hinaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid masayr ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid masayr ku abuurid. m.f.dh, hinaasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaasi
v. make someone jealous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasi
(fal) «ka ~» in uu hinaaso, sabab u noqo; hinaase ku rid.
hinaasi -ga: (magac, lab, keli) qofka hinaasaha badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaasi
de: make s.o. jealous
lx: hinaasi
pd: (hinaasiyey)
ps: v2a=tr
key: hinaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasid
(Hinaasid-da)
Qof isgarabtaagid, inuu qof kale ka adkaado darteed; hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasid
m.f.dh eeg hinaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hinaasan ahaansho. Dh: masayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasin
(Hinaasin-ta)
Qof hinaas ka keenid, ku ridid; hiilin; masayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasin
m.f.dh eeg hinaasi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hinaase ka keenid; hiilin; masayrin.
hinaasin -ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) in uu hinaaso, sabab u noqosho; hinaase ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaas
(Hinaas-ka)
Labo qof oo dagaallama haya ama wax isku haysta oo mid af ama addin lagala safto, inuu adkaado darteed; hiil; hiillo; danaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaas
hinaas¹: m.l Masayr. la-mid: hinaaso.
hinaas²: f.mg1 (-say, -stay) Masayr dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinaas
hinaas¹: m.l Masayr. la-mid: hinaaso.
hinaas²: f.mg1 (-say, -stay) Masayr dareemid. m.f.dh, hinaasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaas
m. n., [abstract] jealousy, envy
hinaas v. be jealous ~ envious, begrudge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hinaas
-ka: (n) jealousness (jales nes) ~ masayr, hinaase, hinaaso
hinaas -ay / tay: (v) become jealous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaas
(fal) ka cadhoo oo ka gadood in cid kale lagaa bido. Dh: masayr.
hinaas: (fal) (ka ~) ka ficiltan oo ka dhiidhi, cid aad lammaanahaaga ku tuhuntay.
hinaas -ka: (magac, lab, keli) labo qof oo dagaalama ama wax isku haysta oo mid af ama addin lagala safto, inuu adkaado darted. Dh: hiil, hiillo, danaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaase
m.l (-sayaal, m.l/dh) 1. Hinaas. 2. Qof masayr badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaase
-ha: (magac, lab, keli) cadho ficil iyo gadood ah oo ku dhacda qof lammaanihiisa ku tuhunsan inuu cid kale la wadaago ama u hanqaltaagayo. Dh: masayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaaso
(Hinaasa-da)
Hiil; hiillo; danaano; masayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaaso
m.dh la-mid: hinaas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaaso
f. n., [abstract] jealousy, envy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaaso
de: jealousy, envy
lx: hinaaso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaaso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ingelosire
v.tr. - maseyrin, hinaasin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ingelosirsi
v.rifl. - masayrid, hinaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayraw
-ga: (magac, lab, keli) qof lab oo hinaase badan. Dh: hinaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayri
(fal) hinaase ku rid oo wax ka masayriya samee. Afadaada tijaabi oo ka masayri. Dh: hinaasi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrid
-da: (magac, dhedig, keli) hinaasid, masayr yeelasho. Naag lala guursaday masayrid waa lagu ogaa. Dh: hinaasid, masayris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka hinaasiin o wax laga masayrto samayn. Masayrinta xaaskaaga safaad ha ka dhigan. Dh: hinaasin, masayrsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsi
-ga: (magac, lab, keli) qof kale ujeedde uga hinaasiisasho. Masayrsiga islaanta ma inaad ku dhacdo ayaad uga jeeddaa. Dh: masayrsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsii
(fal) qof kale ka hinaasii. Islaanta masayrsii haddana sasab. Dh: hinaasii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale ka hinaasiin. Dh: hinaasiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacsi
-ga: (magac, lab, keli) baal ka socod ama cidhif ka joogid. Dh: baalka, marid. Li: dhexgalid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaas_1
de: jealousy, envy
hm: 1
lx: hinaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
syn: masayr {N}
key: hinaas_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaas_2
de: be jealous ~ envious, begrudge
hm: 2
lx: hinaas
pd: (hinaasay)
ps: v1=intr
key: hinaas_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasan
(tilmaame) qof hinaase hayo ah. Dh: masayrsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: higgaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dinaas
m.dh Daran cusbo badan oo geelu aad u jecelyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadi
m.l.kh C. ah: qof cinaad badan. la-mid: canaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaasi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Boor kicin. 2. Neef riman candho keenid; carin; gorin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaasi
v. blow dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaasi
(fal) siigo kici, awaaree. Dh: siigay, siigee, awaaree.
habaasi: (fal) neef rimman, muuji calaamadihii dhalitaanka oo gor yeelo; candhada weynee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaasi
de: blow dust
lx: habaasi
pd: (habaasiyey)
ps: v2a=
key: habaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley korriimo xumo dhaxalsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagaasi
v. stunt, cause to be stunted ~ dwarfish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaasi
(fal) hagaas ka dhig oo ha kori waayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagaasi
de: stunt, cause to be stunted ~ dwarfish
lx: hagaasi
pd: (hagaasiyey)
ps: v2a=tr
key: hagaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hikaadi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: higgaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hikaadi
v. spell out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hikaadi
-yey / say: (v) spell (ispeel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hikaadi
(fal) wax qoran ku codee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hikaadi
de: spell out
lx: hikaadi
pd: (hikaadiyey)
ps: v2a=tr
see: higgaadi
key: hikaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilaadi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilaadi
f.g1/2 (-iyay, -iday/isay; -iyi) 1. Wax qiyaastooda malayn. 2. Wax odorosid (roob). m.f.dh, hilaadiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaadi
(fal) saadaali wax la fili karo. Dh: saadaali, saadi, mala'awaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaayo
(Hinaaya-da)
Uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaayo
m.dh Uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaayo
f. n., [abstract] bitterness, grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore la isku gaadhsiiyey xasuusta iyo caloosha ku haynta aan saamaxaada lahayn. Dh: uurkutaallo, caloolxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaayo
de: bitterness, grief
lx: hinaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinifsi
(Hinifsi-ga)
Hinifsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinifsi
m.l la-mid: hinifsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinifsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg hinifsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabi
(fal) hiraab sii; suxuur sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraaci
hiraaci¹: m.l.kh H. ah: biyo, war, weel iyo wixi lamida balli ka buuxsamaya.
hiraaci²: f.g2 (-iyay, -isay) 1. Biyo fadhiya dhaqdhaqaaq yar samayn. 2. Balli, war, weel iyo wixi lamida biyo ka buuxsamid. la-mid: haraaci².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraaci
v. ruffle, form waves on something (water, grass, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraaci
(fal) biyo iyo wixii la mid ah, mawjado iyo qalqallooc yeelo. Dh: haraaci.
hiraaci -ga: (magac, lab, keli) mawjadaha ay biyuhu sameeyaan kolka ay laydhu lulayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraaci
bw: haraaci
de: ruffle, form waves on s.t. (water, grass, etc.)
lx: hiraaci
nt: hiraaci (ga) [vn-m]
pd: (hiraaciyey)
ps: v2a=tr
key: hiraaci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinaaso
m.dh la-mid: janaaso (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinaaso
-da: (magac, dhedig, keli) geerida iyo wixii la xidhiidha
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sinaysi
vl. n. adultery, fornication
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sinaysi
-ga: (n) unlawful sexual intercourse; fornication (foor-ni-keey-shin)-, the act of committing adultery; illicit love; love affair ~ sineysi, sineysasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sinaysi
de: adultery, fornication
initial: s
lx: sinaysi
pd: (-ga)
ps: vn-m
syn: dhillaysi, sino
key: sinaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaasi
(Siyaasi-ga)
Ku siyaasada aad u yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
siyaasi
m.l (-iin, m.dh) 1. Qof cilmiga siyaasadda yaqaan kuna shaqeeya. 2. Qof si xirfad leh arrimaha u maareeya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siyaasi
m. n. politician
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
siyaasi
-ga: (n) politician (polatis-han); diplomat (diplomaat)
xisbi siyaasi ah: (n) political party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaasi
-ga: (magac, lab, keli) qofka maammulka bulshada yaqaanna; qofka siyaasada ku jira.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siyaasi
bw: Arabic
de: politician
initial: s
lx: siyaasi
pd: (-ga Pl: siyaasiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: siyaasi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasetir
-ka: (magac, lab, keli) gunno iyo xoolo la siiyo gabadha marka lala guursado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finnaaqsi
m.l la-mid: finnaaqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finnaaqsi
-ga: (magac, lab, keli) dhamidda caano kooban.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hankaabsi
-ga: (magac, lab, keli) sii tiigsiga wax kaa durugsan oo laacdin lagu soo qaato; wax kaa durugsan gacanta la laacid. Dh: laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraansi
-ga: (magac, lab, keli) dagaan ama dawlad ciddii kugu dhow oo ad wax uga baahantahay, hadii laba lugood oo hanti ah hibo laguu siyey midii ka hadhaba tii kalaa ku hangaleysaaye, hiiraansi mooye tolnimo haatan la ilowye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaadin
m.dh la-mid: higgaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingaadis
m.l la-mid: higgaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinraagid
(Hinraagid-da)
Neeftuurid; xuurtood; haftood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinraagid
m.f.dh eeg hinraag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinraagid
-da: (magac, dhedig, keli) neeftuurid iyo xuurtood; haftood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bikaacsi
(Bikaacsi-ga)
(il, kd.) kala qaadid, kala qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bikaacsi
m.l la-mid: bikaacsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bikaacsi
vl. n. act of opening wide (eyes, legs, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bikaacsi
-ga: (magac, lab, keli) wax kala qabasho ama kala qaadid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bikaacsi
de: act of opening wide (eyes, legs, etc.)
lx: bikaacsi
pd: (-ga)
ps: vn-m
key: bikaacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cinaadid
(Cinaadid-da)
Cinaad ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cinaadid
m.f.dh eeg cinaad². la-mid: canaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cinaadid
-da: (magac, dhedig, keli) amardiiddo samayn; madax'adaygid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanaani
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhanaan ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhanaani
v. salt, make salty; cause to become acrid, pungent, sour