hayeeshee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayeeshee
Haseyeeshee; laakiin: -se.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayeeshee
xi. Saas ay tahay; laakiin. la-mid: ha'ahaatee, hase ahaatee, haseyeeshee, yeel4.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hayeeshee
xi. Saas ay tahay; laakiin; ha'ahaatee; yeel; hase-ahaatee ld, haseyeshee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayeeshee
conj. but, however
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayeeshee
(xidhiidhiye) haseyeeshee; laakiinse; laakiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayeeshee
a: hase yeeshee
de: but, however
lx: hayeeshee
ps: conj
syn: laakiin
key: hayeeshee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haseyeeshee
Hayeeshee; ha ahaatee: laakiin; -se.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haseyeeshee
xi. la-mid: hayeeshee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haseyeeshee
(xidhiidhiye) eeg ha'ahaatee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ha'ahaatee
xi. la-mid: hayeeshee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hase ahaatee
xi. la-mid: hayeeshee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jir
jir¹: m.l (-rar, m.l) 1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.
jir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iyo wixi lamida mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee... Tusaale: “Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco!”. 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yeel
yeel¹: m.l (-lal, m.l) Qeeb ceel biyo looga cabbo sida wadaan, dawli iyo wixi lamida.
yeel²: m.l Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iyo wixi lamida.
yeel³: m.dh (-lo, m.l) 1. Xarig dheer oo loo isticmaalo awrta rariddeeda oo isaga gudba awrka dhinacyadiisa, dabagelisna leh. 2. Inta xarig ah ee ka samaysan harag.
yeel⁴: xi. (naxwe) Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.
yeel⁵: f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jir
jir¹: m.l (-rar, m.l) 1. Oogada dadka. 2. Roob badan oo habeen da'a.
jir²: f.g/mg1 (-ray, -rtay) 1. (f.g) Meel ku maqnaansho. 2. (f.g) Nafley iyo wixi lamida mudda noolaan. 3. (f.g) Wax sugnaantooda hubid. 4. (f.mg) La j.: xoolo ilaalin. 5. (f.mg) La j.: cid la socosho ama la joogid. 6. Jirtoo: waa yahay ee Tusaale: Naahoy, jirtoo hadduu aabbahaa dhul kala dillacay isku kabi karayo waa nin rag ah, hayeeshee aniga meesha aabbahay joogo dhulkuba kama kala dillaaco! 7. Iska j.: Ka digtoonow! 8. Shay intuu ka fogyahay shay kale. m.f.dh, jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yeel
yeel¹: m.l Y.-kay, y.-kaa: arrintay, arrintaa iyo wixi lamida.
yeel²: xi. (naxwe) Ha yeeshee (hayeeshee) ama hase yeeshee (haseyeeshee): ha ahaatee, laakiin.
yeel³: f.g1 (-eelay, -eeshay) 1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid. m.f.dh, yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilkacarro
-da: (magac, dhedig, keli) cudur ilkaha ku dhaca oon xanuun lahayn, hayeeshee ilkaha qotinnada u saara oo daadiiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxaad
(magac'uyaal) erey su'aaleed ka horreeya weedh wardoon ah oo ku wajahan lala hadlaha. Hooyo maxaad weydood la waalan?
maxaad -ka: (magac, lab, keli) aalad sida irbadda ah hayeeshee dherer iyo dhumucba ka weyn oo joonyadaha iyo rarka muurka lagu tolo. Xadhig iyo maxaad qaado oo jawaannada wada toltol. Dh maxaadh, shootoli, midhxaadh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxaadh
-ka: (magac, lab, keli) aalad sida irbadda ah hayeeshee dherer iyo dhumucba ka weyn oo joonyadaha iyo rarka muurka lagu tolo. Dh maxaad, shootoli, midhaadh..
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
néanmoins
néanmoins, adv. - Xiriiriye; sidaa awgeed; si kastaba; ee weli; se; hayeeshee; laakiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayeesho
(Hayeesha-da)
Hayeeshee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayeesho
f. n.; [conj.]: contrary; however, but
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayeesho
de: contrary; [conj] however, but
lx: hayeesho
pd: (/da)
ps: n6-f / expr
key: hayeesho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hase yeeshee
conj-phr. but, however, nevertheless
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hase_yeeshee
de: but, however, nevertheless
lx: hase yeeshee
ps: conj-phrase
xe: Today the weather is nice, however, tomorrow nobody knows.
xv: Maanta hawadu wey fiicantahay, hase yeeshee berri lama oga.
key: hase_yeeshee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayeeshaale
(Hayeeshaala-ha)
Qofka wax kasta oo cid ka sarraysaa farto ama ka doonto, aan diidin ama hadal ka soo celine yeela oo haye yiraahda; midiidin aan sharaf lahayn; haaheeyarraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayeeshaale
m.l (-layaal, m.l/dh) Qof wax kasta oo loola yimaaddo aan hadal ka keenin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayeeshaale
m. n. person who agrees with everyone; sycophant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayeeshaale
-ha: (magac, lab, keli) qofka wax kasta oo cidi farto ama ka doonto, aan diidin oo aan hadal ka soo celine yeela; midiidin aan sharaf lahayn. Dh: haaheeyarraac, hayaale.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayeeshaale
de: person who agrees with everyone; sycophant
lx: hayeeshaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hayeeshaale
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HAMEESH
(Hamesh) N Sideroxylon inerme L. Sapotaceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeshee
loc. question word: where?, at which place?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeshee
(adv) where (weer); at or in what place ~ halkee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meeshee
de: where?, at which place? = meel + tee
lx: meeshee
ps: qw-loc
xe: Where should I board?
xv: Meeshee baan ka fuulaa?
key: meeshee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayeesh
-ka: (magac, lab, keli) xoolaha intooda aad u jilicsan. Dh: hoome, ruqe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baylehee
f.g2 (-leeyay, -leysay) la-mid: baylihi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baylehee
(fal) wax dayacan ka dhig. Qofna shaqadiisa baylahee laguma yidhaa. Dh: dayac, baylihi, daranyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hareeree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dhinac kasta ka marid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hareeree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dhinac kasta ka marid. m.f.dh, hareerayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hareeree
v. go around the edge of
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hareeree
-yey/hareereysay: (v) siege (siij); surround (sarowndhi); encircle (enseerkal) ~ go'doomi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hareeree
(fal) dhinac walba ka mar. Dh: hareeray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hareeree
de: go around the edge of
lx: hareeree
pd: (hareereeyey)
ps: v2b=
key: hareeree
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hayyashe
mais.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayeeshi
m.dh.u Nafley gurijoogto, caato ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayeeshi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo abaar jooga oo caato ah. Dh: doon, weyd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: haleelsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshii
(fal) cid kale, hawl, kanshe u sii.
haleeshii: (fal) cag dambe cag hore gaadhsii. Ragga inna haleeshii. Dh: gaadhsii.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHAREERSHE
(Darershe) S Grewia panonisepala Chiov. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haleeshiin
m.dh la-mid: haleelsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haleeshiin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta kansho ay cid kaga bogato hawl ay qabanayso.
haleeshiin -ta: (magac, dhedig, keli) cid kaa durugsan wax gaadhsiin ama wax tegey ka dab ageyn. Dh: gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyeellee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid waxyeello gaarsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waxyeellee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid waxyeello gaarsiin. m.f.dh, waxyeellayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyeellee
v. harm, hurt, do harm to, inflict damage upon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyeellee
-yey / waxyeelleysay: (v) do harm; cause pain; mess up; persecute (peer-si-kiyuut); victimize (vik-ti-maayz); afflict (a-fi-likt) ~ hallee, dhaawac, wiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyeellee
(fal) eeg waxyeellay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyeellee
de: harm, hurt, do harm to, inflict damage upon
initial: w
lx: waxyeellee
pd: (waxyeelleeyey)
ps: v2b=tr
key: waxyeellee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashee
f.mg2 (-sheeyay, -shaysay) eeg cashaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashee
v. dine, have the evening meal; eat dinner, supper
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cashee
-yey / cashaysay: (n) have dinner or supper
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashee
(fal) eeg cashay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashee
de: dine, have the evening meal; eat dinner, supper
lx: cashee
pd: (casheeyey)
ps: v2b=
key: cashee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geesee
f.g/mg2 (-seeyay, -seysay) 1. (f.g) Wax gees u yeelid. 2. (f.mg) U g.: meel, magaalo iyo wixi lamida dhinac uga xigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geesee
v. stand on one side, be on one side of
geesee v. grow horns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhee
(fal) arrin ama wax kale saamayn ku yeelo. Dh: hadhay.
hadhee: (fal) hadh u samee ama hoos u yeel. U hadhee magasha dhulku waa kulayle. Dh: hadhay, haree, haray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Mar kasta wax ama qof ka hadlid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
halhee
f.g2 (-heeyay, -haysay) Mar kasta wax ama qof ka hadlid. m.f.dh, halhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hayste
m. n. adherent
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hayste
de: adherent
lx: hayste
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: hayste
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heecee
v. give an orphan child to a foster mother
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heecee
(fal) ilmo rajo ah oo hooyadii dhimatay hooyo muujisa u yeel. Dh: heecay.g
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heecee
de: give an orphan child to a foster mother
lx: heecee
pd: (heeceeyey)
ps: v2b=
key: heecee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heedhe
Erey qofka lala hadla hayo lagu yiraahdo oo ulajeeddadiisu tahay hee dheh; iga wargur, i maqal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heedhe
fk. la-mid: hee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heedhe
inter. say yes!; right?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heedhe
(falkaabe) qof lala hadlayo lagu yidhaahdo oo ulajeeddadiisu na tahay, 'hee i dheh', 'warka iga gur' 'i dhegeyso'.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heedhe
de: say yes!; right? Word used to encourage a person to pay attention to one's speech
lx: heedhe
ps: intj
key: heedhe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heeshi
(Heeshi-ga)
(ceel, xoolo irmaan, ...) caano ama biyo ama wax kale oo la mid ah oo aad u tiro badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heeshi
m.l Barwaaqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heeshi
m. n., [collective] abundance, excess, overflowing; prosperity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeshi
-ga: (magac, lab, keli) xoolo ama caano ama biyo ama wax kale oo la mid ah oo aad u tiro badan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heeshi
de: abundance, excess, overflowing; [ext.] prosperity
lx: heeshi
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m-col
key: heeshi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Si wareeg ah u safasho (dad).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayees
(fal) weydaw oo qof dhuuban noqo. Intaad cuslaan lahayd xayees. Dh: dhuubo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeedhe
-ha: (magac, lab, keli) qof waxyeellada dadka ka damqada oo had iyo jeer gurmadkooda isku mashquuliya. Yeedhe hadduu yeedho dhibbaa jirtee eega. Dh: yeere, yeedheyeedhe.
yeedhe -ha: (magac, lab, keli) qof waxyeellada dadka ka damqada oo had iyo jeer gurmadkooda isku mashquuliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yeekee
(fal) eeg yakee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleelee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax aleel ku qurxin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aleelee
v. decorate with cowry shells
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aleelee
de: decorate with cowry shells
lx: aleelee
pd: (aleeleeyey)
ps: v2b=
key: aleelee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Dhunko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashee
(fal) eeg baashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caydhee
(fal) eeg caydhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haalhee
f.mg2 (-heeyay, -haysay) Wax isu xilsaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haalhee
v. take responsibility (for), organize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haalhee
(fal) arrin ama wax kale, xilkiisa qaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haalhee
de: take responsibility (for), organize (with preposition u)
lx: haalhee
pd: (haalheeyey)
ps: v2b=
key: haalhee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haansee
f.g2 (-seeyay, -seysay) Wax qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haansee
(fal) wax qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heensee
f.g2 Faras heense saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heensee
v. saddle up (a horse)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heensee
-yey/heenseysay: (v) saddle a horse; saddle (saadhel)