heetajoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heetajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof, bahal iyo wixii la mid ah oo meel dhudhub ah jooga oo wax ku dila ama ku dhaca.
heetajoog -ga: (magac, lab, keli) barwaaqo biyo iyo baadba la hayo. Xiliga heetajjooga ciirtaan qubnaa. Dh: barwaaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebajoog
-ga: (magac, lab, keli) cidda xeebta iyo inta u dhaw degta. Dh: xeebjoog, xeebojoog.
xeebajoog -ta: (magac, dhedig, keli) shimbir badda ku nool oo berigana u soo baxda oo inta badan caddaan ah. Dh: ceelaljoogjoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceelaljoog
m.dh 1. Rag xoolaha ceelka u jooga oo waraabiya. 2. Nooc shimbiraha ka mid ah oo badanaa aan laga ag waayin meelaha biyaha leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelaljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad shinbiraha ka mid ah oo aan laga waayin ceelasha dushooda. Dh: ceeljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerlajoog
-ga: (magac, lab, keli) garyaqaan xeer'ilaaliye ah oo gardarrada la dagaallama. Xeerlajoog ahaw ama xoololajoog. Dh: xeerilaaliye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeljoog
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg ceelaljoog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebojoog
-ga: (magac, lab, keli) eeg xeebajoog.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Dhexsaloog
Dhex tidic, soohid, isku marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoosi
-ga: (magac, lab, keli) seetadii lagu xidhay gooyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagoog
(Hagoog-ta)
1. Si marada loo huwado, oo cad madaxa ka soo laallaada oo wejiga qaarki qarsha, hoosna u yeela, loo yeelo.
2. Koofiyadaha qaarkood, cad soo baxsan oo wejiga hoosiya oo loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagoog
hagoog¹: m.dh (-go, m.l) 1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hagoog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hagoog
hagoog¹: m.dh (-go, m.l) 1. Maro qaarka sare ee dadka oo aan indhuhu ku jirin lagu daboolo. 2. Sida marada hagoogta ah loo xirto. 3. Gambada haweenku madaxa saartaan. 4. Koofiyadda inteeda wejiga hareysa.
hagoog²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax dedid. 2. Meel har u yeelid. m.f.dh, hagoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagoog
f. n. cloth draped around the head; visor-hat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagoog
-ta: (n) a piece of cloth worn over the head, shoulders; veil (veel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagoog
(fal) dusha wax ka saar; cadceedda iyo roobka ka qari.
hagoog-ta: (magac, dhedig, keli) wax madaxa iyo wajiga badhkii lagu qariyo. Dh: hillaab.
hagoog-ta: (magac, dhedig, keli) aqal baabuur iyo wax la mid ah cirka iyo cadceedda lagaga qariyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagoog
de: cloth draped around the head; visor-hat
lx: hagoog
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: hagoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tagoog
(Tagoog-ta)
Xubinta cududda iyo majinta u dhexaysa, (ama tagoogo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagoog
m.dh Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. la-mid: tagoogo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tagoog
m.dh Xubinta cududda iyo majinta u dhaxaysa. la-mid: tagoogo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagoog
f. n. forearm; shank ~ lower part of the front leg (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagoog
-ta: (magac, dhedig, keli) xubinta cududda iyo majinta u dhexaysa; tagoogo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tagoog
cf: shansho
de: forearm; shank ~ lower part of the front leg (of animal)
initial: t
lx: tagoog
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: tagoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetayn
m.f.dh eeg heetee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
horjoog
f.g/mg1 (-gay, -gtay) 1. (f.g) Nafley hortooda taagnaansho. 2. (f.mg) Ka h.: cid wax u diidid. m.f.dh, horjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
horjoog
v. lead, guide
horjoog v. stop, obstruct
horjoog m. n., [compound] forward (in football)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
horjoog
(fal) waardiyee; kormeer.
horjoog -ga: (magac, lab, keli) mar walba, wax hortiisa taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meetroo
m.l Gaadiid u eg tareen oo ku socda aalaa dhulka hoostiisa oo la isaga raaco magaalo gudeheeda ama aaggeeda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meetroo
m.l Gaadiid u eg tareen oo ku socda aalaa dhulka hoostiisa oo la isaga raaco magaalo gudeheeda ama aaggeeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
teetano
m.dh Kujisu. la-mid: teetane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabajoog
(Dabajoog-ga)
Dabasocod; dabaggal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabajoog
dabajoog¹: m.l 1. Dabasocod; dabaggal. 2. la-mid: dabajoogid.
dabajoog²: f.g1 (-gay, -gtay) Qof, xoolo iyo wixi lamida gadaashooda socosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabajoog
dabajoog¹: m.l 1. Dabasocod; dabaggal. 2. la-mid: dabajoogid.
dabajoog²: f.g1 (-gay, -gtay) Qof, xoolo iyo wixi lamida gadaashooda socosho. m.f.dh, dabajoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabajoog
v., [compound] follow; go ~ come after; pursue; be pursuant to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabajoog
-ay / tay: (v) 1. follow (foloow); go after. 2. follow in the footsteps of; tailgate (teeyl-geeyt) ~ dabagal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabajoog
(fal) eeg dabaggal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabajoog
de: follow; go ~ come after; pursue; be pursuant to
lx: dabajoog
pd: (dabajoogay)
ps: v1=cmp
key: dabajoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhexjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Xoolo, alaab iyo wixi lamida oo aan hawl badan u baahnayn ilaalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhexjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Xoolo, alaab iyo wixi lamida oo aan hawl badan u baahnayn ilaalin. m.f.dh, dhexjoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhexjoog
v., [compound] be in the middle of something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhexjoog
de: be in the middle of s.t. (e.g., be present in an event, place)
lx: dhexjoog
pd: (dhexjoogay)
ps: v1=cmp
key: dhexjoog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagoo
(fal) geedaha waxtarkooda iyo sida abuurka wax loogu yeelo baro.
geedagoo: (tilmaame) geedaha waxtarkooda iyo sida abuurka wax loogu yeelo baro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waayaaragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
golajoog
m.l 1. Haybad iyo muuqaal qurxoon oo qof leeyahay. 2. Goobjoog. 3. Qof waaya-aragnimo dheeraad u leh sida garta loo qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
golajoog
-ga: (magac, lab, keli) qof dhegeysi badan oo sheekooyinka iyo xigmadaha odayada golaha fadhiista ururiya. Rag waa geedjoog ama golajoog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelasho
m.f.dh eeg heelo. la-mid: heelad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heelloon
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: heellan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heelloon
der. [adjective] obedient, obeying someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelloon
(tilmaame) mid in uu wax qabto u diyaar ah. Dh: heellan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heelloon
a: heellan
de: obedient, obeying s.o.
lx: heelloon
pd: (heelloonaa)
ps: adj-der
key: heelloon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemasho
(Heemasha-da)
1. (haad) degid isu diyaarina haya.
2. Wax badan oo meel ama wax kale ku soo kor gowriirsanaya, ku soo shamuumaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemasho
m.f.dh eeg heemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemasho
f. n. agreement, consent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heemad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemasho
de: agreement, consent
lx: heemasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heemasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Heeraar samaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerxood
m.l (-rar xood, m.l) Darajada isle'egta u taagan xood ama dul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerxood
-ka: (magac, lab, keli) darajada isle'egta u taagan xood ama dul.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heptagon
Toddobageesle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoosjoog
f.g1 (-gay, -gtay) Cid ku hoos noolaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hoosjoog
v. be subordinate to ~ inferior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoosjoog
(fal) gacanyare ama kaaliye, cid kale u noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hoosjoog
de: be subordinate to ~ inferior (in grade ~ position in relation to s.o.)
lx: hoosjoog
pd: (hoosjoogay)
ps: v1=intr
key: hoosjoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
islajoog
m.dh Lax irmaan oo daaqsinta aan laga reebin ilmaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarajoog
(Sarajoog-ga)
Taagnaan; sarakac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoog
sarajoog¹: m.l 1. Taagnaanta qof taagan-yahay. 2. la-mid: sarajoogid.
sarajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof wax taagan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sarajoog
sarajoog¹: m.l 1. Taagnaanta qof taaganyahay.
sarajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Qof wax taagan noqosho. m.f.dh, sarajoogid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarajoog
v. stand up ~ upright, be up on one's feet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarajoog
-a: (n) standing (istaan-dh-ing); standing position ~ istaag-a
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoog
(fal) istaag ama sare u kac. Dh: istaag. Li: fadhi.
sarajoog -ga: (magac, lab, keli) taagnaan; sarakac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarajoog
de: stand up ~ upright, be up on one's feet
initial: s
lx: sarajoog
nt: sarajoog (ga) [vn-m], sarajoogid (da) [vn-f]
pd: (sarajoogay)
ps: v1=intr
key: sarajoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seetayso
f.mg3 (-stay, -satay) Awr seeto ku xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xerojoog
-ga: (magac, lab, keli) neef in badan reerka joogay oo asalkiisa iyo faciisa la garanayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaajoog
-ta: (magac, dhedig, keli) inanta aan weli la guursan. Dh: gashaanti. Li: ganbooley.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeraqoon
f. n., [collective] agronomy, farm science
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeraqoon
de: agronomy, farm science
lx: beeraqoon
pd: (-ta)
ps: n2-f-col
key: beeraqoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cidlajoog
m.dh.u Nafley la rabbaysna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cidlajoog
m. n., [compound] domestic animal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cidlajoog
de: domestic animal = cid + la + joog
lx: cidlajoog
pd: (-ta)
ps: n2a-m-cmp
key: cidlajoog
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-xood
m.l (-rar xood, m.l) Darajada isle'egta u taagan xood ama dul.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
heptagone
heptagone, n.m. - toddoba xagal leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilbajoog
jilbajoog¹: m.l Istaagga jilbaha lagu istaago.
jilbajoog²: f.mg1 (-gay, -gtay) Cid jilbo isku taagid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jilbajoog
m.l Istaagga jilbaha lagu istaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilbajoog
-ga: (magac, lab, keli) istaagga jilbaha lagu joogsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) seetaggoosi seetaggoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetagoys
-ka: (magac, lab, keli) seetaggoosad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulajoog
-ga: (magac, lab, keli) ruuxa ku nool magaalo yar, ee aan docna u dhaafin. Dh: badaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seetaggoosi
-ga: (magac, lab, keli) seetadii lagu xidhay gooyey; xadhka goosi. Dh: hayiin.