haydarokoloorik asiidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydarokoloorik asiidh
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haydarokoloorik asiidh
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarbogsilik'asiidh
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guud tahay COOH. Kaarbogsilik'asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarbogsilik-asiidh
m.l (kiimika) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbog-silik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaarbogsilik-asiidh
m.l (kiim.) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbogsilik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.