heerkulkar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkulkar
-ka: (magac, lab, keli) heerkulka uu hoor isu geddiyo weji neefeed. Heerkulkarku ma doorsamo inta ay socoto wejigedintu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkul
m.l (-lyo/-lo, m.l/dh) (fiisikis) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul
Temperature
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul
Temperature
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerkul
n. temperature
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerkul
-ka: (n) temperature (tem-pera-juur)-, the degree of hotness or coldness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkul
-ka: (magac, lab, keli) qiyaasta kulka cimiladu marayo. Heerkulku maanta waa 32C.
heerkul -ka: (magac, lab, keli) kulka ama diirimaadka jidhka nafleyda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerkul
de: temperature
lx: heerkul
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: heerkul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkulbeeg
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. la-mid: heerkulbeege.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerkulbeeg
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. la-mid: heerkulbeege.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkulbeeg
Thermometer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerkulbeeg
m. n., [compound] thermometer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerkulbeeg
-ga: (n) thermometer (theer-moomater) ~ kulbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkulbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabiro heerka kulaylku marayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerkulbeeg
de: thermometer
lx: heerkulbeeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
syn: kultirshe, termuumi
key: heerkulbeeg
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul sugan
Absolute temperature
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Heer-ka
niveau.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeraar
(Heeraar-ka)
Ood ama wax la mid ah oo dhawraarin darteed wax ku wareegsan; deyr; xero; sarsar; meegaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraar
heeraar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iyo wixi lamida oo meel ku wareegsan.
heeraar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heeraar
heeraar¹: m.l 1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iyo wixi lamida oo meel ku wareegsan.
heeraar²: f.g1 1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareejin. m.f.dh, heeraarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeraar
m. n. fence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heeraar
-ka: (n) enclosure (enkalowshar)-, fence (feens)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeraar
-ka: (magac, lab, keli) ood ama wax la mid ah oo dhawraarin darteed meel loogu wareejiyo; dayr wareegsan. Heeraarta ha gurin bahalkaa ka soo dhacayee. Dh: deyr, xero, sarsar, meegaard.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeraar
de: fence
lx: heeraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heeraar
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Beerlula
name-f liver-shaker; lit: sultry beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Beerlula
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda loo hamuumo oo xusuusteedu hammi ku abuurto qofkii bartaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heertamar
m.dh (kiim.) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heertamar
-ta: (magac, dhedig, keli) 'Atam', dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerkutaal
(Beerkutaa-sha)
Xubin sida kolay yar u samaysan oo dhacaan cagaar-cillaan ah (xammeeti) oo aad u xaraari ku jiro; xanshareeri (xanjareeri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerkutaal
f. n., [compound] gall bladder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkutaal
-sha: (magac, dhedig, keli) dheecaan midab hurdi ah leh ama ka dacarta oo beerku sameeyo ay ku dhexjirto. Beerkutaasha ayaa xanuun kaga dhacay. Dh: beertaxaliil, xanshareeri, xameeti, xanjareeri, beerkutaallo, xameeti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerkutaal
a: beerkutaallo [n6-f]
de: gall bladder
lx: beerkutaal
pd: (/sha)
ps: n-f-cmp
key: beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-tamar
m.dh (kiimika) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meelkugaar
-ka: (magac, lab, keli) wax la adeegsado inta meesha loo socdo la gaadhayo. Baaskiilku wa meelkugaadh inta aan gaadhi iibsanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkulbeege
m.l la-mid: heerkulbeeg.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beerkutaalo
-beerkutaalada: (n) gall bladder ~ beeryaro, beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernuglaan
m.dh eeg beernugul. la-mid: beernugeyl (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernuglaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo calool dabacsanaan lahaan. Dh: beerjilayc. Li: qalbi'adayg.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kugaar
ah: (adj) temporary (teem 'pareeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meelkuggaar
(Meelkuggaar-ka)
Kummeelgaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meelkuggaar
m.l.kh la-mid: meelgaar¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meelkuggaar
m. n., [compound] temporary thing, provisional person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meelkuggaar
-ah: (adj) temporary (teem'pa-reeri); provisional (paro-vishinal); interim (in 'taram); acting (aak-ting)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meelkuggaar
de: temporary thing, provisional person
lx: meelkuggaar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: meelkuggaar