hidrojin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidrojin
m. n., (mass n.): hydrogen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidrojin
a: haydarojiin {Eng}
de: hydrogen
lx: hidrojin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: hidrojin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idrojin
m. n., (mass n.): hydrogen
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idrojin
a: haydarojiin {It}
de: hydrogen
lx: idrojin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: idrojin
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haydarojin
-ka: (n) [Chemistry] hydrogen (haaydhrojin); Symbol H
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydarojiin
m.l (kiimika) Summadda H. Curiye neef ah oo ur iyo midab midna aan lahayn. Waa curiyaha ugu fudud uguna badan adduunka. Wuxuu ku jiraa biyaha iyo dhammaan iskudhisyada organikada ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haydarojiin
m.l (kiim.) Summadda H. Curiye neef ah oo ur iyo midab midna aan lahayn. Waa curiyaha ugu fudud uguna badan adduunka. Wuxuu ku jiraa biyaha iyo dhammaan iskudhisyada organikada ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haydarojiin
m. n., (mass n.): hydrogen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydarojiin
-ka: (magac, lab, keli) neef ama hawo aan lahayn midab iyo ur toona oo aad u guban og: astaantiisu waa 'H', tiro atoomig, waa 1; culayskiisu waa, 1.00797.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haydarojiin
de: hydrogen {Eng}
lx: haydarojiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
key: haydarojiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hidin
(Hidin-ta)
Bixin ama deeq karti u lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hidin
m.dh Kartida loo yeesho wax bixinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidin
f. n. giving, ability to give, charity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidin
-ta: (magac, dhedig, keli) bixinta ama deeq karti u lahaansho. Dh: hidis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidin
de: giving, ability to give, charity
lx: hidin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: hidin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hojin
(Hojin-ta)
(nafley, kd.) meel tubid, joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hojin
m.f.dh eeg hoji. la-mid: hojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hojin
-ta: (magac, dhedig, keli) joojin oo dhaqaad u diidid. Dh: hakin, tubid, hojis, dabbaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Doojin
(Doojin-ta)
1. (xoolo, kd.) meel doogatey ama kolkaasba roob hayo, degdeg ugu kaxayn oo u gaarsiin; doogdhaw.
2. (wadaan, kd.) Biyo ka buuxin; jilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
doojin
m.f.dh eeg dooji. la-mid: doojis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
doojin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka xoolaha abaarta lagala xarbiyayo in aanay wax yeellayn.
doojin -ta: (magac, dhedig, keli) buuxinta wadaanta ceelka. Halkii laas daloolaa ku yaal, doojimiyo ceelal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinjin
(Hinjin-ta)
Wax culus kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinjin
m.f.dh eeg hinji. la-mid: hinjis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinjin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax culus kor u dhufasho; kor u qaadid. Hinjinta xoogga ah ee waxa culus dhabarkaa dadka ku xanuuna. Dh: hinjis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirqin
m.f.dh la-mid: harqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirqin
-ka: (magac, lab, keli) weel aad u buuxin; buuxdhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoojin
(Hoojin-ta)
Hoog ku ridid, badid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoojin
m.f.dh eeg hooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoojin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhib culus iyo ba' ku ridid; hoog ku ridid. Dh: bi'in, ba'ayaalin, hoojis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirjin
m.dh la-mid: merjin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tirjin
(Tirjin-ta)
Xarig iyo wax la mid ah, adkayn (badanaa inta dhud walba gooni loo maroojiyo baa kaddib laysku dhuftaa, laysku jebiyaa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirjin
m.f.dh eeg tirji. la-mid: tirjis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirjin
-ta: (magac, dhedig, keli) xadhig iyo wax la mid ah, adkayn badanaa inta dhud walba gooni loo maroojiyo ayaa kadib laysku dhuftaa ama laysku jebiyaa.
tirjin-ta: (magac, dhedig, keli) (is ~) isgiijinta, habka loo joogsado marka salaanta la qaadanayo ama la bixinayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirijin
-ta: (magac, dhedig, keli) naas aan caana lahayn oo gudhay jiidjiidid. Dh: goofadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoojin
m.f.dh eeg hagooji. la-mid: hagoojis.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hydrogen
/hydrojin/ (n) curiye hawo ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Hydrogen
Haydrojiin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hydropic
hydropical, a., barar leh, (nin) bararsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirrijin
(Mirrijin-ta)
Neef xoolo ah oo aan candhadiisa caano danbe ku harin, naasihiisa daldaliigid bal in wax ka soo dhacaan; dharqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirrijin
m.f.dh eeg mirriji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirrijin
-ta: (magac, dhedig, keli) burburin faraha lagu burburiyo noole yar oo jilicsan. Dh: murrujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrijin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku laallaabnaa, kala saarid oo sigibtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bigrojebin
m.f.dh eeg bigrojebi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhadhajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax keliya meelo badan ku nanabid. Dh: dhedhejin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
harrowing
/haarowing/ (adj) qalbi-jab leh, tiiraanya-leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baayoloji) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hindbrain
Maskax danbeed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
historian
/histooriyan/ (n) taariikh-yahan (taariikh-yaqaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
historien
historien, n.m. - taariikhyahan.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
hydration
(n) condition of being combined with water.
biyo lagu daray
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hydrofoil
/hydrofoyl/ (n) doon-weyn oo lugo biyaha dhex-gala leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hydrogène
hydrogène, adj. - curiye hawo ah; haydarojiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istroojin
m.l (-nno, m.dh) (baayoloji) Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka dumarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istroojin
m.l (-nno, m.dh) (baay.) Koox hormoonno ah mid ka tirsan, sida: istiriyool, istiroon iyo istradiyool, kuwaasoo suga koridda qaab dumareedka ayagoo horumarinaya koritaanka iyo hawlqabadka xubno jinsiyeedka dumarka iyo qaab jinsiyeedka labaad ee dumarka sida: korista naasaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaarijin
m.f.dh eeg khaariji. la-mid: khaarijis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaarijin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dilid ama nafta ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiriijin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruxid oo dhaqdhaqaaq ku samayn. Dh: liilliijin, ruxruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fibrinojiin
m.l Borotiinta ku milan balaasmada dhiigga, taas oo marka si habboon loo firfircooniyo isu beddesha miiqaq fibrin oo aan milmayn.