hees
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hees
(Hees-ta)
Tixo yaryar oo sida gabayga leh hab ay ku dhisan yihiin; waa jaadad badan, waxaana la qaadaa kolka la cayaara hayo ama hawl la hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hees
hees¹: m.l/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
hees²: f.mg1 (-say, -stay) Hees qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hees
hees¹: m.l/dh (-so, m.l) Tix hab dhisan leh oo lagu luuqeeyo.
hees²: f.mg1 (-say, -stay) Hees qaadid. m.f.dh, heesid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hees
f. n./m: song, melody
hees v. perform a song, sing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hees
-ka / ta: (n) act or art of singing; song (soong), —hees -ay / tay: (v) sing (sing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hees
(fal) hees ku luuqay; hees ku qaad.
hees-ta: (magac, dhedig, keli) tixo isu miisaaman oo si farshaxamaysan isugu sargo'an. Waa jaadad badan oo lagu qaado kolka la cayaarao. Inta badan waxa lagu saleeyaa laxan waxaa na lagu bilaa qalabka miyuusigga ee kala duwan.
hees-ta: (magac, dhedig, keli) hog ka mid ah hogagga maansada oo ka kooban tixo isu miisaaman oo si farshaxan ahaan ah isugu sargo'an. Waxa lagu ladhaa laxan iyo miyuusik, kolka lagu luuqeeya na, si fiican bay dhegaha u soo jeedataa, nafuhu na ugu raaxaystaan. Waxay u sii kala baxdaa qaybo fara badan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
hees
أُنْشُودَة، أُغْنِيَّة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heese
-ha: (magac, lab, keli) heesaa; laashin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afmaal
(Afmaal-ka)
Afyaqaan hadal wanaagsan tirsha ama qora (gabay, hees, buug, ...) oo wax ka dheefa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleeggad
(Aleeggad-ka)
Heesid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beyd
(Beyd-ka)
1. Guri; Aqal.
2. (gabay, hees, kd.) ereyo hab gaar ah isu dabajooga oo sadar keliya oo taxan isku ah; (ama beyt).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanbur
(Buraanbur-ka)
Cayaar hees iyo reeme lagu tumo oo haweenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buraanburid
(Buraanburid-da)
Heesta buraanburka tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cod
(Cod-ka)
Dhawaaq afka ka soo baxa, siiba kolka la hadlayo ama la heesayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deelqaaf
(Deelqaaf-ka)
1. Gefka gabayada iyo heesaha iyo waxyaalaha kaloo la tirsho oo xarafka ku dhisan.
2. Labo waxyaalood oo aan isu dhoweyn isu keenid.
3. Hadal meelkadhac ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabaq
(Dhabaq-a)
1. Sacabka la tuma hayo ama heesta laysla qaada hayo, kd., gefka gala oo kala rida; qas; lab.
2. Dhiin yar oo sida malabka u macaan oo baaldacarka dacarta fiintiisa ku samaysma oo laga cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabqin
(Dhabqin-ta)
Wax laysla hela hayo (hees, sacab, kd.) dhabaq ku ridid; qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhahaqsan
(sacab; hees; kd.) dhabaq galay oo aan laysla helin; la qasay; la dhabqiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhexsocoto
(Dhexsocota-da)
1. Hadallo yar ama tix yar oo soo noqnoqota oo xubnaha gabayada, heesaha, kd., la geliyo; dhextaal.
2. Dadka dadka hadalka u kala qaada ama dowlad u adeegu oo warka u geeya; jaasuus; basaas; warxungee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhextaallo
(Dhextaalla-da)
Tix yar oo soo noqnoqota oo gabayada, heesaha, kd., xubnahooda gasha; dhexsocoto; (ama dhextaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giis
(Giis-ka)
Maanso; hees; guluuluc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaanhal
(Halaanhal-ka)
Hees.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heello
(Heella-da)
Heesaha jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesaa
(Heesaa-ga)
Qof heesta tirin yaqaan ama qaadi yaqaan ama hawshiisuba tahay inuu heeso; laashin; heese.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeshi
(Heeshi-ga)
(ceel, xoolo irmaan, ...) caano ama biyo ama wax kale oo la mid ah oo aad u tiro badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heesid
(Heesid-da)
Hees qaadid, tirin, ka luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoorin
(Hoorin-ta)
1. Wax da'a haya ama shubma haya, weel u dhigid.
2. Quraanka ama xubnaha heesaha dhammaadkooda, wadajir u wada qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hooyaale
(Hooyaala-ha)
Erey inta laysku celceliyo, jaangooyo looga dhigo tixaha gabayga iyo heesta; gabay; hees (ama hoobale, hoobaale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hee
Erey 'ku maqlay' ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo; (ama heeh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hee
fk. Erey “ku maqlay” ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. la-mid: heeh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hee
fk. Erey 'ku maqlay' ka dhigan oo qofka loo yeeraa yiraahdo. la-mid: heeh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hee
inter. yes!, go on!; I hear you; I'm listening
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hee
quel (suffixe).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hee
(interjection) yes (yees) ~ heeh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hee
(falkaabe) waan ku maqlaa; haye aqbalay. Dh: hoow, heeh.
hee: (falkaabe) warka lagaga guro qof waano ama amar bixinaya oo qofka la waaninayo ama wax la amrayaayi ku celceliyo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Bees
Shinni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cees
f.mg1 (-say, -stay) Ka c.: qof xurmayn, weynayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cees
v. respect, honor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cees
(fal) «ka » xishood aad u badan iyo dulqaad. muuji. Ma ceese, waa la cayriyaa; ma cabsadena waa la dilaa.
cees: (fal) «u» cid kaa yar ama kaa itaal naqan, u naxariiso; u tudh.
cees -ka: (magac, lab, keli) xishood iyo sarriigasho; xurmo iyo weynayn.
cees -ka: (magac, lab, keli) «u ~» cid itaal naqan ama carruur ah, u tudhid ama u naxariisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cees
a: cis ~ cisee
de: respect, honor
lx: cees
pd: (ceesay)
ps: v1=
syn: xurmee
key: cees
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gees
1. (Gees-ka) ) Cad soo baxsan oo adag oo laf la moodo oo ka baxa madaxa lo'da, riyaha, ugaarta iyo nafleyda kaloo qoobabka leh qaarkood, b) Dhinac, doc. c) Xubno labo labo ah oo xasharaadka qaarki lee yahay oo madaxa ka taagan oo uu wax ku garto (baranbaro, quraanyo, balanbaallis, kaneeco...).
2. (Gees-ta) Barbar, dhinac, doc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gees
gees¹: m.l (-so, m.l) 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iyo wixi lamida), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdareen.
gees²: m.l/dh 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iyo wixi lamida: dhinacayga, dhinacaaga iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gees
gees¹: m.l (-so, m.l) 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iyo wixi lamida), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdareen.
gees²: m.l/dh 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iyo wixi lamida: dhinacayga, dhinacaaga iyo wixi lamida.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gees
Edge, Vertex
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gees
Edge, Horn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gees
f. n., loc., [collective] side; edge, corner; direction
gees m. n. horn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gees
-ka: (n) 1. comer (koorner)-, side (saaydh); edge (eej) ~ dhinac, hareer, daraf, dacal. 2. horn (hoorn).
Geeska Afrika: (expression) Horn of Africa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gees
-ka: (magac, lab, keli) labo lafood oo fiiqfiiqan oo lo'da, riyaha iyo ugaadha qaarkeed madaxa ka soo baxa, middood.
gees -ka: (magac, lab, keli) cayayaanka yaryar sida baranbarada laba xubnood oo dhuudhuuban oo xagga hore kaga yaal oo u ah dareenkii aragga iyo maqalka.
gees -ka: (magac, lab, keli) meel tilmaaman dhinaceega. Dh: koone, fiiq, daraf, caaro.
gees-ka: (magac, lab, keli) taagga yar ee bilawga xaglaha shaxannnada joomatariga.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gees
Madax fiiqan sida geeska cuddadda.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gees
قرْن، زاوية
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heec
heec¹: m.l Itaaldarro ka muuqata dad ama xoolo ay baahi, cudur, iyo wixi lamida hayso.
heec²: f.mg1 (-cay, -cday) Dad ama xoolo, itaal darro awgeed la luudid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heec
-a: (magac, lab, keli) xoolaha neefka dhasha ah ee hooyadii dhimato ee hadba neef kale iska daba gala. Dh: rajay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heed
(Heed-da)
Badar la cuno oo mirihiisu aad u yaryar yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heed
m.dh Nooc badarka ka mid ah oo miro yaryar leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heed
Barley, Oats
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heed
f. n., [collective] small millet species
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HEED
(Hed) N Hordeum vulgare L. Gramineae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heed
/hiidh/ (v) dhug u-yeelasho, addeecid, ahmiyad siin. e.g. Pay no heed to what she says.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heed
-da: (magac, dhedig, keli) nooc geedgaabka ka mid ah oo qamadiga iyo sarreenka ay isku bah yihiin saloolkeedana waxa laga ridqaa budo basho la yidhaa oo la cuno.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heed
n., foojigaan, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeg
f.g1 (-gay, -gtay) Neef lug hore iyo lug dambe iskaga xirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeg
v. tie by the leg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeg
-ga: (magac, lab, keli) qiyaas la'aan u socosho. Ansaleelluhu heega ayuu ku socdaa kolka aan la hagayn.
heeg: (fal) rati iyo wixii la mid ah, meel ku xidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeg
de: tie by the leg
lx: heeg
pd: (heegay)
ps: v1=
key: heeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeh
Hee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeh
inter. yes!, go on!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heeh
(interjection) yes (yees) ~ hee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeh
(falkaabe) eeg hee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeh
de: yes!, go on!
lx: heeh
ps: intj
see: hee
key: heeh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heel
(Heel-ka)
Inta ceel, degmo, magaalo, kd., u ogog leh; agagaar; sabo; fagaag; heelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heel
heel¹: m.l 1. Meel, ood, buuro iyo wixi lamida ay ku wareegsanyihiin. 2. Agagaar.
heel²: m.dh Hoore yar oo weel salkiisa ku haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heel
m. n. space surrounding a settlement ~ well
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
heel
(n) the rounded end portion of the foot under and behind the ankle.
cidhib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heel
/hiil/ (n) 1. cirib. (n) 2. ciribta kabta. (v) 3. cirib-gelin (kabta oo meesha ciribta loo sameeyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heel
-ka: (magac, lab, keli) inta ceel, degmo ama magaalo ka ag dhaw ama hareereheega ah. Dh: agagaar, sabo, fagaag, heelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heel
de: space surrounding a settlement ~ well
lx: heel
pd: (-ka Pl: heelal (ka))
ps: n4-m
key: heel
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heel
n., cidhib, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heen
(Heen-ka)
Fuudka dufankiisa kore; dufanka lafaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heen
heen¹: m.l 1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.
heen²: m.dh Subagga fuudka ama maraqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heen
m.l 1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heen
m. n., (mass n.): fat floating on top of broth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heen
-ka: (n) the fat floating on the surface of a cooking pot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heen
-ka: (magac, lab, keli) qoyaanka ka soo baxa weel dhawaan la tolay oo dareere lagu shubay. Qorofku ma daloolee waxa ka qoyani waa heen.
heen -ka: (magac, lab, keli) dufanka lafaha geela marka la kariyo ka soo baxa ee cuntada lagu iidaanto. Dh: dufan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heer
(Heer-ka)
1. Waxa qoyani meesha ay gaaraan, raadka ay ku reebaan.
2. Jago; darajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer
heer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
heer²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax goyn. 2. Wax heeraar ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heer
m.l (-rar, m.l) 1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heer
v. wound; cut
heer m. n. stage, level; class, status, rank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heer
-ka: (n) level (level); degree (dig rit); stage (isteej); class (kalaas)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heer
Livello
Level
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heer
(fal) naafo ka dhig; waxyeello weyn gaadhsii. Dh: dhibaatee, waxyeelee, dhaawac.
heer -ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo weel ku jira marka wax gaaran raadka ama amaarad ay ku sameeyo ama ku reebto.
heer -ka: (magac, lab, keli) meesha wax taagan yihiin, joogaan.
heer -ka: (magac, lab, keli) jago, derejo ama meesha wax joogaan. Kooxda heerka koobaad ayaa kuubkii qaadday. Dh: derejo, meel.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
heer
مَنْزِلَة
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hers
/hers/ (pron) keeda, wexeeda. e.g. That is my book and hers is over there.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heys
m.l H. ah: kurus in yar dhan u janjeera.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jees
(Jees-ka)
Reer meel gooni ah deggan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jees
m.l (-sas, m.l) Qoys meel gooni ah deggan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jees
m.l (-sas, m.l) Qoys meel gooni ah deggan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jees
m. n. isolated settlement of one ~ two families, hamlet; group of houses
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jees
name-m isolated; isolated settlement, hamlet. Lit: born in an isolated settlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jees
magac loo baxsho wiil reerka oo kelidii cidla yaalla dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jees
-ka: (magac, lab, kali) reer kooban oo meel iskii u yaal.