heer-tamar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-tamar
m.dh (kiimika) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heertamar
m.dh (kiim.) (Atam). Dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektaroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heertamar
-ta: (magac, dhedig, keli) 'Atam', dhiska elektarooneed ee tilmaamaya sida elektaroonada ku gadaaman bu'du u habaysanyihiin, gaar ahaan heertamarrada ay ku sugan yihiin. Elektroon kasta waxa xaaladdiisa. Lagu asteeyaa afarta tiro kuwaantam.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Electron Energy level
Heer tamar elektroon
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Electron shell
Heer tamar elektaroon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeraar
(Heeraar-ka)
Ood ama wax la mid ah oo dhawraarin darteed wax ku wareegsan; deyr; xero; sarsar; meegaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraar
heeraar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iyo wixi lamida oo meel ku wareegsan.
heeraar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heeraar
heeraar¹: m.l 1. Timo wareeg ah oo gabdhaha aan weli qaan gaarin loogu reebo madaxa. 2. Ood iyo wixi lamida oo meel ku wareegsan.
heeraar²: f.g1 1. Gabar yar oo aan weli qaangaarin, iyadoo food loo reebayo dhalada ka xiirid. 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareejin. m.f.dh, heeraarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeraar
m. n. fence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heeraar
-ka: (n) enclosure (enkalowshar)-, fence (feens)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeraar
-ka: (magac, lab, keli) ood ama wax la mid ah oo dhawraarin darteed meel loogu wareejiyo; dayr wareegsan. Heeraarta ha gurin bahalkaa ka soo dhacayee. Dh: deyr, xero, sarsar, meegaard.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeraar
de: fence
lx: heeraar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heeraar
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-XAMAR
(Ged-hamar) C Cucumis halabrada Chiov. Cucurbitaceae.
C Cucumis prophetarum L. Cucurbitaceae.
N Lantana petitiana Rich. Verbenaceae.
N Lantana rugosa Thunb. Verbenaceae.
N Lantana viburnoides (Forsk) Vahl. Verbenaceae.
N Lippia carviodora Meikle. Verbenaceae.
N Otostegia somala (Patzak) Sebald. Labiatae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-CAMBAR
(Ged-ambar) N, C Euphorbia longetuberculosa Boiss. Euphorbiaceae.
N Dorstenia foetida (Forsk.) Schweinf. & Engl. Moraceae.
N Heliotropium strigosum Willd. Boraginaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heertamarta-k
m.dh eeg atam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feeraar
(Feeraar-ka)
Kala fogaan; kala durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feeraar
m.l Kala fogaan, kala durugsanaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
feeraar
m.l Kala fogaan, kala durugsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feeraar
v. be spread out ~ separate
feeraar vl. n. separation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feeraar
-ka: (magac, lab, keli) biyo ama wax la mid ah, dul salalid. Dh: seeraar, sabbayn.
feeraar -ka: (magac, lab, keli) kala fogaan, kala durugsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeraar
(Geeraar-ka)
Jaadadka maansada mid kamid ah oo gabayga u dhow kase tixo gaaggaaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeraar
geeraar¹: m.l (-rro, m.dh) Maansada qayb ka mid ah oo gabayga ka tix gaaban, si gaar ahna loogu luuqeeyo.
geeraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Geeraar tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geeraar
geeraar¹: m.l (-rro, m.dh) Maansada qayb ka mid ah oo gabayga ka tix gaaban, si gaar ahna loogu luuqeeyo.
geeraar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Geeraar tirin. m.f.dh, geeraarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeraar
m. n. Somali epic poem, ballad poetry ~ song (mostly about war)
geeraar v. compose ~ recite a Somali epic poem ~ song
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
geeraar
-ka: (n) a Somali narrative poem: epic (epik); ballad (baalad); usually sung by man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeraar
(fal) jaadka maansada loo yaqaan geeraar, tiri. Arooska aynu caawa tegeyno ka geeraar. geeraar-ka: (magac, lab, keli) jaad maansada ka mid ah oo sida gabayga loogu luqeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaar
(Heemaar-ka)
1. Badar (budo, jiriir, buunshe) lagu daro burcadka la shiila hayo, si uu miidda iyo gufarka u kala sooco, dabadeedna weelka guntiisa ku hara.
2. Waxyar; dindin; qarroor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaar
m.l 1. Budo yar oo lagu bitiyo subag la shiilayo si xantadu hoos u degto. 2. Heerka uu sameeyo dareere weel ku jira. 3. Hoore yar oo weel salkii ku jira.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemaar
m. n., [collective] grains put into milk to encourage the ghee to separate
heemaar m. n., [collective] scraps, scrapings from a vessel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaar
-ka: (magac, lab, keli) badar iyo wixii la mid ah, oo lagu daro burcadka la shiilo, si uu miidda iyo gufarka u kala sooco, dabadeednal weelka guntiisa ku hara. Marka codcodka la miiro heemaarka dumarkaa cuna.
heemaar-ka: (magac, lab, keli) gororka caanaha ah ee gorofka guntiisa ku hadha. Dh: goror, hambo.
heemaar-ka: (magac, lab, keli) subag la shiilay huubaha iyo hadhaaga weelka kaga hadha. heemaari: (fal) caano fuuqso; hiinso.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Heer-ka
niveau.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeraab
(Heeraab-ka)
1. Docda hoose oo doonyaha iyo wixii la mid ah, tiir dheer oo ku yaal oo isu wada haya, shalmaankuna madaxa hoose ku wada hayaan; lafdhabarta doonyaha.
2. (dab) dab baxa haya oo aan weli ololin; hulaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraab
m.l (-bo, m.l) Docda hoose ee doonyaha tiir dheer oo ku yaal oo isu haya, shalmaankuna madaxa hoose ku hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeraab
m. n. keel of boat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeraab
-ka: (magac, lab, keli) dab, dab baxaya oo aan weli ololin; hulaaq.
heeraab -ta: (magac, dhedig, keli) docda hoose ee doonyaha iyo wixii la mid ah, tiir dheer oo ku yaal oo isku wada haya; wuxuu wada hayaa shalmaanka oo madaxa hoose kula wada jira; waa na lafdhabarta doonta. Dh: udubdhexaad.
heeraab -ta: (magac, dhedig, keli) dab baxaya oo aan weli ololin. Dabku weli waa heeraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeraab
de: keel of boat
lx: heeraab
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heeraab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seeraar
f.mg1 (-ray, -rtay) Ka s.: wax, wax ku gudbanaa dhaafid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Seeraar
nickname-m he who throws something out of sight (i.e., over a wall). Lit: someone who marauds around unexpectedly; restless person. Cf: Warfaa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Seeraar
magac loo bixiyo nin dhaqdhaqaaq badan ama dhib iyo dagaal leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeraar
(fal) dulsabbee oo ha deggin. Dh: deg. sabbay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weeraar
-ka: (magac, lab keli) eeg waraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beersaar
(Beersaar-ka)
Hab fardaha loo fuulo ama loogu tabeeyo; iyadoo aan rakaabka cagta la saarine lagu boodo oo beerka la saaro ama hadba dhinac laysaga dhejiyo oo dabadeed lagu tooso; (ama beersaaro).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beersaar
beersaar¹: m.l la-mid: beersaarid.
beersaar²: f.g1 (-ray, -rtay) Faras leedda ah fuulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beersaar
v., [compound] leap onto a horse, mount with a jump
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beersaar
-ka: (magac, lab, keli) qaab fardaha loo fuulo oo aan rakaabka cagta la saarin ee lagu boodo, beerka la saaro ama hadba dhinac la isaga dejiyo oo lagu tooso. Beersaar baan faraska ku kori jirey markaan gaban ahaaye. Dh: beersaaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beersaar
de: leap onto a horse, mount with a jump
lx: beersaar
pd: (beersaaray)
ps: v1=cmp
key: beersaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheeraar
m.l Xarig dheer oo xoolaha lagu xiro si uu u daaqo una fogaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feertame
m. n. fighter, boxer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feertame
-feertamaha: (n) [Pl. feertamayaa-sha] boxer (book-ser)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
feertame
de: fighter, boxer
lx: feertame
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: feertame
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Heeraar samaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heernaan
m.f.dh eeg heeran³. la-mid: heernaan-sho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hertamid
m.dh la-mid: hardamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg reermaadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeritaan
-ka: (magac, lab, keli) dhul dhir ku abuuris. Beeritaan beereed buu ku maqanyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beertacab
m.l Beer falow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beertacab
m.l Beer falow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beertacab
-ka: (magac, lab, keli) xanuun aan weyneyn. Wiilka beertacab ayaa haya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feertamid
(Feertamid-da)
Cayaarta feerka cayaarid; feer isla dhicid; is feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feertamid
m.f.dh eeg feertan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feertamid
-da: (magac, dhedig, keli) feedh iskala hor tegid; feedh ku ciyaarid ama ku dagaallamid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-SAAR
(Ged-sar) S Cucumis figarei Naud. Cucurbitaceae.
S Acridocarpus glaucescens Engl. Malpighiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geedxamar
(Geedxamar-ka)
Geed yar oo dhirta udgoon kamid ah; waxaa aalaa lagu shiilaa subagga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedxamar
m.l Geed nagaar laamo jilicsan leh, udgoon oo lagu shiilo burcadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geedxamar
m. n., [compound] aromatic plant species, its fruit is used in cooking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedxamar
-ka: (magac, lab, keli) geedgaab udug leh oo lagu shiilo subagga oo ur wanaagsan u yeela.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geedxamar
de: aromatic plant sp., its fruit is used in cooking
lx: geedxamar
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: geedxamar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegitaan
-ka: (magac, lab, keli) neef, meel ku xidhitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemitaan
-ka: (magac, lab, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heenshaar
-ka: (magac, lab, keli) qof lebbiska ku qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeraaran
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareegsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heeraaran
f.mg4 1. Wax heeraar loo yeelay ahaansho (gabar). 2. Ood iyo wixi lamida meel ku wareegsan. m.f.dh, heeraarnaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heerwabax
Level of saturation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heesitaan
-ka: (magac, lab, keli) hees ku luuqayn: hees qaaditaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeritaan
-ka: (magac, lab, keli) eeg meerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeritaan
-ka: (magac, lab, keli) soohdin u yeelitaan; xeeritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) xeerid samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeeritaan
-ka: (magac, lab, keli) u dhawaaqitaan. Nin dhegala' yeeritaan ma maqlee taabo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-HARAR
(Ged-harar) C,S Acalypha fruticosa Forsk. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-KAXAR
(Ged-kahar) C Tribulocarpus dimorphanthus (Fax)S.Moore. Aizoaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEEL-BADAR
(Gel-badaro) N Cadia purpurea (Picc.)Ait. Papilionaceae.
N Rhyncosia sublobata (Schumach.) Meikle Papilionaceae.
N Rhyncosia valutina Wight & Arn. Papilionaceae.
N Tephrosia uniflora Pers. Papilionaceae.
N, Og Diceratella elliptica (DC) Jonsell. Crucifrae.
N Convolvulus hystrix Vahl. Convulvulaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerkulkar
-ka: (magac, lab, keli) heerkulka uu hoor isu geddiyo weji neefeed. Heerkulkarku ma doorsamo inta ay socoto wejigedintu.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-DAMEER
(Ged-damer) S Cassia occidentalis L. Caesalpinaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-QARAAR
(Ged-garar) C Oxygonum sp. Polygonaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEES-DAMEER
(Ghesdamer) C Maerua somalensis Pax. Capparidaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heer-badeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) Heerka baddu haddii aaney jirin mowjado, hirar ama haraaci.