hidaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidaayo
-da: (magac, dhedig, keli) hanuun dawga toosan lagu hagaago. Dh: hidaayo, hanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidaaya
f. n. gift
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hidaaya
name-f gift (Arb)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidaaya
bw: Arabic
de: gift
lx: hidaaya
pd: (-da)
ps: n6-f
key: hidaaya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaayo
(Hinaaya-da)
Uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaayo
m.dh Uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaayo
f. n., [abstract] bitterness, grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore la isku gaadhsiiyey xasuusta iyo caloosha ku haynta aan saamaxaada lahayn. Dh: uurkutaallo, caloolxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaayo
de: bitterness, grief
lx: hinaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
widaayo
-da: (magac, dhedig keli) wiil aad saaxiibo tihiin. Widaayo walaal ka wanaagsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanuun
(fal) tubta toosan raac oo haka baydhin; wax wanaagsan samay. Li: baadiyaw, hallaw.
hanuun -ka: (magac, lab, keli) maridda jidka fiican ee Alle raaliga ka yahay. Dh: hadayn, hidaayo, toosnaan. Li: baadi, hallaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Idaaco
(Idaaca-da)
Idaacad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
idaaco
m.dh la-mid: idaacad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
idaaco
f. n. broadcast
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
idaaco
a: idaacad
de: broadcast
lx: idaaco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: idaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dicaayo
m.dh la-mid: dicaayad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hanaayo
(Hanaaya-da)
Eed; utun; asaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanaayo
m.dh Cadaawad, nacayb.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hanaayo
f. n. accusation, blame
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eed ama utun la galo. Hanaayadu qofkii gala ayey sugtaa. Dh: asaaye, utun, eed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hanaayo
de: accusation, blame
lx: hanaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: hanaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibco iyo baro uu yeesho neef uu aqal ku darrooshimeeyay.
hayaayo -da: (magac, dhedig, keli) siigo cas oo cirka isku shareerta oo indhaha u daran. Dh: siigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaago
f.g3 (-gtay, -gatay) Weel higaag ku dhuujisasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaaso
(Hinaasa-da)
Hiil; hiillo; danaano; masayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaaso
m.dh la-mid: hinaas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaaso
f. n., [abstract] jealousy, envy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaaso
de: jealousy, envy
lx: hinaaso
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiraabo
f.mg3 (-btay, -batay) Suxuur cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hiraabo
f.mg3 (-btay, -batay) Suxuur cunid. m.f.dh, hiraabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiraabo
v. eat the night meal (during the Ramadan fast)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiraabo
(fal) bisha soonqaad, hiraab cun. Dh: suxuuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiraabo
de: eat the night meal (during the Ramadan fast)
lx: hiraabo
nt: hiraabad (ka) [vn-m], hiraabasho (/da) [vn-f]
pd: (hiraabtay)
ps: v3b=
key: hiraabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kifaayo
(Kifaaya-da)
In wax ku filan; wax deeqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kifaayo
m.dh In wax ku filan; wax deeqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kifaayo
m.dh In wax ku filan; wax deeqa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kifaayo
f. n. (adj.): sufficiency; satisfaction; sufficient, enough
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kifaayo
name-f sufficiency; satisfaction; enough (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kifaayo
-ah: (adj) enough (i-naaf); sufficient (safishant)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kifaayo
magac loo baxsho gabadh dhalashadeedu hooyadeed deeqday oo cid walba kaga fillaatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kifaayo
-da: (magac, dhedig, keli) in wax ku filan; wax wax deega.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kifaayo
de: sufficiency; satisfaction; [atr.] sufficient, enough
lx: kifaayo
pd: (/da)
ps: n-f
xe: Thats enough.
xv: Waa kifaayo.
key: kifaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
midhayo
-da: (magac, dhedig, keli) geedaha qadhaabka bixiya midkood oo aashacaddada ay isku bah yihiin dhulkana aan ka dheeraan.
midhayo -da: (magac, dhedig, keli) firidda la cuno ee iniinyaha la beeraa ay ku jiraan. Dh: iniinyo, miro, mudho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miraayo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: meraayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wiqaayo
(Wiqaaya-da)
Xumaha oo cid ama wax laga ilaaliyo, laga dhawro, laga badbaadiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wiqaayo
f. n. protection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wiqaayo
-da: (magac, dhedig, keli) badbaado iyo ka horteg. Tallaalku wuxu ubadka u yahay wiqaayo. Dh: ilaalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wiqaayo
bw: Arabic
de: protection
initial: w
lx: wiqaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wiqaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xikaayo
(Xikaaya-da)
Qaybaha suugaanta mid ka mid ah; sida googgaalaha bay waxay leedahay ulajeeddo labaad oo murti ah oo dad yari garan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xikaayo
m.dh Halxiraale gaar ah oo dhallinyarada ragga iyo dumarku isu jeedin jireen waayadii hore marka ay haasaawayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xikaayo
f. n. story (tall story); fairy tale, fable; nonsense
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xikaayo
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dheer cibro iyo xigmadi ku jirto. Dh: sheeko, qisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xikaayo
bw: Arabic
de: story (tall story); fairy tale, fable; [ext.] nonsense
initial: x
lx: xikaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xikaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ximaayo
(Ximaaya-da)
Xifaalo; xin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximaayo
m.dh Xifaalo; xin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ximaayo
f. n. spite, hostility, sarcasm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ximaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ximaayo
cf: xin; xifaalo
de: spite, hostility, sarcasm
initial: x
lx: ximaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ximaayo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ciidaanyo
-ciidaanyada: (n) horde (hoordh); swarm (iswoorm); crowd (karowdh) ~ dad aad u-fara badan, diigaanyo, iwm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaanyo
(falkaabe) mar dhoweyto ama hadaayey. Haddaanyo dhawayd ayaan arkay odayga daaradda fadhiya. Dh: haddeerto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiiraanyo
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hollanayo oo xiiso loo qabo in la gaadho. Dh: hiigsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiirtaayo
(Hiirtaaya-da)
Dhib; harreef (ama hiir).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiirtaayo
m.dh Xusuusashada ama gocoshada dhib hore u dhacay. la-mid: hiitaanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hiirtaayo
f. n. trouble, difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiirtaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib; harreef; hiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hiirtaayo
a: hiir
de: trouble, difficulty
lx: hiirtaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: dhib, harreef
key: hiirtaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiitaanyo
m.dh la-mid: hiirtaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liidaanyo
(Liidaanya-da)
Laqanyo; ladaadyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidaanyo
m.dh (daawo) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liidaanyo
m.dh (daaw.) Dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay; laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liidaanyo
f. n. gagging, wretching, nausea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidaanyo
-liidaanyada: (n) nausea (noosiya); nauseation ~ lablabbo, laqanyo, lallabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidaanyo
-da: (magac, dhedig, keli) dareen dadka saaqa, matag keeni kara, oo ka dhasha xanuun ama cunto la cunay: laqanyo; lallabbo; ladaadyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liidaanyo
de: gagging, wretching, nausea
lx: liidaanyo
pd: (/da)
ps: n-f
syn: ladaadyo, laqanyo, yaqyaqsi
key: liidaanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Wax midab yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
midabayso
v. be ~ become colored; color something for oneself, put color on
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
midabayso
de: be ~ become colored; color s.t. for oneself, put color on
lx: midabayso
pd: (midabaystay)
ps: v3b=intr
key: midabayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiidaado
m.dh (-ooyin, m.l) Kulan la isugu yimaad xus, aroos iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
birdaawo
m.dh la-mid: birdaawe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
birdaawo
birdaawaha: (n) [Pl. birdaawooyin-ka] pan (paan); frying pan birtaawe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
birdaawo
-ha: (magac, lab, keli) eeg birdaawe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibaato
(Dhibaata-da)
Nolol ama hawl adag; dhib; dacas; diihaal; baahi; shiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaato
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: dhib¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhibaato
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: dhib¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhibaato
f. n. problem, trouble, hardship, difficulty; economic crisis
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhibaato
-dhibaatada: (n) problem (poro-baleem); dilemma (dileema); difficulty (difikalti); hardship (haadh-shiip); suffering (safa-ring)-, adversity (adh-veer-siti); crisis (karaaysis) ~ mashaakil, lur, saxariir, mashaqo, qaxar
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhibaato
Disagio
Distress
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaato
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo kadeed cid loo geysto ama lagala kulmo. Dh: dhib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhibaato
de: problem, trouble, hardship, difficulty; economic crisis
lx: dhibaato
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: balambal, leelleel, saxariir
key: dhibaato
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dhibaato
مُشْكِلَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhisaalo
f.g3 (-aashay, -aalatay) Dhisaal sameysasho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaayad
(Hadaayad-da)
Hado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaayad
m.dh (-do, m.l) Daboolka sufriyada. la-mid: hado, hayaayad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadaayad
f. n. cover ~ lid (of a cooking pot)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadaayad
-da: (n) lid (liidh) ~ hayeeyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaayad
-da: (magac, dhedig, keli) hanuunka jidka toosan lagu dhaco; xaqa oo lagu toosnaado.
hadaayad-da: (magac, dhedig, keli) waxa xun iyo waxa san oo inta la kala garto, waxa san xaggooda loo bayro; dawga wanaagsan oo Ilaah loogu dhowaado oo xaggiisa loo leexdo. Dh: hanuun, hadaayo, hado.
hadaayad -da: (magac dhedig, keli) eeg hadiyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadaayad
a: hado
de: cover ~ lid (of a cooking pot)
lx: hadaayad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: hadaayad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaaye
(falkaabe) eeg haddeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handhayo
-da: (magac, dhedig, keli) caano fadhiistay.... Handhayada garoorka ah haddii, gadawga loo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraaryo
(Haraarya-da)
Hiraanhir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraaryo
m.dh Neef-tuur xooluhu samee-yaan wakhtiga kulaylaha markay qooraxdu qabato.