heellaale
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Heellaale
nickname; name-m loyal, obedient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Heellaale
magac loo baxsho wiil laga filayo in uu noqdo mid daacad ah oo waalidkiisa adeeca.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Heellane
name-m loyal, obedient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Heellane
magac loo baxsho wiil geyfan oo hawlkar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heellanaan
(Heellanaan-ta)
Wax heellan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heellanaan
m.f.dh eeg heellan. la-mid: heellanaansho, helloonaan, helloonaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heellanaan
f. n., [abstract] loyalty, obedience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax heellan ahaan; hanwaynaan iyo niyad samaan wax loo hayo. Dh: doonidtaan. Li: niyadjabsanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heellanaan
de: loyalty, obedience
lx: heellanaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: heellanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heerimaale
-ha: (magac, lab, keli) neef diidimo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheellaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Xawliga matoorka kordhin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheellaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Xawliga matoorka kordhin. m.f.dh, sheellarayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheellaree
v. accelerate, speed something up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheellaree
-yey I sheellareysay: (v) accelerate (ak-si-lareeyt); step on the gas; speed up ~ xiimi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheellaree
de: accelerate, speed s.t. up
initial: s
lx: sheellaree
pd: (sheellareeyey)
ps: v2b=tr
key: sheellaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Allaale
Kasta; walba; alla; (sida qof allaale qofkii...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
allaale
s. la-mid: alla.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
allaale
s. Kasta, walba. Mar allaale markii: mar kasta. la-mid: alla.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Allaale
name-m belonging to Allah. Cf: Rabbiile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Allaale
magac loo bixiyo wiil aabbihii dhintay markuu dhashay xoolana looga tegin ama fooshii hooyadii ku le'an gaadhay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allaale
eray magacyada kaga dabakarma gadaal oo ay ulajeeddadiisu tahay: kasta. Wax allaale wixii aad doonto i weyddii. Dh: kaste, walba.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DEELAAL
Cordia ovalis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DEELAAL
(Delal) C Cordia somaliensis Bak. Boraginaceae.
S,NFD Phyllanthus somalensis Hutch. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heellan
Aan dhega'adkayn, aan wax diidin; inuu wax qabto u diyaar ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heellan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. la-mid: heelloon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heellan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Qof wax u dhega nugul ahaansho. 2. Qof wax u diyaar ah ahaansho. m.f.dh, heellanaan. la-mid: heelloon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heellan
der. [adjective] loyal, obedient
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Heellan
name-f loyal, obedient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellan
(tilmaame) (u ~) u hanwayn oo niyadsami ku qaba. Dh: heelloon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heellan
a: heelloon
de: loyal, obedient
lx: heellan
pd: (heellanaa)
ps: adj-der
key: heellan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellay
(fal) hees qaad, hee ku luuqay: jiib iyo jaan isla socota samee. Dh: heellee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemaal
(Heemaal-ka)
Habsami iyo qaab-wanaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemaal
m.l 1. Dhiil la culay oo caano lagu garooriyey marka laga shubo murudka ku hara. 2. Qaab wanaagsan oo wax leeyihiin. 3. (-lo, m.dh) Agagaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemaal
m. n. beauty, beautiful form ~ style
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemaal
-ka: (magac, lab, keli) habsamida iyo qaabwanaagga. Heemaalka iyo quruxda gabadha waa lala ashqaraaray. Dh: habsami, hanaan joog, qaab wanaag.
heemaal -ka: (magac, lab, keli) wax yar ama dindin yar oo wax ka soo hadhay. Dh: dindin, goror, qarroor.
heemaal -ka: (magac, lab, keli) jaantus caddaynaya fikrad la daahfurayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemaal
de: beauty, beautiful form ~ style
lx: heemaal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: heemaal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yeelaal
(Yeelaal-ka)
Hab; qaab; falfal; farsamo, tab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelaal
m.l 1. Hab; farsamo; tab. 2. Laamo geed oo lagu xoojiyo wadaanta afkeeda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yeelaal
vl. n. method, way, skill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeelaal
-ka: (magac, lab, keli) qaab la adeegsado marka shay la samaynayo. Yeelaal wanaagsan ayuu adeedsaday. Dh: hab, qaab, farsamo, tab, xeelad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yeelaal
de: method, way, skill
initial: y
lx: yeelaal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: yeelaal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-allaale
de: -ever (whatever, whoever); each, every Lit: belonging to Allah
lx: -allaale
ps: pro-suf
xe: whatever things
xv: waxallaale
key: -allaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beenaale
(Beenaala-ha)
Beensheeg badan; aan run aqoon; beenlow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan, beenlow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beenaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nin been badan, beenlow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beenaale
m. n. liar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beenaale
beenaalaha: (n) [Pl. beenaalayaal] liar (laayar); a fabricator, fibber, storyteller male ~ beenlow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenaale
-ha: (magac, lab, keli) ninka beenta sheega. Beenaale markhaatigiisa fogeeyaa. Dh: baayir, beenlow. Li: runlow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beenaale
a: beenlow
de: liar
lx: beenaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: beenaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bullaale
(Bullaala-ha)
Faras midabkiisu bullo yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bullaale
m.l 1. Faras midabka dambarka leh. 2. Nooc ka mid ah jaadadka gorgorka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Bullaale
name: Bullalee (nick name for a man)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bullaale
m. n. cream ~ light, collectiveored horse with a big bushy tail
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bullaale
nickname-m light skinned. Cf: Bullo, Bullow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bullaale
magac loo baxsho wiil dhashay isaga oo leh midabka danbarka ah.
bullaale -ha: (magac, lab, keli) jaad gorgorka ka mid ah.
bullaale -ha: (magac, lab, keli) faras midabkiisu danbar yahay.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ceelaabe
name-m back from the well. Lit: he who was born while the water caravan was coming back home
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ceelaabe
magac loo baxsho wiil dhashay milay uu dhaanku ceelka ka soo laabmay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceelgaal
-ka: (magac, lab, keli) ceel biyo badan oo dhanaan leh oo geela jeela loo arooriyo. Dh: dhane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dillaale
m. n. broker, middleman
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dillaale
a: dullaal ~ dullaale
de: broker, middleman
lx: dillaale
pd: (/ha)
ps: n7-m, n5b-m
key: dillaale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Geesaale
ama Geesood, magac ama naanays loo baxsho wiil salxo dhaadheer jaaha ku leh. Waxa kale oo loo baxshaa wiil koodad soo baxsan leh ama koodadka timo gaar ah ku leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geesaale
-ha: (magac, lab, keli) wan weyn oo mug iyo maqaarba buuxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hallaali
-da: (magac, dhedig, keli) timo jilicsan oo raamo ah. Hallaali badan buu wiilku leeyahay. Dh: bulbul, raan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellani
-da: (magac, dhedig keli) eeg heellanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heellayn
-ta: (magac, dhedig, keli) heello ku luuqayn ama ku qaadid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SHELAALE
(Scelale) S Xylocarpus granatum Koenig. Meliaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
telltale
/tel-teyl/ (n) 1. war-sheeko badan (qofka dadka ka war-sheekooda) (adj) 2. sheegaya (caddaynaya, sida caddayn wax xaqiiqdooda laga fahmi karo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeelaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax samayn ama hindisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aleelaale
(Aleelaala-ha)
Jaadadka dibqallooca mid ka mid ah, oo aad u weynaada, oo xubnaha dabada iyo oogada qaarkeed midabyo ku yeesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Nooc dibqallooca ka mid ah oo aad u weyn oo dabada midabbo kala duwan ku leh, waabaayo halis ahna leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aleelaale
m. n. large scorpion species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aleelaale
-ha: (magac, lab, keli) jaad dibqallooca mid ka mid ah oo aad u weynaada. Dabada iyo oogada ayuu xubno midabyo leh ku yeeshaa. Aleelaaluhu waa cayayaan sun badan oo halis ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aleelaale
cf: dibqallooc
de: large scorpion sp.
lx: aleelaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: aleelaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Beeldaaje
(Beeldaaja-ha)
Madaxa beesha u taliya; taliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeldaaje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Nin beel madax u ah; ugaas; garaad; malaaq.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beeldaaje
m.l (-jayaal, m.l/dh) Nin beel madax u ah; ugaas; garaad; malaaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeldaaje
m. n. chief, leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeldaaje
-ha: (magac, lab, keli) ninka beel u taliya. Beeldaajaha ballanka soo qaayay. Dh: hogaamiye, taliye, hormood, nabaddoon, beeldaajiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeldaaje
bw: beeldaajiye
cf: taliye
de: chief, leader
lx: beeldaaje
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: beeldaaje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqlaawe
-ha: (magac, dhedig, keli) qof aan deeqda bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawllaawe
(Hawllaawa-ha)
1. Aan lahayn hawl uu qabto.
2. Islawareeg; maxoogsade; mashaqayste; meermeerti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hawllaawe
m. n. (adj.): person without work; unemployed; lazy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawllaawe
-ha: (magac, lab, keli) qof aan lahayn hawl uu qabto. Dh: matabcade, mashaqayste, meermeerti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hawllaawe
de: person without work; [atr.] unemployed; lazy
lx: hawllaawe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hawllaawe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meel kale
(adv) elsewhere (elas-weer); another place
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seenlaawe
m.l.kh (-wayaal, m.l/dh) S. ah: weel waxa ku jiraa afkiisa ayna ka sarreyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seenyaale
m. n. traffic light
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seenyaale
-seenyaalaha: (n) signal (signal)
u seenyaalee -yey/seenyaaleysay: (v) make a signal or signals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seenyaale
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah warisgaarsiinta badda oo calmaan midabyo leh oo mid waliba xaraf ama macnayaal kale ka dhigan yahay oo maraakiibtu isugu baaqdo; calanwalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seenyaale
de: traffic light {It}
initial: s
lx: seenyaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: seenyaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheellare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Bir xalleefsan, shukaanta halkeeda hoose ku taal oo marka cagta lagu riixo uu kordho xawliga wareegga matoorku.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheellare
m.l (-rayaal, m.l/dh) Bir xalleefsan, shukaanta halkeeda hoose ku taal oo marka cagta lagu riixo uu kordho xawliga wareegga matoorku.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheellare
m. n. accelerator
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheellare
-sheellaraha: (n) accelerator (ak-si-lareeyter); gas pedal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheellare
-ha: (magac, lab, keli) qalab baabuurta ku yaal oo xawaare siiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheellare
de: accelerator {It}
initial: s
lx: sheellare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sheellare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayeeshaale
(Hayeeshaala-ha)
Qofka wax kasta oo cid ka sarraysaa farto ama ka doonto, aan diidin ama hadal ka soo celine yeela oo haye yiraahda; midiidin aan sharaf lahayn; haaheeyarraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayeeshaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof wax kasta oo loola yimaaddo aan hadal ka keenin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayeeshaale
m. n. person who agrees with everyone; sycophant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayeeshaale
-ha: (magac, lab, keli) qofka wax kasta oo cidi farto ama ka doonto, aan diidin oo aan hadal ka soo celine yeela; midiidin aan sharaf lahayn. Dh: haaheeyarraac, hayaale.