hiddo-sheeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddo-sheeg
m.l (-gyo, m.dh) (baayoloji) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiddosheeg
m.l (-gyo, m.dh) (baay.) Samayska hiddo-side ee noole, taa waxa loola jeedaa isku darka aliilada uu leeyahay.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Genotype
Hiddo sheeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigasheeg
(Xiddigasheeg-ga)
Qof xiddigaha wax ka sheega oo ka faaliya; xiddigiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiddigasheeg
m.l (-gyo, m.dh) Qof xiddigaha wax ka yaqaan oo ka faaliya. la-mid: xiddigiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiddigasheeg
m. n., [compound] astrologer
xiddigasheeg v., [compound] foretell by the stars
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigasheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof xiddigaha ka faaliya oo waxa maqan wax ka sheega. Dh: xiddigayaqaan, xiddigiye, falaki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baayoloji) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiddoside
m.l (-dyaal, m.l/dh) (baay.) Halbeeg hidde oo ka kooban DNA. H. waxa loo qeexi karaa in uu yahay dhererka ugu gaaban ee koromosoom kaas oo aan la jejibin karin, ama mari karo dhalan geddis-hiddoside; labada halbeegba waxa loo garan karaa hal lammaane oo sal u ah taxanaha niyukliyootaydhka, kaas oo sameeya DNA.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodasheeg
-ga: (magac, lab, keli) dansheegasho ama deexasho.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CIDDI-SHABEEL
(Idi-shabel) S Capparis sepiaria L. Capparidaceae.
May Meyna tetraphylla (Hiern) Robyns. Rubiaceae.
May Cissus furcifera Chiov. Vitaceae.
S, C Ziziphus mucronata Willd. Rhamnaceae.
S, NFD Combretum aculeatum Vent. Combretaceae.
S Albizia anthelmintica Brongn. Mimosaceae.
S Adenopodia rotundifolia (Harms) Brenan. Mimosaceae.
May Euphorbia tirucalli L. Euphorbiaceae.
May Asparagus africanus Lam. Liliaceae.
May Asparagus somalensis Chiov. Liliaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigasheeg_1
a: xiddigiye
de: astrologer
hm: 1
initial: x
lx: xiddigasheeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: xiddigasheeg_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiddigasheeg_2
de: foretell by the stars
hm: 2
initial: x
lx: xiddigasheeg
pd: (xiddigasheegay)
ps: v1=cmp
key: xiddigasheeg_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiddigasheegid
(Xiddigasheegid-da)
Xiddigaha wax ka sheegid, ka faallo; xiddigin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiddigasheegid
-da: (magac, dhedig, keli) xiddigaha wax ka sheegid oo ka faalin. Dh: xiddigin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhasheeg
(Dhasheeg-ga)
Dhulka meeliisa hooseeya oo biyaha webiyaashu ku soo daadaan oo hadba inta buuxsama harooyin u ekaada; biyabbaxo; godob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhasheeg
dhasheeg¹: m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg²: m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhasheeg
dhasheeg¹: m.l (-gyo, m.dh) Biyakuhar; balli; laas.
dhasheeg²: m.l (-gyo, m.dh) (juqraafi) Dhulhoosaad fidsan oo had iyo goor wabax ah (ama aha sida biyo fadhiisiga, mar mar sidaa ah), waxana badanaa aad uga baxa deegaan, wuxuu marka u dhexeeyaa deegaan-biyood iyo biyo-fadhiisi.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dhasheeg
Swamp
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhasheeg
m. n. pool, hollow where water collects
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhasheeg
-ga: (magac, lab, keli) dhul gotaan ah oo biyafadhiisin noqda oo webiyada u dhaw. Dhasheegga har baa la moodaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhasheeg
de: pool, hollow where water collects
lx: dhasheeg
pd: (-ga)
ps: n2-m
key: dhasheeg
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hiddi-ha
coutume.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goorsheeg
-ka: (magac, lab, keli) aalad tirada wakhtigu ku yaal oo la socota marba inta la joogo. Goorsheegtu immisadii bay tilmaamaysaa? Dh: saacad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hiddowade
-hiddowadaha: (n) [plural hiddowadayaa-sha] gene (jiin); heredity (here dhati)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumosheeg
-ga: (magac, lab, keli) qof mar walba wax xun uun sheega. Xumasheeg ha la sheekaysan. Dh: inxunsheeg, warxumatashiil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudursheeg
vl. n., [compound] diagnosis
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cudursheeg
de: diagnosis
lx: cudursheeg
pd: (-ga)
ps: vn2a-m-cmp
key: cudursheeg
Gundhigga Astaamaha - Ina Ashkir [2015]
Hakad-heeg
;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimasheeg
m.dh (-gyo, m.dh) Warqad ay ku qoran tahay kharashka ku baxay badeeco meel loo diray, qaa'imad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qiimasheeg
m.dh (-gyo, m.dh) Warqad ay ku qoran tahay kharashka ku baxay badeeco meel loo diray, qaa'imad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhidib-wareeg
m.l (-byo ..., m.dh) (c. fal.) Xarriqda uu xood ama walaxi ku dul wanniinayo (eeg dhidib).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JINOOW-SHEERE
(Jino-shere) C Commiphora rostrata Engl. Burseraceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHEELO-SHEELO
(Sheloshelo) S Cassia obtusifolia L. Casealpinaceae.