haylid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylid
m.f.dh eeg hayl². la-mid: haylaamayn, haylyaamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaylid
(Dhaylid-da)
Qof dhallinyaro ah, hawl ama wax kale ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylid
m.f.dh eeg dhayl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylid
-da: (magac, dhedig, keli) kala dhantaalid. Faataxo dhamaantiin umara inan Illaah dhaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylid
m.f.dh eeg bayl².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kululaansho, wax bayl ah oo karaya noqosho. Biyuhu baylidda badan way ku uumibaxaan. Dh: baylis,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylid
-da: (magac, dhedig, keli) fayl istaagid; soo xaadirid. Dh: faylis, rigood, safasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadlid
(Hadlid-da)
Waxa uurka ku jira afka kaga tiraabid, hadal ku sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadlid
m.f.dh eeg hadal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hadlid
vl. n. talking, speaking
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hadlid
-da: (n) the act of speaking or talking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadlid
-da: (magac, dhedig, keli) wax maskaxdu doonayso inay tidhaahdo, cod u samayn oo dhihid, ku dhawaaqid. Dh: hadlis, hadal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hadlid
de: talking, speaking
lx: hadlid
pd: (-da)
ps: vn1-f
xe: talking about the weather
xv: hawada ka hadlid
key: hadlid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawlid
(Hawlid-da)
Hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin, ku jaadid, u dhiibid; dhibid; shiidaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawlid
m.f.dh eeg hawl³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawlid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl la qabto u dirid. Dh: hawlis.
hawlid-da: (magac, dhedig, keli) hawl u yeelid; wax la qabto ku qaybin ama u dhiibid.
hawlid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale dhibid; qof kale shiddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaylid
m.f.dh eeg qayil².

xaylid
m.f.dh eeg xayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haylyaamayn
m.dh la-mid: haylid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayalid
(Dhayalid-da)
Cayaarid; dheelid; kaftamid; (ama dheyelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayalid
m.f.dh eeg dhayal². la-mid: dhayalis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydalid
m.f.dh eeg haydal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayilid
(Cayilid-da)
Hilib iyo baruur badan yeelasho; wax shilis ama buuran noqosho; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayilid
m.f.dh eeg cayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayilid
-da: (magac, dhedig, keli) baruur yeelad; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxlid
(Dhaxlid-da)
Xoolo dhaxal ah, qaybin, wax ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaxlid
m.f.dh eeg dhaxal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaylin
m.f.dh eeg dhayli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaylin
-ka: (magac, lab, keli) waraabaha baruurta cunay xaarkiisa. Dabadana adkee dhaylin baad diru lahay deene.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawalid
-da: (magac, dhedig, keli) u tudhid dhaqaale oo walaalnimo ku jirto. Dh: halaanhalid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaalid
name-m friend; lasting; eternal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laylyid
(Laylyid-da)
Layli bixin; carbin; jarayn; jebin; tababbarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laylyid
m.f.dh eeg layli². la-mid: laylis, layliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laylyid
-da: (magac, dhedig, keli) laylibixin oo shaqo barid. Dh: carbin, tababbarid, jaraqabad, agabbarid, jebin.
laylyid-da: (magac, dhedig, keli) jilcinta yeesha. Lalyid badan ayaa suun madaxa lagu sameeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayilid
(Qayilid-da)
Qayil u fariisasho; barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayilid
m.f.dh eeg qayil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qayilid
-da: (magac, dhedig, keli) jaad cunid; barjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaalid
(Shaalid-da)
(gaadiidka badda) mowjad duuban ka hortegid oo ka dhaadhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaalid
m.f.dh eeg shaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaalid
-da: (magac, dhedig, keli) 'markab' ka hor tagid mawjad oo ka dhaadhicid, mawjad duuban ka hortegid oo ka daaddegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaqlid
(Shaqlid-da)
Shaqal u yeelid; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaqlid
m.f.dh eeg shaqal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaqlid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha maro iyo wax la mid ah kaga dahaadhid.
shaqlid-da: (magac, dhedig, keli) shaqal u yeelid; shaqlis; xarakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawlid
(Shawlid-da)
Shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawlid
m.f.dh eeg shawl². la-mid: kawl¹, kawlid, shawl¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawlid
-da: (magac, dhedig, keli) shawl siin, ku deyid; qulaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayid
f.g1 (-day, -dday) Arrin, figrad iyo go'aan taageerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ayid
f.g1 (-day, -dday) Arrin, figrad iyo go'aan taageerid. m.f.dh, ayidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ayid
v. approve, confirm, support; recognize diplomatically
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ayid
-ay / een: (v) support (sepoort); give aid or encouragement to a person or cause ~ taageer. Syn: approve, corroborate, uphold, back, advocate, champion, confirm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayid
(fal) qof sii gacan dhaqaale ama taageero kale oo macno leh. Ayid dadka inta xuquuqdooda u halgamaysa. Dh: taageer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ayid
de: approve, confirm, support; recognize diplomatically
lx: ayid
pd: (ayiday)
ps: v1=
key: ayid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayl
1. (Hayl-ka) Miro iniino yaryar oo madmadow leh oo inta la engejiyo la ganacsado; waa miro udug wanaagsan leh, waxaana lagu darsadaa shaaha (ama heyl).
2. (Hay-sha) Summad xoolaha loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayl
hayl: m.l Iniino qolof ku dahaaranyahay, oo cuntada, shaaha, iyo wixi lamida lagu udgiyo. la-mid: heyl.
hąyl¹: m.dh (-lo, m.l) 1. Summad xoolaha loo yeelo iyadoo dhegta in yar hoos loo jeexayo. 2. Mirraaq yar oo maro dacalkeeda laga jeexay. la-mid: haylaan².
hąyl²: f.g1 (-ylay, -yshay) 1. Neef summad hayl ah u yeelid. 2. Wax si dherer ah u dillaacin. la-mid: haylaamee, haylyaamee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayl
m.l Iniino qolof ku dahaaranyahay, oo cuntada, shaaha, iyo wixi lamida lagu udgiyo. la-mid: heyl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayl
m. n. cardamom
hayl [feminine] n. mark cut into the ear of an animal for identification
hayl v. make a branding cut on cattle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hayl
-ka: (n) cardamom (kaardhamen) ~ heyl, heel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayl
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah geed xawaashka dumarku dheriga ku daraan. Waa midho iniino yaryar oo madmadow leh oo inta la engejiyo laga ganacsado. Waa midho udgoon oo shaaha iyo cuntadaba lagu darsado. Dh: heyl.
hayl-sha: (magac, dhedig, keli) sumad xoolaha loo yeelo oo ah jeex dhegta ka laallaada ama meel kale oo jidhka noolaha ah. Nirigtani dhegta hay! bay ku leedahay.
hayl-sha: (magac, dhedig, keli) maro hun ah ama inta ka laalaadda. Dh: qayd, baal, cad, shadfad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku sugnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aayid
(Aayid-da)
Wax raagey ama dib loo dhigay, waa danbe oo loo baahan yahay, waxtarkooda helid, ku tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aayid
m.f.dh eeg ay². la-mid: aayis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hadda la falay, mar danbe ku manaacfacsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aslid
(Aslid-da)
Asal marin; midabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslid
m.f.dh eeg asal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslid
-da: (magac, dhedig, keli) midabayn; asal marin. Aslid bay dhiishu u baahan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balid
-da: (magac, dhedig, keli) loox, bir iyo wixii la mid ah, ballaadhin oo wax labada dhinaca ka balan ka dhigid. Usha balidda waan ugu talagalay. baliil: (tilmaame) wax dadka oo dhan u muuqda; wax bannaanyaal ah; wax aan daah saarnayn. Xaajadani waa baliil oo cidna ka ma qarsoona. Dh: banyaal, bandharaareed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayid
f.g1 (-day, -dday) Wax qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayli
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo aad u karkarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bayli
f.g2 (-iyay, -isay) Biyo aad u karkarin. m.f.dh, baylin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bayli
v. boil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bayli
-yey -say: (v) boil something, especially water ~ karkari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayli
(fal) biyo kulayli ilaa intay la karayaan kulyal dartii 100° derejo. Baastada intaanad ku ridin dheriga bayli biyaha. Dh: faxi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bayli
de: boil
lx: bayli
nt: baylin (ta) [vn-f], baylis (ka) [vn-m]
pd: (bayliyey)
ps: v2a=tr
key: bayli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalid
m.f.dh eeg dal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayid
m.dh la-mid: deyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha ku jeedin, soo fiirin. Dh: eegid. Li: jeedsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falid
(Falid-da)
1. Afka ama addinka wax ka qabasho; wax aan hor u jirin, la imaansho; (wax) si ka dhigid; samayn; waxayn; falkin; yeelid; suubbin; qabasho.
2. Beer dhirta ka jarid, limid, kd.
3. Falfalid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falid
m.f.dh eeg fal². la-mid: fal¹ (4), falniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falid
-da: (magac, dhedig, keli) dhul beerid; beer ku tabcid.
falid-da: (magac, dhedig, keli) wax samayn; hawl qabasho.
falid-da: (magac, dhedig, keli) dad sixrid; qof wax u qabasho. Dh: raadqaadid, falis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayli
(fal) si isku toosni ah, isku daba jooji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galid
-da: (magac, dhedig, keli) meel gudaha u gaadhid.
galid -da: (magac, dhedig, keli) dugsi ama meel wax lag abarto, ku biirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gayid
-da: (magac, dhedig, keli) qof, cid kale xalaal u ahaan inuu guursado. Dh: gayitaan, falxalaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habid
(Habid-da)
Carruurta yaryar oo aan weli gacnaha wax ku qabsan karin, haruub yar (dhoqol) caano ku siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habid
m.f.dh eeg hab4.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Habid
Permeability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habid
-da: (magac, dhedig, keli) haan iyo wixii la mid ah, biyo sii deyn. Dh: habis.
habid -da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar wax siin; caano iyo wax la mid ah afka kaga daadaadin si uu u cabbo.
habid-da: (magac, dhedig, keli) qadarka faafida siimawga hoore ama neefi dhex marto daloolwalxeedka, kadib marka uu ku habsado saamaynta cadaadisku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadid
(Hadid-da)
1. Garasho; kasid.
2. Dilid; wedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadid
m.f.dh eeg had³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah, dilid; cid kale nafta ka jarid. Dh: dilid, wedid.
hadid-da: (magac, dhedig, keli) garasho iyo kasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadli
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka h.: hadalsii.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hadli
f.mg2 (-iyay, -isay) Ka h.: hadalsii. m.f.dh, hadlin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadli
(fal) (ka ~) cid kale, hadal ku jira ka soo saar; hadal ka keen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hafid
(Hafid-da)
1. Si kale u qaadasho; illaawid.
2. Si degdeg iyo boob ah wax u cunid, u qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąfid
m.f.dh eeg hąf².
hafid²: m.f.dh eeg haf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hafid
-da: (magac, dhedig, keli) si degdeg iyo boob ah wax kaga qaadasho. Dh: hafis, boobid.
hafid-da: (magac, dhedig, keli) si kale u qaadasho. Dh: illaabid, illaawid, hufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagid
(Hagid-da)
Qof indhala' wadid, (taxaabid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagid
m.f.dh eeg hąg. la-mid: hagis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagid
vl. n. guiding ~ leading of the blind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagid
-da: (n) leading (Hiding), guiding (geeyding)