heerkul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerkul
m.l (-lyo/-lo, m.l/dh) (fiisikis) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul
Temperature
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerkul
Temperature
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerkul
n. temperature
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerkul
-ka: (n) temperature (tem-pera-juur)-, the degree of hotness or coldness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkul
-ka: (magac, lab, keli) qiyaasta kulka cimiladu marayo. Heerkulku maanta waa 32C.
heerkul -ka: (magac, lab, keli) kulka ama diirimaadka jidhka nafleyda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerkul
de: temperature
lx: heerkul
pd: (-ka)
ps: n2(a)-m
key: heerkul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammooniya
m.dh (-mo, m.dh) (kiimika) Neef midab laawe ah oo ur sindhiidha leh. Ammooniyadu aad ayay ugu milantaa biyaha (milanka dheregsan ee ammooniyada ah waxa ku jira 36.9 % oo ammoniya ah markuu heerkulku yahay 0° C.): milanbiyoodka ammoniya waa beys waxaana ku jira saami ammooniya ah oo madaxbannaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barashada badweynada
m.dh (juqraafi) Dersidda badweynada oo ay ka mid tahay dabeecadda biyaha oo la barto dhaqaaqooda, heerkulkooda, guntooda, meesha ay ku jiifto, dhirta iyo xayawaanka, iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbarafow
m.l (-ro ..., m.l) (fiisikis) Heerkulka hoor iyo wejigiisa adkuhu ay noqdaan kuwo isku dheelitiran, iyagoo ku sugan cadaadis beegal ah. Heerkulkaas wixii ka hooseeya hoorku wuu barafoobaa ama adkaadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkarkareed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Heerkulka uu cadaadiska uumiga hoorku le'egyahay cadaadiska atmoosfeerka, taas oo uumibaxu ka muuqdo hoorka dhammaantiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barmaguur
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Baro ku muujisan heerkul cabbiraha oo sugan, laguna tilmaansado astaamo walax leedahay oo la yaqaanno. Labada baro maguur ee muhiimka ah waa barta barafka (0 °C) iyo barta uumiga (100 ° C).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barqiirqiir
m.dh (-ro ..., m.l) (fiisikis) Xaaladda dareeraha ee wejiyada hoorka iyo neeftu ay isku cufnaanyihiin. Markaa, dareeraha heerkulkiisa, cadaadiskiisa iyo muggiisuba waxa ay taaganyihiin xaalad qiirqiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beegaal heerkul cadaadis (B.H.C.)
m.l (fiisikis) (B.H.C.) Beegalka heerkulka iyo cadaadiska oo hore loo odhan jirey heerkulka iyo cadaadiska caadiga ah, waa xaaladda beegaal ee loo adeegsado furfurista xisaabeed ee xaddiyada isla beddela heerkulka iyo cadaadiska, marka la is barbar dhigayo astaamaha neefaha. Xaaladdaasi waa marka heerkulka yahay (273.15 K ama 0øC) iyo cadaadis (760 mm Meerkuri ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbire-selsiyas
m.l (-rayaal ..., m.l/dh) (fiisikis) Cabbir heerkul ee barta barafku yahay 0ø; barta karkuna tahay 100°. Digriiga selsiyas (Summad: °C) waa 1/100 gaaliska heerkulka, waxana uu laxaad ahaan le'egyahay kelvin (°K).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadaadis-uumi
m.l (fiisikis) Cadaadiska uu uumi dhaliyo. Marka uu uumigu la dheelitiranyahay hoorkiisa, cadaadiska uumigu waxa uu ku xiranyahay heerkulka hoorka, waxana loo yaqaanaa caadadiska uumiga dheregsan (CUDh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-badhaale
m.dh (juqraafi) Nooca cimilo ee laga helo dhulalka hoose ee u dhexeya loolka 5° ilaa 10° ee woqooyiga iyo koonfurta badhaha. Sannadka oo dhan heerkulka iyo huurkuba si aan isbeddel lahayn ayayba u sarreeyaan, isbeddellada xilliyeedna waa wax aad u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-buureed
m.l (juqraafi) Nooc cimilo oo ay keenaan kala sarraynta iyo joogga dhulka halkii ay ka keeni lahaayeen loolka iyo xaaladda badeedda ka jirta meesha; waxaa dhici karaysa in laga helo gobol kasta, wuuna ka baxsanyahay habka cimilo goboleedka waaweyn ee jira. Marka loo fiirsho dhulalka hoose, buuruhu waxay muujiyaan hoos u dhac xagga cadaadiska hawada, heerkulka, huurka, iyo kaah qorraxeedka oo kordha, iyo marka la gaaro joog door ah oo roobku bato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-gooreed-daqas
m.dh (juqraafi) Xaaladda gibilka ee waqti gaar ah ama xilli yar oo gaar ah, sida ay ku qeexaan cilmi gibillo kala duwani, oo ay ka mid yihiin cadaadiska gibilka, heerkulka, huurka hawada, roobka, daruuraha, iyo xawaaraha dabaysha iyo jihada. Dhulbadhaha agtiisa cimilo gooreedu waxay samaysaa isbeddel yar taasoo inta badan la mid ah cimilada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimilo-qaaradeed
m.dh (juqraafi) Nooc ka mid ah cimilooyinka dunida oo laga helo dhulweyneyaasha dunia, gaar ahaan inta u dhexeysa kulaaleyda iyo tundaraha ee galoobbadhka woqooyi. Saamaynta cimiladaasi waxay gaadhaa xeebahabariga ee qaaradaha iyo jasiiradaha deriska la ah. Waa cimilo ay astaan u tahay faraqa weyn oo u dhaxeeya heerkulka xilliyada kulaylaha iyo gabowga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
degaan habboon
m.l (baayoloji) Kaalinta uu noole ka qaato deegaankiisa. D.ka h. ee noole waxa lagu qeexi karaa cuntooyinka kala duwan ee uu quuto, kuwa isaga ugaadhsada, sida uu heerkulka ugu adkaysto iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharab-barafeed
m.l (fiisikis) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digrii
digrii¹: m.l Darajo.
digrii²: m.l 1. (fiisikis) Halbeegga heerkulka oo la doorsooma kolba qiyaasta la adeegsanayo, sida santigireedh ama feeranhayt. 2. (juqraafi) Halbeegga loolka ama dhigaha ee la adeegsado si loo muujiyo meel ka mid ah dhulka dushiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eber sugan
m.l (fiisikis) Heerkulka ugu hooseeya ee aragti ahaan suurtagala. Waa heerkulka tamar socodka molikiyuulada iyo atamadu uu ugu hooseyo, wuxuuna u dhigmaa - 273.15 C ama -459.67 F.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaranhayt
m.l (fiisikis) Qiyaasta heerkulka ee uu keenay fisigisyahan Jarmal ah oo la yiraahdo Gabriyeel Faaranahyt (1686 - 1736) waxaana looga isticmaalaa waddama Ingiriisiga ku hadla. Barta barafowga iyo tan karka ee biyuhu waxay kala yihiin 32 iyo 212 sida ay u kala horreeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fud-barafeed
m.l (fiisikis) Cadad biyo fadhiista ah oo ku samaysma dhulka dushiisa, marka heerkulka hawadu uu hoos u dhaco ilaa iyo ka hoos.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gef
gef¹: m.l la-mid: gaf¹.
gef²: m.l (-faf/-fef, m.l) 1. (fiisikis) Cabbiraadda ama qiyaasta aan la hubin ee xaddi. Tusaale ahaan, kulbeeg meerkari ah badanaaba waxa suurtaggal ah in heerkulka laga akhriyo darajada ugu dhow.. (xisaab) Marka laga hadlayo saafid tireed gefafku waa laba nooc: a) g. duubid: jawab tireed aan sugnayn ee ku soo baxda xisaabinta; b) Gefaf la jare ah: waxa ay la xiriiraan xadad lagama maarmaan ah ee ku jira sugnida seeb.
gef³: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: gaf².
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cheerful
/jiirful/ (adj) faraxsan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cheerful
/jiirful/ (adj) farahsyng, fehmy leh.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cheerful
a., badhaadhsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heerdhul
m.l (fiisikis) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkulkar
-ka: (magac, lab, keli) heerkulka uu hoor isu geddiyo weji neefeed. Heerkulkarku ma doorsamo inta ay socoto wejigedintu.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heer dhul
Ground state
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-dhul
m.l (fiisikis) Xaalad tamareedka neg, uguna hoose, ee molikiyuul, atam ama bu'. Tusaale ahaan, marka elektaroonka atamka hydaroojin ugu dhow bu'da, ayaa heerka tamarta atamka haydaroojin ugu hooseeyaa. Taas ayaa ah heer dhulka atamka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Beerlula
name-f liver-shaker; lit: sultry beauty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Beerlula
magac loo baxsho gabadh quruxdeeda loo hamuumo oo xusuusteedu hammi ku abuurto qofkii bartaba.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cheer up
/jiir ap/ (v) farxad gelin; karaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heersuge
m.l (-gayaal, m.l/dh) (xisaab) Tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heersuge
-ha: (magac, lab, keli) tirada dhinac u taxyada ama joog u taxyada ee ku jira sugaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meerkuri
m.l Hoore bir ah cad cufnaan weyn oo badanaa loo adeegsado heerkulbeegyada. la-mid: meerkiyuuri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meerkuri
m.l Hoore bir ah cad cufnaan weyn oo badanaa loo adeegsado heerkulbeegyada. la-mid: meerkiyuuri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meerkuri
m. n., (mass n.): mercury {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meerkuri
-ga: (n) mercury (meerk uriy, Symbol Hg ~ meerkori
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerkuri
-da: (magac, dhedig, keli) curiye dareere ah oo heerkulkiisu meeldhexaad yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meerkuri
de: mercury {chemistry} (metallic chemical element) {Eng}
lx: meerkuri
pd: (-ga)
ps: n-m-mass
key: meerkuri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beerkutaal
(Beerkutaa-sha)
Xubin sida kolay yar u samaysan oo dhacaan cagaar-cillaan ah (xammeeti) oo aad u xaraari ku jiro; xanshareeri (xanjareeri).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beerkutaal
m.dh 1. Galka yar ee ay xameetida ku jirta oo beerka ku taal. 2. la-mid: uurkutaallo. la-mid: beerkutaallo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beerkutaal
f. n., [compound] gall bladder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerkutaal
-sha: (magac, dhedig, keli) dheecaan midab hurdi ah leh ama ka dacarta oo beerku sameeyo ay ku dhexjirto. Beerkutaasha ayaa xanuun kaga dhacay. Dh: beertaxaliil, xanshareeri, xameeti, xanjareeri, beerkutaallo, xameeti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beerkutaal
a: beerkutaallo [n6-f]
de: gall bladder
lx: beerkutaal
pd: (/sha)
ps: n-f-cmp
key: beerkutaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heel
(Heel-ka)
Inta ceel, degmo, magaalo, kd., u ogog leh; agagaar; sabo; fagaag; heelad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heel
heel¹: m.l 1. Meel, ood, buuro iyo wixi lamida ay ku wareegsanyihiin. 2. Agagaar.
heel²: m.dh Hoore yar oo weel salkiisa ku haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heel
m. n. space surrounding a settlement ~ well
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
heel
(n) the rounded end portion of the foot under and behind the ankle.
cidhib
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
heel
/hiil/ (n) 1. cirib. (n) 2. ciribta kabta. (v) 3. cirib-gelin (kabta oo meesha ciribta loo sameeyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heel
-ka: (magac, lab, keli) inta ceel, degmo ama magaalo ka ag dhaw ama hareereheega ah. Dh: agagaar, sabo, fagaag, heelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heel
de: space surrounding a settlement ~ well
lx: heel
pd: (-ka Pl: heelal (ka))
ps: n4-m
key: heel
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heel
n., cidhib, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heer
(Heer-ka)
1. Waxa qoyani meesha ay gaaraan, raadka ay ku reebaan.
2. Jago; darajo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer
heer¹: m.l (-rar, m.l) 1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
heer²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax goyn. 2. Wax heeraar ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heer
m.l (-rar, m.l) 1. Dareere weel lagu shubay raadka uu reebo. 2. Jago; derejo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heer
v. wound; cut
heer m. n. stage, level; class, status, rank
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heer
-ka: (n) level (level); degree (dig rit); stage (isteej); class (kalaas)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heer
Livello
Level
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heer
(fal) naafo ka dhig; waxyeello weyn gaadhsii. Dh: dhibaatee, waxyeelee, dhaawac.
heer -ka: (magac, lab, keli) biyo ama dareere kale oo weel ku jira marka wax gaaran raadka ama amaarad ay ku sameeyo ama ku reebto.
heer -ka: (magac, lab, keli) meesha wax taagan yihiin, joogaan.
heer -ka: (magac, lab, keli) jago, derejo ama meesha wax joogaan. Kooxda heerka koobaad ayaa kuubkii qaadday. Dh: derejo, meel.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
heer
مَنْزِلَة
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heere
-ha: (magac, lab, keli) magac guud oo lagu yidhaa wax kasta oo halis geysan kara. Dh: dhible, waxyeelleeye.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
herbu
herbu, adj. - doog badan leh; dhul cagaar leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eeryal
-ka: (magac, lab, keli) eeg anteeno.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hébreu
hébreu, adj. - Yuhuud; Cibri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heer_2
de: wound; cut
hm: 2
lx: heer
pd: (heeray)
ps: v1=
key: heer_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heer_3
cf: dabaqad; maqaan; martabad
de: stage, level; class, status, rank
hm: 3
lx: heer
pd: (-ka Pl: heerar (ka))
ps: n4-m
key: heer_3
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeran
La heeray; naafo laga dhigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeran
heeran¹: m.l.kh la-mid: heerin.
heeran²: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Wax la jaray noqosho. 2. Heerin u safrid.
heeran³: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la jaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeran
der. [adjective] wounded, mutilated, maimed; crippled
heeran [inchoative] v. be wounded ~ maimed, get crippled
heeran m. n., [collective] group of women seeking husbands in another area
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heeran
-ah: (adj) marriage-seeker, especially women seeking marriage from different area from where they live
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeran
(tilmaame) cid la heeray; cid naafo laga dhigay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heerar
-ka: (n) [Plural ofheer] levels (levelis)-, stages (isteejis)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerid
(Heerid-da)
Naafo ka dhigid; goyn; dhaawicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerid
m.f.dh eeg heer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerid
-da: (magac, dhedig, keli) naafo ka dhigid; dhaawicid, waxyeellayn. Dh: dhaawacid, heeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heerin
(Heerin-ka)
Gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heerin
m.l.kh H. ah: gabdho in la guursado darteed isu raaca oo dalka u mara. la-mid: heeran¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heerin
m. n. alliance through marriage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerin
-ta: (magac, dhedig, keli) gabdho guurdoon ah oo dhulkoodii dhul an ahayn u baxa; gabdho in la guursado isu raaca oo dhulka geyaankoodu joogo marba meel ka taga, ilaa iyo inta laga guursanayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heerin
de: alliance through marriage
lx: heerin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heerin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heerid. heeritaan-ka: (magac, lab, keli) naafo ka dhigitaan ama dhaawacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeryo
(Heerya-da)
Rarada, abjedyada, kd., awrta kolka la rara hayo dusha laga saaro, intaan gurgurka iyo dhigaha iyo alaabada kale la saarin; (ama reeryo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeryo
m.dh Rarada awrka kolka la rarayo dusha laga saaro. la-mid: reeryo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heeryo
m.dh Rarada awrka kolka la rarayo dusha laga saaro. la-mid: reeryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeryo
f. n. mats (etc.) tied on a pack camel's back as a foundation for the load
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeryo
-da: (magac, dhedig, keli) rarada, abjedyada iyo wixii la mid ah, awrta kolka la rarayo dusha laga saaro, inta aan gurgurka iyo dhigaha iyo alaabada kale la saarin. Dh: reeryo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeryo
a: reeryo
de: mats (etc.) tied on a pack camel's back as a foundation for the load
lx: heeryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: heeryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergal
hergal¹: m.l la-mid: hargal¹.
hergal²: f.mg2 (-galay, -gashay) la-mid: hargal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfal
m.l la-mid: beerfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerfal
(fal) beer qodasho. Dh: qod.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fearful
/fiir-ful/ (adj) 1. cabsi-leh (adj) 2. cabsanaya, baqaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaal
(Heemaal-ka)
Habsami iyo qaab-wanaag.