heeshi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeshi
(Heeshi-ga)
(ceel, xoolo irmaan, ...) caano ama biyo ama wax kale oo la mid ah oo aad u tiro badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeshi
m.l Barwaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeshi
m. n., [collective] abundance, excess, overflowing; prosperity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeshi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo ama caano ama biyo ama wax kale oo la mid ah oo aad u tiro badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeshi
de: abundance, excess, overflowing; [ext.] prosperity
lx: heeshi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m-col
key: heeshi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muwaafaqo
m.dh (-ooyin, m.l) Heeshiis iyo samo lagu wada noolaado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
sufferer (n)
dhoweni (bokoy heeshi)
dhibane (cudur haya)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
accord
accord, n.m. - heeshis; macaahado
être d'accord. - ku raacid.
je suis d'accord - waan oggolahay
je ne suis pas d'accord - ma oggoli.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
acquérir
acquérir, v. - marka aad wax ku heeshid aqoon; karti; macaash; la helo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
embauchage
embauchage, n.m. - heeshiis shaqo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pactiser
pactiser, v. - heeshiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeshid
m.f.dh eeg ceesh². la-mid: cayshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeshid
-da: (magac, dhedig, keli) si fiican u noolaansho. Dh: barwaaqoobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeshii
[adverbial] [expression] instead of, in place of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeshii
(conjunction) the place; in a place in which
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeshii
de: instead of, in place of
lx: meeshii
ps: adv-expr
key: meeshii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weheshi
m.l la-mid: weheshad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weheshi
-ga: (magac, lab, keli) eeg weheshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeh
Hee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeh
inter. yes!, go on!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heeh
(interjection) yes (yees) ~ hee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeh
(falkaabe) eeg hee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeh
de: yes!, go on!
lx: heeh
ps: intj
see: hee
key: heeh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hees
(Hees-ta)
Tixo yaryar oo sida gabayga leh hab ay ku dhisan yihiin; waa jaadad badan, waxaana la qaadaa kolka la cayaara hayo ama hawl la hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hees
hees¹: m.l/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
hees²: f.mg1 (-say, -stay) Hees qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hees
hees¹: m.l/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
hees²: f.mg1 (-say, -stay) Hees qaadid. m.f.dh, heesid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hees
f. n./m: song, melody
hees v. perform a song, sing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hees
-ka / ta: (n) act or art of singing; song (soong), —hees -ay / tay: (v) sing (sing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hees
(fal) hees ku luuqay; hees ku qaad.
hees-ta: (magac, dhedig, keli) tixo isu miisaaman oo si farshaxamaysan isugu sargo'an. Waa jaadad badan oo lagu qaado kolka la cayaarao. Inta badan waxa lagu saleeyaa laxan waxaa na lagu bilaa qalabka miyuusigga ee kala duwan.
hees-ta: (magac, dhedig, keli) hog ka mid ah hogagga maansada oo ka kooban tixo isu miisaaman oo si farshaxan ahaan ah isugu sargo'an. Waxa lagu ladhaa laxan iyo miyuusik, kolka lagu luuqeeya na, si fiican bay dhegaha u soo jeedataa, nafuhu na ugu raaxaystaan. Waxay u sii kala baxdaa qaybo fara badan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hees
أُنْشُودَة، أُغْنِيَّة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceesh
ceesh¹: m.l Cuntada la cuno; quud. la-mid: caysh¹.
ceesh²: f.mg1 (-shay, -shtay) Nafley noolaansho. la-mid: caysh².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ceesh
ceesh¹: m.l Cuntada la cuno; quud. la-mid: caysh.
ceesh²: f.mg1 (-shay, -shtay) Nafley noolaansho. m.f.dh, ceeshid. la-mid: caysh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ceesh
m. n. daily bread; food, bread
ceesh v. live, survive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ceesh
-ka: (n) 1. middle east style flat bread; pita bread (pii-ta bareedh); pocket bread ~ caysh, muufo. 2. food (fuud) ~ anfaco, cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceesh
(fal) si fiican u noolow. Haddaannaan galbeed idinka xigin, gu'na ma ceeshteene. Dh: barwaaqow.
ceesh-ka: (magac, lab, keli) cuntada inta la calaliyo. Dh: cunto, dheef, cunto, cunno, cayshad, caysh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesh
-ka: (magac, lab, keli) ciidan fara badan. Geeshkayagow guulaysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geesi
(Geesi-ga)
Nin aan cabsi aqoon; aan fuley ahayn; aar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Nin dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geesi
m.l (-iyaal, m.l/dh) Nin dhiirran oo aan cabsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesi
m. n. hero, brave man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geesi
-ga: (n) 1. a courageous man: brave (fcraav); hero (hiiroo). 2. geesi ah: (adj) brave (braav). fearless (fiiyerles)-, courageous (koreejes), heroic (hi-row-ik), valiant (yaal-yent)-, bold (booldh). Ex: nin geesi ah; a brave man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesi
-ga: (magac, lab, keli) qofka hoggaamiyaha wanaagsan bulsahdiisa u ah ee dadku u arkaan tusaale dhan walba oo nolosha ah.
geesi -ga: (magac, lab, keli) nin aanan baqan. Dh: halyay, dagaalyahan, soomajeeste, gadac, aar. Li: fulay, fule.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geesi
cf: aar, dhiirran, labakelyood
de: hero, brave man
lx: geesi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: geesi
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
geesi
شُجَاع
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geshi
m.l la-mid: geshin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geshi
-ga: (magac, lab, keli) nafaqada iyo saxada fiican ee cuntada laga helo. Dh: dheef.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeli
(Heeli-ga)
Miraha higlada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeli
m.l Miraha higlaha oo bislaaday.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeli
m. n., [collective] fruit of a thornless tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeli
-ga: (magac, lab, keli) miraha higlada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeli
cf: higlo (the tree)
de: fruit of a thornless tree sp.
lx: heeli
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: heeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemi
v. skim fat from the top of broth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, dhammee oo wax ad cabbayso waxba ha reebin. Caanaha gorofka ka heemi. Dh: dammee. Li: hambee.
heemi: (fal) hilib ama lafo karsamaya, subagga dulsha uga soo baxa, ka dhur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemi
de: skim fat from the top of broth
lx: heemi
pd: (heemiyey)
ps: v2a=tr
key: heemi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heese
-ha: (magac, lab, keli) heesaa; laashin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeti
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Xarrago la liicliicid. 2. la-mid: hiti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeti
v. limp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeti
(fal) xarrago awgeed, sida qof dhutinaya u soco. Dh: xarragoo.
heeti: (fal) qof, neef iyo wixii la mid ah oo dhaawac ah, sidiisa u soco. Dh: dhuti.
heeti-ga: (magac, lab, keli) guurti xul ah. Golo baanistey heeti weli gaafo hadashaaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeti
bw: dhutin, muurri, qoombi
de: limp
lx: heeti
nt: heetin (ta) [vn-f], heetis (ka) [vn2a-m]
pd: (heetiyey)
ps: v2a=intr
xv: hiti
key: heeti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeesi
m.l la-mid: jeensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeesi
-ga: (magac, lab, keli) daymooshaha meel kale. Dh: jeensi, jeesasho, jeesad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meesi
(Meesi-ga)
Jaadadka xoolaha sida geela, lo'da, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meesi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. la-mid: meesin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meesi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Duunyada la dhaqdo nooc ka mid ah. 2. Isku m.: isku fil; isku nooc. la-mid: meesin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meesi
m. n. category of stock (camels, cattle, etc.)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meesi
-ga: (magac, lab, keli) shanta maal ee adduunyo midkood sida: geel, lo', adhi, gammaan. Meesigaa ayaad adigu maanta raacaysaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meesi
de: category of stock (camels, cattle, etc.)
lx: meesi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: meesi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neehi
-ga: (magac, lab, keli) magac guud oo goodirku leeyahay kolka uu hal ka badan yahay. Dh: koox.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesho
m.dh la-mid: gaashi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heedhe
Erey qofka lala hadla hayo lagu yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay hee dheh; iga wargur, i maqal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heedhe
fk. la-mid: hee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heedhe
inter. say yes!; right?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedhe
(falkaabe) qof lala hadlayo lagu yidhaahdo oo ulajeeddadiisu na tahay, 'hee i dheh', 'warka iga gur' 'i dhegeyso'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heedhe
de: say yes!; right? Word used to encourage a person to pay attention to one's speech
lx: heedhe
ps: intj
key: heedhe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heelli
-ga: (magac, lab, keli) midhaha geedka higladu bixiyo. Heelli doontow halaq weyn filo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensi
m.l la-mid: heensasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heensi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, weelka inta ku hadhay ka laac. Dh: dhammayso, heemi.
heensi-ga: (magac, lab, keli) heeminta wax weel guntii ku hadhay.
heensi-ga: (magac, lab, keli) eeg heensad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hees_1
cf: giis
de: song, melody
hm: 1
lx: hees
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f/m, n4-m
key: hees_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hees_2
de: perform a song, sing
hm: 2
lx: hees
pd: (heesay)
ps: v1=
key: hees_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesaa
(Heesaa-ga)
Qof heesta tirin yaqaan ama qaadi yaqaan ama hawshiisuba tahay inuu heeso; laashin; heese.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Qof heesta ku luuqayn yaqaana.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heesaa
m.l (-aayaal, m.l/dh) Qof heesta ku luuqayn yaqaana.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heesaa
m. n. singer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heesaa
-ga: (n) singer (singar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesaa
-ga: (magac, lab, keli) qof heesta tirin yaqaan ama qaadi yaqaan ama hawshiisuba tahay inuu heeso. Dh: laashin, heese.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heesaa
de: singer
lx: heesaa
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: heesaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heesid
m.f.dh eeg hees².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesid
-da: (magac, dhedig, keli) hees qaadid ama ku luuqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heshii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) La h.: qof arrin ku raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heshii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) La h.: qof arrin ku raacid. m.f.dh, heshiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heshii
v. agree, come to an agreement, be reconciled
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heshii
-yey / say: (v) settle or resolve; reconcile (rekan-saayl); agree (ag-rii). Ex: ugu danbaystii waan ku heshiinay qiimihii guriga; we finally agreed on a price for the house
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heshii
(fal) arrin ama wax kale is raaca; la heshii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heshii
de: agree, come to an agreement, be reconciled
lx: heshii
pd: (heshiiyey)
ps: v2a=
key: heshii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhi
(fal) kolba erey ama weedh u sheeg cid kaa daba qoraysa. Ardayda cashirka u yeedhi. Dh: yeeri.
yeedhi: (fal) buun, hoon siidhi iyo wixii la mid ah ka dhawaaji. Gobayska qaado oo kaga yeedhi. Dh: yeeri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: haleelsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshii
(fal) cid kale, hawl, kanshe u sii.
haleeshii: (fal) cag dambe cag hore gaadhsii. Ragga inna haleeshii. Dh: gaadhsii.