hindisoo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Wax gaaristood ku taamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhisoo
(fal) hindhiso iska keen. Siinku ha kaa ruqee hindhisoo. Dh: hindisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisood
m.f.l eeg hindisoo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindisood
m.f.l eeg hindisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindiso
(Hindisa-da)
1. Wax hor leh oo aan jiri jirin ahaysiintood oo madaxa ku soo dhaca.
2. Wax suuraggelintoodu adag tahay ama ayan dhici karinba, iskula hadalkood; dhadhab; riyo.
3. Talo; Arrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindiso
m.dh la-mid: hindise.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindiso
f. n./m: plan, project, idea; dream; invention, creation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindiso
-hindisaha: (n) discovery (diskaveri); invention (invenshin); creation (kiriyeyshin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindiso
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hindhiso.
hindiso -da: (magac, dhedig, keli) wax suurtagelintoodu adag tahay ama aanay dhici karin, ka fekerkooga.
hindiso-ha: (magac, lab, keli) eeg hindise.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindiso
de: plan, project, idea; dream; invention, creation
lx: hindiso
pd: (/da ~ /ha)
ps: n6-f/m
key: hindiso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindisow
v. invent, think of a new idea; fantasize
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindisow
de: invent, think of a new idea; fantasize
lx: hindisow
pd: (hindisooday)
ps: v3a=intr
key: hindisow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihindisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Ku m.: arrin aan dhaqan gelin ku fekerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindis
f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindis
f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo aan hore u jirin abuurid. m.f.dh, hindisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindis
v. plan, invent, design
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindis
-ay / tay: (v) create (kiriyeeyt); discover (dis kaver); compose (kempows)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindis
(fal) wax aan hore u jirin, curi ama soo saar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindis
cf: haami
de: plan, invent, design
lx: hindis
pd: (hindisay)
ps: v1=
key: hindis
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hindisa
name-f invention, plan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hindisa
magac loo baxsho gabadh la filayo inay wax wanaagsan oo maqan keento ama ka fekerto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindise
m.l (-ayaal, ml./m.dh) 1. Wax cusub. 2. Himilo. la-mid: hindiso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindise
m.l (-ayaal, ml./m.dh) 1. Wax cusub. 2. Himilo. la-mid: hindiso.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hindise
Inventore
Inventor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindise
(magac, lab, keli) curinta wax aan hore u jirin. Dh: curin, waxsoosaarid
hindise -ha: (magac, lab, keli) fikrad wax abuur. Dh: curin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hindiyo
name-f Indian. Lit: light-skinned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hindiyo
magac loo baxsho gabadh casaan iyo qurux awgeed Hindiyad la moodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjiso
f.g3 (-stay, -satay) Wax culus qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindhiso
(Hindhisa-da)
Neef kedo ah oo xoog leh oo aan loo kasin oo sidii wax qarxaday sanka iyo afka uga soo baxda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhiso
m.dh Neef kedis ah, xoog leh, wadata duuf oo laga sii daayo sanka iyo afka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindhiso
m.dh Neef kedis ah, xoog leh, wadata duuf oo laga sii daayo sanka iyo afka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindhiso
f. n. sneeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindhiso
-hindhisada: (n) an instance or the sound of sneezing: sneeze (isniis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhiso
-da: (magac, dhedig, keli) neef kadis ah oo cod gaar ah wadata oo si xoog leh afka iyo sanka uga soo baxda marka bacaraarku wax an caadi ahayn uu dareemo. Dh: handiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindhiso
de: sneeze
lx: hindhiso
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hindhiso
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hindhiso
عَطْسَة عَطْسَ عُطَاسِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindisid
(Hindisid-da)
Wax aan hor u jiri jirin keenid, soo saarid. curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisid
m.f.dh eeg hindis. la-mid: hindisaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jiri jirin abuuridoo samayn. Hindisida teknoloojoyadu waa horumarka ugu sarreeya ee biniaadamku ku tallaabsaday. Dh: curin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihindisood
m.f.l eeg mihindisoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hindhisid
(Hindhisid-da)
Hindhiso ka imaansho, sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhisid
m.f.dh eeg hindhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhisid
-da: (magac, dhedig, keli) hindhiso soo dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindisaad
m.dh Abuuridda wax aan hore u jirin oo cusub la abuuro. la-mid: hindisid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindisaad
m.dh Abuuridda wax aan hore u jirin oo cusub la abuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindisaad
-da: (magac, dhedig, keli) soo saarista iyo curinta farsamo ama wax la mid ah oo aan hore u jirin. Dh: hindise.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mindhismo
(Mindhisma-da)
1. Guri, in lagu aroosbaxo u dhisid; guriggal.
2. Inta arooska cusub lagu jiro.
3. Guriga arooska oo laga dhiso, cidda gabadha bixisay, agteeda; inanlayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mindhismo
m.dh 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mindhismo
m.dh 1. U hawlgalka guur cusub samayntiis. 2. Muddada arooska lagu jiro. 3. Nin la deggan reerka uu wax ka qabo. 4. Qalabka ama hantida lagu taakuleeyo laba qof oo aroos gelaya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mindhismo
f. n. setting up of a new house for bride and groom; first days of marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mindhismo
-ha: (magac, lab, keli) guri in lagu aroosbaxo u dhisid. Dh: aqalgal
mindhismo -ha: (magac, lab, keli) guri aroos looga. dhiso cidda gabadha bixisay agteeda.
mindhismo-da: (magac, dhedig, keli) inta arooska cusub lagu jiro. Weli mindhismo ayay caruuska iyo caruusaddu ku jiraan. Dh: aroos.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mindhismo
de: setting up of a new house for bride and groom; first days of marriage
lx: mindhismo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mindhismo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hidin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hindi
m. n. Indian, person from India
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hindi
hindi, adj. - afka Hindidu ku hadasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hindi
de: Indian, person from India
lx: Hindi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: Hindi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
findis
-ka: (magac, lab, keli) eeg aadangaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingis
-ka: (magac, lab, keli) sidayaasha isku haya albaabka iyo gidaarka. Dh: rasad, faseexad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Higgo sii deyn. la-mid: higgo², higgoo, hingo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hingoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) Higgo sii deyn. m.f.dh higgasho. la-mid: higgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingoo
(fal) hingo dareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjis
(Hinjis-ka)
Wax culus kor u qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjis
m.l la-mid: hinjin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinjis
vl. n. act of lifting something heavy, jerking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinjis
-ka: (n) the effort of heaving
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjis
-ka: (magac, lab, keli) jaad kaluunka ka mid ah waaweyn oo dadka badaha ku qaraqma badbaadiya una socda kooxkoox. Hinjis waa dadka saaxiibkood oo lama dilo.
hinjis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hinjin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinjis
de: act of lifting s.t. heavy, jerking
lx: hinjis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: hinjis
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
indigo
indigo, n.m. - buluug (midab).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
indigo
n., sibaq madow cadaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U x.: xiiso dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xiisoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U x.: xiiso dareemid. .
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiisoo
(fal) meel, qof, cunto ama wax kale inaad dib u aragto jeclaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handaso
-da: (magac, dhedig, keli) hab cilmiyaysan oo lagu farsameeyo dhisaska iyo wixii la mid ah si loo maareeyo nidaamka wanaagsan ee la raaci doono. Ardaygu wuxu soo bartay handaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himiloo
(fal) kuku taam oo haweyso; niyadda ha ka saarin.
himiloo: (fal) maanka ku hay oo ku taam. Dh: hammi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaaso
(Hinaasa-da)
Hiil; hiillo; danaano; masayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaaso
m.dh la-mid: hinaas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaaso
f. n., [abstract] jealousy, envy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaaso
de: jealousy, envy
lx: hinaaso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hindhis
f.mg1 (-say, -stay) Hindhiso sii dayn. m.f.dh, hindhisid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hindhis
v. sneeze
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hindhis
-ay / tay: (v) sneeze (isniiz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhis
(fal) neef, si degdeg ah sanka uga soo bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hindhis
de: sneeze
lx: hindhis
pd: (hindhisay)
ps: v1=
key: hindhis
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hindiya
pr. n., loc. India
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Hindiya
(n) India; New Delhi is the capital and Calcutta the largest city
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hindiya
de: India
lx: Hindiya
ps: n0-loc-f
key: Hindiya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinifso
f.g3 (-saday, -satay) Dareere yar oo weel salkiisa ku jira ka laacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinifso
v. sip (a small amount of), take a sip of (e.g., milk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinifso
(fal) caano iyo wixii la mid ah, marba weel ama sacab ku dhiijiso oo kabkabbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinifso
de: sip (a small amount of), take a sip of (e.g., milk)
lx: hinifso
nt: hinifsasho (/da) [vn6-f], hinifsi (ga) [vn2a-m]
pd: (hinifsaday)
ps: v3a=
key: hinifso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjifo
-da: (magac, dhedig, keli) hagardaamo iyo luggooyo cid loo geysto.
hinjifo -da: (magac, dhedig, keli) sarriigidda ciddiyaha meel lagu sarriigo. Hinjifo ayaa wajiga kaga taala. Dh: xagasho.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Incisor
Fool
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
incisor
(n) a tooth adapted for cutting, located at the front of the mouth,
miciyaha
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
incisor
/insaysar/ (n) foolasha, dhoolasha (ilkaha hore ee dadka).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
indiano
agg. e s.m. hindi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
indizio
s.m. - raad, calaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jildiso
f.mg3 (-stay, -satay) Kitaab, buug iyo wixi lamida jildi u yeelasho. la-mid: jaldiso, jeldiso, jaldiyo, jeldiyo, jildiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sindiyo
(Sindiya-da)
(keli: sindi) dugaagado; jijimmo.