himamaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himamaw
-ga: (magac, lab, keli) cilcillowga fiidkii ee uu ilayskii maalintana wax ka sii joogo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diimamaw
-ga: (magac, lab, keli) labada fiidcawl ee aan la kala garan qofka iyo geedka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himammow
m. n. dusk, twilight, getting dark; seeing little because of the lack of light ~ poor visibility
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himammow
de: dusk, twilight, getting dark; seeing little because of the lack of light ~ poor visibility
lx: himammow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: himammow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmad
m.dh la-mid: himmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himmad
f. n. good will, interest, desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
himmad
-da: (n) ambition (aam bi-shen), enthusiasm (in-thuu-zi-yaasim); desire (dizaayer). -Syn: covet, crave, want, wish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himmad
-da: (magac, dhedig, keli) himmo; niyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himmad
de: good will, interest, desire
lx: himmad
pd: (-da)
ps: n1-f
see: himmo
key: himmad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiimammow
m.l Waqtiga ay kala guurayaan habeenka iyo maalintu ee aan indhuhu si fiican wax u arkin. la-mid: himahiime, himhimmow, huumammow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiimammow
-ga: (magac, lab, keli) xilliga labada fiidcawl ee aan si fiican wax loo arkeyn. Hiimammowga qof iyo geed lama kala garto. Dh: gallin, hiimhiimse, maqrib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cimaamad
(Cimaamad-da)
Maro, badanaa la dumeeyey oo la qurxiyey oo madaxa lagu duubto; Duub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimaamad
m.dh (-do m.l) Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. la-mid: cumaamad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimaamad
m.dh (-do m.l) Maro yar, qafiif ah, naqashadeysan ama cad oo uu raggu madaxa ku duubto. la-mid: cumaamad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimaamad
f. n. turban
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimaamad
-da: (n) piece of cloth worn by men as a covering for the head, neck or shoulders; man's shawl ~ cumaamad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimaamad
(fal) «u ~» cimaamad madaxa ugu xidh; ugu duub.
cimaamad -da: (magac, dhedig, keli) maro badanaa la duneeyay oo la qurxiyay oo madaxa lagu duubto. Dh: duub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimaamad
a: cumaamad
de: turban
lx: cimaamad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: duub
xv: Arabic
key: cimaamad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cimaamad
عمامة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gimaamad
-ka: (magac, lab, keli) hawl la abaabulayo oo la diyaarinayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmajab
himmajab¹: m.l Niyadxumo ku dhacda qof wax uu u hanweynyahay waayay. la-mid: himmadjab¹.
himmajab²: f.mg1 (-bay, -btay) Qof wax uu u hanweynyahay waayey niyadxumo dareemid. la-mid: himmadjab².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himmajab
himmajab¹: m.l Niyadxumo ku dhacda qof wax uu u hanweynyahay waayay. la-mid: himmadjab.
himmajab²: f.mg1 (-bay, -btay) Qof wax uu u hanweynyahay waayey niyadxumo dareemid. m.f.dh, himmajabid. la-mid: himmadjab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himmajab
m. n., [abstract] demoralization
himmajab [inchoative] v. be demoralised, get disheartened
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himmajab
-ka: (magac, lab, keli) himmojab; niyadjab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himammowso
v. see poorly; be almost blind
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himammowso
de: see poorly; be almost blind
lx: himammowso
pd: (himammowsaday)
ps: v3a=intr
key: himammowso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaw
haaw¹: m.dh Firo, biddo.
haaw²: f.mg1 (-way, -wday) Ciid bidid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
imam
imam, n.m. - imaam; sheekha dadka tujiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaw
(Habaw-ga)
(qof) meel uu u socdo aan aqoon; lunsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habaw
m. n. person who has lost his ~ her way
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaw
-ah: (adj) unable to find one's way; lost (loost) ~ habaab. Ex: ilmo habaw ah; a lost child
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaw
(fal) lun oo jidka saxda ah ka leexo. Dh: ambo, lun, hallaw.
habaw -ga: (magac, lab, keli) hallawga ama jidkii saxda ahaa ka dhumid. Dhama'u habaw buu keenaa. Dh: hallaw.
habaw -ga: (magac, lab, keli) qof ama wax hallawsan oo meeshii saxda ahayd meel aan ahayn jooga. Dh: hallaw, baadi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habaw
bw: habow
cf: habaab
de: person who has lost his ~ her way
lx: habaw
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: habaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hacaw
-ga: (magac, lab, keli) mid caqli yar oo maangaaban. Dh: doqon, nacas. Li: fariid, geesi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaw
-ga: (magac, lab, keli) dabayl kulul oo aad u xoog badan. Cadhadii kolkaan soo hingaday, hadawgu ma i leefay. Dh: hanfi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaw
-da: (magac, dhedig, keli) bannaan aan wax ku celiya lahan. Dh: halalaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamag
m.l 1. la-mid: amag. 2. (sh.r) Cod lagu muujiyo dhicitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamag
-ga: (magac, lab, keli) socod iyo dhaqdhaqaaq aan nidaamsanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraw
-ga: (magac, lab, keli) fuudka kolka uu dheriga ku baryo labeenta korkiisa qabsata ee liidliidka madaw leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilaw
-ga: (magac, lab, keli) xiiso loo qabo wax aad loo jecelyahay oo muddo laga maqnaado. Dh: hilow, xiiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himmo
f. n. good will; energy, vivacity, activity, interest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
himmo
-himmada: (n) ambition (aambishin); enthusiasm (in-thuu ziyaasim); motivation ~ himmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himmo
-da: (magac, dhedig, keli) niyad iyo haloosi in meel sare la gaadho. Dh: niyo, hammo.
himmo -da: (magac, dhedig, keli) shahwo iyo rabitaan galmood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himmo
a: himmad
de: good will; energy, vivacity, activity, interest
lx: himmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: himmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaad
m.l la-mid: imaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaad
vl. n. arrival, coming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaad
(pronoun plus negative) you ... not ... me. Ex: imaadarag;yoiit didn't see me
imaad -ay / imaatay: (n) come (kam); arrive (areeyf) ~ timid, yimid. Ex: Cali ma imaaday? did Ali came?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imaad
-ka: (magac, lab, keli) meel kale soo gaadhid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaad
a: imaatin
de: arrival, coming
lx: imaad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: imaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Imaam
(Imaam-ka)
1. Ninka salaadda tujiya.
2. Madax; waayeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaam
m.l (-mmo/-nno, m.dh) 1. Nin dadka salaadda tujiyo. 2. Madax. 3. Nin aqoonta diinta muslimka aad ugu xeel-dheer. la-mid: imaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
imaam
m.l (-mmo/-nno, m.dh) 1. Nin dadka salaadda tujiyo. 2. Madax. 3. Nin aqoonta diinta muslimka aad ugu xeel-dheer. la-mid: imaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaam
m. n. leader of prayers in mosque; Imam; leader, ruler
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Imaam
nickname-m leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imaam
-ka: (n) 1. the male prayers leader in a mosque. 2. one who leads the recitation of prayer when two or more worshipers are present; leader of a congregational prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
imaam
-ka: (magac, lab, keli) wadaad masaajid tujiya.
imaam -ka: (magac, lab, keli) masuul ummad ama beeli u dooratay in uu xukumo oo hoggaamiyo. Dh: boqor, islaam, wabar, duub, malaaq, ugaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaam
bw: Arabic
de: leader of prayers in mosque; Imam; leader, ruler Alt sp: imaan
lx: imaam
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: imaam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
imaan
m.l la-mid: imaam.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imaan
v.-inf: to come
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imaan
a: iman
de: to come
lx: imaan
ps: v4b-inf
key: imaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iyama
mu.we Waa kuwee?
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iyama
mu.we Waa kuwee?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iyama
pron., qw: which of them?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iyama
(pronoun) whom (huum) ~ kuma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iyama
(magacuyaal) weydiimaha raaca oo tilmaamaya qofka saddexaad oo laga hadalayo co wadar ah; waa kuwee?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iyama
cf: kuma
de: which of them?
lx: iyama
ps: pro + qw
key: iyama
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madaw
[adjective] black
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madaw
-ga: (n) black (balaak). Ex: madaw iyo caddaan; black and white
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaw
(tilmaame) midab madaw leh. Habeen madaw ayaan soo guuray Li: cad.
madaw-ga: (magac, lab, keli) dadka afrika dega intooda aan caddayn. Li: caddaan.
madaw-ga: (magac, lab, keli) midabyada asaasiga ah midkood oo ah kan dhuxusha sideeda ah. Midabkaygu waa madaw oo waan ku faanaa. Li: caddaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madaw
de: black
lx: madaw
ps: adj
see: madow
key: madaw
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaw
-ga: (magac, lab, keli) xanuun qanjidhada barariya. Wiilka yar majaw baa qanjidhada barariyay. Dh: majinow, majin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Malaw
magac loo bixiyo wiil midabkiisu madaw yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mamac
(Mamac-da)
Gaajo kulul oo aan bi'in oo xanuun-ka-warqab ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamac
m.dh 1. la-mid: miibac. Dhagax adag. 2. Gaajo badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mamac
f. n. severe hunger pains
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mamac
magac loo bixiyo wiil markuu dhashay naaska ku booday oo ku hunguri xumaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamac
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo kulul oo cuntada la sugi kari waayo. Dh: jiniinto, luufluuf. Li: dhereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mamac
de: severe hunger pains
lx: mamac
pd: (-da)
ps: n-f
key: mamac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamad
-ka: (magac, lab, keli) walfid meel wax lagu bartay lagu sii noqnoqdo in badan. Dh: mamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maman
(tilmaame) walafsan, iimaanlaawe ah. Qof cuntada ku maman kari baa la yidhaa. Dh: daran, mamman, kowkansan, maanqaadan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
maman
maman, n.f. - Eray caruurtu ugu yeerto hooyadooda; Hooyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaw
(fal) mid wanaagsan noqo; ruux fiican ahaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhamaw
(fal) dhammaystirnaw oo wax halkii loogu tala galay gaadhay ahaw; wax aan waxba ka dhinnayn ahaw. Dh: buuxsan, dhammaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraw
-ga: (magac, lab, keli) haar yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaw
(fal) (la ~) sheeko iyo shukaansad samee; gabadh ama wiil la sheekayso. Dh: sheekayso, shukaanso.
haasaw -ga: (magac, lab, keli) eeg haasaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamaan
hamaan¹: m.l.kh Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. la-mid: haamaan.
hamaan²: f.mg1 (-nay, -ntay) Mushkilo xallinteeda kari waayid. la-mid: hamaanso (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hamaan
m.l.kh Nin naxariis daran oo xalaal iyo xaaraan isugu mid tahay. la-mid: haamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hamaan
m. n. (adj.): cunning ~ sly person; astute; ruthless, fearful (to be feared), of fiendish cleverness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hamaan
(n) see [eeg] haamaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaan
(fal) caajis iyo daal iska dareen.
hamaan -ka: (magac, lab, keli) eeg haamaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hamaan
a: haamaan
de: cunning ~ sly person; [atr.] astute; ruthless, fearful (to be feared), of fiendish cleverness
lx: hamaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hamaan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hammad
-da: (n) a wish or longing; ambition (aam-bishin)-, desire (dizaayer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammad
-da: (magac, dhedig, keli) wax samayntiisa maanka lagu hayo. Dh: iddidiilo, mala'awaal.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hammar
Dubbe, burris
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hiatal
hiatal, adj. - daloola; banaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibaaq
m.l 1. Ubax udgoon. 2. Udgoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hibaaq
pr. n., [feminine] Hibaq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIBAAQ
(Hibaq) N Ocimum hadiense Forsk. Labiatae.