himlin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Himlin
(Himlin-ta)
Wax kor u qaadid si lagu ogaado culayskiisu inuu weyn yahay ama yar yahay; tijaabin; iskudeyid; baxnaanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himlin
m.f.dh eeg himli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himlin
-ta: (magac, dhedig, keli) kor u hinjinta wax culayskiisa in la garto la doonaayo. Himlintu waa qiyaase miisaan dhab ah maaha. Dh: hinjin, hollin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilin
(Hilin-ka)
Waddo weyn oo haloosi ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilin
m.l (-immo/-nno, m.dh) Waddo ay samaysay cagta dadka ama xoolaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilin
m. n. road, street, avenue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilin
-ka: (n) path (paath); route (ruut). Ex: hilinka toosan; the right path
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hilin
magac loo baxsho wiil dhashay xilli reerku uu geeddi ahaa. Waxa kale oo loo baxshaa wiil toosan sida hilinka ama caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilin
-ka: (magac, lab, keli) dariiq ama waddo la maro. Dh: dariiq, waddo, jid, marrin, daw.
hilin-ka: (magac, lab, keli) jidka lagu gaadho summadaha iyo jaantusyada gaar ahaaneed ee xogta sayniska iyo xisaabta. Dh: jid, tub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilin
cf: haloosi, waddo
de: road, street, avenue
lx: hilin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: hilin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culayskooda qiyaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax culayskooda qiyaasid. m.f.dh, himlin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himli
v. weigh something in one's hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himli
-ga: (magac, lab, keli) laamo isku xidhxidhid si guri loogu dhiso. Dh: himilee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himli
cf: himilee
de: weigh s.t. in one's hand
lx: himli
pd: (himliyey)
ps: v2a=tr
key: himli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiilin
(Hiilin-ta)
Dad dagaallama haya, mid, af ama addin ka taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilin
m.f.dh eeg hiili. la-mid: hiilid, hiilis, hiillin, hiillis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiilin
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» dad is haya midkood af ama addin ku taageerid. Dh: taageerid, garabsiin.
hiilin-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~» dad is haya, dhinac ka eexasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhillin
m.f.dh eeg dhilli. la-mid: dhilqin, dhilqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhimrin
(Dhimrin-ta)
Jimic u gelid; u turid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhimrin
m.f.dh eeg dhimri. la-mid: dhimris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhimrin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, fududayn oo si debecsan ula dhaqmid; si naxariisi ku jirto ula tacaamulid. Dh: miyirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiillin
m.dh la-mid: hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shillin
(Shillin-ka)
Geedaha waaweyn oo lafta adag mid ka mid ah; kedi, kulan; quud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shillin
m.l (-mmo/-maad, m.l/dh) la-mid: shilin¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shillin
m. n. large evergreen tree species, with hard timber and edible fruit
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shillin
name-f large evergreen tree sp., with hard timber and edible fruit. Lit: one born near or under that tree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shillin
-ta: (magac, dhedig, keli) geedaha waaweyn oo lafta adag mid ka mid ah; kedi; kulan; quud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shillin
bw: kedi
de: large evergreen tree sp., with hard timber and edible fruit
initial: s
lx: shillin
pd: (-ka)
ps: n-m
see: kullan
xv: shillal
key: shillin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilin
-ka: (magac, lab, keli) meel daadmareen ah oo aad u yar. Libaaxu ilinka ayuu noo fadhiistay. Dh: marin, hilin, wadiiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilin
(Cilin-ka)
Qof ama nafley kale ama geed, waxa la jaad ah, aad iyo aad uga yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilin
cilin¹: m.l (-immo/-inno, m.dh) 1. Nin dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. Qof qaarka dambe naafo ka ah.
cilin²: m.dh (-no, m.l) 1. Haweeney dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. C. ah: miro jirro awgeed la yaryaraaday.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilin
cilin¹: m.l (-immo/-inno, m.dh) 1. Nin dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. Qof qaarka dambe naafo ka ah.
cilin²: m.dh (-no, m.l) 1. Haweeney dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. C. ah: miro jirro awgeed la yaryaraaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilin
m. n. dwarf (person, animal ~ plant)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilin
-ka: (n) an abnormally small person; dwarf (duwoorf)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilin
-ka: (magac, lab, keli) nafley ama geed waxa la jaadka ah abuur ahaan aad uga yar.
cilin -ka: (magac, lab, keli) midho xanuun ku dhacay oo intii la filayay ka yaryaraaday.
cilin -ta: (magac, dhedig, keli) dhedig qayrkeed ama da'deed ka gaaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cilin
de: dwarf (person, animal ~ plant)
lx: cilin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: cilin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filin
(Filin-ka)
Filim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filin
m.l (-mmo/aflaam, m.dh) 1. Daliig dheer, dhuuban, xalleefsan oo dusha laga mariyo maaddo dareemi og iftiinka oo wax lagu sawiro. 2. Muuqaallo sawirro ah, dhaqdhaqaaqa hadala oo la daawado. 3. Fagaaraha lagu daawado aflaanta; shaneemo. la-mid: filim.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Filin
Film
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
filin
m. n. film, movie
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filin
-ka: (n) [pl. filamda] film (filim), movie (muu-vi), motion picture ~ filim, shaneemo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filin
-ka: (magac, lab, keli) cajalado ka samaysan maaddooyin iftiinka aad u dareema oo bildhaamaha sawirrada soo mara kaydsha.
filin -ka: (magac, lab, keli) masawirro isku xidhiidhsanaantooda iyo dheeraynta isdabajooggooda darteed la moodo wax dhaqdhaqaaqaya oo nool. Dh: shaneemo, sinimoo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
filin
filin, n.m. - xadhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
filin
cf: shaneemo {Eng}
de: film, movie
lx: filin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: filin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidin
(Hidin-ta)
Bixin ama deeq karti u lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidin
m.dh Kartida loo yeesho wax bixinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidin
f. n. giving, ability to give, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bixinta ama deeq karti u lahaansho. Dh: hidis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidin
de: giving, ability to give, charity
lx: hidin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiili
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof, qof kale uga danaanin. la-mid: hiil², hiilli.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiili
f.mg2 (-iyay, -isay) Qof, qof kale uga danaanin. m.f.dh, hiilin. la-mid: hiil, hiilli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiili
(fal) «u» labo is haya, midkood taageer. Weligaa u hiili halka xaqqu yaal. Dh: garabjoogso, taageer.
hiili: (fal) «kalabo is haya, midkood ka eexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilan
Wax korka laga saarsaaray; wax lagu hilay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) 1. Wax hil lagu xiray ahaansho (weel). 2. Wax tankiisu u dhanyahay oo aan wax kale qaadi karin ahaansho (gaadiid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilan
der. [adjective] overloaded, piled up, accumulated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilan
(tilmaame) wax daboolan oo afka ka aabudhan; wax korka laga saarsaaray. Dh: higaagan, aabudhan.
hilan: (tilmaame) isku nidaamsan oo isku sigib tiran. Xaabo hilan si dhib yar baa loo xambaaraa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilan
de: overloaded, piled up, accumulated
lx: hilan
pd: (hilnaa)
ps: adj-der
key: hilan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilib
(Hilib-ka)
Jiirka iyo baruurta ka baxa oogada dadka iyo tan nafleyda kale; so'; cad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilib
m.l (-lbo, m.l) Jiirta iyo baruurta ka baxda oogada nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hilib
m.l (-lbo, m.l) Jiirta iyo baruurta ka baxda oogada nafleyda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilib
m. n., (mass n.): meat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hilib
-ka: (n) meat (miit)-, flesh (faleesh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilib
-ka: (magac, lab, keli) cadka ka kooban jiidhka iyo baruurta noolaha ee diirka iyo lafaha u dhexeeya. Dh: so', cad. Wa: hilbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilib
de: meat
lx: hilib
pd: (-ka Pl: hilbo (/ha))
ps: n3-m-mass
syn: cooddi
key: hilib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilid
(Hilid-da)
Alaabo, kd., dusha iska saarsaarid; taallayn; meel tuumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilid
m.f.dh eeg hil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabo iyo wax la mid ah, rasayn oo si habaysan isku duldhigid. Dh: taallayn, nidaamin.
hilid -da: (magac, dhedig, keli) wax af bannaan afka ka aabudhid oo ka awdid. Dh: hilis, daboolid, daboolis, aabudhis, aabbudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilif
(Hilif-ta)
Gogol aad u duugowdey; cajil; (ama milif).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilif
m.l/dh (-fyo, m.l/dh) 1. Cad yar oo maro, derin, raar iyo wixi lamida oo duug ah. 2. Ruux bar yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilif
f. n. worn-out cloth ~ mat ~ basket
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilif
-ka: (magac, lab, keli) gogol aad u duugowday. Dh: cajil, milif.
hilif -ta: (magac, dhedig, keli) maro yar. Hadhkii baan ka baayacay hilif Mareykaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilif
de: worn-out mat ~ basket ~ cloth
lx: hilif
pd: (-ta ~ -ka Pl: hilfo (/ha))
ps: n2a-f, n3-m
key: hilif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himil
m.dh Laamo la isku xirey oo wax lagu dhiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himil
f. n., [collective] bundle of branches tied together and used to build dwellings
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himil
-ta: (magac, dhedig, keli) laamo inta la isku xidhxidho guryaha lagu dhiso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himil
de: bundle of branches tied together and used to build dwellings
lx: himil
pd: (/sha)
ps: n-f-col
key: himil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Himir
(Himir-ta)
Geed leh miro wanaagsan oo la cuno iyo qoryo laf adag oo alaabo badan laga qorto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himir
m.dh Geed-mirood, miro macaan, laf adag, oo fandhaallada, dhurayaasha iyo wixi lamida laga qoro. la-mid: hamir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himir
f. n., [collective] tree species, with good fruit and hard wood (used for carving)
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HIMIR
Ziziphus hamur 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIMIR
(Himir) May Gardenia fiorii Chiov. Rubiaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himir
-ta: (magac, dhedig, keli) geed leh midho wanaagsan oo la cuno iyo qoryo laf adag oo alaabo badan laga qorto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himir
de: tree sp., with good fruit and hard wood (used for carving)
lx: himir
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: himir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitin
m.dh eeg hiti. la-mid: heetin, heetis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitin
-ta: (magac, dhedig, keli) si dhuti iyo tukube ah u socod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg humid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Illin
1. (Illin-ka) Meesha furan oo guryaha, qolalka, xeryaha, kd. laga galo; irrid; albaab.
2. (Illin-ta) Biyaha indhaha; ilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
illin
illin¹: m.l (-mmo/-nno, m.dh) Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixi lamida laga galo; irrid.
illin²: m.dh 1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. la-mid: illis. eeg illi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
illin
illin¹: m.l (-mmo/-nno, m.dh) Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixi lamida laga galo; irrid.
illin²: m.dh 1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. la-mid: illis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
illin
m. n. entrance ~ exit (door)
illin [feminine] n., [collective] tears
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
illin
-ka: (n) doorway (door-weey); entrance (en-taransi), exit (eg-zit); gateway (geeyt-weey); passage, way out, entry ~ irrid, albaab
illin -ta: (n) tear (ti-yar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
illin
-ka: (magac, lab, keli) meesha furan ee guryaha, xeryaha, qolalka iyo wixii la mid ah laga galo. Dh: irrid.
illin-ta: (magac, dhedig, keli) sababo badan aawadood, biyaha indhaha ka yimaadda. Dh: ilmo, lilmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
immin
m.dh la-mid: ammin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimin
(Rimin-ta)
(xoolo) uur u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimin
m.f.dh eeg rimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimin
-ta: (magac, dhediq, keli) saarasho oo uur u yeelid, Dh: uurayn; rimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ximin
(Ximin-ta)
Xin kula kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximin
m.f.dh eeg ximi.