heetis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heetis
(Heetis-ka)
Heetin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetis
m.l la-mid: heetin (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heetis
-ka: (magac, lab, keli) eeg heetin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heertis
m.l Summad: Hz. Halbeegga Caalamiga ee rakaadka loona qeexo rakaadka fafaalo kaleed oo leh kal hal seken ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

heeti
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Xarrago la liicliicid. 2. la-mid: hiti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeti
v. limp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeti
(fal) xarrago awgeed, sida qof dhutinaya u soco. Dh: xarragoo.
heeti: (fal) qof, neef iyo wixii la mid ah oo dhaawac ah, sidiisa u soco. Dh: dhuti.
heeti-ga: (magac, lab, keli) guurti xul ah. Golo baanistey heeti weli gaafo hadashaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeti
bw: dhutin, muurri, qoombi
de: limp
lx: heeti
nt: heetin (ta) [vn-f], heetis (ka) [vn2a-m]
pd: (heetiyey)
ps: v2a=intr
xv: hiti
key: heeti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hetis
-ka: (magac, lab, keli) socodka faraska ee dhutiska u eg. Dh: heetin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemis
-ka: (magac, laab, keli) eeg heemin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heerid. heeritaan-ka: (magac, lab, keli) naafo ka dhigitaan ama dhaawacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heetin
(Heetin-ta)
1. Sida qof lug la' u socosho; dhutin.
2. (gabdho, geel, kd.) si xarrago leh, labada lugoodba uga heetin, socod xarrago leh, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetin
m.f.dh 1. eeg heeti. 2. la-mid: heetis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heetin
-ta: (magac, dhedig, keli) lug xanuunaysa ama dhib kali hayso dhulka aayar ugu socosho. Ninkii lugta ka jabay heetin buu ku yimid. Dh: dhutin, laangadhayn.
heetin -ta: (magac, dhedig, keli) si xarrago leh ama dhutin ah u socosho. Waraabe socodkiisuba waa heetin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muurrin
(Muurrin-ta)
Dhutin yar; heetis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hitin
m.dh eeg hiti. la-mid: heetin, heetis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelis
(Dheelis-ka, Dheelis-ta)
Cayaaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelis
dheelis¹: m.l la-mid: dheelin.
dheelis²: m.dh la-mid: dheelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dheelis
vl. n. playing, dancing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dheelis
de: playing, dancing
lx: dheelis
pd: (-ka ~ -ta)
ps: vn2-m, vn1-f
key: dheelis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heretic
/heratik/ (n) faasiq (faasuq).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheegis
vl. n. telling, divulging
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheegis
-ta: (n) the act of telling or mentioning ~ sheegid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheegis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'war' sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheegis
de: telling, divulging
initial: s
lx: sheegis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sheegis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelis
-ta: (magac, dhedig, keli) sheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheexis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sheexid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hees
(Hees-ta)
Tixo yaryar oo sida gabayga leh hab ay ku dhisan yihiin; waa jaadad badan, waxaana la qaadaa kolka la cayaara hayo ama hawl la hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hees
hees¹: m.l/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
hees²: f.mg1 (-say, -stay) Hees qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hees
hees¹: m.l/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
hees²: f.mg1 (-say, -stay) Hees qaadid. m.f.dh, heesid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hees
f. n./m: song, melody
hees v. perform a song, sing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hees
-ka / ta: (n) act or art of singing; song (soong), —hees -ay / tay: (v) sing (sing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hees
(fal) hees ku luuqay; hees ku qaad.
hees-ta: (magac, dhedig, keli) tixo isu miisaaman oo si farshaxamaysan isugu sargo'an. Waa jaadad badan oo lagu qaado kolka la cayaarao. Inta badan waxa lagu saleeyaa laxan waxaa na lagu bilaa qalabka miyuusigga ee kala duwan.
hees-ta: (magac, dhedig, keli) hog ka mid ah hogagga maansada oo ka kooban tixo isu miisaaman oo si farshaxan ahaan ah isugu sargo'an. Waxa lagu ladhaa laxan iyo miyuusik, kolka lagu luuqeeya na, si fiican bay dhegaha u soo jeedataa, nafuhu na ugu raaxaystaan. Waxay u sii kala baxdaa qaybo fara badan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hees
أُنْشُودَة، أُغْنِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedis
m.dh la-mid: eedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedis
-ta: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ah ee ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn. Dh: eedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexis
m.l la-mid: eexin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eexis
vl. n. benevolence, favor, inclination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg eexin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eexis
de: benevolence, favor, inclination
lx: eexis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eexis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeti
m.dh Qof saarleyda booranaha ugu sareeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeli
(Heeli-ga)
Miraha higlada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeli
m.l Miraha higlaha oo bislaaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeli
m. n., [collective] fruit of a thornless tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeli
-ga: (magac, lab, keli) miraha higlada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeli
cf: higlo (the tree)
de: fruit of a thornless tree sp.
lx: heeli
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: heeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemi
v. skim fat from the top of broth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, dhammee oo wax ad cabbayso waxba ha reebin. Caanaha gorofka ka heemi. Dh: dammee. Li: hambee.
heemi: (fal) hilib ama lafo karsamaya, subagga dulsha uga soo baxa, ka dhur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemi
de: skim fat from the top of broth
lx: heemi
pd: (heemiyey)
ps: v2a=tr
key: heemi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeto
m.dh Saf wareegsan oo dad ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeto
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku habboon. in lagu gabbado oo wixii waddada soo maraya lagu gaado. Dh: gabbaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
helis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la waayey ama hore u lumay la kulmid, arkid, keenid; helis; helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
herti
herti¹: m.l la-mid: hardi¹.
herti²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: hardi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herti
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa isku dhufad; herdi.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
métis
métis, n.m. - iska dhal (dadka); muwallad (qof aabbihii iyo hooyadi ayna isku dad u dhalan; sida caddaan iyo madow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecis
m.l la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegis
-ta: (magac, dhedig, keli) beegid samayn ama cabbiraad. Beegista raxee oo hagaaji.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid. Dh: abbaaris.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid oo liishaamid. Ku beegista waa lagaa yaqaannaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelis
-ta: (magac, dhedig, keli) waayis waxaad lahayd ama haysatay. Hanti beelis buu ahaadaa ninkaa dhaqanin hayntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenin wax horey loo sheegay. Wax beenis ah weli la nooma sheegin oo la xiriira dhimashada boqorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeris
m.dh la-mid: beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg feenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feetin
(Feetin-ka)
1. Qori qallalan oo af dhuuban oo ama kurtun dhulka ku aasan oo ka soo taagan noqday ama laan geed ku taal ka leexda; fiiqtin.
2. Qori af fiiqan loo yeelay oo wax lagu qodo ama lagu dagaallamo; filgin (ama feytin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feetin
m.l (-nno, m.dh) Qori qallalan oo caarad dhuuban leh oo wax muda. la-mid: feertin, feytin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feetin
m. n. sharp pointed dry stick; stake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feetin
-ka: (magac, lab, keli) qori af fiiqan loo yeelay oo wax lagu qodo ama lagu dagaalamo. Dh: filgin.
feetin -ka: (magac, lab, keli) qori qallalay oo af dhuuban oo ama kurtun dhulka ku aasan oo ka soo taagan noqday ama laan geed ku taal ka leexday Dh: fiiqtin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feetin
de: sharp pointed dry stick; stake
lx: feetin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: feetin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hectic
/hektik/ (adj) mashquul-badan (aan fadhi iyo fakaayad jirin). e.g. a hectic time.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heecid
m.f.dh eeg heec².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegid
m.f.dh eeg heeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegid
-da: (magac, dhedig, keli) rati ama noole kale, lugta meel ugu xidhid. Dh: tigtigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemin
m.f.dh eeg heemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerin
(Heerin-ka)
Gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerin
m.l.kh H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. la-mid: heeran¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerin
m. n. alliance through marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabdho guurdoon ah oo dhulkoodii dhul an ahayn u baxa; gabdho in la guursado isu raaca oo dhulka geyaankoodu joogo marba meel ka taga, ilaa iyo inta laga guursanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerin
de: alliance through marriage
lx: heerin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heerin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesid
m.f.dh eeg hees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesid
-da: (magac, dhedig, keli) hees qaadid ama ku luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Si wareeg ah u safasho (dad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hellis
m.l la-mid: hellin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hellis
-ka: (magac, lab, keli) caanaha maqasha markay godliso laga qabto si aanay u daaban; maqasha oo neefka lagu godliyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
herdis
-ka: (magac, lab, keli) eeg hardin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertin
m.dh la-mid: hardiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hertin
-ta: (magac, dhedig, keli) madaxa iksu dhufasho; herdin.