hengelnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hengelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) gabadh, qoorta madhnaan oo cabbaadh iyo wax kale midna ha xidhnaan. Dh: hangalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegnaan
(Engegnaan-ta)
Wax engegan ahaan; qallalnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegnaan
m.f.dh eeg engegan. la-mid: engegnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engegnaan
n, [abstract] dryness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qallalan ahaan; wax ku sugan xaaladda engegnida. Dh: engegsanaan, qallalnaan, engegni. Li: qoyanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engegnaan
de: dryness
lx: engegnaan
pd: (-ta)
ps: n -f-abs
key: engegnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax hangalan ahaan. Dh: hengelnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilnaan
m.f.dh eeg hingilan. la-mid: hingilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dibbirnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hengelnaansho
-ha: (magac, lab, keli) gabadh, qoorta madhnaan oo cabbaadh iyo wax kale midna ha xidhnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegnaan
(Heegnaan-ta)
Wax la heegey ama heegan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegnaan
m.f.dh eeg heegan³. la-mid: heegganaan, heegganaansho, heegnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la heegay ama heeggan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heernaan
m.f.dh eeg heeran³. la-mid: heernaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hengelni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hengelnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelnaan
m.f.dh eeg yeelan. la-mid: yeelnaansho.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heeganaan
Prontezza
Readiness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beddelnaan
m.f.dh eeg beddelan². la-mid: baddalnaan, baddalnaansho, beddelnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beddelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sidii si ka duwan ahaan. Beldelnaanta waan ku arkaye anu bedeelin taayirka. Dh: doordoorsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bennednaan
m.f.dh eeg bennedan. la-mid: bennednaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deldelnaan
m.dh la-mid: dąldalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deldelnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel sare ku xidhan oo lalmanaya ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanweynaan
m.dh eeg hanweyn. la-mid: hanweynaansho, hanweyni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanweynaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mar walba wax badan iyo meel sarraysa jeclaan; qof qab weyn leh ahaansho; mid hanweyn ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegganaan
(Heegganaan-ta)
Heeggan ahaan (ama heeganaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegganaan
m.dh la-mid: heegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heegganaan
f. n., [abstract] state of being on patrol ~ alert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegganaan
-ta: (magac, dhedig. keli) diyaar ahaan; heegan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heegganaan
a: heegnaan (ta) [n-f-abs]
de: state of being on patrol ~ alert
lx: heegganaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: heegganaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heenseysnaan
m.f.dh eeg heenseysan. la-mid: heenseysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergebsanaan
m.dh la-mid: hargabsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeysnaan
m.f.dh eeg dangeysan. la-mid: dangeysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhanqalnaan
m.f.dh eeg dhanqalan³. la-mid: dhanqalnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsanaan
m.f.dh eeg engegsan. la-mid: engegsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax engegan oo qallalsan ahaan. Dharka engegsanaan baa lagu gashadaa. Li: qoyanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilnaansho
m.l/dh la-mid: hingilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Engegan
Aan qoyanayn; qallalan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax qalalay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engegan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax qalalay ahaansho. m.f.dh, engegnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
engegan
der. [adjective] dry, dried out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
engegan
-aa/engagnayd: (adj) free from liquid or moisture; dry (dharaay)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegan
(tilmaame) wax qallalsan. Caws engegan baad lo'da u soo gurtay. Dh: qallalan, engegsan, qallalsan. Li: qoyan, jilicsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
engegan
de: dry, dried out
lx: engegan
pd: (engegnaa)
ps: adj-der
key: engegan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gennaan
m.dh la-mid: gannaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagnaan
m.f.dh eeg hagan. la-mid: hagnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qof la hagay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hannaan
(Hannaan-ka)
Qaab ama dhismo ama maamul si la yaqaan oo wanaagsan u agaasiman; qaab; hab; si.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hannaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Wax si wanaagsan u agaasiman. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hannaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Wax si wanaagsan u agaasiman. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hannaan
m. n. appearance, shape; attitude; form, style, method, system, process
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Hannaan
name-f appearance, shape; attitude, form, style, method, system, process
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hannaan
-ka: (n) style (istaayl); pattern (paatern); method (methadh); form (foom)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hannaan
Stile
Style
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hannaan
-ka: (magac, lab, keli) muuqaalka iyo habka uu wax u samaysan yahay. Hannaan quruxsanleeyey, hablihii qureesheey. Dh: qaab, hab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hannaan
cf: hab, qaab
de: appearance, shape; attitude; form, style, method, system, process
lx: hannaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hannaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heellan
Aan dhega'adkayn, aan wax diidin; inuu wax qabto u diyaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heellan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. la-mid: heelloon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heellan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. m.f.dh, heellanaan. la-mid: heelloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heellan
der. [adjective] loyal, obedient
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Heellan
name-f loyal, obedient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellan
(tilmaame) (u ~) u hanwayn oo niyadsami ku qaba. Dh: heelloon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heellan
a: heelloon
de: loyal, obedient
lx: heellan
pd: (heellanaa)
ps: adj-der
key: heellan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensan
(tilmaame.) rati heense la saaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
helmaan
v. forget
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
helmaan
-ka: (n) the act of forgeting; forgetfulness (feer-get-fuulnes) ~ hilmaan, helmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helmaan
(fal) wax illow oo halmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
helmaan
a: hilmaan
de: forget
lx: helmaan
pd: (helmaanay)
ps: v1=
see: halmaan
key: helmaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heylaan
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah cawska aqal Soomaaliga lagu dhiso oo tigaad ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilnaan
m.f.dh eeg hilan. la-mid: hilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilnaan
-ka: (magac, lab, keli) wax hilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hugnaan
m.dh la-mid: hugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulnaan
m.f.dh eeg hulan. la-mid: hulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid hulan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegnaan
m.f.dh eeg beegan². la-mid: beegnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) cabbirnaan; qiyaasnaan.
beegnaan -ta: (magac, dhedig, keli) meel ku jeedid ama ku wajahnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernaan
m.f.dh eeg beeran². la-mid: beernaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beeran ama abuuran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceednaan
(Ceednaan-ta) (u ceednaan)
Baahi weyn wax u qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceednaan
m.dh la-mid: caydnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceednaan
f. n., [abstract] need, desire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceednaan
-ta: (magac, dhedig, keli) «u» baahi weyn wax u qabid. Dh: caydanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ceednaan
de: need, desire
lx: ceednaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
see: caydnaan
key: ceednaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceernaan
m.f.dh eeg ceerin. la-mid: ceernaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceernaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caydhnaan; cayrnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deganaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax deggen ahaan. Qayaad iyo Warfaa deganaan ayaan ku ogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deylnaan
m.f.dh eeg deylan. la-mid: deylnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
engegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax engegay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
engegsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax engegay ahaansho. m.f.dh, engegsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
engegsan
(tilmaame) wax aan qoyanayn ama aan dabacsanayn. Dh: engegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
erganaan
m.f.dh eeg ergan. la-mid: erganaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feernaan
m.f.dh eeg feeran. la-mid: feernaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feernaan
-ta: (magac, dhedig, keli) timo iyo wixii la mid ah, shanlaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalan
(tilmaame) mid aan qoorta waxba ku xidhnayn. Dhaqanka Soomaalida gabadh hangalan waa gabadh geeriyaysan.
hangalan: (tilmaame) qof dumar ah oo asay sidda; haweenay agashii dhimashada sidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylnaan
m.f.dh eeg haylan. la-mid: haylnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heello ku luuqayn ama ku qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergelin
m.dh la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hingilan
Dibbirsan; buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hingilan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax dibbirsan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hingilan
der. [adjective] having a distended stomach
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hingilan
(tilmaame) qof dibbirsan ama buuran.
hingilan: (tilmaame) eeg hengelan.