hingillan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingillan
(tilmaame) aad u dheregsan.Dh: dibirsan, bokhokhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingilan
Dibbirsan; buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax dibbirsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingilan
der. [adjective] having a distended stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilan
(tilmaame) qof dibbirsan ama buuran.
hingilan: (tilmaame) eeg hengelan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hingilan
cf: dibbirsan
de: having a distended stomach
lx: hingilan
pd: (hingilnaa)
ps: adj-der
key: hingilan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilnaan
m.f.dh eeg hingilan. la-mid: hingilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dibbirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku boodboodis. Dh: hangallays, hangoollayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingil
(Hingil-ka)
Dibbiro; buurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingil
hingil¹: m.l la-mid: hengel¹.
hingil²: f.g1 (-ilay, -ishay) Dibbirid; is'afuufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingil
m. n. bloated ~ distended stomach
hingil v. become distended, be blown up, get swollen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingil
-sha: (magac, dhedig, keli) maryo fool xunxun oo muujinaya geeri dhacday. Dh: agal, hangal, asay.
hingil: (fal) dibbir oo is afuuf.
hingil -ka: (magac, lab, keli) dibbiro iyo afuufnaan. Dh: buurnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax in yar la weeciyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iillan
der. [adjective] tilted, tipped, inclined
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iillan
-iishay: (v) decline; fail. Ex: Ha iillan; don't fail
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iillan
(tilmaame) dhinac u weecsan; jidka toosan ka leexsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iillan
de: tilted, tipped, inclined
lx: iillan
pd: (iillanaa)
ps: adj-der
key: iillan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Inglan
pr. n., loc. England
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Inglan
a: Iglan
cf: Ingiriis
de: England
lx: Inglan
ps: n0-loc-f
key: Inglan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciillan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. la-mid: cillan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ciillan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax ciil hayo ahaansho. 2. la-mid: cillan. m.f.dh, ciillaanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciillan
der. [adjective] angry, annoyed, offended, resentful, irritated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciillan
(tilmaame) mid la ciilay; mid ciil qaba.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ciillan
de: angry, annoyed, offended, resentful, irritated
lx: ciillan
pd: (ciillanaa)
ps: adj-der
key: ciillan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiillin
m.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gilgilan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la gilgilay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gilgilan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la gilgilay noqosho. m.f.dh, gilgilmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gilgilan
(tilmaame) mid aad loo ruxay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gingiman
(tilmaame) shey si fiican loo farsameeyey, qurux iyo farshaxan saa'idana ka muuqdo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalan
(tilmaame) mid aan qoorta waxba ku xidhnayn. Dhaqanka Soomaalida gabadh hangalan waa gabadh geeriyaysan.
hangalan: (tilmaame) qof dumar ah oo asay sidda; haweenay agashii dhimashada sidda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hingil_1
cf: dibbir
de: bloated ~ distended stomach
hm: 1
lx: hingil
pd: (-ka)
ps: n-m
key: hingil_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hingil_2
de: become distended, be blown up, get swollen
hm: 2
lx: hingil
pd: (hingilay)
ps: v1=intr
key: hingil_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingilid
(Hingilid-da)
Dibbirid; is'afuufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilid
m.f.dh eeg hingil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilid
-da: (magac, dhedig, keli) dibbiridda iyo buurnaanta.
hingilid -da: (magac, dhedig, keli) dharkii asayda u xidhid. Dh: hagalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiillan
(tilmaame) wax saliid ama subag lagu dubay ahaan. Hilib shiillan ayaan soo cunay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallay
(fal) lukowley ama lug keliya ku soco. Toban mitir hangallay. Dh: hangoollee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigitaan
-ka: (magac, lab, keli) si baahi ka muuqato, harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid oo afka ula dhicid. Dh: hiigis, hiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinnigsan
f.mg1 (-naa, -nayd) Qof hinnig ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangoollayn
-ta: (magac, dhedig, keli) lug keli ah ku socod. Dh: hangallayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
scintillant
scintillant, adj. - muugda; bidhaamaya;birbiraya; ifaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangallays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hangallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hangalleyn
m.f.dh eeg hangallee. la-mid: hangalleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hangalan ahaan. Dh: hengelnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hengelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh, qoorta madhnaan oo cabbaadh iyo wax kale midna ha xidhnaan. Dh: hangalnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hinterland
Barimarsl
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqhiqlayn
m.f.dh hiqhiqlee. la-mid: hiqlayn, hiqlays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiqhiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hiqhiq samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kilkillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kilkillooyinka qabasho ama ka xadantayn si uu u qoslo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pinaillage
pinaillage, n.m. - wax aan macno lahayn ku laalaabadkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dilindillayn
(Dilindillayn-ta)
Wax duuban ama kankoonsan garangarin, (sida birmiil la riixa hayo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilindillayn
m.f.dh eeg dilindillee. la-mid: dilindillo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dilindillayn
-ta: (magac, dhedig, keli) giraangirin wax wareegsan duurin oo dhulka sida shaagga u eryesho. Taayirka dilindillayn ayaan halkan ku keenay. Dh: wilaanwilin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dilindillayn
Garaangarin, Fuustada waa la dilindilleeyaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinraagitaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg hinraag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karinbillayn
m.f.dh eeg karinbillee.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Billan
name-f promoter; beautiful; improvement. Syn: Bille
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cillan
Aan muuqan; qarsoon; uuryaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan muqaan ahaansho. la-mid: ciillan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cillan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan muqaan ahaansho. m.f.dh, cillanaan. la-mid: ciillan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cillan
[adjective] hidden, secret, mysterious
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cillan
(tilmaame) wax aan caadyaal ahayn; arrin aan muuqan ama qarsoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cillan
de: hidden, secret, mysterious
lx: cillan
ps: adj
syn: qarsoon, uuryaal
key: cillan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilan
diilan¹: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Wax ciid, neef iyo wixi lamida laga buuxiyey noqosho.
diilan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax ciid, neef iyo wixi lamida laga buuxiyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fillan
(Fillan-ka)
Fillamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fillan
fillan¹: m.l la-mid: fillamid.
fillan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ku f.: dhib ama hawl ama wax la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fillan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Ku f.: dhib ama hawl ama wax la bixinayo, dad badan wadaajin, u qaybin; xisaabtamid. m.f.dh, fillamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fillan
v. assign, share out (work, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fillan
-ka: (magac, lab, keli) eed sheegasho iyo hibasho mar walba taagan. Fillan naag tagaan waa nebcahay furuq Alle u keenye. Dh: ashkato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fillan
de: assign, share out (work, etc.)
lx: fillan
nt: fillan (ka) [vn-m]
pd: (fillmay)
ps: v1=
key: fillan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gallan
(tilmaame) meel weerar ku soo fooleeyahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gilaan
-ka: (magac, lab, keli) geed jirdaweynta ka mid ah oo ay qudhaca isku bah yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gingin
(Gingin-ka)
Gingimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gingin
gingin¹: m.l la-mid: gingimid.
gingin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Hab iyo qaab wanaagsan u yeelid (aqal).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gingin
v. put in order, set right, improve
gingin vl. n. improvement, righting, ordering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gingin
-ka: (magac, lab, keli) hab iyo qaabka wanaagsan ee wax ama hawl loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gollan
m.l (-nno, m.dh) la-mid: goljilic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hellan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar, raggu ciyaaro oo inta la is hor fadhiisto jilbaha loo joogsado oo gacmaha la is weydaarsado. Waxa lagu kala badiyaa gacanta boggeeda iyo dhabarkeega. Dh: jilible, waallo.
hellan: (tilmaame) aan dhega adkayn, aan waxba diidin; inuu wax qabto u diyaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilin
(Hiilin-ta)
Dad dagaallama haya, mid, af ama addin ka taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilin
m.f.dh eeg hiili. la-mid: hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiilin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» dad is haya midkood af ama addin ku taageerid. Dh: taageerid, garabsiin.
hiilin-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» dad is haya, dhinac ka eexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilli
f.mg2 (-iyay, -isay) la-mid: hiili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiillo
(Hiilla-da)
Labo qof oo dagaallama haya oo mid lala safto, si uu kan kale uga adkaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiillo
m.dh la-mid: hiil¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiillo
f. n. taking sides, supporting, partisanship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiillo
-hiillada: (n) partiality; partisanship to a person or faction; favoritism, ~ hiil. —u hiilii -yey / say: (v) side with; team up with someone or group; favor one side
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiillo
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo dagaalamaya oo mid lala soo safto, si uu kan kale uga adkaado. Dh: hiil, danaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiillo
de: taking sides, supporting, partisanship
lx: hiillo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hiillo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hiillo
مُوَالَاةٍ وَمُنَاصَرَة
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HIIRAN
[HIRAN] Caucanthus albidus 01, Hildebrandtia africana 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIIRAN
(Hiran) C,N Helinus integrifolius (Lam.)0.Kuntze. Rhamnaceae.
C Caucanthus albidus (Nied.)Nied. Malpighiaceae.
C Hybanthus durus (Bak)0. Schwartz. Violaceae.
C Hildebrabatia africana Vatke. Convulvulaceae.
C Hildebrandtia sepalosa Rendle. Convolvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingis
-ka: (magac, lab, keli) sidayaasha isku haya albaabka iyo gidaarka. Dh: rasad, faseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjin
(Hinjin-ta)
Wax culus kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjin
m.f.dh eeg hinji. la-mid: hinjis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus kor u dhufasho; kor u qaadid. Hinjinta xoogga ah ee waxa culus dhabarkaa dadka ku xanuuna. Dh: hinjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinqin
m.f.dh eeg hinqi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
Indian
n., Hindi, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kiilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la kiilay ahaansho. m.f.dh, kiilnaan.