heshiisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heshiisiin
(Heshiisiin-ta)
Heshiis iyo is-afgarad dhex dhigid; eed iyo xumaan laysu qabey ka dhex saarid, ka biskoodsiin: dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heshiisiin
m.f.dh eeg heshiisii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heshiisiin
vl. n. reconciliation, arbitration
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heshiisiin
-ta: (n) mediation (miidiyeyshen); conciliation (kon-si liyeyshen); appeasement (apiiz-ment); reconciliation ~ dhexdhexaadin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heshiisiin
Conciliazione
Conciliation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heshiisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo aragtiyood ama in ka badan oo kala duwanaa is afgarad ka dhex ridid. Dh: dhexdhexaadin. Li: iskudirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heshiisiin
de: reconciliation, arbitration
lx: heshiisiin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: heshiisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heshiisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Dad heshiis ka dhex dhalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heshiisii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Dad heshiis ka dhex dhalin. m.f.dh, heshiisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heshiisii
v.caus: arbitrate, mediate, cause someone to come to an agreement
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heshiisii
-yey / say: (v) make mediation, intervention or arbitration; mediate (mii diyeyt); arbitrate (aar-bi-tereyt) ~ dhexdhexaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heshiisii
(fal) cid iskhilaafsan is'afgarad iyo heshiis dhex dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heshiisii
de: arbitrate, mediate, cause s.o. to come to an agreement
lx: heshiisii
pd: (heshiisiiyey)
ps: v2a=caus
key: heshiisii
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heshiisiiye
-heshiisiiyaha: (n) arbitrator (aar-bi-tareeytor)-, arbiter (aar-biter)-, mediator (miidi-yeey-tor) intermediary (intar-miidiyari), umpire (am-paayer) ~ hishiisiin, dhexdhexaadiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexdhexaadin
(Dhexdhexaadin-ta)
Dad wax isu qaba, in la heshiisiiyo darteed, arrintooda gelid; heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexgal
(Dhexgal-ka)
Heshiisiin; dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maslixid
(Maslixid-da)
Nabad ka dhex ridid; heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadsiin
(Nabadsiin-ta)
Nabad dhex dhigid; heshiisiin; nabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nabad ka a.: heshiisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galliin
galliin¹: m.l la-mid: gelliin¹.
galliin²: f.mg1 (-nay, -ntay) U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. la-mid: gelliin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelliin
gelliin¹: m.l 1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. la-mid: galliin¹.
gelliin²: f.g/mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) U g.: Laba dhinac ee dhibaato dhex taal heshiisiin. la-mid: galliin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maslax
maslax¹: m.l 1. Heshiis la dhex dhigo laba dhinac ama ka badan oo muransan. 2. la-mid: maslixid.
maslax²: f.g1 (-xay, -xday; -lixi) 1. Laba qof oo dagaalsan heshiisiin. 2. Cid wax ay gocanayso ama ka carootey ku raaliggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Laba qof ama laba qolo oo dagaallamay heshiisiin; nabadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Dad colaadi dhextaal heshiisiin. 2. Cid salaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aslaaxi
f.g2 (-iyay, -isay) Nabad ka a.: heshiisiin. m.f.dh, aslaaxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galliin
f.mg1 (-nay, -ntay) U g.: Laba dhinac oo dhibaato dhextaalay heshiisiin; ergayn. la-mid: gelliin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gelliin
gelliin¹: m.l 1. Gelid. 2. Heshiisiinta laba dhinac oo dhibaato dhex taal. la-mid: galliin.
gelliin²: f.g/mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) U g.: Laba dhinac ee dhibaato dhex taal heshiisiin. m.f.dh, gelliimid. la-mid: galliin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maslax
maslax¹: m.l 1. Heshiis la dhex dhigo laba dhinac ama ka badan oo muransan.
maslax²: f.g1 (-xay, -xday; -lixi) 1. Laba qof oo dagaalsan heshiisiin. 2. Cid wax ay gocanayso ama ka carootey ku raaliggelin. m.f.dh, maslixid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
arbitration
/aarbatrayshan/ (n) gar qaadid ama heshiisiin; dhexdhexaadin. e.g. Both sides in the conflict have agreed to go to arbitration.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhexdhexaadin
-ta: (n) arbitration (aar-bi-tereey-shin); mediation (mii diyey-shen); conciliation (kon si li yeyshen); appeasement (a piiz ment); reconciliation ~ heshiisiin, dhexgal
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
conciliare
v.tr. - heshiisiin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
conciliazióne
s.f. - heshiisiin (ta).
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
reconcile (v)
helliyaal
heshiisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashiimiin
m.dh.w eeg khashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heshiin
(Heshiin-ta)
Arrin ama wax kale isku raacid, isku dhinac ka arkid, isla garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heshiin
m.f.dh eeg heshii. la-mid: heshiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heshiin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin ama wax kale isku raacid, isku dhinac ka arkid, isla garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heshiis
(Heshiis-ka)
Si ama arrin isku raacis, isla garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heshiis
m.l (-syo, m.dh) 1. Isku raacidda arrin go'aankeed la isku raaco. 2. la-mid: heshiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heshiis
m.l (-syo, m.dh) 1. Isku raacidda arrin go'aankeed la isku raaco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heshiis
vl. n. agreement, settlement; reconciliation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heshiis
-ka: (n) agreement (ag riiment); settlement (satel-ment)-, deal (diil); contract (kon trakt)-, -Syn: accord, compact, conciliation, reconciliation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heshiis
Accordo; contratto
Agreement; contract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heshiis
-ka: (magac, lab, keli) aragti qudha oo dhinacyo badani ka yeesheen wax ay horay ugu kala duwanaayeen. Li: khilaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heshiis
de: agreement, settlement; reconciliation
lx: heshiis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: heshiis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
heshiis
عَهْدِ اتَّفَاقِيَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo wan ama wax kale, madaxa iskugu dhufasho. Dh: hardisiin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Heshiis-ka
accord, traité, convention.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiisiin
m.dh.w eeg khasiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhedhensiin
m.dh la-mid: dhadhansiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dishibiliin
m.l Asluub; maaddo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dishibiliin
m.l Asluub; maaddo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dishibiliin
m. n. discipline
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dishibiliin
-ka: (n) discipline (disi-piliin); self-control; manners (maaneris) ~ aadaab, nidaam
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dishibiliin
de: discipline {Eng}
lx: dishibiliin
pd: (-ka)
ps: n-m
key: dishibiliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shishaysiin
-ta: (magac, dhedig, kell) wax fog ka dhigid. Dh: fogaysiin. Li: dhawaysiin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heshiis buris
Rottura di contratto
Denunciation of contract
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hishiin
-ta: (n) the act of agreeing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hishiis
-ka: (n) 1. agreement (agriiment); settlement (satel-ment); deal (diil), 2. pact (paakt); contract (kon trakt) ~ mucaahado, caqdi. —Syn: accord, compact, conciliation, reconciliation. (See also heshiis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiqin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax shiiqsan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisiib
m.l Raar wada cad oo aan marriin lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huwisiin
m.dh la-mid: huwin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shibbiin
-ka: (magac, lab, keli) qof indho yaryar. Dh: shiine. Li: indhobalac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shidniin
-ka: (magac, lab, keli) wax shidid. shido: (fal) 'dab hurso, daaro, noolayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shiishid
(Shiishid-da)
Nishaabid; liishaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shiishid
m.f.dh eeg shiish².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiishid
-da: (magac, dhedig, keli) shish saarid: nishaabid; liishaamid; toogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilliin
-ka: (magac, lab, keli) shilniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shilniin
-ka: (magac, lab, keli) shilidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shinshin
(Shinshin-ka)
Hab hilbaha loo hogeeyo, loo dheryadhuleeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shinshin
m.l Hilib karshin ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shinshin
m. n. method of cooking meat in an earth-oven
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shinshin
-ta: (magac, dhedig, keli) hab hilbaha loo hogeeyo, loo huursho loo dheryadhuleeyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shinshin
de: method of cooking meat in an earth-oven
initial: s
lx: shinshin
pd: (-ka)
ps: n-m
key: shinshin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirniin
-ka: (magac, lab, keli) shiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisiin
m.f.dh la-mid: bariin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashiicin
(Bashiicin-ta)
Albaab ama wax la mid ah oo xiran, furid yar ee aan wah laga siin, furid (ama bishiicin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiicin
m.f.dh eeg bashiici. la-mid: bishiicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicin
-ta: (magac, dhedig, keli) in yar dabool ka qaadid sida albaab, furid yar. Bashiicinna u ma bannaana.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiishi
-ga: (magac, lab, keli) arrin si xun oo fashilan ku dhammaata. Bashiishi baa galay arrintii.
bashiishi-ga: (magac, lab, keli) neef cidla ku dhalay tiyoon la ogayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishiicin
m.dh la-mid: bashiicin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Bishishin
Tab, hannaan, qaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigsiin
m.dh 1. la-mid: dhiigsiis. eeg dhiigsii. 2. Dhiig ku shubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhiigsiin
vl. n., [compound] blood donation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhiigsiin
-ta: (n) blood donation ~ dhiig bixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel jidha ah, dhiig ka yaacin. Dh: dhiijin.
dhiigsiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid dhiig u shubid oo siin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhiigsiin
a: dhiigsiis (ka) [vn2a-m]
de: blood donation
lx: dhiigsiin
pd: (-ta)
ps: vn1-f-cmp
key: dhiigsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiisin
fadhiisin¹: m.dh la-mid: fariisin¹.
fadhiisin²: m.l la-mid: fariisin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiisin
-ka: (magac, lab, keli) lacagta ugu horraysa ee ilmaha dugsi ama malcaamad galaya laga bixiyo. Aabbahay 1000 faran oo fadhiisin ah buu iga bixiyay. Dh: diimaasi, diimaaji.
fadhiisin -ka: (magac, lab, keli) ood buuxsin ah oo irridda reerka miyiga lagu oodo. Laan fadhiisin ah soo goo. Dh: jiitin, buuxsin.
fadhiisin-ta: (magac, dhediq, keli) qof taagan salka dhulka u dhigid; qof sara jooga oo la fadhiisiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelinsiin
m.f.dh eeg gelinsii. la-mid: gelinsiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geshiisho
m.dh la-mid: gąshiisho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geshiisho
f. n. couscous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geshiisho
-da: (magac, dhedig, keli) badar la tumay oo la karshay. Dh: gashiisho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geshiisho
de: couscous
lx: geshiisho
pd: (/da)
ps: n6-f
see: gashiisho
key: geshiisho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hammisiin
m.f.dh eeg hammisii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hammisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) walbahaarin; hami ku ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) labo dhinac madaxa iskugu jiidid ama ciyaarta madaxa u bilaabid. Dh: herdisiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hurdisiin
m.dh la-mid: hurdeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbisiin
(Kebbisiin-ta)
Caano ama wax kale in kabbo le'eg ka siin, afka u saarid, dhadhansiin; (ama kabbisiin).