heerkul kelfin
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul Kelfin
Kelvin scale

Heerkul sugan
Absolute temperature
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul shidid
Ignition temperature
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkulbeeg
m.l (-gyo, m.dh) (fiisikis) Aalad loo isticmaalo qiyaasta heerkulka badanaa iyada oo isbeddelayo mugga meerkuriga ama isbiirada ku jirta dhuun quraarad ah oo dabo wareegsan leh. la-mid: heerkulbeege.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkulbeeg
Thermometer
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerkulbeeg
m. n., [compound] thermometer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerkulbeeg
-ga: (n) thermometer (theer-moomater) ~ kulbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkulbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalab lagu cabiro heerka kulaylku marayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerkulbeeg
de: thermometer
lx: heerkulbeeg
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
syn: kultirshe, termuumi
key: heerkulbeeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkulbeege
m.l la-mid: heerkulbeeg.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkuldhalaal
-ka: (magac, lab, keli) heerkulka uu adke bilaabo inuu u geddismo hoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkul qiirqiir
m.l (fiisikis) Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul qiirqiir
Critical temperature
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meertada Kaalfin
m.dh (baayoloji) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meertada kaalfin
m.dh (baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.
meertada kaarboon m.dh (baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerkulqiirqiir
m.l (fiisikis) Heerkulka heer ka sareeya, aanay neefi ku hooroobeyn, xataa haddii la kordhiyo cadaadiska saaran.