hilbawadaageen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilbawadaageen
m.l la-mid: hilbawadaag².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hilbawadaag
1. (Hilbawadaag-ga) Hilib isugu oollaansho; xigto ahaansho.
2. (Hilbawadaag-ta) Dad hilib isugu yaal; xigto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilbawadaag
hilbawadaag¹: m.l Xiriir qaraabannimo.
hilbawadaag²: m.dh.u Dad xiriir qaraabannimo ka dhexeeyo. la-mid: hilbawadaageen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hilbawadaag
m. n., [compound] blood relatives; close kinship, close relationship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbawadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) dad isku xigto iyo qaraabo ah; hilib isugu oollaansho; xigto ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hilbawadaag
de: blood relatives; close kinship, close relationship
lx: hilbawadaag
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: hilbawadaag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilbowadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) dad isku dhaw oo dhalasho ahaan meel ka soo wada jeeda. Dh: xigto, qaraabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiwadaagee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Hanti gaar ah hanti guud ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hantiwadaagee
v. socialize (an institution ~ the economy)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hantiwadaagee
(fal) nidaamka hantiwadaagga ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hantiwadaagee
de: socialize (an institution ~ the economy)
lx: hantiwadaagee
pd: (hantiwadaageeyey)
ps: v2b=tr
key: hantiwadaagee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hantiwadaageyn
m.f.dh eeg hantiwadaagee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habarwadaag
(Habarwadaag-ta)
Walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habarwadaag
m.l.u Walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habarwadaag
m.l.u Walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habarwadaag
f. n., [collective] first cousin (children of two sisters ~ maternal aunt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habarwadaag
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo ay labo dumar oo walaalo ah kala dhaleen. Dh: dubri, ilmadubri, habrowadaag.
habarwadaag -ta: (magacwadareed) walaalo isku hooyo keliya ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habarwadaag
a: habrawadaag
de: first cousin (children of two sisters ~ maternal aunt)
lx: habarwadaag
pd: (-ta)
ps: n-f-col
syn: inahabreed
xv: bah {N}
key: habarwadaag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habrawadaag
habrawadaag¹: m.dh Dad hooyooyinkood walaalo yihiin.
habrawadaag²: m.l.u Dad hooyooyinkood walaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
habrawadaag
m.l.u Dad hooyooyinkood walaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habrawadaag
-ta: (magacwadareed) dad hooyooyinkood walaalo yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hawammareen
m.l Xubnaha neeftu marto ee nafleyda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawammareen
-ka: (magac, lab, keli) labada dhuumood ee hunguriga ku yaal tan ay maraan hawada ama ay kasoo baxaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haba'ahaatee
(xidhiidhiye) loo adeegsado isku xidhka labo weedhood oo ta danbe laga duwaayo macnaha weedhii hore. Roobku si fiican buu u da'ay, haba'ahaatee dhul baa weli oomman. Dh: hase'ahaatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayaraatee
(xidhiidhiye) tilmaamaya diidmo ama waxba la'aan adag.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Galab wanaagsan
bonsoir!
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JILAAL-MAKAREEN
(Jilal-makaren) S Enicostema axillare Lam. Gentianaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isir ay wadaagaan
m.l (-rro ..., m.dh) (xisaab) Tirada isir ahaan ay u wadaagaan laba ama dhowr tiro, tusaale ahaan 4 iyo 6 waa isirrada ay wadagan 24 iyo 36 (eeg qaybshaha ay wadaagaan).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isir ay wadaagaan
Common factor