hiige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiige
m.l (-gayaal, m.l/dh) Qori, bir iyo wixi lamida oo hargaha, saamaha iyo wixi lamida lagu jilciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiig
f.g1 (-gay, -gtay) Harag, suun iyo wixi lamida hiige ku xoqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiig
v. manipulate, make something pliable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiig
(fal) adoo baahi qaba, tahar, naas ama wax la mid ah oo aan nafci badan lahayn, sarsarriig. Dh: sarsariigo, xagxago, diiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiig
de: manipulate, make s.t. pliable (e.g., an animal hide by chewing on it or a piece of cardboard by rubbing it against a surface)
lx: hiig
pd: (hiigay)
ps: v1=
key: hiig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiige
(Fiiga-ha)
Neef cidla'joog bartay oo dadka iyo xoolahaba ka carara; banjoog; fiigtaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiige
m. n. untamed ~ wild animal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiige
-ha: (magac, lab, keli) neef cidlajoog bartay oo dadka iyo duunyadaba ka carara. Dh: banjoog, fiigtaal, fiigo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiige
cf: fiigtaal
de: untamed ~ wild animal
lx: fiige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: fiige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigo
f.g3 (-gtay, -gatay) Meel isku xoqid (xoolo)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hinge
/hinj/ (n) faseexad (biraha loo isticmaalo rakibaadda albaabada, daaqadaha iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hinge
n., (of a door) kelbad, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miige
(Miiga-ha)
Bir af dhuuban oo kolka beerta abuurka lagu gurayo, dhulka lagu mudmudo oo godad yaryar loogu sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miige
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iyo wixi lamida lagu shiido. la-mid: miigo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miige
m.l (-gayaal, m.l/dh) 1. Qori ama bir af dhuuban oo dhulbeereedka lagu mudmudo si abuurka loogu rido. 2. Kar bir ah oo khudraddo iyo wixi lamida lagu shiido. la-mid: miigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miige
m. n. dibble stick (implement for drilling holes for sowing seeds); tool for softening leather; peg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miige
-ha: (magac, lab, keli) sabarad af dhuuban oo kolka beerta abuurka lagu gurayo dhulka lagu mudmudo oo godad yaryar loogu sameeyo. Dh: taki.
miige -ha: (magac, lab, keli) ul dheer oo bir ah oo lagu tumo waxa mooyaha ku jira, Dh: tib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miige
de: dibble stick (implement for drilling holes for sowing seeds); tool for softening leather; peg
lx: miige
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: miige
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riire
m.l 1. Nagaar udgoon oo sida reexaanta subagga lagu shiilo. 2. Qori xalleefsan, adag oo haragga xoolaha markuu qallalo hilbaha looga hoolo laguna jilciyo; hiige.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigee
f.mg2 (-geeyay, -geysay) Ka dh.: nafley dhiig ka keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigee
v. bleed, make blood come out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigee
(fal) dhiig yaaci; dhiig ha kaa yimaad.
dhiigee: (fal) dhiig yeelo ama wax dhiigle noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigee
de: bleed, make blood come out
lx: dhiigee
pd: (dhigeeyey)
ps: v2b=
key: dhiigee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigle
m. n. person defending his own (having intense loyalty)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigle
de: person defending his own (having intense loyalty)
lx: dhiigle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dhiigle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigo
v. slip, slide
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigo
de: slip, slide
lx: dhiigo
pd: (dhiigtay)
ps: v3b=
key: dhiigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiigid
(Hiigid-da)
Harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid, cunid; sarriigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigid
m.f.dh eeg hiig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigid
-da: (magac, dhedig, keli) si baahi ka muuqato, harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid oo afka ula dhicid. Dh: diirasho, hiigis, sarriigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigis
-ta: (magac, dhedig, keli) si baahi ka muuqato, harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid oo afka ula dhicid. Dh: hiigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg higsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigso
(fal) hadaf iyo yool aad u socoto yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiilee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Dab iyo wixi lamida hiil ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himise
m.l Iftiinka liciifka ah ee qorrax soo baxa iyo qorrax dhaca.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hinges
Shenyeeri, hingis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hiriye
magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu reerka difaaco oo uu colaadaha ka ilaaliyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
litige
litige, n.m. - Xirif; Is diidmo (dhibaato laba qof dhextaal)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Qof gamcihiisa iyo lugihiisa dib isugu xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
miigee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Qof gamcihiisa iyo lugihiisa dib isugu xirid. m.f.dh, miigayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigee
(fal) miigo wax u beer. Arabikhida miigee.
miigee: (fal) figee oo miig u xidh. Taliye askarigan miigee amardiido ayuu sameeyee. Dh: figee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiile
magac loo baxsho wiil, eeg Shiil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Shiine
naanaysta loogu yeedho qof indhaha dushooda hilibka ku leh ama indho yaryar leh. Dh: Indhayare, Shiino.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiine
-ha: (magac, lab, keli) dadka Shiinaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siigee
f.g/mg2 (-geeyay, -geysay) 1. (fg.) Wax habaas u yeelid. 2. (fmg.) Cid habaas kicin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
siigee
v. make dusty, cover with dust
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siigee
(fal) boodh, siigo iyo uuro kici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
siigee
de: make dusty, cover with dust
initial: s
lx: siigee
pd: (siigeeyey)
ps: v2b=tr
key: siigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigeyn
(Dhiigeyn-ta)
Dhiig ka dhigid; dhiig ka keenid; dhiig u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigeyn
m.f.dh eeg dhigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yeelasho.
dhiigeyn-ta: (magac, dhedig, keli) dhiig yaacin. Dh: dhiiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hig
m.dh.sh.r Cod lagu muujiyo buuxidda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hig
hig!: (ereycodeed) lagu tilmaansado wax meel ku dhacay ama meel dhuun ah isku taagay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hii
(ereydhawaaq) kexee oo aguuji. Xoolaha hii dheh waan aroorinaynaaye. Dh: aguuju.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biig
(Biig-ga)
Warqadaha turubka intaan midabka lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biig
m.l.u 1. Warqadaha turubka inta u dhexeysa labaalaha ilaa shanlaha (ama tobanlaha). 2. Wax qiimo sidaa ah lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biig
m. n., [collective] playing card of low value
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
biig
-ga: (n) the low value playing cards from two till ten ~ [opposite of ran]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biig
-ga: (magac, lab, keli) warqadaha turubka inta aan ranka ahayn, labaaluhu ugu hooseeyo tobanluhuna ugu sarreeyo. Biig ma haysataa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biig
de: playing card of low value
lx: biig
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
xv: ace through five
key: biig
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cige
name-m acquirer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cige
magac loo baxsho wiil ka daba dhashay walaalkii oo shafeecay ama geeriyooday. cigid -da: (magac, dhedig, keli) 'awood Rabbi' u cawilcelin; cigis.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dige
name-m alerter; warner or alarmer; lucky
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diig
m.l la-mid: diiq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diig
m. n. cock, rooster
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diig
-ga: (magac, lab, keli) labka lukida. Dh: doore, diiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diig
a: diiq
bw: Arabic
de: cock, rooster
lx: diig
pd: (-ga Pl: diigag)
ps: n4-m, n2a-m
key: diig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiig
fiig¹: m.l la-mid: fiigid.
fiig²: f.mg1 (-gay, gtay) 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiig
f.mg1 (-gay, gtay) 1. Neef qalo la cararid. 2. Irdhoobid. m.f.dh, fiigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiig
v. run in panic, stampede
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiig
-ay/tay: (v) fill with fear: frighten (faraayten); terrify (terafaay)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiig
de: run in panic, stampede
lx: fiig
pd: (fiigay)
ps: v1=
key: fiig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giig
f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Ka g.: wax ka dhergid. 2. Ka g.: wax ka joogsasho iyada oo laga cabsanayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
giig
v. stop suddenly, come to a halt; be full up (with food); tighten
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giig
(fal) (ka ~) ku daal; ka hadh; ka caag. Kadartan ka bixisteeda waa laga giigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
giig
de: stop suddenly, come to a halt; be full up (with food); tighten
lx: giig
pd: (giigay)
ps: v1=intr
key: giig
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
haie
haie, n.f. - ood.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hide
/haydh/ (v) 1. qarin, xasayn. (v) 2. dhuumasho. e.g. I will hide behind the building. (n) 3. saan, haraga xoolaha.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hide
n., (skin) harag, -gi; hide of camels, meera, -ihi; hide of neat cattle, saan, -ti; hide of antelope, idin, -ti.
hide, v.tr., (conceal) dhuumi, qari, qarso; v.r., dhuumo, is qari.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
high
/hay/ (adj) 1. sare, kore. (adj) 2. heer-sare. e.g. high society.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
High
Sare
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
high
a., dheer; high water, baddi waa buuxdaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiif
hiif¹: m.l Ereyo huruuf ku jiro oo loo jeediyo cid aan la jeclayn. la-mid: huuf¹.
hiif²: f.g1 (-fay, -ftay) Ereyo huruuf ku jiro cid aan la jeclayn u jeedin. la-mid: huuf².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiif
v. accuse, blame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiif
-ay / tay: (v) express blame, censure or criticism to adverse circumstances ~ eedee, haaraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiif
(fal) niyadda u xumee oo canaano. Dh: canaano, haaraan. Li: dulqaado.
hiif-ka: (magac, lab, keli) eedsaarka iyo canaanashada cid kale. Dh: haaraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiif
cf: eed, eedsaar, canaan
de: accuse, blame
lx: hiif
pd: (hiifay)
ps: v1=
key: hiif
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiil
1. (Hiil-ka) Labo qof oo la kala godobsado oo mid, af ama addin wax laga taro, si uu kan kale uga adkaado; hiillo; danaano.
2. (Hii-sha) a) Digo ama saalo badan oo xeryaha ariga ku ururta. b) Geed yar oo xoolaha cuna caanohooda xaraar ka dhiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiil
hiil¹: m.l Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. la-mid: hiillo.
hiil²: f.mg1 (-lay; -iishay) la-mid: hiili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hįil
m.dh Digo xoolaad oo uruurtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiil
m.l Taageero la siiyo laba qof ama ka badan oo wax isku haysta midkood. la-mid: hiillo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiil
f. n., (mass n.): sheep ~ goat dung
hiil m. n. support, partisanship, siding with one's friends ~ relatives
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIIL
(Hil) N Vernonia cinerascens Sch.Bip. Compositae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiil
-hiisha: (n) dung (dhang); manure (manuur) ~ digo
hiil -ka: (n) partiality; partisanship to a person or faction; favoritism ~ hiillo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiil
-ka: (magac, lab, keli) labo dhinac oo dagaalamaya, garabsiin iyo tageero dhinac lala garab joogsado. Hiil iyo hoo ba waad iga helaysaa. Dh: gurmad, hiillo, danaaano.
hiil-sha: (magac, dhedig, keli) digo ama saalo badan oo xeryaha adhiga ku ururta. Dh: digo, gujuf.
hiil-sha: (magac, dhedig, keli) geedgaab xooluhu. ay daaqaan oo caanahooda khadhaadheeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiir
(Hiir-ta)
1. Arooryo hore; goorta la jarmaado.
2. Hiirtaayo.
3. Hiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiir
m.dh 1. Arooryo hore. 2. Salxanyo dhaadheer. la-mid: hiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiir
m.dh 1. Arooryo hore. 2. Salxanyo dhaadheer. la-mid: hiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiir
f. n. early morning, first light (at dawn)
hiir [feminine] n. trouble, difficulty
hiir [feminine] n. receding hairline
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiir
-ta: (n) daybreak (dheeybareek); dawn (doon) ~ aroorta