hinaasetir
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasetir
-ka: (magac, lab, keli) gunno iyo xoolo la siiyo gabadha marka lala guursado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasetirid
-da: (magac, dhedig, keli) masayrtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaase
m.l (-sayaal, m.l/dh) 1. Hinaas. 2. Qof masayr badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaase
-ha: (magac, lab, keli) cadho ficil iyo gadood ah oo ku dhacda qof lammaanihiisa ku tuhunsan inuu cid kale la wadaago ama u hanqaltaagayo. Dh: masayr
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid masayr ku abuurid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hinaasi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid masayr ku abuurid. m.f.dh, hinaasin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaasi
v. make someone jealous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasi
(fal) «ka ~» in uu hinaaso, sabab u noqo; hinaase ku rid.
hinaasi -ga: (magac, lab, keli) qofka hinaasaha badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaasi
de: make s.o. jealous
lx: hinaasi
pd: (hinaasiyey)
ps: v2a=tr
key: hinaasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasid
(Hinaasid-da)
Qof isgarabtaagid, inuu qof kale ka adkaado darteed; hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasid
m.f.dh eeg hinaas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hinaasan ahaansho. Dh: masayrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaasin
(Hinaasin-ta)
Qof hinaas ka keenid, ku ridid; hiilin; masayrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaasin
m.f.dh eeg hinaasi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof hinaase ka keenid; hiilin; masayrin.
hinaasin -ta: (magac, dhedig, keli) (ka ~) in uu hinaaso, sabab u noqosho; hinaase ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaaso
(Hinaasa-da)
Hiil; hiillo; danaano; masayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaaso
m.dh la-mid: hinaas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaaso
f. n., [abstract] jealousy, envy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaaso
de: jealousy, envy
lx: hinaaso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaaso
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaas_1
de: jealousy, envy
hm: 1
lx: hinaas
pd: (-ka)
ps: n2a-m-abs
syn: masayr {N}
key: hinaas_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaas_2
de: be jealous ~ envious, begrudge
hm: 2
lx: hinaas
pd: (hinaasay)
ps: v1=intr
key: hinaas_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaasan
(tilmaame) qof hinaase hayo ah. Dh: masayrsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiraahir
(Hiraahir-ka)
Haraaryo; neeftuur; (ama hiraanhir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraahir
hiraahir¹: m.l Neeftuur xooluhu sameeyaan marka ay qorrax kulul qabato. la-mid: haraahir¹, haraanhir¹, hiraanhir¹.
hiraahir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley qorrax kulul qabatay neeftuur samayn. la-mid: haraahir², haraanhir², hiraanhir².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraahir
hiraahir¹: m.l Neeftuur xooluhu sameeyaan marka ay qorrax kulul qabato. la-mid: haraahir, haraanhir, hiraanhir.
hiraahir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Nafley qorrax kulul qabatay neeftuur samayn. m.f.dh, hiraahirid. la-mid: haraahir, haraanhir, hiraanhir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraahir
v. pant, gasp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraahir
-ka: (magac, lab, keli) neeftuurka iyo dhaqdhaqaaqa biyo doonka ah ee noole aad u harraadani sameeyo. Dh: hiraanhir, hidhaanhidh, hadhhadhyood.
hiraahir: (fal) harraad dartii, hadhhadhyoo oo neeftuur. Dh: hiraanhir.
hiraahir -ka: (magac, lab, keli) hadhhadhyo iyo neeftuurid. Dh: hiraanhir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraahir
de: pant, gasp
lx: hiraahir
nt: hiraahir (ka) [vn2-m]
pd: (hiraahiray)
ps: v1=intr
key: hiraahir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiwaawir
hiwaawir¹: m.l Shuruf.
hiwaawir²: f.mg1 (-ray, -rtay) Urid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiwaawir
m. n. strong unpleasant odor
hiwaawir v. give off a strong unpleasant odor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiwaawir
(fal) ur qadhmuun soo bikaaci.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
investir
investir, V. - maal gelin; la maalgeliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canaasiir
m.dh.u 1. Dad si ihaano ahaan, la rabo in wax laga sheego. 2. eeg cunsur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaasiir
f. n., pl. evils [pl.] ; radical, member of the opposition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canaasiir
-ta: (n) [plural of cunsur] elements
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaasiir
-ta: (magacwadareed) koox wax kharribta oo aan khayr lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaasiir
bw: Arabic
de: evils [pl]; [fig.] radical, member of the opposition
lx: canaasiir
pd: (-ta Sg: cunsur)
ps: n8-f-pl
key: canaasiir
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danaabtir
Discharge
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HABAANTIR
(Habantir) S Phyllanthus suffrutescens Pax. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraanhir
hiraanhir¹: m.l la-mid: hiraahir¹.
hiraanhir²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: hiraahir².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraanhir
v. pant, breathe quickly, gasp for breath
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraanhir
-ka: (magac, lab, keli) eeg hiraahir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraanhir
de: pant, breathe quickly, gasp for breath
lx: hiraanhir
nt: hiraanhir (ka) [vn-m]
pd: (hiraanhiray)
ps: v1=intr
key: hiraanhir
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiyaastii
(adv) almost (ool-mowst), approximately (a-porok-si-meeytli);
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jinaastiko
f. n., [collective] gymnastics
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jinaastiko
jinaastikada: (n) gymnastics (jim naas tikis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jinaastiko
de: gymnastics {It}
lx: jinaastiko
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: jinaastiko
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabeeltir
(fal) dheri biyabeelay biya ku shub. Biyabeeltir dheriga wuu gubanayaaye.
biyabeeltir -ka: (magac, lab, keli) dheri biyabeelay in kale ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraad-tir
-ka: (magac, lab, keli) waraabin; biyo siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hindhaadhir
-ka: (magac, lab, keli) neefkaguranka uu sakaraadku weheliyo. Dh: sakaraad.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Honogametic
Homogasmetik