hayrafid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayrafid
m.f.dh eeg hayraf².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayraf
hayraf¹: m.l Qubashada uu dhiig ka qubto meel la saray.
hayraf²: f.mg1 (-fay, -ftay) Meel la saray dhiig ka qubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaafid
(Hadaafid-da)
Socod gaabis ah, socosho; hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafid
m.f.dh eeg hadaaf². la-mid: hadaaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii ilmo yar ama qof indhala' u socosho. Dh: ansaleellayn, hudeecid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halqafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hawada lalaya, dhexda kaqabsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrarid
m.f.dh eeg halrar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuurid oo ku midayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hanfafid
m.dh eeg handad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanfafid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) ka faanid laga faano wax la quudhsanayo. Dh: ka faanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardafid
(Hardafid-da)
Orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardafid
m.f.dh eeg hardaf². la-mid: hardaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardafid
-da: (magac, dhedig, keli) orod hardaf ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayaamid
(Hayaamid-da)
Meel fog oo abaari ka sokayso u guurid; kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayaamid
m.f.dh eeg hayaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad u fog oo nabad ama naq leh u rarid. Dh: dalandoolid, qayaadid, kaynaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalid
m.f.dh eeg haydal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaynafid
(Jaynafid-da)
Oogo aan dhaaddanayn yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaynafid
m.f.dh eeg jaynaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaynafid
-ka: (magac, lab, keli) maqaar u qallaley dufan la'aan. Dh: engeg, qallal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayracid
(Mayracid-da)
Goor gabbal-gaab ah ama fiid-horaad, xoolo daajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayracid
m.f.dh eeg mayrac². la-mid: mayricid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayracid
-da: (magac, dhedig, keli) galab daajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wayraxid
-da: (magac, dhedig, keli) wayrax ku jirid oo ilmo aad dhashay cadaw si xoog ah uga daaficid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayrqabid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag badan qabid. Dh: qayrqabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaygagid
(Dhaygagid-da)
Meel (ama wax) dhugasho oo indhaha ka qaadi waayid, libiqsi la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaygagid
m.f.dh egg dhaygag². la-mid: dhaygag¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaygagid
-da: (magac, dhedig, keli) yaabid oo fajac iyo anfariir qaadid. Dh: fajicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haaraamid
(Haaraamid-da)
Wax sidii la rabey si aan ahayn u dhacay, dad kale ku eedayn, ku dagaalid, wax kaga sheegid; hiilid; canaanasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haaraamid
m.f.dh eeg haaraan². la-mid: haa-raan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaraamid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo foolxagad tiro badan oo hiif ah cid kale u geysasho. Meel balaayo heeryaha dhigtoo, la isku haaraamey. Dh: guulguulid, hiifid, haaramid, eedayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halraacid
m.f.dh eeg halraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalmid
m.f.dh eeg haydalan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamid
m.f.dh eeg haylaan³. la-mid: haylaan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haylaamid
-da: (magac, dhedig, keli) aqal, dusha sare haylaan ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamid
m.dh la-mid: khayaanid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaamid
-da: (n) deception (disapshan), cheating (jiiting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanid
m.f.dh eeg khayaan. la-mid: kha-yaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayruufid
m.f.dh eeg mayruuf². la-mid: mayruufis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarraafid
m.f.dh eeg qarraf². la-mid: qarraaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarraafid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo kala fataalid ka shaqayn. Dh: jillaabid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharafrid
-ay / day: (v) disgrace (dis-gareeys); dishonor (dis-ooner); discredit (dis-keredit); degrade (di-ga-reeydh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharraxid
m.f.dh eeg sharaax². la-mid: sharra-xaad, sharrixid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sharraxid
-da: (n) the act of decorating; decking out; embellishing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharraxid
-da: (magac, dhedig, keli) sharraxis: faahfaahin; balballaadhin.
sharraxid-da: (magac, dhedig, keli) sharrax ku samayn; qurxin; bilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sharrifid
m.f.dh eeg sharrif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharrifid
-da: (magac, dhedig, keli) xurmayn: sharfid; muunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayruufid
m.f.dh eeg tayruuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayraamid
(Xayraamid-da)
Xayraan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayraamid
m.f.dh eeg xayraan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraamid
-da: (magac, dhedig, keli) xayraan noqosho. Xerta maqaamyada xayraamidda ayaa ku badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafid
(Hafid-da)
1. Si kale u qaadasho; illaawid.
2. Si degdeg iyo boob ah wax u cunid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąfid
m.f.dh eeg hąf².
hafid²: m.f.dh eeg haf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafid
-da: (magac, dhedig, keli) si degdeg iyo boob ah wax kaga qaadasho. Dh: hafis, boobid.
hafid-da: (magac, dhedig, keli) si kale u qaadasho. Dh: illaabid, illaawid, hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harid
(Harid-da)
1. Wixii lala socdey ama laga mid ahaa ka soo go'id, raacid la'aan.
2. Waxaan weli iman ama aan wax laga qaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harid
m.f.dh eeg har². la-mid: haris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhitaanka wax kale oo badan laga soo hadho. Dh: haris.
harid -da: (magac, dhedig, keli) meel, wasakhda iyo qashinka ka nadiinin. Dh: xaadhid, fiiqid, haris, xaaqid,haaqid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
afraid
/afreydh/ (adj) baqanaya; cabsanaya; welwelaya. e.g. I am afraid to swim.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
afraid
/afreyd/ (adj) obsy, welwel.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
afraid
a., cabsoonaya, baqaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayrid
m.f.dh eeg bayr³. la-mid: bayr¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayrid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u wee- casho. Bayridda ka ilaali oo hagaag u wad. Dh: baydhid, leexad, weecad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carfid
(Carfid-da)
Ur udgoon soo saarid, ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carfid
m.f.dh eeg caraf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carfid
-da: (magac, dhedig, keli) ur udgoon soo saarid ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daafid
(Daafid-da)
Daaf ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dąafid
m.f.dh eeg dąaf³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafid
-da: (magac, dhedig, keli) bakooro ku dhicid. Daafidda waa la kala qaadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faafid
(Faafid-da)
Meelo badan saabasho; wada gaarid; ballaarasho; fitaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faafid
m.f.dh eeg faaf². la-mid: faaf¹ (2), faah¹, faahid, faax¹ (2), faaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faafid
-da: (magac, dhedig, keli) hareeraha u kala fidid; meelo badan taabasho. Nadaafaddu waa ka hortagga faafidda cudurrada. Dh: baahid, fitaaxid. Li: ururid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafid
m.f.dh eeg gaaf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafid
-da: (magac, dhedig, keli) aroos u xafladayn; aroos gaaf u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haadid
(Haadid-da)
Duulid; lalid; bidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haadid
m.f.dh eeg hąad³. la-mid: haadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kor uga duulid; hawada dhexdeeda marid sida haadka iyo diyaaradaha. Haadiddu shinbiraha qaar way ku adagtahay. Dh: haadis, biibid, lalid. Li: daadegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haagid
(Haagid-da)
Dhab u cunid; ka dhergid; ka xiisadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haagid
m.f.dh eeg haag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haagid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cunto si fiican u cunid oo ka dhergid; si dhab ah u cunitaan. Caalooli sahay ma leh oo ka haagiddu waxba kuu tari mayso. Dh: dhergid, qaraarid, haagis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamid
-da: (magac, dhedig, keli) feker iyo talo laabta ku hayn.
haamid -da: (magac, dhedig, keli) caleen ama caws majo ama haame ku jarjarid. Haamiddii beertu weli way socotaa. Dh: goyn, jarid, haamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haaqid
-da: (magac, dhedig keli) xaadhista meel uskag iyo gidaafadi taallo si ay u nadiifawdo. Dh: xaadhid, xaaqid, salabayn, fiiqid.
haaqid-da: (magac, dhedig, keli) dabargoynta iyo laynta aan la isku naxariisan. Haaqiddii gumeystaha, ayaan weli hafeeftaa. Dh: xasuuqid, xaaqid, tirtirid, dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarid
(Haarid-da)
Dhuldhac diidid; werfid; harjadid; madaxdhulladhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarid
m.f.dh eeg hąar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad wejiga ama dhabarka lagaga dhigo ilmaha dhashay ama wanka adhiga lagu darayo ee sumalka.
haarid -da: (magac, dhedig, keli) dhuldhac ama welfid maanka la iska qaado. Dh: harjadid, welfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawid
m.f.dh eeg haaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haayid
(Haayid-da)
Niyo; dan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haayid
m.dh.u (-dyo, m.l) Nooc kalluunka ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haayid
f. n. intention, aim, objective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haayid
-da: (magac, hedig, keli) jaad kalluunka ka mid ah.
haayid-da: (magac, dhedig, keli) hammi iyo dareen, doonis xoog badani ku jiraan. Haayidda badan waa lagu horumaraa. Dh: dan, niyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haayid
de: intention, aim, objective
lx: haayid
pd: (-da)
ps: n-f
syn: dan, niyo
key: haayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadfid
m.f.dh eeg hadaf³. la-mid: hadaf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadrad
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan murti iyo macno badan lahayn oo kaftan iyo dacaayad ah. Dh: kaftan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadrid
m.f.dh eeg hadar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadrid
-da: (magac, dhedig, keli) isla hadlid hurdada dhexdeeda. Dh: qarwid.
hadrid -da: (magac, dhedig, keli) hadalbadni iyo afmiishaarnimo.