la-mid: higgo², higgoo, hingo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hingoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Higgo sii deyn. m.f.dh higgasho. la-mid: higgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingoo
(fal) hingo dareen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangood
-ka: (magac, lab, keli) hungurayn iyo damac. Gosha naaska yara muuqday buu yara hangoodaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higgood
m.l la-mid: hingood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higgood
-ka: (magac, lab, keli) hingo yeelasho; hingood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higgasho
m.dh la-mid: hingood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingasho
m.dh la-mid: hingood.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
singhiozzare
v.intr. - hingasho, hingood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingo
(Hinga-da)
Neefta xagga sanbabbada u socota, kala go'go'eeda; waxaa ku wacan xuubka xargaha codka daboola oo kolkol, u kasid la'aan, isku roora (ama higgo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingo
hingo¹: m.dh Neef si xoog leh dhuunta dadka u soo marta oo qaarka sare dhaqaajisa. la-mid: higgo¹, hungo (2).
hingo²: f.mg3 (-gaday, -gatay) la-mid: hingoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hingo
m.dh Neef si xoog leh dhuunta dadka u soo marta oo qaarka sare dhaqaajisa. la-mid: higgo, hungo (2).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingo
f. n. hiccough
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hingo
-hingada: (n) hiccup (hik-ap); hiccough ~ higgo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingo
-da: (magac, dhedig, keli) neefta xagga sanbabbada u socota, kala googo'eeda; waxaa ku wacan xuubka xargaha codka daboolka oo kolkol, u kasid la'aan, isku roora; higgo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hingo
a: higgo
de: hiccough
lx: hingo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hingo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digood
m.f.l eeg digoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digood
m.f.l eeg digoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higgoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: hingoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higgoo
(fal) higgo samay. Dh: hingood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himood
m.f.l eeg himmoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himood
m.f.l eeg himmoo.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hiyood
name-unisex sense, heart, center of emotion; longing, yearning, hankering; to be aroused or become emotional
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hongod
m.dh Garbaha oo hore yara u soo gota. la-mid: hungod.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hongod
m.dh Garbaha oo hore yara u soo gota. la-mid: hungod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hongod
f. n. hunchback, person with curvature of the spine
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hongod
-da: (magac, dhedig, keli) qof qaarka sare u soo yara godan. Dh: golxo. Li: tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hongod
de: hunchback, person with curvature of the spine
lx: hongod
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hongod
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungod
m.dh la-mid: hongod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangool
(Hangool-ka)
Qalab qori ah oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reer-miyigu xoolaha ku ootaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hangool
m.l (-llo, m.dh) Qalab qori oh oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reermiyigu xoolaha ku ootaan. la-mid: hankool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hangool
m. n. pitchfork, herder's hooked stick; nomad's tool for constructing a livestock corral
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hangool
-ka: (n) a tool made of wooden stick with two prongs one side and hooked the other side used by nomads for carrying and fencing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangool
-ka: (magac, lab, keli) ul labo farraar oo hore iyo ganto danbe leh. Waxa loo adeegsadaa qaadista, cufidda iyo jiididda oodda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hangool
de: pitchfork, herder's hooked stick; nomad's tool for constructing a livestock corral
lx: hangool
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hangool
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hijrood
-ay / tay: (n) emigrate (emigareeyt); migrate (maaygareeyf) ~haajir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaad
m.dh la-mid: higgaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tinmood
(Tinmood-ka)
Baaldhiig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tinmood
m.l 1. Cudur timaha ku dhaca. 2. (u) Marka timaha la shanleeyo tintinta soo go'da.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tinmood
m.l 1. Cudur timaha ku dhaca. 2. (u) Marka timaha la shanleeyo tintinta soo go'da.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tinmood
m. n. moult, moulting (of feathers)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tinmood
-ka: (magac, lab, keli) baalasha haadka kuwooda buka ee rifma. Dh: baal-dhiig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tinmood
de: moult, moulting (of feathers)
initial: t
lx: tinmood
pd: (-ka)
ps: n-m
key: tinmood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisood
m.f.l eeg hindisoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindisood
m.f.l eeg hindisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hungoobid
(Hungoobid-da)
Qof ama meel wax loo doontay, wixii ka waayid; ku luggo'id; qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hungoobid
m.f.dh eeg hungow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hungoobid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama meel wax laga filayay ka waayid oo faramadhnaan kala noqosho. Dh: luggu'id, hantaaqmid, qadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibtood
m.f.l eeg dhibtoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibtood
m.f.l eeg dhibtoo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibtood
-ay I dhibaatootay: (v) suffer (sa-far); have difficulties; have a problem ~ rafaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibtood
-ka: (magac, lab, keli) mid dhibaato iyo rafaad la kulmay ama hayso ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haanyood
m.f.l eeg haanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haanyood
v. hug, embrace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haanyood
-ka: (magac, lab, keli) xiisayn iyo soo dhoweyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haanyood
a: haanyow
de: hug, embrace
lx: haanyood
pd: (haanyooday)
ps: v1=
key: haanyood
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: higgaadi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hinge on
/hinj-on/ (v) ku-xiran. e.g. Everything hinges on what I do next.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingilid
(Hingilid-da)
Dibbirid; is'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilid
m.f.dh eeg hingil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbiridda iyo buurnaanta.
hingilid -da: (magac, dhedig, keli) dharkii asayda u xidhid. Dh: hagalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiidgood
m.l Xiidxiito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiddigood
m.l la-mid: dheddigood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhiddigood
m.l la-mid: dheddigood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hintaaqood
m.l la-mid: hantaaqood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hintaaqood
-ka: (magac, lab, keli) dhibbamid iyo kadeedmid. Dh: hantaaqmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Good
(Good-ka)
1. Halaq weyn oo aad u dheereeya: kolkuu orda hayo xiin baa ka yeera.
2. (-) Go'; maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
good
m.l (-dad, m.l) 1. Halaq midab guduud-xigeen iyo sun halis ah leh oo madaxa ka madow. 2. Nin ku caanbaxay ciyaar gaar ah.

gǫod
m.l (-dad, m.l) Maro; dhar; go'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
good
m.l (-dad, m.l) 1. Halaq midab guduud-xigeen iyo sun halis ah leh oo madaxa ka madow. 2. Nin ku caanbaxay ciyaar gaar ah.
gǫod: m.l (-dad, m.l) Maro; dhar; go'.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
good
m. n. poisonous snake species
good m. n. cloth
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Good
name-m poisonous snake, copperhead
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
good
/guudh/ (adj) 1. fiican, wanaagsan (n) 2. wanaag (camal suuban). e.g. The children must learn the difference between good and evil.
for good ~ waligeed. e.g. I'll stay here for good.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
good
-ka: (n) a large, poisonous snake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Good
magac loo baxsho wiil dagaal yahan looga jeedo sida goodka. Waxa kale oo loo baxshaa wiil hooyadii good qaniinay xilligii ay uurka ku sidday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
good
-ka: (magac, lab, keli) jaad masaska ka mid ah oo aan aad u dheerayn suntiisuna khatar tahay. Ceesaantii mas iyo good, madax shabeel leeftaa malaggeeddii baa galay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
good
a., wanaagsan, fiican, roon, tolmoon, wacan, san, ad; be good, wanaagsanaw, tolmoonow, roonaw, fiicnaw, samoo; be good, v.c., roonaw, tolmoonay, wanaaji, hagaaji; depart from evil and do good, waxa xun ka durug, oo wax san fal; for your good, aawadaa, daraaddaa.
good bye! int., amaana Allaah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hind
n., (part of the arm) cudud, -di; hind leg, lug, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hood
/huudh (n) 1. madax-gashi (daboolka madaxa la gashado ee jaakadda dhaxanta ku-taal). (n) 2. goofanaha gaariga ee hore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hood
-ka: (magac, lab, kali) kaaha cadceedda dhacday ka sii muuqda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inoo
pron. and preposition: to us, for us
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inoo
[pronoun plus preposition] for us. Ex: casharka inoo akhri; read the lesson for us
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inoo
de: to us, for us
lx: inoo
ps: pro + prep
xe: He will bring breakfast for us.
xv: Quraac buu inoo keeni doonaa.
key: inoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nood
m.l Lacagta inteeda waraaqda ah. la-mid: noodh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nood
m.l Lacagta inteeda waraaqda ah. la-mid: noodh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nood
m. n. bank note, paper money
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nood
-ka: (n) note (nowt); paper money or currency; bill (biil) ~ lacag warqad ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nood
-ka: (magac, lab, keli) codad kala sarreeya co kala dhawaaq duwan oo muusigu leeyahay Noodka uu ka heesaa waa doomaajoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nood
de: bank note, paper money {Eng}
lx: nood
pd: (-ka Pl: noodad (ka))
ps: n4-m
key: nood
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bingo
Pingo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bingo
/bingo/ (n) ciyaarta biingaha (khamaarka nooc ka mid ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Digo dhigid (xoolo, ugaar iyo wixi lamida).