heegangelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) ciidan ama wax kale diyaari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogagelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqo la hayay, daal kasta ha lala soo maree, halkii lala rabay gaadhsiin.
hogagelin -ta: (magac, dhedig, keli) waanin oo dhinacyo badan wax ka tusid. Dh: waxsheegid, waanin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelin
(Magangelin-ta)
Qof tabar yar, magangelis siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelin
m.f.dh eeg magangeli. la-mid: magangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ammaan u baahan magangelyo siin. Dh: ammaan, badbaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelin
(Fangelin-ta)
Neef lagu joogo, qof labaad saarid oo fanka fariisin; fansaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelin
m.dh la-mid: fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef lagu joogo, qof labaad saarid oo fanka fadhiisin. Dh: fansaarid, fanayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bullad iyo siigo badan oo geelu ku galgelimaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelin
m.f.dh eeg hargeli. la-mid: hargelis, hergelin, hergelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergelin
m.dh la-mid: hargelin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Heeganaan
Prontezza
Readiness
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Qof magangelyo siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
magangeli
f.g2 (-iyay, -isay) Qof magangelyo siin. m.f.dh, magangelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
magangeli
v., [compound] give sanctuary ~ asylum; protect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangeli
(fal) cid magan ku weydiisata badbaadi oo cadawga ay ka cabsanayso ka celi. Ninka magan kuugu yimaad adna magangeli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
magangeli
de: give sanctuary ~ asylum; protect
lx: magangeli
nt: magangelis (ka) [vn-m], magangelin (ta) [vn-f]
pd: (magangeliyey)
ps: v2a=cmp
key: magangeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagagelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hab ka mid ah ciyaarta Soomaalida oo uu qof keligii laba qof kol mida midba dhinac intuu kula qabto la legdamo. Dh: xagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeragelin
m.f.dh eeg xerageli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hoyn oo xaadhintii uu galayay gayn. Dh: xerayn, hoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelin
m.f.dh eeg gacangeli. la-mid: gacangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad haysay cadowgiisi u dhiibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesigelin
m.f.dh eeg geesigeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hogoggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax horay u qalloocday dib u toosin. Dh: hogaggelin, toosin, gaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelid
(Magangelid-da)
Cid magan u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelid
m.f.dh eeg magangal². la-mid: magangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid magan u noqosho oo badbaado weydiisasho. Dh: magangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelis
(Magangelis-ka)
Qof ama cid la magan geliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelis
m.l la-mid: magangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaggelin
(Xagaggelin-ta)
Labo qof oo isku dhinac ah, keli ula legdamid; midba xag u deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaggelin
m.f.dh eeg xagaggeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) legden uu qof qudhihi laba nin uu la wada qabto oo ay midba dhinac ka galaan. Dh: xagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaangelin
m.f.dh eeg ammaangeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) badbaadinta iyo nabadgelin cid aan is difaaci karayn. Ammaangelinta birimageydadu waa waajib kolka dagaal lagu jiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelin
m.f.dh eeg dhaqangeli. la-mid: dhaqangelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) hirgalin wax intii hore talo ama xeer dhigan ahaa. Dh: hirgelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddigelin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod geeddi ah u wadid. Dh: hayaamin, qayaadin, geeddiyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesiggelin
m.f.dh eeg geesiggeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weerarcelin
vl. n., [compound] counter-attack; repulse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
weerarcelin
-ta: (n) return attack; counterattack (kaawn-tar-ataak) ~ rogaalcelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerarcelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dagaal rogaal celis ah oo cid laga adkaadayi ay ciddi ka adkaatay ku qaaddo oo kaga horrayso. Dh: rogaalcelin. Li: baqadirir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
weerarcelin
de: counter-attack; repulse
initial: w
lx: weerarcelin
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: weerarcelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerargelid
m.f.dh eeg weerargal². la-mid: weerargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerargelid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal weerar ah galid oo cadawga kaga horrayn. Weerargaliddu qurshe ayay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeldheelin
(Dheeldheelin-ta)
Hadba cayaarsiin; koolkoolin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diiwaangelin
m.f.dh eeg diiwaangeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
diiwaangelin
vl. n. registration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diiwaangelin
-ta: (magac, dhedig, keli) shaqada la qabanayo oo diiwaanka la geliyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
diiwaangelin
de: registration
lx: diiwaangelin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: diiwaangelin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
diiwaangelin
تدوين
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeddi-gelin
(Geeddi-gelin-ta)
Cid geeddi ah wadid; guurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddiggelin
m.f.dh eeg geeddiggeli. la-mid: geeddiggelis, geeddeyn, geeddeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sheelsheelin
(Sheelsheelin-ta)
Celcelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheelsheelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale koolkoolin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegniin
-ka: (magac, lab, keli) beegitaanka wax la cabbiro.
beegniin -ka: (magac, lab, keli) meel ku beegitaan. Waxaan u malaynayaa ku beegniinka xafladu inay tahay berri.
beegniin-ka: (magac, lab, keli) meel ku shiishnaan. Ku beegniinka shiishka toosi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beygagin
m.dh la-mid: baydadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelid
(Fangelid-da)
Neef lagu joogo, qof labaad fuulid oo fanka fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelid
m.f.dh eeg falgal². la-mid: fangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelid
-da: (magac, dhedig, keli) faras qof fuushan yahay, fankiisa fuulid. Dh: fansaarid, fangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelis
(Fangelis-ka)
Fangelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelis
m.l la-mid: fanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fangelis
vl. n. act of riding pillion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelis
-ka: (magac, lab, keli) eeg fangelid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fangelis
de: act of riding pillion
lx: fangelis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: fangelis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgalin
m.dh la-mid: galaalgalin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgalin
-ta: (magac, dhedig, keli) kob yar oo wareegsan oo bannaan, oo xooluhu ku galgashaan, siiba geela. Dh: gelgelin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gangling
/gaangaling/ (adj) suuqan (dherer fool-xun leh).
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ganglion
Guntin dareen
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
ganglion
(n) a group of nerve cells found outside of the brain or spinal cord,
dareemayaasha ka baxsan maskaxda ama xangulada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ganglion
ganglion, n.m. - qanjidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geegaali
(Geegaali-da)
Waabaayo tan u daran oo aan laga kicin (ama geegali).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geegaali
m.dh Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. la-mid: geegali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
geegaali
m.dh Waabaayo aad u daran oo aan la kicin. la-mid: geegali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geegaali
f. n. deadly poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geegaali
-ga: (magac, lab, keli) beyda ta ugu daran ee aan laga kicin sunteeda. Dh: abguri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geegaali
cf: waabaayo
de: deadly poison
lx: geegaali
pd: (-da)
ps: n-f
key: geegaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelgelin
(Gelgelin-ta)
1. In mar ka badan gelin.
2. Kob yar oo wareegsan oo bannaan, oo ku galgalashada xoolaha ka waxaysanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gelgelin
m.dh (-lmo, m.l) Barxad yar oo boor badan oo geela iyo dameeruhu ku galgashaan si ay takarta iyo wixi lamida isaga reebaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gelgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) goob kooban oo bannaan ah oo geelu intuu fadhiisto haddana kolba dhinac u jiifsado oo ku galgasho isagoo dhulka isku xamaaraya. Dh: galgelin.
gelgelin -ta: (magac, dhedig, keli) wax, meel bannaan gelin oo haddana gelin. Li: bixbixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hangalan
(tilmaame) mid aan qoorta waxba ku xidhnayn. Dhaqanka Soomaalida gabadh hangalan waa gabadh geeriyaysan.
hangalan: (tilmaame) qof dumar ah oo asay sidda; haweenay agashii dhimashada sidda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargelid
(Hargelid-da)
1. Harkii soo gelid; harkii noqosho.
2. Harkii meel ku sugnaan, joogid, harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelid
m.f.dh eeg hargal². la-mid: hargal¹, hergelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hadhgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelis
m.l la-mid: hargelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heegan_1
de: tied by the leg; [fig.] alert, ready
hm: 1
lx: heegan
pd: (heegnaa)
ps: adj-der
key: heegan_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heegan_2
de: be tied by the leg; [fig.] be alert, ready ~ on patrol
hm: 2
lx: heegan
pd: (heegmay)
ps: v1=inch
key: heegan_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeggani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg heegganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegnaan
(Heegnaan-ta)
Wax la heegey ama heegan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heegnaan
m.f.dh eeg heegan³. la-mid: heegganaan, heegganaansho, heegnaan-sho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la heegay ama heeggan ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hengelni
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hengelnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergalid
m.dh la-mid: hargalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hergelis
m.dh la-mid: hargelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hirgelin
(Hirgelin-ta)
Dhaqan gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hirgelin
m.f.dh eeg hirgeli.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Hirgelin
Implementation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hirgelin
-ta: (v) the act of carrying out; fulfillment or fulfilment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hirgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqangelinta go'aan la qaatay ama hawl loo dhaqaaqay. Dh: hirgelis, hawlgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeenanin
m.f.dh eeg jeenani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luggelin
(Luggelin-ta)
(arrin) gelid; wax ka qabashadeed isku deyid, danayn; faraggelin, dhexgelid.