hibatayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka murugoosho wax horay u dhacay laga qoomammeeyo. Dh: shallayn, hibatays, qoomammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhibaatayn
m.f.dh eeg dhibaatee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaato gaadhsiin. Dh: dhibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si deeq ah u bixin, u hadiyayn. Dh: hadiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hitayn
(Hitayn-ta)
Waxkasheegid; ceebayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitayn
m.f.dh eeg hitee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan sax ahayn ka sheegid; qof kale ceebayn oo dhaleecayn. Dh: hitays, fadeexadayn, cambaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef irmaan gaaxqab ku lisid. Ibadayn baan ku lisay qaalinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibatays
-ta: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah geedquwaaxa oo sun ah. Dh: geedxun, geedqaaqle, geedawaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) uubato samayn; qaylo dheer ka kicid. Uubatayntii halyayga waa la wada maqlayay xalay Dh: uubadtays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhib iyo kadeed marin. Dh: dhibaatayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbadayn
m.dh la-mid: irbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) irbad ka dhigid ama irbad ku mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhinacayn
(Dhinacayn-ta)
Dhinac marid ama xigid; dhinac isu burin; xag jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhinacayn
m.f.dh eeg dhinacee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhinacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhan ka marid; barbar ka joogid. Dh: barbarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socdaal dheer oo xidhiidhsan marid; socod aan kala go' lahayn samayn. Laba habeen oo habaqlayn ah ayaan ku soo gaadhnay magaalada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhirbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhirbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo ku dhifasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horqabatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax soconaya ama ordaya oo inta la barbar rooro xagga hore lagaga yimaaddo. Dh: qoorjeebid, horqabatays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
batay
-da: (magac, dhedig, keli) macdan cad oo durba shiilmi og, oo birta alluminiyumka ku bah ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitay
(fal) wax aan sax ahayn ka sheeg oo dhaleecee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bac gelin ama ku duuduubid. Intaanad alaabta bacayn lacagta iska bixi.
bacayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof ama dad sas iyo cabsi ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
banayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel geedo leh ka jirid oo ban ka dhigid. Dh: daleedayn.
banayn -ta: (magac, dhedig, keli) meel xidhan furid. Dh: bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haatan
Haddatan la joogo; haddeer; hadda; eegga; amminka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haatan
fk. Hadda tan la joogo; amminka, hadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haatan
adv., time: now, at this moment; right now
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haatan
(adv) at this time, at present: now (naaw). Ex: haatan miyaad tagaysaa? are you leaving now1?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haatan
(falkaabe) tusaaleeya waqtiga ama aminta isla marka la hadlayo la joogo; haddan la joogo. Haatan waa la joogaa, hadhow waa la sugayaa. Dh: imika, haddadatan, hadda, eegga, aminka, eegadan, eegadatan, amminka, imminka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haatan
de: now, at this moment; right now = hadda + tan
lx: haatan
ps: adv-time
key: haatan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habayn
(Habayn-ta)
Hannaan wanaagsan u yeelid; qaab iyo hab qurux badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habayn
m.f.dh eeg habee. la-mid: habays.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habayn
Regulation
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
habayn
to organize
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habayn
-ta: (n) organizing, ordering or arranging ~ isku-duwid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Habayn
Impostazione
Setting up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab ama hab quruxsan oo loo bogo u yeelid. Hawsha fulinteeda, habayn baa ka horraysa. Dh: qaabayn, habays, nidaamin, qurxin, hannaanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka wanaagsan ku hanuunid. Hadayntu waa xagga Eebbe. Dh: hanuunid.
hadayn -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale jidka ku toosin oo hanuunin. Dh: hanuunin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harayn
m.dh la-mid: harin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
harayn
blocking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, hoos u samayn, hadh u eyelid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hiatal
hiatal, adj. - daloola; banaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibaaq
m.l 1. Ubax udgoon. 2. Udgoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Hibaaq
pr. n., [feminine] Hibaq
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HIBAAQ
(Hibaq) N Ocimum hadiense Forsk. Labiatae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Hibaaq
magac loo baxsho gabadh la jecel yahay oo lagu metaalay geedka udgoon ee magacaa leh iyada oo looga jeedo wanaag iyo qurux.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibaaq
-a: (magac, lab, keli) geed yar oo udgoon caleentiisana la udgoonsado. Hibaaq ayaa dumarkii la soo siiyay Dh: riidho, raxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Hibaaq
de: Hibaq
lx: Hibaaq
ps: name-f
key: Hibaaq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hibeyn
(Hibeyn-ta)
Hibo u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hibeyn
m.f.dh eeg hibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hibeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si farxad leh wax u siin. Dh: hibayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hitays
-ka: (magac, lab, keli) eeg hitayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubayn
(Hubayn-ta)
1. Qalab lagu dagaallamo siin, u yeelid; qalabayn.
2. Dhar la qaato siin; marashiyayn; arratirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubayn
m.f.dh eeg hubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la qaato siin; marashiyeyn. Dh: arratirid, hubays.
hubayn -ta: (magac, dhedig, keli) hub lagu dagaallamo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitayn
(Jitayn-ta)
Isku meegaar; xerayn; hareerayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaan
f. n. success, prosperity, blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaan
-ka: (magac, lab, keli) xabag udgoon oo geedka beeyada la yidhaa uu bixiyo oo la uunsado. Geeska Afrika wuxu caan ku yahay dhoofinta libaanka. Dh: foox, beeyo, maydi, lubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libaan
de: success, prosperity, blessing
lx: libaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
see: liibaan
key: libaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Libayn
(Libayn-ta)
Lib siin; guul siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
libayn
m.f.dh eeg libee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guul cid loo ogolaado; lib iyo guul siin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax uuna falin ama uu ahayn ku masabidid. Dh: qadaf.
ribayn-ta: (magac, dhedig, keli) dareere jaamid is haysta ka dhigid. Malmalku qayb ayuu ka yahay ribaynta tawaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tibayn
(Tibayn-ta)
Tib wax la dhicid ama wax ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tibayn
m.f.dh eeg tibee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tib la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatayn
(Caatayn-ta)
Caato ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatayn
m.dh la-mid: caataysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weyd ka dhigid. Dh: weydayn.
caatayn -ta: (magac, dhedig, keli) jeenyagoosadka neef ruqo u hadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhibayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, shilin ama dulin kale, ka daawayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhitayn
(Dhitayn-ta)
Dhito ka dhigid; kaydin; dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhitayn
m.f.dh eeg dhitee. la-mid: dhitays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhitayn
-ta: (magac, dhedig, keli) subag kolba inta malintii ay ciirtu dhasho meel ku kaydin. Dh: kaydin.
dhitayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax fudfud ah kolba dhito ridid ama meel dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haftayn
m.f.dh Eeg haftee. la-mid: hafteys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetayn
m.f.dh eeg heetee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hidaaya
f. n. gift
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hidaaya
name-f gift (Arb)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hidaaya
bw: Arabic
de: gift
lx: hidaaya
pd: (-da)
ps: n6-f
key: hidaaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hidaayo
-da: (magac, dhedig, keli) hanuun dawga toosan lagu hagaago. Dh: hidaayo, hanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hinaayo
(Hinaaya-da)
Uurkutaallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinaayo
m.dh Uurkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hinaayo
f. n., [abstract] bitterness, grief
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hinaayo
-da: (magac, dhedig, keli) wax hore la isku gaadhsiiyey xasuusta iyo caloosha ku haynta aan saamaxaada lahayn. Dh: uurkutaallo, caloolxumo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hinaayo
de: bitterness, grief
lx: hinaayo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: hinaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiqlayn
m.dh la-mid: hiqhiqlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cod googo'an oo ka dhasha oohin la isku celiyo iyo ciilkaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadaya
-da: (magac, dhedig, keli) hal caano badan oo madihool ah; hal caaneheeda lagu jimeeyo kuwa geela kale ee la ibadayo. Ibadayada geel, xidid u ma cubtamo, xilkadhawrisna looma baxsho. Dh: sharriba, biqjaar, ibodaya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibadays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ibadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sibir marmarin oo ku duugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubatay
(fal) qaylo dheer same; uubato samay, u qayli sida uubatada. Colka ha la innaga soo gaadhee, uubatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaftayn
-ka: (magac, lab, keli) cunto labo nus oo kala duwan ka kooban, sida baasto iyo suqaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habitaan
-ka: (magac, lab, keli) quudinta carruurta aan weli dareere ma ahee wax kale quudan. Habitaan baa ilmaha wax lagu siiyaa. Dh: habid.
habitaan-ka: (magac, lab, keli) haan iyo wax la mid ah, biyo ama dareere kale sii deyn. Dh: heemitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo, wax halabaysan oo dheeraaday ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakayn
(Halakayn-ta)
Nabarro xunxun gaarsiin; aad wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakayn
m.f.dh eeg halakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawacyo culculus gaadhsiin. Dh: dhibaatayn, waxyeelayn, halukayn.